site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Laba su'aal ayaan jawaab u raadinayey

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Laba su'aal ayaan jawaab u raadinayey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anaa

Wednesday, June 28, 2000 - 08:25 am
Nabad iyo naxariis kor kiina ha ahaato,

Su'aasheyda kowaad.

Qubeys ma waa jibaa markaad isku aragtid dhareer aan aheyn shahwadda caadiga ah, kaasoo kacsiga keena ama sababo? iyo haddii uu dharka kaa gaaro dhareerkaas ka soo baxaya dakarka, ma in la daahiriyaa dharka?

Su'aasha 2aad.

Danbi weeyn ma ahaan kartaa istaagga lagu kaadinayo, adoo iska dhowrayo ineey kaadida kuugu hallawdo isla markaana aad iska dhaqeysid?

Fadlan, jawaabo cilmeeysan isoo sii. Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, June 30, 2000 - 10:06 am
walaal suaasha hore dhareerkaasi ma waajibinayo qubays xukunkiisuna waa xukunka kaadida oo kale.
suaasha labaad wuu ku kaaji karaa ninku taagni laakiin waa inaanay ku duulduulin ,masalaan shurudeeda waxaa ka mida inuu qofku ka nabad gali karo duulduulisteeda sidaa darteed waxay culumadu yidhaahdaan waa in meesha uu ku kaajayaa ay noqoto dhul bacaada oo kale(waa inaysan ahayn dhul adag oo kaadida firdhinaya) WALAAHU ACLAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Saturday, July 01, 2000 - 12:03 am
Salaam Calaykum,

Su'aasha 1aad waa sida uu Anonymous u sheegay, waxaa laga yaabaa in dhareerkaasi ka yimaada qofka ee aan ahayn shahwadda, ee aan qofku iska keenin sida dhareerka ku yimaadda Daalka, ama Sabab la'aanta ma waajibinayo quweys, dharkana uma baahna in la maydo, oo xataa junubka hadii ay Maryaha kaa gaadhaan waxaa ku filan in laga tiro/jajabiyo.

Su'aasha Labaad: Istaag in lagu kaadiyo waa la reebay sababtuna waxay tahay ka hortag laga hortagayo in ay ku soo gaadho ama kugu finfiniinto....Taas oo keenaysa ama sabab u ah Cadaabul Qabriga. LAAKIIN hadii ku kaadiska istaag lagu kaadinayo aysan kugu soo duulduuleyn markaa wey banaan tahay sida adiga oo meel bacaad/ciid oo kale ku kaadiyey amaba Mustulaha istaaga loogu talagalay ee meelahan laga isticmaalo. Allah 'clam !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anaa

Monday, July 03, 2000 - 05:52 am
Anony iyo Yaska,

Jazaakallaah, jawaaab tafatiran baad i siiseen oo shaki igaga jiray. Waxaan aaminsanahay wax walboo diinteenna diidaan ineey maslaxad inoogu jirto.

Arinta kaadida lagu kaadshayo ama lagu talloojinayo istaaga waa loojig oo waxaa la diidayaa in faniinka ku soo gaaro balse aad tiraahadeen hadduusan jirin ama aad ka dhowrsanaan kartid faniinka waa lagu kaadshi karaa istaagga, marxaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMMED

Wednesday, July 12, 2000 - 03:26 am
ASALAAMU*ALEEKUM WARAHMATULLAHI WABARAAKAATUHU.

SALAAN KA DIB WALAAL SU'ASHAADA JAWAABTEEDA UMA NOQONAAYO OO WAA SIDI WALAALAHEYGA KUU SHEEGEEN LAAKIIN WAXAA RABAA INAAN U SHEEGO.


YAASKA JAWAABTUU BIXIYEY OO AH IN AAN MARADA LA DHAQIN WALAAL WAXAAN QABAA INEY TAHAY IN AY WAAJIB TAHAY IN LA DHAQO MARADA MEESHAY KAA GAARTO. OO XUKUNKA WIDIDA IYO SHAHWADA ISKU XUKUN MA AHA, OO SHAHWADA UMA BAAHNA IN LA DHAQO LAAKIIN WADIDA MEESHAY KAA GAARTO WAA IN LA DHAQAA.


SIDAA IYO NABADGELYO
WALAALKIIN MOHAMMED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Salma

Unrecorded Date
Asalamu caleykum.....

Walaalayaal damaantiin waad salaamantihiin. Salaan ka dib, jawaabtu waa siduu walaalkeen max'ed u tacliiqiyay suaasha yaska.Anyway, max'ed arinta laakiin ma aha inaad dhahdo sidaan ayaan qabaa ee waaba sida in uu qof walba uu qabo ay tahay....walaahu acalam....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.