site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILA TALI, WAX II FUDUDEEN KARO XIFTISKA QU RAANKA.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ILA TALI, WAX II FUDUDEEN KARO XIFTISKA QU RAANKA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Tuesday, June 27, 2000 - 04:32 am
Asalaamu caleykum.
walaalayaal waxaan raadinayaa wax talo ah hadii aat ii haysaan wax ii fududeenkaro xiftinka
Quraanka, waan aqriyaa in badan lakiin aad ayey iigu adkaatay xiftinkiisa, marka idinkoo ku mahadsan hadii aad haysan wax talo ah fatlan i soo siiya.

jasakalaa qeyran.
walaashin haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MACALIN

Tuesday, June 27, 2000 - 08:23 am
ASSALAMA CALAYKUM.
DABCAN TALOOYINKU WAA BADAN YIHIIN ANIGUSE IGA HOO MIDAAN.
MARKA HORE WAAD IN AAD LEEDAHAY MACALIN(MACALIMAD).

MARKA XIGANA WAXAAD U XIFDISAA QURAANKA INYAR INYAR.
DULQAADNA WAA LAGAMA MAARMAAN.
WAKUKAAS.
WASALAAMA CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Tuesday, June 27, 2000 - 10:58 am
assalamu calaykum
1-niyadda khaalis ka dhig
2-ilaah bari wax badan
3-macsida ka dhowrso
4-waqti go,an u samee xifdiska
5-in go,an xifdi
6-ha ka tagin barnaamijka wax kastoo dhaco
7-inyar ood awoodid xifdi
8-waqti badan sii muraajacada
9-la raadso xifdiga waqtiyada wanaagsan
10-dadaal oo ha quursan
11-macallin yeelo
12-asxaab aad la xifdisid raadso haday suurtagal tahay.
ugu danbayntii allaha ku waafajiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Tuesday, June 27, 2000 - 07:53 pm
Asalaamu Caleykum

Walaal marka hore Ilaahey ha kula garab galo kheyrka aad wadid Allena ha ku waafajiyo. Marka xigta xifdinta quraanka runtii waa ay sahlan tahay cidii CAZIIMA la timaadana Alle waa uu u sahlaa maxaa yeelay, sheyga kaliya ee quraanka lagu baran karo waa SUBAC badan ama AKHRIS tiro badan marka labaadaas hadaad daa'imtid, Insha'alaah kheyr badan ayaad ka keenaysaa is badalna waa ka arki doontaa. Waxa kaliya ee qur'aanka adkeeyna waa MACSIDA marka hadaad macsida ka tagtid oo aad dunuubta iska ilaalisid Alle wuu kuu sahlayaa. Isku day hadaad heli kartid CAJAB uu duubay SHEIKH CAADIL BIN KALBAANI oo uu kaga hadlaayo siduu quraanka ku xifiday iyo mudada ay ku qaadatay iyo wiliba kheryaad badan oo uu sheegayo ayaa ku duuban cajaladaas. Ugu dambeytii hadii aad awood u leedahay isku day inaad HAL SHEIKH ka barato oo aad dhageysigiisa badiso aadna qortid gafafkaaga markaad subaca ku jirtaan. Koley anigu intaas ayaan u arkaa inay xal tahay balse walaalaha kalaa iga aragtiyo fiican ee ayagan taladooda waa lama huraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fu'aadkhadar

Friday, June 30, 2000 - 03:13 pm
Assalaamu calaykum

Alle weyne hakuu fududeeyo, walaal Allaah hadalkiisu waa shay qaaliya, Allena hakuu fududeeyo, waxaan naftayda iyo taadaba u dardaarmayaa inaan weelka Alle quraankiisa ku XAFIDO oo ah quluubta DADKA WANAAGSAN inaynu nadiifino si Allaah quraanka qalbigeena ugu shubo, QULUUBTANA waxaa lagu nadiifiyaa macaasida oo laga fogaado, waxaana lagama maarmaan ah inaan ogaano inaan ALLAAh weel wasakha wax ku shubanayn.
Wuxuu kaloo walaal XAAFID ahi hadda kahor igula taliyey 4 shay kuwaasoo laga helo XARAFKAN = RMZD =R= rafiiq, M=mucalim, Z= zaad, D=daakira, macnaa subac.

