site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MISKIIN MAXAA LA GUDBOON?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): MISKIIN MAXAA LA GUDBOON?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Tuesday, June 20, 2000 - 01:16 pm
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.
Ma su'aal calaacal ahbaa?
Ma xiiso aan meesha xiisaynayaa?
Ma balwadbaa oo qofkii bartaa deyn karin?
Ma nacasnimaa doqon baan ogayn waxa lagu kala tagee?
Ma waxaan jecelahay walaalaha meeshan isticmaala oo ayagaanan deyn karin ilaa aan la hadlo?
Ma xaqaan jeclahay oo inaan munkarka reebo macruufkana faro baan rabaa?
MAXAA IGA KHALDAN MAXAASE ILA GUDBOON?
Dhamaan walaalayaal bal su'aalahan igala qayb qaata jawaabtooda.waxay ahayd mudo dhowr bilood laga joogo markaan isga tagnay somalinetka markay cabashooyinkayagii wax ka qaban wayday.inkastoo aanu meesha soo booqan jiray furina jiray hadana waxii ka socdaba kama qayb qaadan jirin,waxaan naftayda u arkay inay nacasnimo tahay furitaanka meeshan hadaanan qoraaladeeda ka qayb qaadanayn,waxaanse go'aansaday inta aanan go'aanka ku dhaqaaqin inaan idinla tashado.markaa MISKIIN MAXAA LA GUDBOON?
SALAAMU LAAHI CALAYKUM.KHAYR BAAN IDIIN RAJAYNAYA!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Thursday, June 22, 2000 - 03:57 am
aslaamu calaykum nacas ma tihid waxad tahay wilka ugu ficnaa ya shekh maskin
maskin walalo horta aniga waxan kugu talin lahaa mesha waxad ahayd sheqi forumska marka waxan kugu talin laha ku so qor wanagi aan kaga baranay walalo aniga waligay kuma so qorin meshan wax lakin wan aqrisanjiray waxyalahad so qortan walaahi waxanan kafa idayssan jiray wax yalo badan marka qof ha ugu amar qadanin inad xuman ta rebto o aad wanagana farto ha waaad arkaysa dad badan o kahor imado lakin adiga dadkas dartod waxad walalha khayr faraysid ha u tagin ya shekh MASKIN ALAHUMA SABITIL AAMIRINA BIL MACRUFI WANAHINA CANIL MUNKAR ABOW KHAYRKAN KAGA BARANAY NO WAD
INTAS BAN KUGULA TALIN LAHA ANIGA KU LAYBA HADAD WANAG U ARAGTIDNA WA KASHADI KALE NA WA KASBY WALASHAA O ILAHAY DARTIS KU JECAYL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Thursday, June 22, 2000 - 04:45 am
Asalamu Calaykum.

To Akhii MISKIIN waa walaalkaa Xuseen oo magacii dad badan la isticmaaleen dabadeedna la baxay Huska. Miskiin walaaloow meesha dadkii sidaada oo kale qeyrka sheegi jiray waa ka tageen, sida Allaale, iyo rag badan oo aanan hada wada xasuusan karin, oo maanan arag mudooyinkaan. Hase yeeshee waxaan u maleyn jiray aniga uun inaan meesha soo booqdo, hadase waxaan arkaa walaalo adiga oo kle ah inay ila qabaan arinkaas, sidaas darteed aniga waxay ila tahay Akhii Miskiin inaan sameyno warqad cabasho ah oo aan u gudbino si private ah maamulka somalinet, weydiisanana inay meesha wax ka qabtaan, anaga oo ku qeexeyno dhibka jira inkastooy og yihiin, kana war sugno ayaga. Waxaan rajeynayaa in maamulka arinkaas jawaab ka bixin doono, hadii aysan ka bixina insha allaah markaas ayaa laga tashan doonaa.

Waa walaalkaa Hussein oo ku leh akhii hal mar warqad u qor maamulka ku socoto.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Thursday, June 22, 2000 - 01:08 pm
ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA/

KHadija ILAHAY HA KU JECLAADO ALAHII AAD DARTII IGU JECLAATAY,ANIGUNA ALAH DARTII BAAN KUGU JECLAHAY.

Hussein ama Huska,Jazaakalahu khayra jawaabtada nacfiga leh,

Yaa ikhwatii runtii arintan naftayda ku dhalatay oo ah inaan meeshan furideeda iska daayo ma aha mid ay naftaydu ku degan tahay,balse waa aragti ii muuqatay,waxaan kaloo dareemaya in dad badani meesha ka maqan yahiin oo dadkii wanwanaagsanaa ah,markaa waxay iila muuqata bal inta aynaan go'aan qaadan inaan dib isu soo urursano,ka dibna tashano.
Runtii aad baan u jeclahay waqtiga halkaan aan soo geliyo inaan ka helo waxyaabo nacfi aduun iyo aakhiroba leh,aaladana waa nicmo ilaahay bixiyay oo mina nicamkiisa ka mida maaha wax gaalo leedahay iyo wax qof gooniya leeyahay,wax walba ilaahay isagaa insaanka baray,khaas ahaan soomalida meeshan ilaa hada meel ka caansan oo la isku arko ma laha,markaa bal bog noo fura aan dadka intii khayrka jecel figrado iyo wada tashi isku dhaafsano.waana idinka war sugaya huska iyo khadiijo.
WAJAZAAKUMU LAAHU KHAYRA WA SALAAMULAAHI CALAYKUM WA RAXMATAHU.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Thursday, June 22, 2000 - 03:33 pm
Assalamu Caleykum!

Akhee Miskiin soo dhawoow, soo dhawoow. Sidee tahay?
Annigu runtii Walaahi waan ku tabey.

Walaalkiis waa runtaa oo meesha say waa' ahaan
jirtey ma ahan maanta. Ragii aad aqoon jirteyna
maanta ma joogaan, daruufo badan ayaa jira balse
tan ugu weyn oo qaar wallaalaha kamidi oo aanu
email kuwa xariirno ii sheegeen in aay ugu wacan
tahay meeshii oo isu badashay meel fawdo ah
'somalia oo kale' Sharci jirin, kala dambeyn jirin
dadkii oo dhana ooda la iskaga qaaday oo nidaamku ka dhumay.

Waxyaabihii awal ka mamnuuca ahaa hadda waa ka
caadi, Diinti ha sheegin qaar Suubanihii wa ka
sheega, qaar Islaamka u gafa iyo GAALO soomali &
ajnabi isugu jira ayaa meesha la wareegay.
SomaliNetna waxba ka qabanweyday. Email loo dir,
fariimo meesha loo dhig..ha sheegin waxba kama qabsoomin.

Taasi waxaay keentay in dad badani oo anigu u sii
sharqan dambeeyo aay dhumiyeen xiisihii iyo
danayntii meeshan, waayo inaay ka darto mooye kama
soo raynayso somalinet.

