site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAR CULUMOOY CUMAR FARUUQ YAA KA WARQABO IYO JABUUTI

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): AAR CULUMOOY CUMAR FARUUQ YAA KA WARQABO IYO JABUUTI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinasir

Monday, June 19, 2000 - 02:34 am
Walaalayaal bacda salaanta islaamka, waxaan jecelaystay in aan idinku war galiyo in shirka carta ka socda ee jabuuti walaalaha soomaliyeed ku heshiisinayso(khayr alle ha ka siyee) laga daawado canalo tv oo jabuuti furtay, mid ka ah dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee laga sii daayo tv-codka nabda waxaa ka dhex muuqday sheekh cumar faaruuq oo soomaliyeed ku tilmaamey in ay ka liitaan dameeraha, waxaa la yaabey insaanku miyaanu aheyn midka abuuridiisu alle ay aad ugu weyn tahay, lagna doortey oo laga kor yeelay makhluuqadaka kale ee eebe unkay, waxaa is weydiin leh sheekh siday ka noqotay,
mida kale waliyul-amriga xadiiska nabigu SCW, uu ee sgeegay in loo hogaansamo waxa uu sheekh si cad u yidhi waa ismail cumar geelleh ah jabuuti xukuma, oo kitaabka alle aan wax ku xukumin, waxaan xusuustaa qolooyin suufiyaal ahaa oo siyaad barre siday u amaanayeen markii danbe gaadhsiyey in uu sifooyinkii rasuulkii alle SCW,oo kale leeyahay sida magaciisa oo maxamed ah , xaskiisa oo sidii ummadii muminiinta la dhaho khadiijo, walaahay walaalayaal sida sheekhu u dhaqmayey xafladii furitaanka shirka waxaad moodaa kuwii oryateeshindii xamar ka qudbeyn jirey ee aan xaq iyo cabsi eebbe sheegi jirin, lakiin daaquudada amaanta iyo burhantooda ka sheekeyn jirey, allow noo gar-gaar oo daaquudada maanta islaamka saydareyey yanaan xukun iyo dhadhamo ka raadin,
walaalayaal waxii aan gaf falay halyga cafiyo,
wa-bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 19, 2000 - 02:45 am
,,,,,,Oo ma wax kalaad ka sugeysay,, Wadaad halka Wanka macasha weyni lihi lagu soo xiro inuu ka Xadreeyo uun mooyiye se ninkan kade maxaad tiri Sheikh Cumar Al Faaruuq aad sheegtay Anigu Aqoonba uma lihi se kolley magacyadii aan ku iqiinay waa wataa!!!!!!!!!..


,,,,,,Kuwaadse kolley berrito aad arki halkan isku soo buurta oo yiraah waa Sheikh ul Calaama,,Calaama ku raacday idim alle eh,,..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed yare

Monday, June 19, 2000 - 04:39 am
salaamu calaykum,

to cabdunaasir,

walaal marka hore ILAAHII ku abuurtay ka baq waana la dhimanayaa xisaab baa danbaysa. inataa kadib,waa mida koowaade sheeq cumar faaruuq tobankii sano ay soomaaliya dawlad la'aanta ahayd buu umada ku guubaabinayyey in ay alla ka baqaan oo uu umada soomaaliyeed oo qabyaalada ka waantoobaan oo dawlad islaami ah samaystaan isagoo waliba aduunka dacaladiisa umaray in uu soomaali weyn mugdiga ka saaro.waxaa jiray in uu sheequ CANADA yimi si uu jaaliyada qabiilku dilooday la isu keeno,waxayse xaajo gaartay in niman soomaaliyeed oo munaafiqiin ah ay dawlada canada ay ka dhaadhiciyeen in sheeq cumar faaruuq uu yahay nin terorist ah ayna CIS ah ciidamada sirta ay dabadhigtaan sheeqa.

hadaba walaal waa iga su'aalee umad 10 sanadood iscunasay,isgawracaysay,iskufsanaysay,isxaqiraysay,isdhakraysay,iscuryaaminaysay,heshiina kariwaysay koodii munaafiqa ahaa koodii cadawga ahaa iyo koodii riximka u ahaaba seegtay kala saaridooda,maxaad ku tilmaami lahayd?

hadii uu ISMAIL CUMAR GEELE ama shaqsi kale oo soomaaliyeed wax wanaagsan uu sameeyo ma in ma in lagu dhaleeceeyaa mise in lagu amaano ALENA loo baryo in uu qayr siiyo ama wadada toosan ku hagaajiyo.

walaal anigu kuma lihi hawaanba SH cumar wuu saxsan yahay oo bani aadamku qalad waa uu gali karaa laakiin wax suurta gal ah ama macquul ah shirka la imoow!

wa salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umu Zakaria

Monday, June 19, 2000 - 05:01 am
War
waa maxay waxan meesha wax ku soo qoray,waxaan u jeedaa mid kan la baxay neefoow.
walaal isagabax qeybahan oo kale kuma wanaagsanide oo raadso meel lagaa fahmayo.

