site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RAGOOW DANASTAYAAL MEEYEY XAQEENII.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): RAGOOW DANASTAYAAL MEEYEY XAQEENII.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslima.

Monday, June 19, 2000 - 06:36 pm
Asalaama caleykum .
kadib waan idin salaamay dhamaan walaalaha islaamka.
SU aashan waxaan waydiinayaa walaalaha diinta si fiican wax uga yaqaano.

waxaan rabaa in aan ogaado waxa ku qasba niman badan oolagu tuhmayo in ay yihiin dad diinta ku wanaagsani in aay dayacaan xaasaskoodii iyo ilmahooda, waxaan u jeedaa gabar maqbiyo nimo lagu soo koriyey oo aan orod iyo suuq loodiro aan oqoonin ayaa waxay guursan ama waalidba u doorin nin ay diintiisa la dhacsanyihiin iyagoo isle waa nin garanaayo xaquuqda ay gabadhani ku leedahay.

Hadaba nasiib taro waxaa dhacda in ninmakii ay meel dheer u shaqo tagaan ay na is kaga maqnaadaan
intaydoonaan sanad iyo wixii lamidah markaasna gabadhii halkaas ku rafaado oo walib qaarka badani ay hestaan 5-7 cunug oo wax lacaawinaayo aaney jirin,wax suuq ugu soo adeegi,x ilmihii lacaawin markay dhaqtr u baah aad waa hooyo kale
gaaladiina wayba nagu diimayaan gabadh muslima oo jalbaab jiideyso oo hadana melkasta rafaatsan.

hadab wa alayaal ama surweel gaabsada ama gadh dheer siidaytee qaarkii qaarkeen reerihiinii waat tayacdeen xaqeeniina waad iloowdeed.bal umuda islaamkow wax kasoo dhaha kaas oo kale.waxaan si gooniya uga cotsanayaa walaalah ehludiinka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Tuesday, June 20, 2000 - 12:57 pm
ASALAMU CALAYKUM.
MUSLIMA.
Walaal inkastoo aanan waayadan ka qayb qaadan qoraalada somalinetka,xaqiiqdi hadana maqaalkagu waxuu igu qasbay bal in aan jawaab gaaban ka bixiyo.
MIda hore walaal in la is ceebeeyo ama wax la iska sheego kuma jirto sifaadka munkarka lagu reebo,markaa hadaabad aragtay in walaalahaasi qaldameen waxaa fiican si qoraal nasteexo ah inaad ugu soo qorto.
Mida labaad waxaaba qalada inay ninkeeda uga harto gaalo dhexdeed waayo deegan ahaan qofka muslinkaa inuu gaalo dhex deganaado looma ogala markaa munkarkii gabadhaasi qaybteeda ayay uga jirtaa,amaa haday soomaliya ama wadamada muslimiinta joogto,waxaa jirta xad loo ogol yahay in ninku reerkiisa ka maqnaan karo waxii intaa ka badan oo duruufi keento labada qof waa inay xaliyaan sidii xaqa u dhow.lagumana canaanan karo wadaadada khayrka jecel oo dhan,waxaa jira kuwo badan oo si wanaagsan reerkooda u dhaqda,waxaana la yaabay cadaalad darada jirta inta wanaagsan lama sheego marka inta xun la sheego.
Ugu danbayntii MUSLIMA magacaagu waa magac cajiiba sifo min sifaati diina ka muuqato ee walaashiis waxaad ogaata in waqtigii xataa NABIGU SCW joogay inay jireen saxaabo qaarkood sinaysta kuwo khamro caba,kuwo wax xada iyo waxyaabaha kale ee munkaraadka ahba kuwo la yimaada markaa marna yaysan qalbigaaga ku soo dhicin maxay wadaadadu saas u sameeyaan.
JAZAAKALAAHU KHAYRA TANBIIHINTAADA WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, June 21, 2000 - 01:16 pm
Assalaamu calaykum

Walaalahay Muslima iyo miskiin

waxaad kala istaagteen laba dhinac ( WEERAR iyo DIFAAC ) labadaasina waxay keenaan in xaqsoorka laga lago, haddalka labadiinuba waad wanaajiseen laakiin meel dhexe isugu keen keena.

WAJAZAAKUMU ALLAHU KHEYRAN

Walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Thursday, June 22, 2000 - 11:42 am
Salaama caleykum

Dear:Muslima

Abaayo waxaa fiican markaad hadleysid inaad Cadaalad sheegtid adigoo dhinacna raacayen, Abaayo
runta marka loo fiiriyo dad xun xun waa jiraan wadaad iyo wadaad la,aan, laakiin dadka ugu fiican
soomaali weyn waadadka diinta leh runtii fiiri dadka lake qaylo iyo dagaal joogta ah, marka Wiilka ama Gabadha Diinta ku dhaqma ladhoho Allaah
kacanso wax walba waa dhamaadaan, marka abaayo dib
isgu noqo oo cadaalada sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Thursday, June 22, 2000 - 01:42 pm
ASALAMU CALAYKUM.