Dadka Somalinet socodsiiyana waxay u muuqdaan in
aaysan u jeedin ciladda meesha ka jirta. Xadiisku
wuxuu ahaa: Qofwalba waa mas'uul wuxuuna mas'uul
kayahay wixii la raacsho. Koleey Somalinet
wanaagii meeshan ka dhacayna samaantooda ayeey
leeyihiin Xumaantii ka daahirtayna waa aay u
qowlan yihiin Xag Rabbi.

Markaa walaalkiis, wixii kheyr ah oo aad ka qayb
qaadan kartid ka qayb qaado, wixii shar ah oo aad
aragto ka DIG. Inkastoo dad Illaahey xaalkooda
ogyahay meesha joogaan, haddana qofkii aad u
aragto inuusan caadi ahayn ka gaabso.

Maalin walba netka waan kujiraa, haddana annigu
hadda marmar dhif ayaa dhacda in aan lugta
soo marsho SomaliNet/forums, halka aan awal
maalintii dhowr jeer soo geli jiray. Taasna waad
garan kartaa.

Meeshan waxaan u imaada qaybta Islam oo kaliya,
haddii ayadiina waxba ka faa'ideyn markaa xiisuhu
waa degeyaa.

Raali ahaaw, waan dheereeyeye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Friday, June 23, 2000 - 01:16 am
Asalamu Calaykum.

To: Akhii Miskiin.

Walaaloow illah hakaa abaal marsho dadaalka aad ku jirto, runtii aniga hada ka hor markay wax ka qaban waayeen somalinet dadka diinta wax ka sheegaya, ayaan waxaan go'aansaday inaanan wax ku qorin halkan, hase yeshee waan soo booqan jiray. Marka hada iyo dan Akhii Miskiin aniga waxay ila tahay sidaan kuu sheegay in halmar cabasho dheer loo diro maamulkooda, lana yiraahdo jawaab ayaan idinka sugaynaa, hadii ay soo jawaabi waayaan ama ay soo bixiyaan jawaab cuntami weyso, waxaan qabaa inaan markaas dib isugu noqono oo aan tashano (dadka kheyrka jecel), inkastoo uu walaalkeen Ansaari sheegay in warqad si gaar ah loogu diray ayna wax ka qaban waayeen. Anigu waxaan leeyahay hal mar oo kama dambeys ah haloo diro si aan uga tashano ama aan ugu tashano.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Friday, June 23, 2000 - 01:22 pm
ALXAMDU LILAAHI RABIL CALAMIN WAL CAQIBATU LIL MUTAQIN WALA CUDWANA ILA CALA DHALIMIIN ASLAMU CAALYKUM

to walalhayga an ilahay dartis u jeclahay

walalyaal hadan nan rebin xuman an arkayno malinta khiyamo waxay nugu noqonaysaa xujo. marka qof walba oo wanag fara ilahay marka hore wu imtaxanayaa hadu ku samrana wuu ku imtaxaankisii basay hadi kale waa wa caksigeda marka ilahay naga dhigo ku sabro dhibka walaalayal hadan anga rebin xumaanta ya rebayo hadaba? qof muninka wa inuu xumanata ku rebaa gacantisa hadusan karin afkisa ha dusan karin inuu niyada ka naco. lakin hada anaga wan karnaa inaan xumanta ku rebno afkena. walalyal aan ku samirno xaqa wad garan kartan nabiga (SCW) dhibki lo gaysan jiray inagana hada waxa laga yabaa kaliya qof inu hadal xun nugu dhaho wa laga yaba inuu ilahay ka dhigo ku wuu ilahay qurankisa ku shegay kuwa dhagaysta hadalka kisa wanagsana qata ilaahay hanaga dhigo kuwas AMIIN YA RABAL CALAMIN.
WAN KU DHERADAY IGA RALI NOQDA WALALYAAL
ASALAMU CALAYKUM WARXMATU LAHI WABKAKAAT

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Friday, June 23, 2000 - 03:09 pm
ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA/
ANSAARI yaa akhii caziiz jazaaka laahu khayra tabida aad i tabtay,runtii dadkeeni hore ee meeshan isticmaali jiray waxaan ahayn kuwo aad isu jecel,wax badana kala faa'iidayta balse waayaha iyo noloshu meel ma daa'into.daatra aan ku noolahayna waa daaru imtixaan wal ibtilaa marka waxaan alah ka rajaynaya inuu dhamaan walaalihii wanwanaagsana mar kale uu khayr nagu kulmiyo.vidunya wal aakhira.

HUSKA & KHADIJA.
Ikhwatil acizaa sida muuqata meeshu waa meel laga guuray oo si u kharibantay,nimanka aan hadalkoda haynana malaha wayba isaga tageen waxaadna ku garanaysaa waagi hore qoraalada la soo celceliyo way tirtiri jireen.hadana waxaabad arkaysa maalmo badan in mid meesha isga cayaaray uu ilaa lix qoraal oo isku mida ku taxay ayna sidii ugu taal,markaa ma aan garanayo cida aan wax u qoro iyo cidaan la hadalo.markaa waxay ila tahay ugu yaraan in anaga nalaga dhex helo qof CANADA jooga oo bal raadiya addereska ku qoran bogooda hore oo bal u taga.
IGA RAALI AHADA WAAN DHEREYAYE TALADU HA SII SOCOTO IYO FIGRADAHU WAXBAA NOO DHALAN DOONE.INSHAA ALAAHU.
WASALAAMULAAHI CALAYKUM WA RAXMA/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Friday, June 23, 2000 - 08:54 pm
SALAAMULAAHI CALEYKUM WARAXMATUHU WABARAKAATUH!

Walaalayaal dhab ahaantii waayadaan meesha waan ka maqnaa waana idiin xiisay kheyrkiina waan ka gaabiyay oo ducfi ayaa igu dhacay balse ii soo duceeya, ducaa'ul qaa'ibah waa mustajaabah. Meesha waxyaalo badan ayaa iska badalay waayadaana waxaan isku dayay inaan ogaado iska badalka dhacay faa'iidadiisa iyo khasaarihiisa. Runtii hadaan ka gaabino kheyrka oo aan dacwada joojino anaga ayaa nalagu gudanayaa waxaan u maleynayaa waad i fahanteen. AL AMRU BIL MACRUUF WA NAHYU CANIL MUNKAR ayaa noo balan ah.
WALAAHUL MUWAFIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 24, 2000 - 04:02 am
الكتاب هذا يجيب على الأسئلة التي تدور في الأذهان حول الأحلام وعالمها. فيشبع الفضول في معلوماته العلمية القيمة، وينتهي بالقارئ إلى نظرة واضحة شاملة في علم الأحلام حيث يقدم موجزاً لأحداث الاكتشافات، فلا يكون الإنسان فريسة للتخرصات والأقاويل حول نشأة الأحلام وجوهرها وفوائدها وتأويلاها أو تفسيرها

Wabilaahi towfiiq
Walaalkaa
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, June 24, 2000 - 11:54 am
to akhi nefow kanini ee walaalo se carabiga ugu so qortay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Net2000

