site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA LABA DUMAR AH GUURSANKARA!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): YAA LABA DUMAR AH GUURSANKARA!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, July 10, 2000 - 03:13 pm
Ayaamahan waxaa soo batay Rag soomaaliyeed oo aan u bixiyey AHLUXAMAASA oo inta ay gabadh labaad guursadaan marka la masayro markiiba labadii gabdhood midfuraya ileen markii hore ayuu ku guursaday HA LA ROORO RUNBAAN MOODNEY isagoon iswaydiin maxaa uguursanaysaa? maxaa kugu imaankara? maku samri kartaa? IWM Raga adkaysiga leh marka hore waxaa guurka ku kalifa arimahan oo ay hadhow la adkaystaan A)in uu nin ku raganimo badan yahay oo 1 kufilay B)in gabadhu ku xumaatay oo uu meelyare qabow samaysanayo C)in ehelkii xaas ayka dhinteen uu caruurta ku xafidayo D)in xididku ku xumaaday oo xidid raadis yahay IWM, Hadaba raga ahluxamaansaha ah ee aad moodo inla yidhi gabadha hoosteeda un soo eeg sidii dhakhtaradii ee maanta guursanaya barina furayaa haka fiirsadeen intayna gabdhaha ku ciyaarin, Raga adkaysiga badan sida raga 2 qurbaha ku haya ee u samray oo kale noqo ama buulkaaga kujir.
byeeeeee AKHYAARTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAARUUQ

Wednesday, July 12, 2000 - 05:23 am
ASSALAAMU CALAYKUM INTAAA KA DIB RASUULKU WUXUU YIRI GUURSADA QOFKII SUNNADAYDA KA TAGANA IGA MID MAAHA. GUUURSADA AFAREEYANA SUNNADANA HA ILOOBINA WASSALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, July 12, 2000 - 10:56 am
TO: faaruuq guurka lama diidin laakiin AHLUXAMAASADA gabdhaha ku ciyaaraya miyaad ku raacsan tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mina

Wednesday, August 16, 2000 - 05:45 pm
Salaama Calaykum: wiilka furay hadalkan aad baan ula raacsanahay fikradaada. Ilaahay markuu raga u baneeyey laba naagood uma aanu banay in dumarka lagu ciyaaro laakiin naxariis bay u tahay raga iyo dumarkaba hadii sidii ilaahay ugu tala galay loogu dhaqmo. Tusaale ahaan nin gurigiisii dhibaatooyinka uu walaalkeen soo sheegay ku haystaan waa u baahan yahay naag labaad laakiin waa in uu u sabraa dhibaatooyinkeeda; maxaa yeelay maserka waa wax aadamaha ku abuuran. Mida kale oo ay ugu fiicantahay dumarka waxaa waaye sidaan u ognahayba ragii iyo dumarkii, dumarkii ayaa badan. Waxaa jira gabdho badan oon la guursan marka hadii qof si fiican u dhaqanaya oo cadaalad u samaynay oo rag ah uu jiro dumarku sidaas baa u roon. Anigoo Marwo soomaaliyeed ah kama aan soo horjeedo in ninkaygu gabar soomaaliyeed oo guri la guri u sameeyo laakiin hadii uu xaqayga iyo keedaba gudanaayo oo cadaaladna sameynaayo(ninkayga ha u sheegina inaan u ogolahay :-) naag labaad) Waxaanan rajaynayaa gabarkasta oo Somaliyeed in ay igu raacaan arintaas(I don't thinks:-)). Marka walaalayaa ha guursanina laba dumar ah hadii ooydaan ka soo bixi karin masuuliyada daba socota! !!!! Raga wanaagsan oo cadaalada falayana walaalayaal gabdho badan oo soomaaliyeed guur bay u baahan yihiin ee guurka badiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon.

Wednesday, August 16, 2000 - 06:14 pm
Asalumu caleykum.
walaashay MINA nimankii wanaagsanaa waxaad ku boorisey in ay labaytaan, hadaba walaashay ku waas wanaagsan oo xaqa ka soo bixi karo ninkaagu ma ku jiraa?, mise uma maleyneysid in uu ka soo bixi karo.hadii jawaabtu haa noqato let me know,saat u tiriba waxaa jiro gabadho badan oo aan rag haysan,bal hadaba si aan iskula fiirino arinkan war halagaahelo.Anigu waxaan ahay gabar xaas ah diina wax ka taqaano mana garanayo sida qalbigaygu noqan lahaa hadii la ila guursado kolayse gurigayga uma dumiyaan wax ilaahay u baneeyey laakiin uma maleynayo in aan fiyoobaan lahaa.marka walaashiis hadii ay runkaa tahay anaa hayo gabdho nimanka naagaha leh ka helee hadii ninkaagu ehludiinyahay soo sheeghee aan ogaaneeh.


wasalamu caleykum.
by walasha haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BILE