Walaalkaa Fu'aadkhadar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Saturday, July 01, 2000 - 06:26 pm
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu dhamaan walaahayga aan u jeclahay ilaahay daraadiis:

Ukhti haboon

ukhti al caziizah ilahay subxaanu wa tacaala hakuu fududeeyo barashada iyo xifdinta Quraanka kariimka ah aamiin,

ukhtii al caziizah inta walaalahay ku sheegeen ka badan ku sheegi maayo lakiin waxaan kale oo iska jeclaystay in aan kugu daro inyar oo ah tajribo aan anigu maray
mida kowaad horta quraanka u xifdi aayad aayad marka aad xifdiso aayada oo ka qabato korka ku dar tankale marka aad xifdiso iyadana wada akhri labadii aayadood sidaa ilaa aad ka dhamayso suurada.

mida kale ukhti al caziizah ku dadaal in aad ku tukato inta aad baratay marwalba waa ku sahlaysaa in aad xifdisanaato

sidoo kale waxaad ku dadaashaa in aad marka aad rabto in aad xifdiso quraanka aad marka hore dhegaysato cajal quraan ah sida sheekh sudeesi,shareem, xudeefa iyo shuyuukhda kale ee qaariyaasha ah kuna dadaal in aad dhegaysato hal sheekh sidoo kale ku dadaal in aad ka xifdiso halkitaab sababtoo ah xataa indhaha ayaa xifdinaaya boga ay ka bilaaabato aayadu, waxaana kugula talinayaa kitaabka madiina/ MUSXAF AL MADIINA waqtiyada ugu wanaagsan ee quraanka la xifdiyaana waa salaada subax ka hor iyo ka dib sidoo kale bacda salaada casarka ilahay hakuu fududeyo aamiin, waxaana kugula talinayaa in aad ku barato quraanak xifdintiisa tajwiid sababta oo ah waa quruxda quraanka waxaadna kaga dayataa shuyuukhda aad ka dhagaysanayso insha allah,

ukhtii al caziizah intaan aan ku sheegay waa sida aan ku xifdiyey anigu ilaahay mahadiisna ilaahay waa iigu sahlay marka bal adna fiiri ilaahay subxaanu wa tacaala ayaan kaaga baryeynaa in uu ku sahlo adiga iyo intii muslim ah ee rabta in ay xifdiyaan qowlka ilaahay wasalaamu calaykum raxmatulaahi wabarakatu.


ukhtakfilaah
uma ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Sunday, July 02, 2000 - 06:57 am
Assalaamu caleykum warahmatulahi wabarkaatuh.
dhamaan walaalaha islaamka ee aan ilaah dartiis u jeclahay aad iyo aad ayaat ugu mahadsantihiin talooyinkiinii wanaagsanaa ee aad i soo siiseen, alaahna khayr ha idinkugu badalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamil

Wednesday, July 05, 2000 - 12:52 pm
Salaamu Caleykum

Haboon, ukhtii Allaha kuu sahlo xifdigiisa Allahana aniga ii sahlo intii muslin ahna u sahlo. Amiin.

Walaalo, fikradeydu waxay tahay sidaan anigu xal u arkay (anigaba ciladan wa ay i haysataa) waxaa ku tala jiraa in aan gato mashiin yar oo sida walkman ka ah waxaana la yiraa minidisc oo wuxuu wataa sixni yar (disk) wax lagu duuban karo.

Markaad soo heshid meshinkaasi ayuunbaad marba inta aayadood ee aad dooneyso in aad xafidid ku dul dubeysaa (recording), kadib waxaad taabaneysaa buttom yar oo markii aat taabatid (riixdid) maantoo dhan caawo dhan 4tii aayadood ku soo noqnoqonayaan ilaa aad ku daashid oo maskaxdu waxaan 4taa ayadood ahayn ka guuxayn ayaad arkeysaa adigoo tartiibtartiib u xifdiyey.