Saturday, June 24, 2000 - 12:03 pm
Asalaamu Caleykum

NeefoowKaniini, walaal xageed ka heshay CARABI SOFTWARKA, please let me know if you have or if you can tell me where I can get one. THNX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Sunday, June 25, 2000 - 10:35 am
ASALAMU CALAYKUM/
NEEFOW NINYAHOW MAXAA XIGMADA OO KU JIRA WAXAAD SOO QORTAY,MISE ULAJEEDADAADU WAA MEESHA HA KU SOO NOQONINA,MAXAAD MEESHA NOO SII NACNIINAYSA.MIDA KALE HADAAN DAD WAAWEYN NAHAY SOW XISHOOD LOOMA BAAHNA SEE WAX YAHIIN?
NEEFOW QOFKA ADUUNKA INTUU JOOGO WAXAA KU SOCOTA XISAAB RABI AMA WAX HA KU FALFALAADO,AMA CHATKA HA GALO.AMA QAYBTA GENERALKA HA KA SOO BUUXIYO WAXYABAHA KU QORAN.MARKAA WAXAAN FILAYA INAY KULA GUDBOON TAHAY INTA NAFTU KUGU JIRTO INAAD KA SHAQAYSO WAXII NACFI ADUUNKAGA IYO AAKHIRADAADA U LEH.
WAA TALADII WALAALKA MASKIIN/HADAAN XUMEEYAY TALADA RAALI IGA AHOW/
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 26, 2000 - 09:08 am
,,,,,Jazaaka Laah yaa Akh yaa Miskiin, Talada iyo waanada waa waxaan kugu iqiinay oo waxa aan is leeyahay Sheekhunnaa Sheekhal Xaara Kolley beryahan wax wanaagsan oo aanu ka wada faa'iideysanno waad uun soo qori Waa hadduu waqtigaaga Cariiriga ahi uu kuu saamaxo,,Doodihii lagaaga bartay iyo Nadwooyinkaaga inshaa'allee waa inaad soo xaradha dadku ha ka faa'iideystee,, Aniguna kolkan soo qorahayay waxaan horey u soo qoray waxay iga ahayd waa laga faa'iideysan oo kutubkaa dad u baahan baa meesha ka helli karaayo se haddaad tidhi Sheikhuna looma baahno oo dadkii oo idil aad ka mas'uul noqotay Sheikhuna reerka iyaga maamulee oo aanu ka dalbanaa inay inaga masaxaan wax waloon ku soo qoray meesha,,,,,


Walaalkaa
Neefoow
Kaniini
Wabilaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALAALE.

Tuesday, June 27, 2000 - 09:10 am
ku. dhamaan jamaacatul khayrka.
Assalaama calaykum.
Akhyaareey salaantaas qaaliga ah kadib, fikarado badana waad islasooqaadeen iimana muuqato meel aad kudhamayseen mawdiicii.

Aniguse waxaan soojeedinayaa in aan dadka laga dhexbixin lagana caroon inta aad helayso meel aad wax kadhihikarto wali waxaad haysataa fursad aad kugutadato waajibka kusaaran.

Dadka cidini mahanuuninkarto aan eebe ka'ahayn marka marka ugu yaraan ujeedadeenu ahaato "MACDIRATAN ILAA RABIKUM WALACALLAHUM YATAQUUN".

wasalaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Tuesday, June 27, 2000 - 04:35 pm
ASALAMU CALAYKUM.

Neefow mahadsanid.
neefow runtii meesha raga dagan oo talada laga weydiinayo ayaad ku jirtaa,wayna fiican tahay in wax lakala faa'idaysto.markaa xaga qaybaha kale baa kaftanka ku wanaagsan qaybtan waxaan jeclaan lahayn mawaadic cilmi ah oo diini ah inaan ka helo.
ALALE.
Akhii figradaada ma xuma jazakalahu khayra,balse waxaad mooda inaan si u wareersanahay.meeshuna isku yara qasan tahay.waanu jecelahay inaan kala faa'iidaysano.balse mar walba ayadoo mawduuc wanaagsan noo socdo ayaa dad qasayaan,ama dood buu noqonaya laysagu xumaado.markaa waxaa qofkii ku dhacaya is bedel uu dareemayo inay meeshu fowdo tahay,maamula lahayn. taas baana keentay wax is weydiinta faraha badan iyo bal in sidaan si dhaanta la isla eego.

DHAMAAN QOFKII ARINTAAN XAL U HAYA TALADIISA WAA LA SOO DHAWAYNAYA.FIGRADO MASKAXO WANAAGSAN KA YIMAADANA AAKHIRKA WAX BAY QABTAAN.

ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.AKHUUKUM MISKIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Wednesday, June 28, 2000 - 03:50 am
Asalamu Calaykum.

To : Akhii allaale waa lagu waayay, oo waxaanba is iri Allaale wuu ka gaabsaday meesha sida rag badan oo kheyrka jecel ay sameeyeen, mida kale bogii Norway ee aad mararka qaarkood waxa wanaagsan noogu sheegi jirtay waa lagu kala guuray, Akhii bal soo dhawaaw, oo mowduucaan uu walaalkeen Miskiin furay halaysku dayo in la dhameystiro.

Waa walaalkaa Hussein.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Wednesday, June 28, 2000 - 05:12 am
Assalaama calaykum.
Miskii.

Akhii shaki kuma kiri in ay meesha qasbadan kajiro laakiin hadii aynoo sinaato in aan meesha katagno iyo in aan haba yaraatee waxkala faa'iidaysano wixii aan sheegi karnana sheegno kee samaynaa?. waxay iilamuuqataa kandambe.
Amaa qaska waxaan soojeedin lahaa in aan waydiisano somalinet page-kii ay yiraahdeen waa la'idin siinayaa deedna waad kontroli kartaan sidii aan kuheli lahayn.

HUSSEIN.
Walaal waan dhawahay, waa sida aad u sheegtay maalmahaan waankamaqnaa forumska waxaan rajaynayaa in ay asxaabtu helaan meela ay kulmaan oo kukala faa'iidaystaan.
Akhii waxay ubadantahay in tago mu'tamarka sweden ee bilaabanaya 01.07.00 hadii eebe ogolaada inta kahoraysa waa akhuukum fillaahi ALLAALE oo idinleh.
salaamullaahi calaykum waraxmatullaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 07:52 am
,,,,,Salaama Caleykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu!!!!!!!