Wednesday, August 16, 2000 - 06:38 pm
asalaamu calaykum, anigoo ah wiilkii goobtaan fururay aad ayey u mahadsan yihiin haboon iyo mina
hada hadii haboon aad hayso gabdho raali ku ah nin xaasle, anaa haya kuwo xaaskii kamaqan yahay oo duruufta dhoofidu kala xidhay walina aan ku guulaysan in uu keeno fidnada wadamada gaaladana aydhibtay oo raadinaya gabdho muslimiin ah oo ay ku dhoorsadaan ragaasna sida aan filayo manaqon doonaan AHLU XAMAASA. walaahu aclam. ii soo jawaab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cade

Wednesday, August 16, 2000 - 07:27 pm
Asalaamu Calaykum Waraxmatulahi..
Intaas kadib marka hore anigu koley ma aaminsani in mawduucan wax saas u baldhaaran laga faa,iidi karo, sababta oo ah waa case ninkii la,haay maqanyahay. Qof walba wax ayay iska qoree kadibna meesha ayaa looga tegayaa.Tan kale qofkii soo abaabulay mawduucan waxaa uga fiicnaay in uu soo abaabulo mid na anfici kara aduunyo amaba aakhiro.
Ha moodin in uu dhib igu haya mawduucani, anigu xaas ayaan leeyahay mid kalena dooni maayo,
lakin is waydii maxaa laga faa,iidi karaa? nothing
Bal waxaa laga yaabaa in laysku caayo kadibna danbi kayimaado, qaas ahaan ruuxii soo saaray..
Walaalayaal hadii aad mawduuc furayso fur mid wax anfaca aduunyo iyo aakhiraba,, hadii kale keep it in your mind not in public..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Thursday, August 17, 2000 - 12:18 pm
Salaama Caleykum

Walaalah meeshaan isugu yimid waan idin salaamay,
salaan kadib, hadaan hadalka wax ka iraahdo,Arinku
haduu Diin yahay waxaa fiican shaki in aan lagelin
oo laraaco siduu yahay waa Amar Allaah nafaray.Markii Allaah arinkaa sheegayey wuxuu ka bilaabay Guurasada labo labo, ma orab guursada mid mid, laakiin walaal waxaa fiican inaad Duruufaada iyo awoodaada fiirisid, hadaad awoodid
adigoon kala tashan Xaaskaaga guurso, ileen kaa yeeli meysee, aniga waxaan ahay Gabar aan weli Guursan,waxaan maanta aduunka badan Dumarka oo waxay u baahan yihii in la save gareeyo, bal fiiriya idinku meeshaan Somalinet form Fiiri inta gabar joogta wiilasha iyaga ayaa kabadan, marka arinkaa waa sune laga tagey Guurka badan weliba markaan westiga ninmid, Fiir Aabe yaashee at least kan ugu yar ayaa Guursaday 4 Dumar ah, hadalkii waxaan ku soo gaba Gagabey hala save gareeyo Dumarka iyaga oo aan lagu ciyaarin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam Cade

Thursday, August 17, 2000 - 01:43 pm
Assalaamu Calaykum

Walaal SUMAYYO Arinka GUURSASHADA 4 DIMAR ah ama mid wax ka badan waa sidaa aad sheegtay iyo inuu yahay mid loogu talo galay in loogu tudho MUMARKA waxaase loo bedelay ninkii mid wax ka badan guursadaa inuu ku ciyaaro xaqii tii horeama kuwii horeba, waxay arini noqotay oo ragii u qaybsamay NIN lagu tilmaami karo guri DHISE midna DUMIYE, iyo nin TACBAAN ah oo aan hal xittaa ku aadin, hadduu guursdona gabdhaha ka masayr horeeya oo markuu arko nin labo maraya QAYLO afka qabsanaya WAAR MAXAA GABDHAHA LOOGU CIYAARAYAA ku hadaaqaya.

Walaal SUMAYYO waad asiibtay arinka JAZAAKALAAHU KHAYRAN.

Adam Cade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAQSOOR

Thursday, August 17, 2000 - 06:20 pm
asalaamu calaykum,WAXAA LA YIRI MARKA GEELA LOO HEESO AYEY GOROYADA U HEESTAA, WAXAA U MALAYNAYAA QORAALKII UGU HOREEYEY IN AAN LAGU DIIDIN GABDHAHA IN LA LABEEYO LAAKIIN LOOGU DIGAYO QOFKII AAN GABDHAHA XUQUUQDOODA KASOO BIXIKARIN IN UU KA FIIRSADO, TO. CADE MAWDUUCANI WAA MUHIIM IYADOONA LA IS CAAYIN AYAA LAGA KALA FAAIIDAYSAN KARAA WAANA DACWO DADAKA IFIYO AAKHIROBA ANFACAYSA HADII LAGA FAAIIDAYSTO, ADIGUSE ILKALAAD KU EEGTAYE KU NOQO WALAAL OO SIFIICAN U DHUUX INTA AADAN DHIHIN WAXBA LAGA FAAIIDI MAAYO, SUMAYO WAA SAAD U SHEEGTAYE DUMARKA HALAGUURSADO HADII LA AWOODA SIDII ALLE YIRI,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mina