TO: Walaalkey cabdinasir, Asalaama caleykum waraxmadulaahu.Kadib walaal waxaat xusuusnaataa
in sheekhu uu yahay qof biniaadam ah uuna qaldamikaro, mida kale walaal aan iska ilaalinu in aan wax ka sheekno culumada ilaahay sabab too ah waxaa yiri dad ku farxaya xumaanta dadka wanaagsan markaasna isku dayaayo in ay iyaguna u soo raadiyaan ceeb hadaba walaalayaal aan isu daynu in aan ka fogaano waxaas oo kale.

fadlan cafas, hadii aan idin iri wax aad ka xumaataan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

brother.

Monday, June 19, 2000 - 10:35 am
umu zakariya waad mahadsan tahay. allaa ya cizak. ninkan neefoow si fiican baad ugu sheegtey meeshuu ku habboon yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2000

Monday, June 19, 2000 - 11:07 am
WAAR CULIMADA MAXAA WAX LOOGA SHEEGAYAA OO LOO FAARFAARAYAA.OO ADIGU INTEE KHALAD AH BAAD GASHAA MAAD IS XISSAABISID ADIGU WARYAA.MARKAAD DADKA DIINTA WAX U SOO QABTAY CEEBAYNAYSID.SH.CUMAR FAARUUQ WAA NIN CILMI LEH KHALAD WAA GALI KARAA YOO WAA BINI AADAM,LAAKIIN IN CULIMADA LADURUU WAX LAGA SHEEGO MAAHA.WAR WADAADADA WAX HAKA SHEEGIN,.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahad

Tuesday, June 20, 2000 - 04:12 pm
c/nasir saxib sheekha khudbadisa way dheerayde maxaa adiga kaa tusiyay meelaha mugdiga leh nin yahay ilah ka cabso oo khayrka fiiri sharta iska dhowr culumada ilaahna faraha ka dayso ma maqashay gabaygan uu imamu shafici tiriyay

qum lil mucalimi waqfata tabjiilan
kaadal mucalimu an yakuuna rasuulan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Tuesday, June 20, 2000 - 08:35 pm
Asalaamu Caleykum

Hadalkii oo dhan waa la dhameeyay wuxuu warka ku eg yahay NIN WALOOW CEEBTA ISHAADA KU MASHQUUL MID KALE HA RAACRAACIN.

Xusuusnow akhristoow in xadiiskii nabiga uu ahaa
"Qofkii ceebta walaalkiis astura, Ilaahey baa tiisa astura, au kamaa qaala caleyhi salaam."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islaam@usa.com

Wednesday, June 21, 2000 - 01:01 pm
ASSALAAMU CALAYKUM

CULIMADU HADDAY ASIIBAAN DADAAL KADIB ALLE WUXUU SIIYAA LABA AJAR, HADDAY GEFAANA HAL AJAR SIDA UU RASUULKEENII SUUBANAA NABADGELYO KORKIISA HA AHAATEE INOO SHEEGAY.

ILAAHAYOOW CULIMADA DENBIGOODA DHAAF, ILAAHAYOOW NAXARIISTAADA KU DEEQ, ILAAHAYOOW WAAFAJI KHEYRKA.

Walaalayaal waxaan idin xasuusinayaa, waxaan la hadlayaa walaalaha kheyka jecel arin yar:

Waxaad ogaataan haddii la rabo in wax la caayo inaan cay loo wayn, tusaale yar haddaan idin siiyo waxyaabaha dadku aad u jecel yihiin ama markay wax amaanayaan ku sifeeyaan waxaa ka mid ah MALABKA waana shayga aad ogtihiin oo Alle dunida u keenay DAWO darteed suurad dhanna loogu magac daray, oo waata la yiraahdo qofkaasi waa malab ama waxaasi waa malabkoo kale, isasagana haddii la rabo in wax laga sheego ama la caayo waxaa la oran karaa malabku waa Shinidu wax ay soo tuftay iwm, haddaan si kale u iraahdo ama u tilmaamo waxaan ka baqayaa inaad dib u cabi weydaan.