,,,,,Salaantaa Islaamka Dabadeed baan idiin soo wada mahad cellinayaa oo Jazaakummulaah Khayr iyo Ka badanba Jizzadeeda Eebbaan idiinka beryahayaa


,,,,,Qas Anigu ma arko ee waxaa jirta in waxan kade ee Cyberka la yiraaho sidiisaba iska yahay meel ay ka jirto Xoriyatul Aqwaal oo is wada garab ordahayo mid tii wanaagsaneed iyo Qowlkii
Ilaahay sheega iyo mid isna siduu wax u arko soo qora meel ay ahaataba se arrinka hadda ina horyaalla baa wuxuu yahay Miskiin iyo inta kalee Cullimaa'ul diinka ahi maxaa la gudboon amaba ku waajib ah,,,,,Waa sidey dhallinyarada iga horeysay ay hortey u soo sheegeenbo Aniga qof ahaantay waxaa ila wanaagsan Ninka wanaagga garanayoo kolkaad aragto ruux ama aqoon la'aani amaba jikraar ha u geeyee in loo jawaabo oo loo sheego waxa ay shareecadu iyo diintu ay qabaan,,,,Hadda ka hor baan Wax badanoo aan dhallinyaradii waayadii waayo waayo wax badan oo nadwooyin ahi oo halakan lagu lafa gurri jiray ay inoo suurta galliyeen qollo aan anigu ka midahay oo iska Caamo ahi ineynu ka Faa'iideysanno sida Nadwooyinkii ay soo Diyaarin Jireen Haba u weynaado Miskiin oo Arrimaha Heesaha iyo Shucaradu waxa ay shareecaddu ka qabto oo ay isu dhiibdhiibi ,,Deeqa,,Ansaari ,,iyo nin Doodaha macangagnimo aad ka u xiiseyn jiray sida Xuquuqda dumarka iyo Sheikh Nabiguu u Gafay la oran jiray(Dasuuqi) iyo Ca'isha Radiyallahu Canhumaa,,,oo isna magaciisu ahaa Nabad Doon,,,,Ninkaloo isna la oran jiray Ismaciil oo had iyo gooraale Raddin jiray,,,Umma Salama ,,Umma Haanim,,,Ummu usaama,,oo aanu meeshaa ka faa'iideysanay qaasatan Aniga oo Caamada u weynaa se Doodihiina wax badan baa laga faa'iideystay Qaasatan wiil aan dhalay oo aan welligii fursad u hellin meel xitaa Soomaal;i joogto se maalin waliba ii sheegi jiray Aabbo maanta waa loo jawaabay Ninkii nabiga Caayay ,,,,,Bal fiiri faa'iidada lagu heystay se rag badan oo wadaadaa baa waxeey u qaateen inaan la kaftami karin oo inta kaftan iyo caraatanka socdo baa haddanna xaqqa la iska sheegaa oo haddanna waa laga faa'iideysan oo adduunkoo idil caruurta kaliyee akhrisaneysa oo ka faa'iideysaneysa ka badan ciidaa iyo caraddaa ,, se wiil khadaf soo qoraa waa inaan loo joojin risaalada oo waa in la iska ignore gareeyaa oo Anigeygan kula hadlaya maanan aqoon inuu jiraa Sheikh Shibleh la yiraah inuu jiro iyo Ina Sheikh Cali Suufi oo Haddanna Cajaladahoodii baa Aqalkeyga dhex yaal oo caruurteyda ka faa'iideysataa ,,,,,marka kaftankaa , foorjadaa iyo caraatan bey wax waliba ka yimaadiin ,,,ee mid aan horey idiinka faa'iideystay aan Miskiinoow dib kuugu soo celiyo ,,,,,MAN RA'AA MINKUM MUNKARRAN FABI GAYIRHU BIYADIHI ,,FAIN LAM YASTADAC FABI LISAANINI,,FAIN LAM YASTADAC FABI QALBIHI WADAALIKA ADCAFUL IIMAAN,,,,,,marku wuxu waa waajibe yaanan la dhayalsan waxa la soo qorahayo oo tusaalooyinkaa ha iska socdeen oo wax badanni halaga faa'iideysto waa sidaan wax u arko oo waajibkaaa idin saaran kuwiinii wax garanayoow!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Wednesday, June 28, 2000 - 12:26 pm
aslamu calaykum

jisakumu lahu khayra ya akhwatii is fican bad u talisene insha alaaah hada waxan ku so kurdhiyo ma hayo lakin adinkan idinka sugayna bal waxi dhiman يnad dhamaytirtan

wajisakumu lahu khayra wasalamu calaykum waraxmatulahi wabarakaaaaaaat

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hidaayo Mahamed

Wednesday, June 28, 2000 - 01:29 pm
assalamu caleykum wa raxmatul laah wa barakaatuh


Walaahi walaaloow NeefoowKaniini sida aad u fikireysid waa mid aad u sareysa ee aan aad kuugu raacsanahay maxaa yeelay haddaan naseexudu ay ka seexato culimada dadkii caamada ahaana duurka unbeey sii galayaan oo wanaagsan culimada inayan caajisin oo ah dhibaatada ugu weyn ee zamanka ina haysata oo ah Cajzul Culamaa iyo Dhallinyaradii oo sii fogaaneysa.


Marka dadka Culimada waxaan kula talinayaa inayan joojin wacdiga iyo wax isu sheegga.


Hidaayo Mohamed
walaashiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

coolman.

Wednesday, June 28, 2000 - 04:11 pm
miskiin.

Assalaamu caleykum waraxmatullaahi.

Walaal waxaan rabey inaad nooga jawaabto su'aasha ah "Qaddarka ma la isku halleyn karaa"..?. Maadaama qofka ahlu jannaha ah iyo qofka ahlunaarka ah hore loo go'aamiyey..?. Sida xaddiska arbiciinka ku yaalla ee oranaya in wax walba la qorey qofka marka nafta ama ruuxa lagu afuufo. wuxuu cuni lahaa.goortuu dhimman lahaa. iyo camalkiisa. iyo meesha uu ku dambeyn doono sida ciribta wanaagsan iyo ciribta xun..?

Haddaan sii faahfaahiyo su'aasha... ilaahey xorriyadda uu nasiiyey ee aan ku qaban karno camalka wanaagsan iyo midka xun.. iyo qaddarka sidee la isu waafajinayaa..? Yacni qof maku cudur daaran karaa ILAAHEY SIDAAN II QOREY..? o fasahaadkaan isaga dhex jirayaa..? ama ilaahey baa i hanuunin lahaa hadduu doono...fatacaalahu camma nasifu..? walaal waxaan ku arkey su'aasha meel kale aniga jawaabteeda waan aqaan laakiin ma faahfaahin karo ee waxaan rabey inaad adiga noo faahfaahiso jawaabta... inshallah... maxaa yeeley waa rukuni ka mid ah arkaanul iimaan in qaddarka qeyrkiisa iyo sharkiisa la aammino.. haddana doodda iyo waswaaska sheydaanka cilmiga ayaa looga baxaa ee wixii ilaahey ku barey wax nooga faa'iidee inshallah. wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 06:13 pm
,,,,,Coolman waa suaal da' weynoo madaxyga daalineysee bal inaan Caruurteyda u wariyo anigoo wanaag doon ah!!!!!!!!!,,,,,,,Bal Ansaari iyo Miskiin iyo rag badani ha inalaga qayb qaataan She na aanu ku marti qaadno<<<<<<<<<,Coolman u r doing good,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Thursday, June 29, 2000 - 01:21 pm
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.

Yaa IKHwatii JAZAKUMU laahu KHAYRA.

Runtii aad baan u jeclaystay qoraaladiinan dambe,waxaana filaya in hadii sidaan is tixgalinta iyo walaalnimada wax la isu dhaafsado inaan meesha ka heli lahayn wax badan oo nacfiya.

