site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Can i say ilaahay ha unaxariisto Mohamed farah Aydid?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Can i say ilaahay ha unaxariisto Mohamed farah Aydid?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aden

Friday, June 23, 2000 - 05:10 am
daliil min fadlan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Net2000

Friday, June 23, 2000 - 08:43 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaa dadka badankiisu aaminsan yahay inay xun tahay amaba ay dambi tahay in qof Muslim ahi lagu yiraahdo waa gaal. Waxaa jira waxyaalo badan oo gaalnimo lagu qasbado amaba xukunkii gaalnimada waafaqsan hadana way adagtahay in la yiraahdo hebel (yacni qof la magacaabo) waa gaal waana shey adag oo aanana cayaar gali karin. Koley anigu shakhsiyan ninka aad horey ku sheegtay dhib kii ugu weynaa oo nolosheyda soo maray ayaan oran karaa sabab ayuu u ahaa balse QADARTA Alle ayey ku dhacday. Ilaa hada waxyaalo aanan ka soo waaqsan oo aan ka soo kabsan la'ahay ayuu sabab u ahaa laakiin taqdiirta Alle ayey saas ku dhacday waana in qofka Muslimka ahi uu raali ku yahay Alle wuxuu u qadaro shar iyo kheryba uuna aamisan yahay wixii dhacay oo dhan Allaa horey u qoray hadaan saas suubin lahaa ama saas uga hortagi lahaana aysan wax loo baahan yahay aheyn qadarta Allena ay taliso. Hadaba hadii aan iraahdo CAYDIID waa loo ducayn karaa rag badan ayaa laga yaabaa inay is yiraahdaan waa •••••••• ama waa ree hebel balse runta ayaan idiin sheegayaa ee hadalkeyga yaanan si kale loo fasiran. Caydiid miyuusan Muslim aheyn? Miyuusan ashahaadan waligiis? Miyuusan aaminsaneyn Alle & Rasuulkiisa iyo maalnta qiyaame? Hadii su'aalahaas oo dhan ay jawaabtooda HAA tahay, hadaba waa loo duceyn karaa ilaaheyna waa loo baryi karaa inuu u naxariisto. Iska daa caydiidee, kuwo ka daran ayaa taariikhda Islaamka soo maray haba ugu sokeeyo MUSTAFA ATATOR. Wuxuu ahaa Muslim maantana wuxuu muslimiinta baday ayaa wili socda balse Ilaahey ha u naxariisto maxaa yeelay waa caasi Alle ku gaaloobay (tani ma ah gaalnimadii diinta looga baxayay balse waa tii KUFIR DUUNA KUFRI AHEYD). Quraanka waxaa ku soo arooray aayaad badan oo markii la akhriyo amaba lagu duceysto ay duco u tahay muslimiinta caam ahaan midka geeriyooday iyo midka dhintay ninkaad sheegaysona wuu soo galayaa, laga yaabaa inaad adiga u duceyso laakiin aadan is ogeyn. War iyo dhamaantiis hadii aad aaminsan tahay inuu Muslim ahaa waad u duceyn kartaa laakin gaalo uunbaan loo duceyn karin balse gaalku waxaa kaliya loogu duceyn karaa inaad tiraahdid "ILAAHOW xaqa tus oo hanuuni." Ugu dambeyntiina, maxaa ku ogeysiisay adiga inuu Alle cafiyaya oo u jano ku dambeeyo ayaa laga yaabaa. Bilaa ka toobad keen oo Ilaahey ka aqbal saa nabiga ayaa yiri qofkii towbad sax ah la yimaada wuxuu la mid yahay asagoo dambi galin. Sifaadka mu'miniinta ayaa waxaa ka mid ah inay cafiyaan cidii dulmisa, xiriiriyaan cidii jarta iyo inay wax siiyaan cidii ayada waxooda u diida. Marka Ilaahey muslimiinta nool iyo kuwa geeriyootayba naxariis ha ku camimo hana dhaafo dambiyadooda. Wixii khalad ah plz iga sax maxaa yeelay diinta waxba kamaba aqaan.

By the way, Caydiid was kind of better when you compare to certain warlords (not all but some individuals, naming would only create problems) especially those that are using ethipians (outside enemies, the only enemies that somalianas got in the whole universe, I mean BLACK SERBS) but let them continue coz it'll be a lesson for them. May allaah show us the right path and guide us to it. AAAMIIIIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, June 27, 2000 - 02:20 am
saaxiib sheekadaada ma fahmin iyo waxaad ninkaas ilaahay hortaagan saaka ku keentay iyadoy jiraan
dadbadan oo umada soomaaliyeed dhibaato soogaadhsiisay
waxana ila haboon ninkii dhintay in ilaahay looga hadho isagaa xisaabtiisa qof walba haya e
sheekadana ninka bilaabay ujeeduu wataa ee dhalinyaro halkaa ha lagag hadho fadlan
oo yaan denbi lagu mutaysan qof dhintay
oon maanta ku saamixi karin xantiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jeego

Wednesday, June 28, 2000 - 09:22 am
Yes if your MORYAAN?!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.