site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Chatka maxay ka qabta dinta islaaamka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Chatka maxay ka qabta dinta islaaamka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Tuesday, June 20, 2000 - 12:56 pm
aslamu caalykum

walaaaalayal waxan idin waydinaya chatka maxay ka qabtaaaaaaaaa dintena

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, June 20, 2000 - 08:55 pm
Asalaamu Caleykum

Su'aal muhiim ah ayaad ina waydiisay laakiin wixii Alle iga garansiiyo ayaan ka oranayaa inkastoo aanan cilmi la sheego laheyn balse wixii khalad ah ha la iga qabto.

Chatka hadii uu yahay saan u fahmay oo ah WADAHADALKA INTERNETKA haduu ahaan lahaa qoraal or voice. Aanu ka fiirino asalka, chatku waa wada sheekeysi, wada sheekaysiguna wuxuu yimaadaa markii uu is maqal iyo wada hadal uu jiro. Hadaba su'aashu waxay tahay hadalka muxuu islaamka ka qabaa? Koley waxaan shaki ku jirin eray walba oo aad tiraahdo inuu xujo kuu yahay ama xujo kugu yahay maalinta qiyaame. Xadiiskii nabiga scw ayaa jawaab u ah tan, hadii aad Alle iyo maalinta qiyaame rumaysan tahay, khery ku hadal hadii kale iska aamus. Waxaana taasi ka dambeysa aayadii qur'aanka oo oraneysay hadal laguma hadlo ilaa waxaa agtiisa ahaaday RAQIIB iyo CATIID oo qoraya maalinta qiyaamena maqalka, araga iyo hadalkaba waxay hor marsadeen way heli doonaan. Waxaa kaloo la waafaqsan yahay hadalka badan inuu xikmada iyo murtida qofka ka qaado maxaa yeelay qofba qofkuu ma aamus badan yahay waa ka dabi yaryahay waana ka xushmo iyo dagdag yar yahay. Runtii CHATKA dhibta ugu weyn uu keeno waa inaad SAXIIB xun ku yeelato kaasoo waqtiga kaa qaadaya amaba waxaan maalaayacni aheyn ku baraya. CHATKU haduu yahay meel cilmi la isku dhaafsanayo waa OK laakiin wixii intaas dheer maalaayacni ayey noqonayaa waa wixii ka soo hara danaga guud sida family inaad la chatgareynaysid oo kale amaba aad adiga umuuro khery kuugu jiraan ka hadleysid. Iga raali ahaada waan ku dheeraaday. FURSAD WAA QAALI WAANA LA IS WAYDIIN DOONAA.

NICMATAANI MAQMUUNUN, A SIXATU WAL FIRAAQAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Wednesday, June 21, 2000 - 02:23 am
Salaam 'aleukum

Zahra,

Chat.... Maxaad ula jeedaa? ma Qaad(Qaat)(Jaad) ayaad ula jeedaa mise Wadasheekeysiga Internetka ayaad ula jeedaa?

Hadii aad Wadasheekeysiga Internetka aad ula jeedid, Maxaa rabtaa in aad ogaatid? Su'aashaada si fiican u cadee oo mugdiga ka saar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islaam@usa.com

Friday, June 30, 2000 - 07:20 am
Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi
Alxamdu Lillaahi Rabbil caalamiin
Wasallallaahu calaa Muxamad
Inntaas kadin

Assalaamu Calaykum;

Walaal saida Walaalkay Annyms sheegay Internetka waxaa ka socda wada sheekaysi, sheekaduna waxay yeelataa mid banaan iyo mid xaaraan ah, haddaba wixii sheekada ku XAARAAN ah baa xaaraan ahaan doona weligiis.
Dhinac kale haddaan wax kaa tuso Nebigeenii Suubanaa Nabad badani ha gaadhee isagoo wixii uu KHAYR ogaa inoo sheegay wixii SHAR ah oo uu ogaana inaga reebay wuxuu yiri: QOF WALBI WUXUU KU JIRAA DIINTAA SAAXIIBKII (kan uu la sheeko wadaago) MARKA QOF WALBA OO IDINKA MID AHI HA IISKA FIIRIYO CIDDA UU LA SAAXIIBAYO (FARIISANAAYO).
Allaahu Akbar walaal bal fiiri TALADAAS sharafka iyo naxariisiga badan ee uu Nebigeenu sallallaahu calayhi wasalan ina siiyey, waxaan hadalkayga ku soo gaabin DADKU WAA LABO (qolo wanaagsan iyo qolo xun)EE AAN ISKA ILAALINO CIDA AAN LA SHEEKAYSANAYNO.
Waxaaxse dhihi lahaa anoo laba u qaybinaya wada sheekaysiga INTERNETKA kuwaasoo kala ah: FORUMKA waa laga faa'iidaysan karaa CHATKASE anigu khayrba kuma arag!