Hadaan ku soo noqdo arintaan ka hadlaynay walaalaha qaarna qoraaladoodi ugu danbeeyay ku soo qaaden sida alale& neefow kanini.runtii akhyaaaarey sidaad sheegten wax waa u jiraan balse qaybtaan ISLAM waxaan rabnaa inay ka turjunto magaca lagu qoray ee sharafta badan ayna noqoto meel xifdisan, waayo qaybaha somalinet way badan yahiin marka uu qofku ku soo kaftamo meelahas uuna ku soo qoro waxii uu soo qori lahaa waa inuu is dhahaa bal meeshi cilmiga iyo wanaaga isha soo mari hadii uu wax cilmi ah hayana ku soo qoraa oo nooga faa'iideya.hadiise qof walba darsado waxay la mid noqonaysa qaybaha kale.
markaa waxay iila muuqata in sida sheekooyinka gabayada iwm meel loogu saarayba in qaybta islam meel taagnato lahaatana waardiye gooniya oo horayba lagu qoro qaybtan AMA WAX CILMI AH KU QOR AMA AKHRISO HA KU QORIN KAFTAN IWM.
Runtii akhyaarey waan xarbinayna ilaa aan xuquuqdeena helo alahna waan la tala saaranayna ee yaan la caajisin.
Waxaan jeclaan lahaa inaan codsano qof TORONO jooga oo noogu biira maamulka forumska isla markaana si gooniya u waardiyeeya forumska.haday hirgali weydo waxaan jeclaan lahayn qof maamulka ka tirsan oo qaybtan nagala qayb qaata si uu mar walba u soo galo waxii aan munaasib ahayna u tiro.
iga raali ahaada waan ku dheeradaye.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Thursday, June 29, 2000 - 01:56 pm
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.

Coolman.
Akhii jazaaka laahu khayra danigaaga wanaagsan oo aad ii qabtid nin caalim ah,waxaanse kuu sheegaya hadaad cilmi yaraantayda ogaan lahayd waxba ima weydiisen.waxaana jeclahay inaad su'aasha u soo qorto maskiinow waa anagii ardayda isla ahayne bal aan sila celcelino.runtii yaa akhii jawaabta diintu mid lagu degdegi karo maaha,xataa culumada caaliminta way ka cararaan,waxaabad la yaabaysa markii nin shabaabka ka mida uu sacuudiga tegay oo uu culumada islaamka midba mar u tegey oo mid walba mid u sii diray ilaa kii ugu danbeeyay yiri u tag CUZAYMIN.markaa wax lagu degdegi karo fatwadu maaha.
Hadaanse koley ka xishooday in aan meel cidla kugu celiyo.aana ka baqay waxuun yar oo aan mas'aladan ka garanayo in qiyaamaha la ii qabsado oo cinda laahi la igu yiraaho qofkaa walaalka ah maalinta maxaad ugu sheegi wayday ogaantay ama intaan cilmi u leeyahay waxaa weeye.
Yaa akhii mas'alada qadartu daliil ma gasho.la iskuma halayn karo, waxaana ku dhuntay firqo dhan oo qadariya la yiraahdo.akhri qaybta aaan ku qoray ALFIRAQ IYO WAXA AY SHAREECADU KA QABTO,qaybta qadriyada.
Amaa su'aasha sidan ay meesha ugu taalo aydoo ah ayaa NABIGA SCW saxaabadu weydiiyen" Yaa rasuula laahi scw maxaan camalka isgu daalinayna hadii qofwalba meeshe uu tagi lahaa horay loogu jaangooyey.Nabigu SCW waxuu ku jawaabay CAMAL FALA QOF WALBA WAXAA LOO FUDUDAYNAYA MIDKII UU KU DANBAYN LAHAAYE.macnaha hadaad ahlu naar tahay ilaahay baan ka magangalaye waxaa laguu sahlaya wadadii naarta galaysay hadaad ahlu jano tahayna waxaa laguu sahlaya wadadii janada.markaa hadaad meel fariisato oo tiraaho waxbaa la ii qoray waxay noqonaysa inaadan ilaahay caabudin una cibaadaysan oo meel fadhiday ogow markaana waxaad haysaa wadadii naarte.waayo wadada janadu waa iiman iyo camal saalixa labadiina waad ka fariisatay.
Waxaad kaloo yaa akhii quraanka ku arkaysa mushrikiinta oo daliilsanaya arintan,oo alah ku celiyo markaa daliil ma gasho.ogowna ALAH ayaa miislka sare lehe qof maanta ma jiro dhahaya gurigaygaan fadhinaya waxii la ii qoray baan helayaaye,markaa arintu markay cibaado iyo ale ka cabsi timaado baa shaydaanku waswaso iyo wareer qofka u jiidaya.NABIGUNA SCW xadiis buu ku sheegay in silcada alah qaali tahay janona tahay,waxayna alah iyo rasuulkisu scw na fareen inaan camal saalixa la nimaaadno muhimada abuurkeenuna waxay ahayd cibaado ee meel fadhi maahayn.
Yaa akhii mowduucan waa dheeryahay kutub badana culumada islaamku waa ka qoreen,markaa bal xooga mudaalace tafsiiraka ibnu kathiir aayadaha ku jira vii suurati WALEYL "ina sacyakum la shataa fa amaa man acdaa wataqaa wasadaqa bil xusnaa fasanyasiruhu lil yusraa"iyo aayada ku xigta markaa sharaxa fiiri.
WALAAHU ACLAM WAXAAN KU GALGASHAY WAA WAX NAFTAYDA AQOONTA YAR IYO SHAYDAAN KA AAHATAY WAXAAN SAXAYNA WAA FADLI ALAH.WAXII NASUUSTA KHILAAFSAN ISOO SAXA ISKANA TUURA.WASALAAMU CALAYKU.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Friday, June 30, 2000 - 07:46 am
assalamu calaykum
jazaakallahu khayr sheekh miskiin.
neefow waxaan u malaynayaa su,aashan inaad jawaabteeda heshay meel aad ku baadi goobeysay baan ogaaye.
aniguna midh yar baan ku dari lahaa inkstoon culima ahayn.
ilaahay aduunkan wuxuu uumay asagoo og waxwalba siduu noqon doona marka ilaahay cilmigiisaas buu ruux walba u qoray ee cidna muunan dulmin.
midda labaad ilaahay ruux walba wuxuu siiyey caqli uu ku kala garto samaha iyo xumaanta intaasna ugama tegine wuxuu soo diray rusul cadaysa wadada xaqa ah marka ruux asagoo og hadduu u bareero xumaha waa inuu naftiisa eedaa intuu cid kale eedi lahaa.

wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Thursday, July 06, 2000 - 06:12 pm
ASALAMU CALAYKUM.