Marka anigu lama yaabani qolyahan isu jiibinaya CULIMADANA wax ka sheegaya waayo Soomaali qaar ALLE subxaanahu watacaalaa iyo Rasuulkiisaba calayhi salaam wax ka sheega ama caaya baa ku jira, ALLE hortiisayna ka helayaan.

Wax badan baan aragnay dad CULIMADA zilooyinkooda raacraaca wanaagooda iyo kheyrkoodana xaqira laakiin xaalkooda iyo waxay ku danbeeyeen laga naxay.

walaalayaal ninka suurada AL ACRAAF ka sheekaysay ee Eyga suuradu ku sifeeysay, waxaa la wariyaa inuu ahaa nin NEBI muuse wax ka sheegi jirey, waxayna culimadu yiraahdeen waxaa la mid ah oo sidiisoo kale lagu arkay qofka CULIMADA wax ka sheega.

Allaah ha ina xafido shaydaanna haynaga ilaaliyo culimada dayacaan hore u dayacnay ka war hayn la'aantoodii kan jiran kan gaajaysan iyo kan dhibaato kale haysato iyagoo ku hawlan waraabinteena iyo wax baristeenna waxaan ugu dray duris iyo wax ka sheeg, shiikh CUMAR FAARUUQNA in Caalim iyo Callaama lagu yiraahdo ALLAA ka deeqay ALLE ha xafido Aduunka Aakhirona ALLAAH Jannatu Al Firdawsa al'aclaa ha geeyo. Aamiin.

Neefoowkaniini; NEEFI ku dishay KINIINNA laguu waa.

Wabillaahi Tawfiiq
Walaalkiin
Islaam@usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Thursday, June 22, 2000 - 02:56 pm
Assalamu Caleykum (muslimiinta)

Walaal,

Sideedaba, waxaanu nahay 'INSAAN' khalad ama
gefsuubin kara, sidaa darteed maahin in TOOSH
la iska daba qaato ee waa in aaynu isu ceeb
qarinaa.

Markaa walaaloow haddii aad wax khalad ah aragtay
Alle u bari qofka in uu hagaago, afkaagana ha ka
amaan helo, sidaas baa wanaagsanee.

Bal fitinta iyo khurunka ka dhallan kara mowduuca
noocan oo kale ah bal fiiri. Dadka caamada ah iyo
sharwadayaasha oo dhan ayaad meel u xaareysaa.

Aakhira Allaah uma sameyn cayaar-cayaar, ee ha la is dhowro, insha'Allah.

=============

To Neefoowka.....,

Ninyahoow Allihii ku abuurtay ka baq.

Sideedaba sheekoyinkaada badankeed
waxaad ulajeedaa maad & in laguu qosqoslo,
ee walaalow qosolka ha eedin!
yuusan Shaleeyto kuugu xigin.

Walaal haddii aad tahay nin muslima
Ka dhowrso waxyaalaha iyo waxyaalo kale
oo la mid ah inta 'fun..fun' umaleysid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibncumar

Sunday, July 16, 2000 - 07:11 am
Aad ayuu u khaldan yahay dadka culumada caada ka dhigtay wax ka seegitaankooda. waxaad o gaataa in culumadu tahay dadkii dhaxlay anbiyada ilaahay oo cilmigoda ku dhaxleen,hadii aad wax ka sheegtaana aad tihiin dad wax ka sheegay anbiyada ilaahay.
waxaan u arkaa nin jaahil oo akhlaaq darn kan wax ka sheegaya sheekh cumar faaruuq oo ah caalim umaduna isku raacsantahay isla markaasna u hayso xushmad iyo qadaran, laakiin adigu yaa ku yaqaan waxaad tahay??!! iyo meesha aad ka socto.
aad yaad u edab daran tahay ee nin yohow xishoo culumadana afkaada xunka sii jeedi!! akhlaaqna yeelo, hadii jeceshahay in aad dad wax ka sheegtana raadso dadka mujrimiinta ah ,laakiin culimada ha ku soo jeedsan.
allaha kugu anfaco.
Maxamed SH Cumar Faaruuq
ibncumar@hotamil.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Islaam@usa.com

