site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ASALAMU CALAYKUM.BOOQASHO IYO WARDOON!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ASALAMU CALAYKUM.BOOQASHO IYO WARDOON!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Friday, June 16, 2000 - 04:31 pm
ASALAMU CALAYKUM.
DHamaantiin walaalaha waad salaaman tihiin.waxaana idiin rajaynaya naxariista rabi inay korkiina ahaato.
waa walaalkiin maskiin oo mudo aan halkan imaan
idina soo siyaartay bal waxa hada meesha ka socda.

Runtii waxaa ii muuqda isbadalo dhowra,sida meesha oo mar ahaan jirtay guri cilmi iyo khayr oo hada guri kaftan iyo dood noqotay.

Waxaa kaloo ii muuqda in dad badan oo qoraalo muhiima soo qori jiray ay meesha ka maqan yahiin.

Marka wardoon baan nahaye noo warama Maxaa Isbadalay?Qoladayadi meesha ka tagtay markii somalinet waxba naga maqli weyday ma nalaga raystay oo ma ha nagu soo noqonina? mise waa si kale? walalayal bal noo warama!

ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xujo.

Friday, June 16, 2000 - 04:37 pm
Miskiin wacaleykum asslaam waraxmatullaahi. Meesha muddaba waa halleysneyd cillad xag farsamo haddana waa hagaagtey waxaa laga yaabaa dadkii imman jirey iney iska caajiseen ama shayaadiintii loo jawaabi jirey ilaahey meesha ka qabtey. Marka soo dhowoow adiga welcome back oo ka qeyb qaado meeshii aad is tiraahdo waa habboon tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 03:14 am
,,,,,,,,Sheekhii Sheekh weyne ahaa Waa Sheekhal Miskiini oo in mudaaba aanan meesha ka Xadreyn baa soo caga dhigtay Sheekhoow bal soo dhawoow,,


,,,,,,Miskiinoow horta waxaad ahayd Sheekh wanaagsan oo kolkii Xaqqa Eebe iyo hiddigii Rasuulka in la gees maray aanu is niraaho Sheikh aanan gaabsan ee Seeftiisii caseyd galka kala bixi jiray oo intaa hanuunka eebiyo iyo Salalaahida uunka wada maqashiin jiray oo haddanna Wad-aadyadu waa kala yihiine Adigu waxaad ahayd mid aqoon, Digri iyo Xadraba lagu manaystay..........

,,,,,Miskiin gamco furan ku soo dhawoow inkastoo beryahan kadaato ay Culimaaul diinkii meejan ka yara gaabsadeen oo wax Caamadii haga la la'yahay, Adiguse Culimada Aqalkan udub dhexaadkiisii muday baad ka mid ahaydoo ha is martiyeen oo soo dhawoow aanu wanka macasha weyn kuu khaloo Xadradu yaanan kala go'in ,,,Saloo Calaa Nebi,, Allahuma Salli Wa Salim Wa Baarak Caleeh!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Tuesday, June 20, 2000 - 12:33 pm
ASALAMU CALAYKUM.
XUJO&NEEFOWKANIINI WAAD MAHADSANTAHIIN.

INSHAA ALAAHU WAXAAN RAJAYNAYA IN MEESHU SAY AHAAN JIRTAY LAGU SOO CELIYO AANA KALA FAA'IIDAYSANO.

KAFTAN AHAANA NEEFOW AMAANTA DHAAF YAANAN WAX ISKU QASIN INTAAN BALO ISU QAATE,SHAYDAANKA HA IIGU KAALMAYN.

SIKASTABA JAZAKUMU LAHU KHAYRA JAWAABTIINA WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Saturday, July 01, 2000 - 08:20 am
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu:

Akhi Miskiin:

walaal waxaan ku farxay soo noqoshadaada aad ku soo noqotay forumska insha allahna waxaan ka sugaynaa casharadaadii aan kaaga baranay ilaahay khayr hakaa siiyo aamiin.

walaal ilaahay subxaanu wa tacaala waxaan ka rajaynayaa in uu inaga qabto inta rabta in ay wax ka sheegan diinta islaamka ah, Anagana naga dhigo kuwii fahma xaqa oo aan ku tacadiyin waana walaashaa uma ahmed oo ku soo laabatay ont.
hadana walaal waxaan kaa sugnaa cilmigaagii oo aad nooga faa'idayso insha allah wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

ukhtakfilaah
Uma ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Thursday, July 06, 2000 - 06:35 pm
ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA/
Jazaakalaahu khayra yaa UMU AHMED/YASMIN.
Yaa ukhtii runtii waxaad ka mid tahay walaalaha aan ilaahay darti ku jeclahay,runtii adiga iyo walaalaha kalaba waan u xiisay laakin meeshu wali way qasan tahay.
Waxaan furay qaybta ah MISKIIN MAXAA LA GUDBOON?
halkaas baana ku sheegi doona in meesha lagu sii jiri karo iyo in kale,waana arki doona bal natiijada forumska,ilaa hada waan ka niyadjabsanahay jawaabaha aan ka helay walaalahi aan meesha khayrka ka wada wadnay waxaana ka dareemaya ducfi,balse khayr alaha ka dhigo/
UMU AHMED kawaran meesha ku soo noqotay malaa waxaad timid ayadoo is badeshay/
KHAYR BAAN KUU RAJAYNAYA/WA SALAMU CALAYKUM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.