AYUHAL-IKHWA MAXAA LA HAYAA?MIYAA LA WAAYAY WAX TALO AH,MAALMAHAN MA IMAN ILEYN CIDIBA IGAMA DANBAYN.
DHOWR XADIIS OO YABLEH.
1-QOFKII QOF KHAYR TUSA WAXUU LEEYAHAY AJARKIISA OO KALE AYADOON MIDNA LAGA NUSQAAMINAYN AJARKIISA/
2-WAXAA JIRTA KALMAD UU QOFKU ISKA DHAHO ASAGOON WAXWEYNBA UGA JEEDIN OO UU KU GAARO RIDAHA ALAH.
IYO XADIISYO KALE OO BADAN,MARKA MAXAAD LA AAMUSTEN?MA FILAYO INTAAS OO AHLU KHAYRA INAY MEEL NOO JIDAYN WAAYEN.
MISE MISKIIN WAXA LA GUDBOON INUU ISKA AAMUSO?
WASALAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi

Thursday, July 06, 2000 - 08:41 pm
Miskiin iyo dhammaan walaalaha asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Miskiin walaal waan ku salaamey. mashquuul baa laga bixi waayey booqashada meeshana waa yaraatey waxaanse rabaa salaadda kuugu horeysa gadaasheeda inaad iisoo duceyso haddii ilaahey yiraahdo. IIgu ducee dambi dhaaf, caaqibo wanaagsan, carruur barakeysan, iyo inaan ku dhinto meel ilaahey raalli ka yahay.

Neefoow.

wali ma nooleyd oo buuftaad ku heysaa? ma iga reysatey waa adigii ila dagaali jiraye walaal? Dhibkeyga maka reysatey ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, July 07, 2000 - 10:29 am
,,,,Ina Cabdi adiga iyo Warsame aad baan idiin tixgellin jiray oo doodihiinii cilmiyeysnaa waa loo xiisay ma is tiraaheen!!!!Ina cabdiga yaanan la iiga qaadan Bashiir Cabdi Xuseen oo Fanaan heesaa ahi oo dad badani u dhaga nugloonyihiin (kaftan),,,,,Bashiir berri aad iska key maagmaagtay se aan aad kuu xishmeeyay baa jidhood igu tuhuntay inaan been abuur iyo baas aan wado anoo goconhaya waxa rag ina soo kala maray waa kuwa Aqalkeygii ka dhigtay Maxkamad uugumana aanan dudaheyn Qabaleysi iyo Qabyaalad oo anigaba kuwa iga midah baa sidoo kaleh iska baas raac noqday ooy xag allah uga sugnaatay waxaanan sheegi karihayn,,,,Berigaa anigu lafsad ahaaanteey inay wax kaa guuxayaan baan dareemay sida aad u difaacayso oonse jeclaan lahaa inaad had iyo gooraale aad difaacdo diinta adoon u aabayeelahayn kan ku aaba xiga iyo midkaad rixin wadaagtaan !!!!!!!!!!Aqoontaadu waa loo bogay jeclaan laha in qalbigaagu ilaahay isagu hagaajiyo ,,,,,,haddaad waqti helaysaan bal isu yaraha dhaamiya oo isu jiijiiba adiga iyo ninkii odayga ahaa ee Raggeedii Warsame,,,,Faa'iideynu idinka dhowreynaa,,,,,,


Walaalkiin
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Friday, July 07, 2000 - 09:20 pm
brother neefoow.

Walaal waan kaa raalli geliyey haddaan ku iri been baad sheegtey. Arrimaha guryahana waxaa ugu wacan fitnada qabiilka dhalisey oo kala rartey dadkii dariska iyo ehelka isu ahaa. Aabbahey iyo hooyadeyba waxey ku jiraan guri ijaar ah oo ay bixiyaan $25 bishii xaafad madiino ku taal innagoo xamar ku laheyn saddex guri oo midkoodna aan calfan weyney dagaallada aawadood. Addunyo qiimo ma leh oo sidaad u dhalatey adoo maran oo dhar la' yaad ka tegi doontaa sidaa daraaddeed ilaahey ka dhowro waxaagii. Taageerada islaamkana mid qabiil iga ah maahan adigaa i maleeyey.

waad mahadsan tahay mar kale iyo malahaaga wanaagsan ee aad ii maleysey inaan aqoon leeyahay. Warsame waxaan rajeynayaa inuu okey yahay isna. waslaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Saturday, July 08, 2000 - 11:45 am
ASALAMU CALAYKUM.
Bashir Abdi/
Akhii insha alahu waan kuu ducaynaya waxaana alah kaaga rajaynaya,inuu ku nooleyo adigoo mu'min ah uu ku dilo adigoo shahiid ah.uuna kula soo saaro sumrada ama jameecada Nabi Max'ed SCW.
Yaa akhii jazaka laahu khayra juhdigaaga faraha badan ee aad dacwada halkan ku bixiso,waxaana kaa rajaynaya inaad ikhlaaskaga badiso ee aadan qofna wax uga rajaynay raxmaanka mooye.
Yaa akhii maalmahan waxaan raadinayay xal bal si aan halkan oo isku qasan dacwada uga wadno,balse waxaa ii muuqata intiina badan inaydnaan figrad igu darsanayn ilaa qofka ugu roon oo yiraahda dacwada aan iska wadno mooye.
Waxaan aad ula yaabay gaalada maanta caalamka hor booda marka ay wax inay raadiyaan damcaan waxay isku daraan kun figradood,kadib way isku celceliyan waxayna ka qaatan mida ugu haboon.waxaad marar badan maqashaa waxaa waxaan soo saaray kooxda jaamacada hebla.miyay kula tahay inay sidii waxyi ugu soo dageen maya waqti iyo fikrado badan baa la galiyay.
Waxaan halkaan ka arkaya dadka aan khayrka ku tuhmayo qaarkod inay iska gaabsanayan,kuwana xishoonayan.waxaad quraanka ku arkaysa iyadoo alaha raxmaana uu kaneeco misaal ku soo qaadanaoyo.waxaa kaloo salafki qaarkod laga wariyay inuusan wax baran horayna u marin kan cilmiga ka xishooda ama iskala weynaada/
iga raali ahaada hadaan ku dheeraaday waxooga baan meesha dhaliilsanahaye.
ISHAA ALAAHU WAXAAN SOO GUDBIN DOONA DHAWAAN FIGRADAYDII UGU DENBAYSAY/WAXAANA IDINKA RAJAYNAYA INAAD KEENTAN FIGRADIHIINA QAALIGA HA KA NIYAD JABINA INAY MEEL MARI WEYDO.WAXII ALAH FUDUDEEYO UUN BAA FUDUDAADA IKHLAAS WAXII LOOLA JEEDANA ALAH MA DAYACO.
WASALAAMULAAHI CALAYKUM WA RAXMA/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Saturday, July 08, 2000 - 04:28 pm
Miskiin.

wacaleykum assalaam waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Walaal aniga waxaan ahay taageere xagga dinta ah. dadkana waa tiro iyo tayo aniga tiradaan ahay. Cilmi daaci lagu noqdo malihi. ilaahey baa xaal og ee waxaad ii aragtaa taageere haddii ilaahey yiraahdo.

TALADEYDA.