Runtii walaal waxaa jira walaal sidaa Quraanka ku xifdiyay. Aniguna jidkiisi ayaan qaadayaa, Insha'Allah adigana sidoo kale. Allaha inoo fududeeyo.


Kamil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, July 17, 2000 - 12:16 pm
A/salaamu calayku, aad ayaan ugu faraxsanahay walall in aad xal u raadinayso sidaad ku xafdiyi lahayd quraanka Alle, Allena ha kuu fududeeyo amiin. wixii aan ku odhan lahaa walaalahay ayaa ku yiri laakiin laba arimood ayaan raacinayaa oo kuu sahlaysa quraanka insha alaah 1)inta aad marba xidinayso tafsiikeedana raaci waa kuu sahlayaaye 2) isku day aayad kasta oo aad xifdido in aad ku dhaqan keeda ku dadaasho si aadan u halmaamin.
wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Thursday, July 20, 2000 - 09:39 am
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

Walaalayaal jazaakumullaahu khayraa sida wanaagsan eed ugu naseexayseen walaasheen Haboon oo ay murjisay siday u xifdin lahayd quraanka.
Runtii waa waxa ugu qiimo badan ee qof uu is waydiiyo yacni haduusan xifdinin kalaamka Ilaahay.

Waxaan rajaynayaa inay ka faaiidaysan doonto Haboon anigana sidoo kale inshaa Allaah. Runtii mar hore ayaa iigu danbaysay inaan soo booqdo boggan maanta ayaana Ilaahay ii qadaray inaan furo; Waxaana ka helay daawadaan raadinaayay mudaba mar kale jazaakumullaahu khayraa.

Waxaanse jeclahay inaan Haboon u soo jeediyo waxoogaa nasteexa ah iyo waliba anigoo jeclaystay inaan taŽkiidiyo hadaladda walaalahay qaarkood.

Ugu horayn waxaan ku dhihi lahaa Ilaahay bari walaal oo u kaalmayso xattaa Salaado tuko si uu Ilaahay kuugu fududeeye xifdinta kitaabkiisa. Banaanka ha u bixin ILLAA BIDURUURA; dan inay kugu kalifto maŽahane taleefan iyo maalaa yacni kaleetana warkiisa daa teleefishana iska ilow hadaadna aqoonina Xayyaakallaah; waxaan faahfaahiyay uun macsiday walaalahay sheegayeen uun inaad iska dhowrto meeshay kaa soo gali kartaba.

Teeda kale adoo wayso qaba u fadhiiso cashir maalmeedkaada, culimadda qaar baa laga sheegay inaysan far saari jirin kitaabka iyagoon wayso qabin.

Xasuuso hadalkii Sh. Shaafici:
"shakoowtu ilaa wakiicin min suu a xifdii faŽarshadanii ilaa tarkil macaasii waqaala inal cilma nuurun wanuurullaahi laa yuhdaa ilaa qalbi caasii" ama kitaab Ilaahay ha ahaado ama xadiiska nabiga scw; cilmi(sharcii) suu u dhan yahay waxaa lagama maarmaan u ah waxyaabahaas ay walaalahay soo sheegeen.

Ugu danbayn waxaan walaalaha ka codsanayaa inay noo soo duceeyaan aniga iyo Haboon iyo walaalaha kale ee jecel inay xifdiyaan kitaabkiisa.

Allaahumanfacnaa bimaa calamtanaa wacalimnaa bimaa yanfacunaa wazidnaa cilman yanfacunaa.

Wabillaahi Towfiiq
Ukhtikum fillaah
Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Salma

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum waraxmah\\
Salaan ka dib, walaal ilaahey haku waafajiyo qur'aan kariimka ah xifdiskiisa hanaa kaa dhigo midii ku camal fasha (anagana sidoo kale). Intaas ka dib, walaalayaal dhamaanteen waa arin u baahin inaan isku boorino sidii quraanka aan u xifdin laheyn inteena aanan xifdin qur'aan. Yeenan noqon talo keen oo qudha ee aan noqono kuwii kuwii ku cimri qaadan lahaa walaashood oraahdeeda ama banban dhigeeda.

yaxye port-riez (Abu-Salma)

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.