Wallaahu AClam
Islaam @usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Thursday, July 06, 2000 - 01:25 pm
aslamu calayku

jisakalaaaaah walaal si fican bad uga jawabten ilahay ha idin siyadiyo cilmigina wad mahadsantihina 100 % wana sidaad sheegteen oo dadka fican way ku yaryihin wana qatay taladina islam @ usa.com waxad i so xasusisay xadithki nabiga (SAW)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed yare

Thursday, July 06, 2000 - 04:30 pm
Salaama Caleykum

To: Walaashey Sahra

Abaayo chatka waxaan ku arkay wax laga noxo, marka ugu horeysa waa waqti lumis, marka xiga waxaad kabaran akhlaaq xumo, iyo saaxiibo waan fiicaneyn. Abaayo Weliba dumarka ayaa ugu daran
wiil ayaa luuqa kuu soo galay wuxuu kaala hadlin sex, adiguna waxaad tahay qof dareen leh, meeshaa marka maxaa ka dhicin adiguma garo. Walaahi chatka
somalinet waxay burburisey Doorkii dhalin yarada oo akhlaaqdii ka qaaday, Allaahna waa kula xisaabtamin, waxaan chatka kula kulmay gabar 14 yrs jirto Ottawa, joogta Walaahi after Salaam she told to do sex stuff, arkii waxaa masuul ka ah
Somalinet Allaah Aakhirona waa weydiin iyo reerkii dhalay, marka arintaa waa wax laga noxo

Abaayo iska ilaali shaydaan iyo Xirfadihiisa, maanta gabar walba waxay leedahay gabar ma ihi waxaa laga raacay chat line.

Ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Thursday, August 03, 2000 - 11:27 am
LOL @ Ahmed Yare! Dabaalyohow somalinet chat waa mindida guriga ama TV-ga oo kale. Aday kugu xirantahay sidaa u adeegsato. Aniba chat-ka waxaan ka bartay my best friends. Mida kale gabarta 14-ka waxaa laga yaaba ainay tahay nin 40 sano jira oo adiga kugu cayaaraya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsan

Wednesday, August 09, 2000 - 04:30 am
waxaa la yaab leh in markii bulshada wax horumar ah loogu dadaalo aad heleeyso dad wanaaga u arka dhibaato fara kulul ku hayso bulshada waxna u dhimeysa sida akhlaaqdooda waxaa tusaale inoogu filan garaadka labada ruux ee soomaaliyeed midna uu sameeyay dadaal dheeraad ah kaasoo sameeyay shaashadaan aynu maanta ku wada hadleyno (mahadi haka gaadhee), midka kalena waa ninka leh waxaan la kulmay inan 14 jir ah igalana hadashay waxyaabo ka baxsan asluubta soomaalida.

Bal hadaba soomaaliyeey isku eega labadaa ruux.

Allow naga dhig kuwii wanaaga arka raacana.

Nabadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMADOON

Wednesday, September 13, 2000 - 11:55 am
Asalaamu caleykum

WArsan oo tiri (Bal hadaba soomaaliyeey isku eega labadaa ruux?)

Aan ka jawaabee su'aashaas : midkeey aakhiradiisa burburtay oo qaadaaya danbi dadkale masuuliyaduu dusha iska saareyna kasoo bixi waayey yaa ila qaldan Walaahu aclam.

In masuuliyad laqaado uun dadnimo ma ahan ee waa inlaga soo baxaa masuuliyada la qaaday. Tusaale hadii aad guri dhistit deeqna kaa yahay waxaad ugu deeqi ninkii maslaxad islaami ka suurtowdo haduuse ku tuman suurta gal maaha inaad iska fiirsatit hadeyse tabar la'aan meeshu kudhigto macquul, hadelkeygana cid gaar ah sida
soomaalinet ulamajeedo ee waxaan ula jeedaa cidii qawaacidaan daliishaday hoos timaada.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.