Monday, July 17, 2000 - 12:10 pm
Assalaamu Calaykum
Walaalayaal anigoo halkan hore uga hadlay una jawaabay ninka inuu diin fahansan yahay sheeganayey SHEEKADANNA bilaabay u jawaabayey WALLAAHI baan ku dhaartaye markaan SHIIKHA difaacayey DANNI wanaagsan iyo kheyr aan ku ogahay baan ku difaacayey laakiin waxa XALAY ALLE weyne fursad ii siiyey inaan daawado ama waxaan dhegaystay hadalkii shiikha uu ka yiri SHIRKA JABUUTI waxaase ALLAAH II RUMEEYEY danigii aan SHIIKHA u hayey wixii lagu sheegayeyna BEEN iyo KADIB shiikha lagu hafraayo.
Waxaan mar kale oran lahaa dadka CULIMADA inay wax ka sheegaan caadada ka dhigtayoow intaan carabku idinka soo dhicin si dhab ah ama si dadban iyo iska hadal bilaa macne ah ALLE idinku fidnayn toobad keena.

Walaalkiin
Islaam@usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umuzakaria

Tuesday, July 18, 2000 - 08:25 pm
Assalaamu caleykum.
walaalayaal ilaah ha idin ka abaalmariyo wanaaga aad u haysaan diinteena sharafta leh, aad ayaan ula dhacay sida wanaagsan ee aad u difaacteen sheekha.

walaalayaal waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado chenalka aan ka daawankaro qudbadaas iyo wixii la mida marka idinkoo ku mahadsan halkan iigu soo dhaafa wixii faahfaahin ah.

wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinaasir

Wednesday, July 19, 2000 - 01:14 am
Assalamu Calykum.

Walaalyaal waxaan jecelaystay in aan ku soo noqdo mawduucii hore ee aan hore u furay(ALLENA WAXAAN KA BARYAYAA IN AANAN KU FIDNOOBIN, INA CADHO GALIN DADKA WAXAAN QUMANEYN QORAYA).

Walaalayaal waxaan aad ula yaabey oo nasiib daro ah in dadkeenu maanta ay dhib ku tahay in ay marka hore wax fiiriyaan, hubsadaan, kadibna waxii alle ku maneystay oo cilmi ah ama caqli ah ka dhibtaan.
Waxaa kale oo yaab leh waa goorma goorta la jideeyey in XAQA aan la sheegin, MUNKARKNA aan la nahin!!!!!, waa goorma goorta la jideeyey in CAY IYO AFLAGAADO LAGU DIFAACO DIINTA ALLE IYO CULUMADBA!!, iyadoo laga tegay in NAS IYO DALIIL LALA YIMAADO, sow tii dadka alle ka cabsada lagu yaqaan khalaaq iyo urursanaan, sow cajiib ma ah in qof caytama oo aan xishooneyn inuu ku doodo culumadaan difaacyaa!!!!!!!, mida kale maxaa la yelaa haddii dadkii weli ay isaga qasan yihiin in xaqa oo la shegaa ay ka kheyr badan tahay, in loo tacsubo QOF,QABIIL, XARAKO, IYO GOBOL!!!!!!.
mida kale walaalyaal bidcooyinka soo kordha hadaan la iftiimin, la sixin, lagna digin oo layska aamuso, ma noqonyaan ummad kherka is farta, xumahna iska reebta!!!!!!,

Walaalayaal mar kale waxii aan horey u qoray waxaa markhaati iyo shaahado u ah in maanta oo meesha ay culumo iyo kuwo badan oo aynu tuhmayno in ay alle ka cabsadaan xaadir yihiin (jabuuti) in kitaabkii alle la tuuray, ummaddii mar hore la burburiyeyna, intii ka soo hadhay in lagu tala galay in jidka alle laga leexiyo(ALLE KAMA AQBALYEE) oo dastuur sheydaan loo qoray, iyadoo in la ridiyoo oo laga bari ahaado iska daaye, aan ilaa hadda la maqal oo la arag wax ALLE IYO MAALINTA QIYAAME KA CABSANYA OO CODKOODA KOR U QAADA, DIIDANA IN LAGU DHAQMO WAXAAN KITAABKII ALLE AHEYN.MARKAA MAANTANA MA SHEEKH BAA WAX LAGA SHEEGAY, MAXAADSE ODHAN!! OO YAAD DIFAACI! MA DASTUURKA!!, MA RAGGA DABDA KA RIIXAYA, MA ANIGAAD IGU QAAD-QAADI!!, MISE WAXII ALLE KU FARAY BAAD KU DHAQMI!!!

