Fu'aadkhadar | Friday, June 30, 2000 - 03:25 pm Assalaamu calaykum WALAASHAY QAMAR, Marka hore aad baan uga xumahay in noloshii GUURKA oo aad rabteen ama isku daydeen adiga iyo walaalkaa aysan hir gelin, haddii arinka aad ku kala tagteen uu ahaa sida aad adigu soo gudbisay iyo deg deg keliya waad ka saxsanayd, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa geedkii oror lagu fuulo orod baa looga degaa, isbarashada way fiican tahay inkastoo is barashada runta ahi timaado marka la iska soo ag tooso, laakiin yaan sida gaalada iyo gaalo raacyada sanado badan sheeko lagu lumin dhib baa ka yimi sida wacalo iyo waqti lumis badan. Walaalkaa Fu'aadkhadar |