Thursday, August 17, 2000 - 09:50 pm
Salaama Calaykum: To Haboon hahahahahahahhahahah
habooneey horta aad baad iiga raysay!!!! waad ogtahay si kastoo aan fikrada ninkayga laba naagood guursanay aan raacsanahay laakiin markay runtu imaatu sabir badan ayey u baahantahay. Alxamdulilaah ilaahay samirkaas waa i siiyey ninkayga naag kale ayuu qabaa hada xaali baanan ku ahay sidaan raali ugu ahay xukun kasta oo Ilaahay soo dajiyey. Mid sadexaad markay noqoto inuu awoodana you will be the 1st to know. Waxaa kale oon halkan wax yar ka dhihi lahaa walaalkeen CADE: Cade walaal subjectigaan si fiican u fiiri waxaan u malaynayaa adigoo hurdaysan ayaad akhriday. Sun Nabi Mohamed (SCW) laga dhaxlay ayaa sidii loo hir galin lahaa laga hadlaayey si fiican u fiiri walaal

Salaama Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Naciimo

Thursday, August 17, 2000 - 10:15 pm
Salama Calaykum to Cade waxa tiri waa ka soo horjeedaa mawduucan nacam faaido badan miyuu kuu laheyn qaasatan adiga haddii aan firiyey walaal mawduucan waa mid aad u wanagsan runtii haddii adi meel kale ka careysaneyn aduun iyo akhirana faaido badan leh meeshan leyskuma cayo qaasatan qofkii wax fahmayo lakin haddii aan fiiriyey waxa ku jirtaa kuwa hal naag heyn la amaba horeyn ayaa ugu soo ciyaartey marka ku raacsanahay ninkii labo naag awoodo ha guursato lakin haddii aad ku ciyaari doontid sidii ninkii odeyga ahaa sheekey maanta la gursado berrina la furo amaba sidii dhaqter hoosteeda fiiriso walal ilahey rali kama aha waana wax laga xumado qof kastoo muslin waxan u soo noqdey cade sheekada si fiican u fiiri adigoon dhibsan salama calaykum waa mahadsan tahiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, August 18, 2000 - 06:05 pm
asalaamu calaykum, anigoo ah ninkii bilaabay qoraalkan uguna naseexaynayey walaalahayga hore khaladku uga dhacay uguna digayey kuwa aan arintaa galin, waxaan qabaa in uu yahay mawduuc u baahnaa in umada lagu baraarujiyo, kuwii hore u khaldamayna haka soo noqdeen li ana rasuulku wuxuu yiri (kulu ibnu aadama khadaa uun wakhayru khadaauuna tawaabuun)hadal nina si u yiri nina si u qaaday walaal keen CADe waa u cudurdaaraynaa ee walaal qoraalka dib u dhuux in laba dumar ah la guursadana la diidin ee ogow, waaba sunadii nabiga alaana jideeyey. TO.NACIIMA,XAQSOOR,MINA walaalayaal alle ha idinka abaal mariyo sida asluubta leh ee aad CADE wax u tusteen, isna haduu caaqil yahay wuu arkaa intii qoraalkani socday in aan la isku caayin ee lagu kala faaiidays. hana la isa soo cafiyo hana laisu duceeyo akhwaanii. wabilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMADOON

Tuesday, September 05, 2000 - 09:56 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaan aad ugu farxay walaalada caqligooda iyo dulqaadkooda marka lafiiriyo mowdhuucaan sidey uguteen la isuna afdhaafin

Waxaana layaabay rag kadigaaya guur hal kabadan iyo dumarkii oo boorinaaya, umana jeedo rag sunada diidan ee waan fahmayaa daruufta eyka hadlayaan. tanina waa yaab faraxsita waayo dumaryar oo eyna dhibeyn la arag ee sidey isugu raaceen yaan la yaabanahay.

Akhiirana waan idinku amaanayaa isuturka iyo famkiina diiniga meeshuu maraayo Aloow kuwa kheyrka qaba igu dar.

Masaladaan aad kahadlesaana weycadahy diiniyan sidaad ufahamteen, ninkaan karin iyo gabadhii maseyrta iyadoon sunadaa diiniga diidaneyn waa waan u cudurdaari lahaa.

Waxaanse sumaya walaasheyda weydiin oyo gabdhaha lamida ah, arintaas sidaad u boorisay garanaye waana rajeyn inaad lagula guursan karo laakiin waxaan rabaa inaan ogaado nafsiyan ma ku dhibi arintan ood isa sabirsiin mise wey kuu fududahay.

WAbilaahi towfiiq

Asalaamucaleykim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 25, 2000 - 08:22 pm
Inkasta oona waqti badan kubixin hadana waan eegaa meelaha loogahadlo doodaha, waxaana dhihikaraa tan ayaa ah meel aykuwada xiriiraan dadka waxgaradka ahi, waayo in badan ayaa lasoowada hadlay layskumana af dhaafin, waxaan codsanayaa in aan qofna meeshaan kusoo qorin xumaan iyo caytan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.