Walalyaal anigu hadaan bilaabo waa camal sheydaan waxaa la qor-qoray, ALLOWNA IGU OGID IN AAN ADEECO, OO KU DHAQMO, waxaana rejeynayaa in aynu noqono kuwa xaq iyo diinta alle siday tahay ugu adeega, oo aan iska jawaabin indho la'aan iyo nin tooxsi awgeed.

"ALLOW NAGA YEEL KUWII WAANADAADU ANFACDO"

Wasaalumu Calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Wednesday, July 19, 2000 - 03:58 am
Abdinaasir.
Assalaama calaykum.

Marka hore eebe xaqa nawaafajiyo dhamaanteen, waxaa kaamuuqata in aad khayrka jeceshahay laakiin yaynan taasi kugu xambaarin xad gudubto sidii ay ulumeen dadbadan oo khayr jecayl dartiis u habaabay.

Mida kale waxaad kahadashay in munkara lareebo wanaagana lafaro taasna waatan cumalda shirka tagtay geesay ee uma aynatagin raar aymatalayaan iyo casuumaad ee helaan midna.wax awood ah aykuleeyihiin talada majirto in ay yiraahdaan war ALLE kabaqa mooyaane.

Mase ogtahay inta fasaad iyo munkar sababtooda ku baaba'ay ama ayku joojoyeen!,Ayagoo kaduulaaya maqaasid sharci ah mar hadii aynan munkarkarka oo dhan aynan zuulinkarin in ay yareeyaan waatii ay jirtay qaacido ahayd MAALAA YUDRAKU KULLAHUU LAA YUTRAK JULLAH.
Intaas waaxaa dheer dabcan latashiga aylasameeyaan culamada aykutuhmaayaan cilmiga iyo khayrka, waatii shariifkana uu kahadlay arintaas marka ninyahaw waxaan kugu nesteexayn lahaa culamada yaan lahorboodin ee halaga danbeeyo xaqoodan aan siino. wallaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARBAAR

Wednesday, July 19, 2000 - 11:54 am
ASALAAMU CALAYKUM, Asaari iyo C/nasir doodiina aad baan ula dhacay waxaana fiican in doodaha laga dhigo dood cilmiyeed daliilwadata oo laga daayo cayda iyo israadraaca aan xigmada ku salaysnayn TO. C/nasir xaqa waa la sheegi karaa xumaantana waa la reebi karaa,Culumaduna waxay nagu leedahay qadarin, Hadaba culumadu haday khaldanto waxaa ehel u ah in ay saxaan Culumada kale ee waliba goobjooga ah. Hadaba C/nasir adigu caalimatihid goobjoogna matihid ee akhii culumada ha ku dagdagin oo waliba jid ha ugu sii banayn dadka ardaasha ah. OGOWNA qofku wuxuu jideeyo oo xumaan iyo samaan ah buu helaaye. MIDA dawlada iyo tastuurka waxaan qabaa in ay dagdag tahay in aynu ka hadalo hadeer waayo wali macada tastuurka cida diinta u nisba sheeganaysa oo kuraacsan sidaas, AMAA culumadu in aymeesha tagaan oo xumaanta ka reebaan waxay awoodaan waa waajib. Hadaba goobjoog manihin dowlada la sheegayaana wali jabuuti madhaafin hadaba yaan la degdegine haloo fiirsado hana la sugo waxay la timaado intaynaan iskuba danbaabin, OGAADANA daniga xun ee aad walaalkaa islaama ku daniso adigoon goobjoogna xitaa ahayn diintu waa diidaye allena wuxuu yiri (INA BACDA DHANI ISMI)
walaalha waxaan ka codsanayaa qofkii hadalkayga dhibsada in uu iska soo kay cafiyo
WABILAAHI TAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuur

Unrecorded Date
Assalamu calaykum

waa idiin salaamay, intaa kadib haddaan waxyar kudarsado dooddan.
Ma sheekha ladhaleeceeyey mise mawduuca ay sheekadu dabada kuhayso.
Arrinta sheekha waxaan dhihi lahaa mafiicno in dadka laweeraro waliba lugu weeraro meel caama ah sida goobtan oo kale, wuxuu xaq uleeyahay inuu qofku u nastaxeeyo qofka kale ee walalaalkii ah si gaar ah waa hadduu awoodo haddii kale uu iska aamuso ama waxa uu arkay ee khaladka ah farta kufiiqo asagoon cidna magacaabin oo markaa yiraahdo dadbaa khaladkaa sammeeyeyee halaga diktoonaado oon lugu dagmin.
Taa waa aragtidayda mawduuca duridda sheekha.
Arrinta kusaabsan mawduuca shirka ee ay arrintu dabada kuhayso. Qofwaliba wuxuu utagay meesha unbaa loo xisaabi aakharo ninkii wax wanaaji islahaa iyo kii kaleba,wax walbase waxay kufiican yihiin in aasaaska lagahagaajiyo haddaan taa lasammayn way adagtahay in wanaag yimaado. Wanaagna sidiisaba waa laraadiyaa oo ladhaliyaaye iskama yimaaddo.
Dhibaatada nugu habsatay halmeel weeye asalkeeda taana waa ilaah oo lacaasiyey oo qudha. Qabyaalaadda iwm waa ciqaab sida cudurada oo kale dadka lugu ciqaabo kadib markay madax adaygaan.
Carta waxaad mooddaa in cisyaan hor leh lugu billaabayo siduu kaga dhawaajiyey Abdinaasir oo ah in lahirgaliyo nidaam dawlo oo loogu magacdaray Dimoqraaddi kunasii salaysan qabyaalad iwm.
Waxaan iswaydiiyey war dadka meesha isugutagay miyeyna ilaahay rummayn siday kudhacday inay garab maraan xalkii Ilaahaygii aduunyada dhisay usoo dajiyey in lugu xalliyo dhibaatadeeda ooy waxaan carabka lamarin karin uga dhigteen habmaamuus.
Wadaadada meesha tagay umalaynmaayo inay utageen waxaan khayr ka'ahayn goobta balse waxaa halkaa dhigtay tabar yari kuslaysan dhaqanka soomaalida oo ah mid soosaara qofba qofkuu kaxunyahay hoosna u dhiga midba midkuu kafiicanyahay, sababtoo ah iyadooy jiraan jammaacooyin islaami ah iyo culumo aad u badan oo waligoo xaq iyo khayr raadis ahaa ayaan haddana hal qof sirasmi ah looga casumin tasoo kutusinayso inaan laba qirsanayn. Haddii ladiido inlugu qiro labo unbaa kuufuran in aad shib iskatiraahdo ama aad xoog isticmaasho waa haddaad xoog leedahay culumada soomaalidana waxay kukhasban yihiin ta hore maadaama uusan boos u bannaanayn, tabarna aysan jirin.
Haddii xalwaara iyo khayr lagarabo soomaaliya waa in ilaah la'adeeco asagana latalosaarto waxna lugu xalliyo axkaamtiisa uu xalahaan usoo dajiyey.
Haddii kale waynu arki meeshay waxkudanbeeyaan haddii alle idmo, intaa kahorna yaan la'isxagxagan la'isna durin goobta waa goob ilaah xaalkeeda ogyahayee.
Nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Islaam@usa.com

Unrecorded Date
Assalaamu Calaykum

WALAALAYAAl

Waxa ii muuqata inaad rabtaan in dowlad ISLAAM ah CARTA ka dhalato, waxaadna ku celcelinaysaan waxa soo socdaa waa DIMOQRAADIYAD, laakiin waxaan idin weydiinayaa hal SU'AAL, ma taqaaniin dowlad ISLAAM ah mise waa iska maqasheen oo qura?

Raali iga ahaada waxaa ii muuqata inaad iloowdeen ama aydinaanba aqoon in Dowlad islaam ahi tahay JANNATU DUNYAA!!! Jannona waxaa gala MU'MIN, marka mu'miniin ma nahay.

Waa taas mida keentay inaad DADKA qaarkiis CULIMADA u dudaan ama caroodaan amaba kaba sii darane DURAAN, waayo CULIMADU waxay arkayaan in MAANTA loo baahan yahay DAWLAD waxay doontoba ha ahaatee, wayna ila saxsan yihiin aniga 100%.

Waxaan hadalka kusoo gebagebaynayaa ha u dudina waxaydaan SHAQAYSAN, DAWLAD islaam ahi waa jannatu DUNYAA jannona waxaa gala ruuxii shaqaysta ee hala shaqaysto, in CULIMADA wax laga sheegona ma aha camal jannadaas lagu galo ee waa CADAAB iyo CARO ALLE e inaga ilaaliya.