In qofkii awoodo uu ku madax adeygo wax u sheegga iyo wacyi gelinta dadka muslimiinta ah isagoo ka fogaanaaya waxyaalaha qiimaha aan laheyn ee doodda dhaliya ee dadku niyad jabka uun ka qaadaan xagga diinta awalan. Barista towxiidka, salaadda, islaamka wixii burin lahaa, shakiga wixii saari lahaa, Yaqiinta wixii dadka ku beeri laha iyo dhammaan waanada wanaagsan yaa meesha looga baahan yahay. Marnaba ma aamminsani in loo daayo meesha dad cilimiga ku yar yahay oo intey sytemkan atheistiga ah ee diimaha gaalada kasoo horjeeda qudhooda dhex galeen iskaga hadla waxey doonaan. waxaa loo baahan yahay inaan loo nixin ninkii ka quustey naxariista ilaahey ee islaamka ah.

Islaamkaan ku abtirsannaa haddan soomaali nahay ninkii beddelmey isaga ama cudur ilaahey ku ibtileeyey xagga diinta wuxuu naga mudan yahay waano inaan wax u sheegno ee maahan inaan meesha kaga cararno. Yaan uga tageynaa walaaladeen?. Teeda kale waxaa laga yaabaa iney ama quustaan oo iska aammusaan ama wax qaataan oo kheyrka ku biiraan labada arinna faa'iido ayey noo tahay sidaa daraaddeed meesha ninkii wax ka aqrin karo haka aqriyo oo awooda. Kii kalena haka faa'iideysto oo meesha kheyrka haka qaato. Inta laga joogi waayo ee halheyskooda noqdo "ku buuqa inad adkataan yaa laga yaabaa" sida quraanka yiri ka yeeli meyno oo beddelkeeda ayaan siineynaa haddii eebbe idmo ninkii roon reerka ha u haro yaan leeyahay ee waxba meesha ha uga guurin nin wax xumeeyey. Walaal aniga mar kale waxaan ka cudur daaranayaa malaha wanaagsan ee dadka ii maleeyo waana sababaha aan magaceyga meesha uga yaresytey sheydaan yaa igu waswaasiyey inaan istustus badnahay waanan baqay marka. Ilaahey intaan la kulmi lahaa isagoo ii careysan malaha dadka oo wanaagsan anna agtiisa isaga uun ogyahay waxaan ahay, waxaan doortey inaan meesha ka aamuso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Sunday, July 09, 2000 - 12:33 pm
aslaamu calaykum

walaalken basshir cabdi baba no dhameyay goan keni ee an sidas samayno walalayal anigana wan ku rac sanahay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, July 11, 2000 - 12:31 am
,,,,Waar xitaa Khuzacbalaat iyo wax Culimada ka careysiiyo maalinka maanta ahi ma la soo qoriu waayay dhalinyaro !!!!1Waar bal meesha ka kacnoo soo qora Muwaadiic lagu kala faa'iideysto!!!!!


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed

Thursday, July 13, 2000 - 01:42 am
ASALAAMU ALEEKUM WARAHMATTULLLAHI WABARAKAATUHU.

Salaan ka dib waxaan rabaa inaan u sheego walaaleheyga meesha isugu yimid ee wanaagdonka ah arimo jiro oo ah.
Kolay waxaan filayaa in aad diinta iga badisaan oo aad arkeyso mar kasta in inta qeyrka wado la dhibaayo, TUS: Rasuulka(CSW) waxaan siirada ku aragnaa sidii loogu galay Daa'if oo xittaa dhiigii ka shubmey madaxiisa oy gaareen lugihiisa, oo markuu malakii alle u soo direy uu ku yirey buuraha maku ganbiyaa inuu rasuulku ugu jawaabey waxaan ka sugaa kuwa dushooda ku jira(yacni kuwa ay dhalidonaan) kuwa diinta u kaca.
Markaa waxaa fiican inaan ka qaadano daruus siirada rasuulka(CSW) mujarad ma aha in la aqriyo oo kaliya.
Hadaan u soo noqdo Samankan aan joogno wadaad ka mid ah wadaadada islaamka ayaa tagey Qaryo markaa ayaa qaryadii si fiican loogu soo dhoweeyey markaas ayuu ooyey oo la weydiiyey waxuu la ooynayo markaas ayuu qisadii rasuulaka aa Daa'if soo qaatey oo yiri rasuulka (SCW) oo iga sharaf badanba waa la dhibee sidee aniga sidan lee soo dhoweeyey mise wax kale ayaa jora.

Intaa oo dhan waxaan waxaan ugu danleeyahay in hadii dhib la'aan la rabo in ay wax hagaagan dadkii naga fadli badnaa ayaa waxa u hagaagi lahaayeen ee yaan mesha loo faaruqin dadka aan wax ogeyn ee masaakiinta ah.

Tan kale waa la sameyn karaa Beyj waxay tahayna ma laha laakiin ma ku fikirtey dadka inteey ku qaadaneyso in la barto oo la yimaado beejkaas cusub. oo maan ka faa'ideysano kan ay wada yaqaanaan dadkoo dhan mid fiican iyo mid xunba.


IGANA RAALI AHAADA MA AHI QOF WAX QORA LAAKIIN WAXAAN JECLAHAY INAAN AQRIYO WAXA AY QOREEN WALAALAHA:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismail

Thursday, July 13, 2000 - 10:59 pm
Asalaamu calaykum.
Marka kowaad waxaan salaan gaar ah salaamayaaWalaalkay Miskiin&Ansaari oo ahaa saaxibaday aan isku baranay Forumkan.

Waxaan aad uga xumahay inaan waayadaan aan soobooqan bogan iyo walaaldayda xiriirkii noo kala go,ay.

Runtii waxaan iska joojiyay doodaha bogaan sitoos ah mudo sanad ah sababna ay uhayd waxyaabo badan.

Waxaana kula talinlahaa qofkii raba inuu yimaado meel hufan imow

somalital.com
ama hadaad haysatid softword carabi ah imo Islamway.com

Akhii Miskiin aad ayaan kuula soo xiriiray laakiin magaranayo cinwaankaaga wax ka si ah ee akhiiyoow ila soo xiriir.