Walaalkin warninyahow wali ma nooshahay?hadase see xaalkagu yahay,bal iska waran? meesha maxaa isbedalay?

SUMAYA Ukhtii caziiza, MUSLIMA waa qof shaki leh,ulajeedadiisana ma fahmin:waxuu meel kale ku qoray qofkaani XUURALCAYNTA RAGAA LA SIIYAY EE DUMARKU MAXAY LEEYAHIIN?

CAJIIB!halkana waxuu ku qoray RAGOW DANAYSTAYAAL MEEYAY XAQEENI? markaa waxaan ka shakisanahay in uu qofkani yahay ama kuwa gaalada ugu adeega mashruuca ah HAWEENKA ISLAAMKU WAA DULMIYA,oo uu halkan qazwi fikrigaa u soo qaaday caqligaa jirana uu qoraalkisa ugu adeeagayo,ama wax kalaa si ka ah,mida kale intuu dadka dhex dhigo buu uga dhaqaajiya,fiiri mowduuciisa hore.markaa runtii anigu ayaantan meesha waan ka maqnaa hadana inaan dadka tusiyo uun baan wax ugu soo qoray meesha ee QOFKA INTIINA MEESHA HADA SIDA TOOSKA U ISTICMAASHA ISKA QABTA!
TANBIIH:MUSLIMA HADAY QOF MUSLIMA OO XAQ DOONA TAHAY ILAAHOW II DANBI DHAAF,AYADUNA WAA MUSLIMAD AAN DULMIYAYE HA ISKA SOO KAY CAFISO/HADIISE XAALKU SIDA SHAKIGA YAHAY ALA DADKA KAA QABAY:
WA SALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslima

Thursday, June 22, 2000 - 03:38 pm
Asalaamu caleykum dhamaan walaalaheyga islaamka.
Kadib aamiin ayaan u leeyahay walaalkay miskiin ilaahay ha kuu cafiyo tuhumka xun ee aad ugu tuhumtay xumaan ILAAH iga dheereeyey.Walaalkey miskiin aad ayaan ugu xumahay in aad iska dhaadhisay wax aan meesha oo lin ama aad isku shabahdo labo qof oo u jeedadoodo kala dheertahay.waayo qoraalkeygu waxuu ahaa su aal ah maxaa ka qaldan qaar ka mida raga wanaaga lagu maleeynayey.Midka kale ee ka hadasheyna waaba ruux aad moodeysid in uu dood ka qabo amarada iyo go aamada EEBE, ILAAH baa garan laakiin su aasha ayaa si u qaabtarney, hadan qalad ka fahmay alaha ii danbi dhaafo.Marka walaalkay miskiin waxaan idin ka rajeynayey talo iyo sabarsiin laakiin waaba la kala shakiyey,inkasta oo aan ogahay in arintani aaney ku wanaagsaney meel public ah hadana waxay noqotay mid aan ka fursanwaayey anigoon aamin saneynba in aan wax xumaana ama ceebeyn ah aan meesha ku soo qoray ee ay aheyd maxaa qaltan iyo is xusuusan uun.Hadaba walaalayaal raali iga ahaada hadii aad dhibsadeen qaraalkeyga.

wa salaama caleykum.
walaashiin muslima kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Thursday, June 22, 2000 - 03:51 pm
Assalamu Caleykum,

Kol haddii Gabar aad aad nin ku darsaneyso waxaa fiican in aad ku darsato oo aad u guuriso nin Ehludiina oo diinta ku dhaqmaya, intii aad u guurin lahay nin diin laawe ah ama (secular ah).

Waxaana fiican in ninka & naagtuba u baraarugsanaadaan XAQA uu midiba midka kale kuleeyahay.

Gabadhu waa in aay intii karaankeeda ah ku dayataa dumurkii salixaadka ahaa ee hore oo taariikhda baal dahaba ka galay, innankuna sidoo kale.

Dad wax si ka yihiin oo labada sinji (lab & dhedigba) ahba wa iska jiraan, balse haddana waxaa fiican in cillada loo aannayn Diinta ee farsamo xumo la yiraa, la iskana jiro in dadka la isku jimciyo.

Ummad waliba waxay leedahay dad xun & dad wanaagsan.

Markaa Allaah ha inoo ceeb Asturo, Hana inna hagaajiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Friday, June 23, 2000 - 03:16 pm
ASALAMU CALYKUM.
MUSLIMA ukhtii caziiza iska soo kay cafi tuhunkayga waxaad isku magac tihiin mida qoraalka hore qortay sababtasa shakiga keentay/
jazaka laahu khayra waxii aad wanaag ula jeedo/
ASALAMU CALAYKUM/

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.