Walaalkiin
Adam
Islaam@usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Unrecorded Date
Asslaamu caleykum.

Aniga niman yohow waan idinku wareerey ee wixii san ilaahey hanna tuso. Sababtana waxey tahay sidee ayaad u talo saaran kartaan nimaad ogtihin inuu yahay Qaad cune, alle goye,ma tukade,qabiiliiste,qaraaba gooye,dad isku dire,dhiig ka dullaale, waddan gube,damiir laawe, bililqeyste,dhace,boobe,ciid iyo calan gube ah,kala qeybiye ah. Waxaas iyo wax kasii daran yaa shirka jooga kuwana la dhowrayaa iney tagaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinasir

Unrecorded Date
Asslaamu Calykum

TO. Maxamed Sheikh Cumar-Faaruuq

Walaal maxaed aad iyo aad ayaan uga xumahay in mawduuca halkan aan ku soo bnandhigay uu si gaar ah kuu taabtay, ma aheyn ujeedaydu in aan halkan ku aflagaadeeyo ABAHAA SHEEKH CUMAR-FAARUUQ, lakiin waxay aheyd dhacdo cusub oo ka dhex dhacdey ummadeena alle ka cabsigiisu ku weyn yahay, una baahneyed in laga munaaqashoodo amuuraha caynkaas oo kale ah iyo ataarka ay ku reebi karaan saluuga suuban ee diinteena islaamka ah, inkastoo aad iyo aad u caytan tay oo aan runtii taas gacan kugu siineyn in adigoo dhal culumo ah aad u dhaqanto sidii mid aan ka dhalan usro barbaarin islaami ah leh, waa yaabe maxamedow haddii dhashii culumadu sida tan u dhaqanto, tii caamadu dhaleen maxaa laga filayaa!!! soomalidaa waxay hore u tiri" MAS BAA MAS DHALA, MASNA ABUR BUU DHALAA"
Gabagabdii walaalow waan ka shaleynaa in aan qalbigaa cadho ka abuuray oo aan abahaa magaciisa halkan ka muujiyey,

Wa-bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Wednesday, August 16, 2000 - 12:22 am
Salaama Calykum

Walaal cabdinaasir kheyr alle hakaa siiyo sidaa aadka u sareeysa ee aad qoraaldaada u soo badhigtay, walaal waxaa maanta rumoobay kurbaadi kaa heysay culumada shirka ka dhex dhawaaqaysaa waxay rabaan, taas maanta waa la ogaadey, waxaan tusaale cad u ah inay ay hawl aduunyo iyo dhadhamo aan waqtigeedii la joogin ay meesha ka dooneen , waxaa tusaale qof kasta u ah in SHEEKH CUMAR FAARUUQ UU NOQDAY XUBIN BARLAMAAN AMA DIBUTAATI, BARLAMAAN CILMAANINIMO LAAGA SHAQEYNAYO, ARMUU KA SII BOODAA OO WASIIRNIMO QALQAASHADAA!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Wednesday, August 16, 2000 - 07:52 pm
Maxaa dhibaatoo ku jiro hadii uu noqdo wasiir ama congress man ma waxad rabtiin in islamku u shaxeyo doqoshyada dugsiyada iyo masjidada salaada islamka waa diin loogu talo galay in wax lagu maamulo hadii uu shekhu uu ku guulaysto inuu noqdo vise presdentiga algore waxay dan u tahay mujtaca muslimka guud midka somaliyed gaar,wuxuu noqon doona xubin difaacda mabaadi'da islamka barlamanka dhexdisa mise waxad rabteen inay ay wadaadadu banaamanka ka camberayan dawlada islamiyinta dunida waxay u dhimanayaan inay helaan xitaa xubin maamul degmo nasiib aan leenahay hadaan helnay xubin barlaman,mida kale aniga waan la yaabay soda uu u caytamay inanka aabihii ku abtirsaday,ma ahan nahjiga aqoon yahanada inay caytamaan waana jahli in umada jahli lagu caayi waxayna tusinaysaa aqoonyarida shakhsigas.
byee wabilahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AdoonAlle

Wednesday, September 27, 2000 - 08:27 pm
Waa Faaruuuq faaruuuq. Mar hore maa iska tiraahdaan ninka isku kooox ayaan nahay intaad diinta ku qaraabanaysaan. Ninkaasina diinta wuu ku dheelaa maahee culima ma matali karo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Thursday, September 28, 2000 - 06:16 am
waan la yaabay sida ilaah ummaadiisa u abuuray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fidiye

