site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Shacabka Somaliyeed wuxuu aad ugu qanacsan yahay in dwlada la dhisi doono

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Shacabka Somaliyeed wuxuu aad ugu qanacsan yahay in dwlada la dhisi doono
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bakayle

Tuesday, June 27, 2000 - 03:48 am
Shacabka Somaliyeed wuxuu aad ugu qanacsan yahay in dwlada la dhisi doonoinsha Aallaah ay noqoto mid islaamka ku dhaqanta, hase ahaatee dadka qaar baa doonayaa in laga dhigo dawladaas mid shareecada fulisa 100% oo wax kale aanan ku qancaynin, iyo qaar kale oo qasdigoodu yahay in waqtigan xaadirka ah bal la helo dawlad islaamka ixtiraamaysa isla markaana ay madaxdeedu yihiin kuwo tukada isla markaana aasaas ahaana shareecadu ay tahay mida lagu soconayo iyadoo aan A illaa Z lawadaa dabakhayn wakhtigan xaadarka ah, duruufo jira aawadeed.Bakayley

Nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
Waxaan Ilaah ka rajeeynaaya in uu dawlad uun noo keeno si aan uga baxno gaajada, dagaalka iyo sharaf laŽaanta. waxi ay doonto ha noqoto. Maxaa yeelay, marka dhibka laga baxo ayaa la is weeydiin ama laga hadli waxa inoo fiican.

Walaalayaal in dawlad Islaam la helo ama hadda la dhiso wax fudud maŽaha. Waa wax juhdi weeyn u baahan oo qarniyo qaadaneeyso.

Maxaa yeelay looma bislaan (soomaalida). Shucuubta muslimka waxeey u baahan yihiin in ay ka bilaabaan aas aas dheer, waa in la dhisaa UMAH oo wakhti badan lagu baxshaa. Ka dib aan u gudubno aqoon sare oo JAAMACADO ayaa la galaa xag DIIN iyo MAADI.

Dhaqaalo ayaa la sameeystaa oo quto dheer oo la iloobaa maah maahdii soomaaliyeed oo aheeyd "wadaad warkii waxa u dambeeyaa wax i sii"

Mrkaas ayaa loo hanqal taagaa DAWLA ISLAAMIYA. Ee hadii ay noqoto aan hadda aragno waxaa dumaaya waxii la soo dhisay.

Bal aan fiirino dadka maanta saxwada soo baraarujisay sida ay yihiin tayadooda xag walba
sida, aqoontooda dhinac walba, waayo aragnimadooda, dadka ay dhiseen sida ay yihiin (islaamnimada miyeey si fiican uga dagtay mise....???????????)

Walaalayaal yey na kadin dumarka oo qaatay jilbaab iyo dhalinyaradii oo laabatay surwaalkooda, garkana ay daayeen. Waxa aan shaki iga jirin in haddii xanuun badan ku dhaco Ilaah dartii, in uu ka hari lahaa fikriga islaamiga.

Aan fiirino tajaariibta umadaha kale ee muslimka ah oo iyana ku fakiraaya in ay dhisaan Dalad Islaami. Intuu la eg yahay dhismahooda iyo keena iyo inta ay u jiraan Dawladnimada... markaas ayaad ogaaneeysaa tan Soomaalida

Meel dheer shabaabka haka fiiriyaan wax, oo ha dadaalaan si ay ugu gogol xaaraan jiilka labaad ee Soomaaliya......walaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adoon-Alle

Unrecorded Date
Salaamu caleykum
Skandenifiya
Walaal ma ii sharxi kartaa (faahfaahin) waxa aad ulajeddo sidan:

((("Walaalayaal yey na kadin dumarka oo qaatay jilbaab iyo dhalinyaradii oo laabatay
surwaalkooda, garkana ay daayeen. Waxa aan shaki iga jirin in haddii xanuun badan ku dhaco Ilaah dartii, in uu ka hari lahaa fikriga islaamiga.")))

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Unrecorded Date
Asalaamu caleekum walaalkiis Adoon Ilaah, aad ayaan kugu mahad celinaaya arintaas aad i weeydisay.

Walaal keey waxaan uga jeedaa in ay niyadeenu aaminto in shacabka sidaas u muujiyay shacaaŽirta Islaamka, in ay marxalad kasta ay ka bixi karaan halganka diineed.

Maxaa yeelay IIMAANKU waa siyaada waana nusqaamaa. Nin walbana meel ayuu ku hari (Illaa ruux Ilaaheey u naxariisto mooyaane).

Meelo badan ayeey ka dhacday wadankeena, ka dib markii ay is qabsadeen dadka Islaamka u bislaaday iyo kuwa aan wali soo gaarin heerkaas, in shabaabki saxwada lagu tarbiyeeyay/qaatay ay istaageen darafka kale ee qabiilka.

Marka walaalayaal yaan la kadsoomin, ee Safar dheer ayaa na sugaaya yaan la dag dagin-ayaan uga jeeday.

Walaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 31, 2000 - 02:03 am
Ok, mahad baa ku sugnaatay skandaneefi.
Aad baan ugu bogay sharaxadada.......

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.