Waxaan aad ujeclahay inaan bilaabo doodcilmiyeed kusaabsan dhinaca FURNIINKA islaamka iyo sida sunada waa faqasan iyo furniinka dhaca marka gabadhu daahir aanay hayn inuu dhacayo iyo in kale marka qofkii xiisaynaya hayimaado somalitalk.com

Wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Friday, July 14, 2000 - 04:49 pm
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMA.
ISMAACIIL/
Akhii kariim aad ayaan uga xumahay waqtiga faraha badan ee aan ku waynay.runtii waxaad ka mid ahayd dadka markaan waayay aan meesha aad uga niyad jabay,
Yaa akhii kariim waxaa warkaaga iigu danbaysay waqti dheer.waxaana marmar u qaatay inaadan noolayn waayo meeshan haba laga maqnaade waxaa la soo fiirfiiriya marmar adiguse waxaad uga goday si toosa.
Akhii kariim waxaan ka xumahay hadaad adderiskayga aad dhib kala kulantay.
Waxaanan insha alah ku soo siin doona cinwaankayga ee adigu miyaad bedeshay kaagi?
IKHWADA KALE/
WAXAAN FILAYA IN FIGRAD IS WEYDAARSIGU MEEL FIICAN MARAYO WAXAANA HADA NAGU SOO BIIRAY ODAYASHII LA WAAYEY MANA AAN QABO IN TALO IS WEYDAARSIGA LA XIRO/EE HA LA SII WADO/
WASALMU CALAYKUM RALI AHADA WAN DHEREYAY/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, July 17, 2000 - 12:54 pm
jasaakalaa khayr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mmm

Monday, July 17, 2000 - 01:00 pm
bilaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARBAAR

Monday, July 17, 2000 - 01:28 pm
DHamaan walaalaha muslimiinta ah ee kala ah bashir,miskin,mim,neef,khadija,alaale iwm waxaan leeyahay jasaakalaakhayr dadaalka dacwo ee meeshan ka wadaan. aniga waa markii iigu horaysay ee aan soo booqdo Somalinet waxaanse hadalkiina ka dhadhan saday in aan ayaamahan wanaag badan meesha lagu hayn, hadaba waxaad ogaataan walaalayaal in qofka muslimka ah ay waajib ku tahay 4 arimood in uu CILMIGA BARTO, KUNA DHAQMO, KADIBNA GUDBIYO, KUNA SAMRO WIXII DHIB AH EE KASOO GAADHA
waxaana u daliil ah SUURADA WALCASRi 4 arimoodna ma kala hadhi karaan, hadaba hadaad cilmigii barateen kuna dhaqanteen halkana kusoo gudbiseen hacararina e ku samra dhibka SOMALINET iyo ardaasha kale ka imaanaya. anagana natowjiihiya waa idin ku soo biiraye.
TO. miskiin walaal jasaaka laahukhayr juhdiga aad ku bixisee dacwada yaana loo kala tagin RAQBA WAA KU RAGEEDEE.
WABILAAHI TAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Wednesday, July 19, 2000 - 03:02 pm
ASALAMU CALAYKUM.
JAZAKALAHU KHAYR YA BARBAAR.

IKHWATII ALCIZAA/

qofkii dadka khayr u sheega waa shaki la in uu naftiisa wax u taray.haday raxmaanka taqi u wada noqdaan waxa dhulka dul saaran iyo inta samaawaadka ku jirta mulkigiisa waxba ku saa'idin maayan,haday ku caasiyana waxba kala tagi mayan/
Yaa ikhwatii jasaakumulaahu khayra figradihiina wanwanaagsan.
DHAMAANTIIN INTA AAN KHAYRKA U RAJAYNAYNO WALAALAYAL WAXAA FIGRADIINU KU SOO ARUURTAY IN DACWADA IYO KHAYRKA NETKA LAGA DHEX WADO/
Nacam waan qaadanay ayuhal ikhwa waxaadna nagu baraarujiseen khayr waxaadna wax u tarteen naftayada.aniga iyo inta kale ee saluugsan meeshana waxaan rajaynaya inay ku qancaan walaalahood hadalkooda.ayna nala gudboon tahay inaan talada walaalahayo qaadano.
Markaa ikhwatii waxaan damcay hada inaan furo bog kale oo ah SIDEE DACWADA UGA WADNAA HALKAN?
Markaa bal qaybtaas hada aan isla lafo gurno/qofwalbana bal hada ha ka soo waramo habka ay la tahay in dacwada loo wadi karo.
MARKAA AAN BAL MAR LABAAD FIGRADIHIINA KA HELO QAYBTAS SIDEE DACWADA UGA WADNAA HALKAN?
Dhamaantiin jazaakumu laahu khayra waqtiga iyo juhdiga aad meeshan soo galiseen/
WAXAANA IDINKU BARAARUJINAYA YAAN XAQA LAGA XISHOON LAGANA BAQIN.WAA INOO QAYBTAAS KALE.
WABILAAHI TOWFIIQ WASALAMU CALAYKUM/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Friday, December 08, 2000 - 09:18 pm
Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

dhamaan walaalahayga islamka ahow waan idin salaamay waxaana idiinku baarikayaa bisha RAMADAAN ILAAHAYNA HA INAGA AQBALO SOONKA IYO CIBAADADA AAMIIN.


Ikhwani filaah bacda salaan wan ka xumahay in aanan in mudo ah ama min markaan ku soo laabtay Canada aanan waxba ku soo qorin meesha sababta oo ah waxaan yare noqoday mashquul marka halaysaamaxo insha allah waxaan ku dadaalayaa hada ka dib in aan ka soo qaybgalo insha allah

AKHI MISKIIN:

walaal su'aashii aheed maxaad ku aragtay wadanka markaan ku soo laabtay? runtii qalbi jab iyo niyad xumo
waxaan arkay dhalinyaro somali ah oo wadata kalaab/EEYO,
waxaan arkay dhalinyaro somali ah oo timuhu u daban yihiin,
waxaan arkay kuwa madaxa ku wata safaleeti,
waxaan arkay dhalinyaro somali ah oo waalidkiin la jooga lagu baryayo oo iyaguna leh ilama hadli karaan waqtigaan rabo ayaan imaanayaa waqtigaan rabo ayaana baxayaa intaas haday diyaar u yahiin wan joogayaa subxaana allah waa wax laga magan galo ilaahay,
waxaan arkay dumar u labisanaaya 12:00 iyo ka dib aroos ama casho oo soo laabanaaya 7:00am nimankoodiina ay fadhiyaan guriga oo sii hayaan ilmaha aduunyo gedoon,
dumar iyo rag waaween oo diintiiba aad u moodo in aanay maqal ama arag say u dhaqmayaan,
muslimiintii aadka isugu xidhnaa oo kala daadsan,
casharadii faraha badnaa oo yaraaday,
dadkii oo la raaciyey aduunyo sheekh iyo caamaba oo aan waqti u hayn in uu ilaahay daraadii wax u bixiyo subxaana allah ilaahay s.w sow ma aheen way isku cidhiidhiyeen markaas ayaa lagu cidhiidhiyey tii ayaa ka jirta meeshan,
ma koobi karo waxyaabaha aan meeshan ku arkay markaan soo laabtay waxaan ku fakaray in ay ka khayrbadan tahay in lagu korsado ilmaha baadiye ama hakuu noolaadan ama hakuugu dhintaan cala diin al islam ayaa ka khayr badan nolosha halkan
waxaan tagay islamic schoolka ilaahii macbuudka ahaa ayaa loosheega waxa ka socda ama aad ku arkayso yaa subxaana allah ma saan ayey somali u ducufsanaayeen? akhi filaah ma soo koobi karo waxyaabaha aan kala kulmay meeshan ama aan ku arkay, ilaahaybaana ka baryeynaa in aanu nagu fidneen umatal islamna uu xifdiyo aamiin.

ukhtakumfilaah
Uma Ahmed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.