Thursday, September 28, 2000 - 10:43 am
assalamu calaykum

walaalayaal waxaan idiin ka digayaa inaad ku xadgudubtaan culumada maxaa yeelay hilibka culumadu waa sun(luxuumul culamaa masmuumah)
dadaalka caalimka hadii uu asiibo laba ajir buu leeyahay hadii uu gafana hal ajir.
qofka culumada duraa wuxuu la mid yahay munaafaqiintii nabiga iyo asaxaabta durtay,
ilaahayna wuu inoo sheegay inuu kufrinayo qofka ku jeesjeesa diintiisa, mana fiicna in munaafaqiinta lagala doodo waxaasoo kale.

wassalamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Friday, September 29, 2000 - 06:48 pm
Akhyaarta walaalaha assalaamu caleykum.

Iga araalli ahaada. Aniga ku cilmi maahi cumar faaruuq xikmadna isagaa igu dhaama oo waxba gaar ahaan ugama sheegi karo. Waxaanse jecelahay inaan idin xusuusiyo dhamman culumada islaamka meeley joogaan markii lagu daro kuwooda la ixritaamo sida aadka ah ee deggan sucuudiga iney yihiin dad masaakiin ah ee islaamka ugu adeega sidey hadba maslaxadda ku jirto.

Sucuudiga tusaale ahaan, reer boqor waxaa la qiyaasaa iney kor u dhaafeen kummanaan raggooda kaliya. Mid walba waxaa loo diraa machadyada ku yaal london iyo mareykanka si loogu tababaro komandos nimada iyo isticmaalka hubka culus iyo kuwa fudud. Waxaa loo sameynayana waa inaan islaam kub kasiin wax xukun la yiraahdo.

Ka warrama culumada sucuudiga haddey fatwoodaan in lala dagaallamo sucuudiga oo dadka yiraahdaan qaada jihad ku wajahan mufsidiinta aan oggoleyn 100% islaamka in la isku xukumo?. Waxey awoodaan reer al-sucuud iney islaamkaba u diidaan meesha, oo ay awood sheegtaan. Dhiig badan yaa daadan lahaa si looga xoreeyo. Taasi waa mid. Middan soomaaliya, Soomaalida wali diyaar uma aha awood islaamka in lagu maquuniyo oo isku halleyn xagga bulshada inteeda badan laga heysto malahan cilmigii oo yar wali iyo jiilkii la rabey ee ku tarbiyeysnaa islaamka oo soo koraaya. Qabiil baa jira, tacassub baa jira, kala tagsanaan aad u badan oo kala dhantaashey awooddii islaamkaa jirta. Marka xalkeeda ah in islaam lagu soo dabbaalo waa nin walba iyo ra'yigiisa. Iyadoo ra'yigii la isku gaaleysiiyo hadda oo diinta la isaga saaro subxanallah. Waxaan jeclaan lahaa qofkii awooda inteenna inuu CUMAR FARUQ la xiriiro uuna weydiiyo DALIILKA UU U HEYSTO inuu xubin ka noqdo DAWLADDA soomaalida rabto iney dhisato?. Falacalla wax macquul ah inuu heysto. Ogaadana dowladda ku dhaqanta 50% islaamka iney ka fiican tahay dowladda ku dhaqanta 49%. tan 5% ku dhaqantana iney ka fiican tahay middaan waxba isku heyn. Daaciga weyn ee islaamka Salmaan cowda aad aragteen ee dowladda sucuudiga isku taagan yihiin wuxuu aammin san yahay sucuudiga iney ilaa xad tahay dowlad islaamiya. Waayo islaamkii waxbey kaga dhaqmaan. Marka ikhwaanii, bal isku daya sida islaamka qabo in nin walba laga gar baxo. Haddaan ogahay meel laga helo iyo sidaan ula xiriiri lahaa CUMAR FAARUUQ waan ka wareysan lahaa DALIILKA IYO QASDIGIISA AH INUU KU BIIRO dowladda cusub ee soomaalida. Laba arrimood oo shar ah waxaa mar walba la qaataa midda dhibka yar. In kastoo zuhdiga uu ku jiro inaan waxba lagu darsan qofkaan islaamka u arag inuu yahay xalkii kama dambeysta haddana ibtilada jirta ee ah in islaamkii GARIIB NOQDEY XISAABTA KU DARA. wassalaam.

formerguest.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.