site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cqisadii ciise (c.s.)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Cqisadii ciise (c.s.)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luqmaan

Thursday, June 15, 2000 - 09:47 am
assallaama calaykum.halkaan waxan jic lahay inaan ku soo qoro qisadii nabi ciise oon kitaabka quranka ka soo qaatay.(ku xusuuso)kitaabka maryama, markay uga fogaatay ehelkeedii meel bari ah,(bariga Qudsi).oyna kayeelatay xaggeeda astur oon u dirnay xaggeeda ruuxanagii(jibriil)oo isugu shabahay dad eg.una tidhi anigu waxaan kaa magan galay(Eebaha)raxmaana hadaad tahay mid dhawrsada.kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan inaan ku siiyo wiil daahir ah.waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan itaaban dad,ahaynna mid xun(La tuhmo).wuxuuna yidhi waa sidaas,wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeelo calaamad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay(dhameeyey).way xambaartay(uurowday)waxayna u fogaatay meel dheer(durugsan).waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arintan oon noqdo mid la halmaamo o laga tago.wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi(yar).una gilgil xaggaaga jirrida timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane.ee cun oo cab qabowsana il(farax)hadaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray(eebaha)raxmaan oon u soomi oonan lahadlin maanta maanta cidna.waxayna ula timid ciise qoomkeeda iyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamow waxaad la timid wax wayn.haaruu walaashiiseey(u eg wanaaga)ma eheyn aabahaa ruux xun,mana ahayn hooyadaa mid xun(la tuhmo).wayna u ishaartay xaggiisa waxayna dheheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan sariir ilmood isagoo yar.wuxuuna yidhi(ciise)anigu waxaan ahay adoon Eebe,wuxuuna i siiyey kitaabka(injiil)wuxuuna iga yeelay nabi.wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay,wuxuuna ii dardaarmay salaada iyo zakada intaan noolahay.wuxuuna iga yeelaybaariga waalidaday(hooyaday)igamana yeelin madax adage xun.nabadgalyona korkayga ha ahaato maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta lay soo bixin anoo nool.kaasi waa ciise ibnu maryama,waana hadalka xaqa ah ee ay shakin.kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo,waana ka nasahanyahay,markuu doono xukun<<amar>>wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.Ilaahay waa Eebahay iyo Eebahay ee caabuda,kaasaa ah jidka toosanee..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.