site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDEE DACWADA HALKAN UGA WADNAA?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): SIDEE DACWADA HALKAN UGA WADNAA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Wednesday, July 19, 2000 - 03:17 pm
ASALAMU CALAYKUM/

Dhamaan walaalaha aan khayrka ku tuhmayno waa walaalkiin miskiin oo aan marna ka daalin inaad asaga iyo inta la mida khayrka u sheegtan kuna baraarujisan haduu daciifo.
Qaybtaani ama mawduucani waa qoraal ka soo wareegay boga ama qoraalka ah MISKIIN MAXAA LA GUDBOON?
Ikhwatii markaan bogaas soo dhamaynay waxaan runtii waqti badan galinay in dad badan oo anigu ku jiro kana niyad jabay sida netkani u qasmay qarkana u saara inay meeshan ka haraan iskagana baxaan. aad alah SWT ka dib aad sabab noogu noqoteen dood dheer ka dib inaad nagu qancisaan inaan duudka u ridano waxii halkaan naga soo gaara dacwadana ku sabirno,waxay ahayd mid aan qaadanay ama anigu aanba qaatay.
WAXAASE SU'AASHA TIMID NOQOTAY SIDEE BAAN KHAYRKA IYO DACWADA HALKAN UGA WADNAA.WAXAAN FILAYA INAY FIGRAD IYO KHAYR IS WAYDAARSI FURAN TAHAY MARKAA KHAYRKA LUG KU SOO DARSO,FIGRADAADANA WALAALAHA LA QAYBSO,WAXAANA RAJAYNAYA INAY KHAYR NOOGU DHAMAAN DOONTO SIDII MAWDUUCI HORE.FIGRADAYDANA WAAN SOO JEEDSAN DOONA.INSHA ALAHU.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Wednesday, July 19, 2000 - 03:30 pm
ASALAMU CALAYKUM.
Iga raali ahaada waa aniga oo figradaydi raacsanaya.
Yaa ikhwatii waxay iila muuqata meeshan in dacwadeedu kolay uun ay tahay qoraal meesha lagu soo qoro.waxaana arkaa in qoraalada ku qoran ay tiro badan yahiin,kuwo badana aysan nacfi badan lahayn bal qaarkod danbi iyo alah ka fogaansho yahay.waxaana filaya waxa aan doonayno inay khayr iyo alah u dhawaansho ay tahay.waxaan kaloo ku daalay in cid wax ka qabata aysan jirin meesha ilaaladeeda.
Markaa aniga figrad ahaan waxaa ii muuqata inaan HALQOL OO DACWADA IYO QOL AQOON IS WEYDAARSI AMA KALA FAA'IIDAYSI AH FURANO.
Midka dacwada aan ku soo qoro waxii hadba qof uu ku dhaamo walaalihi,aakhiro iyo alahna aan isku xasuusino.
Midka kala faa'iidaysigana hadba mowdiici aan jecelahay inaan kala faa'iidaysano aan ku soo qorno.
Waxii labadaa qol soo dhexgalana aan ka codsano si walaaltinimo ah inuu nooga wareegsado haduu diidana aan iska ignorgarayno.
TAASI WAA FIGRADAYDII GAABNAYD WAADNA MAHADSANTIHIIN.
WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Saturday, January 20, 1973 - 11:08 am
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh

Akhii Miskiin Allaah ayaa mahad leh kugu soo celiyay netka runtii aad ayaan uga naxay markaan akhriyay qoraalkaagii aad ku cadaysay inaad isaga tagaysid netka adiga iyo walaalaha kale qaarkood waxaana ka soo wareegay dhowr bilood. Waxaana ku leeyahay walaalaha ku naseexeeyay jazaakumullaahu khayraa.

Hadaan wax ka iraahdo su´aashaadana waxaan leeyahay walaal way fiican tahay inaan samaysano qolalkaad sheegtay laakiin walaal sow inagii uun ma nihin waxa kala faa´iidaysanaya dadka qaarkood waxaa laga yaabaa intay so fiiriyaan qolka inay dhahaan waa kuwii. Marka waa su´aalee yaa dadkii kale wax u shegaaya. Saad la socoto dhowr qaybood weeyaan forumskan qaybtan ayaa islaam ah oo awal Islam uu aha cinwaankeeda hadase laga dhigay Religion oo ay ku adag tahay dadka qaarkood inay soo galaan yacni way ka caajisayaan oo waxaa laga yaaba inay u maleeyaan inaan islaam uun lagu hayn.
Marka qaybaha kale oo dhan waa munkar wax khayr ah oo lagu hayo anigu ma´arkin marka walaal tanna hadaan ka guurno sow kasii dar ma noqonayso. Saad ogtahayba waxaa Allaah uu nagu tilmamay khayrul ummah "kuntum khayrul ummatin ukhrijat linnaas...." goormaan gudanaynaa hadaan anaga uun isku koobno.

Akhii way fican tahay inaan qolalkaad sheegtay samaysano inagoo islamar ahaantaana dadka ku dhex jirna oo dhinac ka wadna Xadiiski Nabiga scw: "Balliquu cannii...." si aan dadkana u gaarsiino waxaan ku dhaano anana aan u faa´iidaysano. Sidaa ayaan is leyahay igana raali noqo hadaan wax kuu dhimay.

Mar kale jazaakallaahu khayraa sabirkaagana Allaha kuu saa´idiyo sawaabkana Allaha ku asiibsiiyo.

Rabanaa aatinnaa fidunyaa xasanah wafil aakhirati xasah waqinaa cadaabannaar.

Wabillaahi Towfiiq

Ukhtika fillaah

Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM/
DEGAN.
Jazakalahu khayra yaa ukhtana.runtii adigaba maalmahan meesha waa lagaa waayay.
Yaa ukhtii baraarujintaada waa mid meesha ku jirta,qaybaha kalana dhib badan baa ka jira balse anagoon tan xalin miyay kula tahay inaan awood u leenahay inaan kuli qabano?
Runtii ukhtii caziiza ma aha waxa nagu khasbaya inaan halkaan xoog badan saaro caajis mana aha inaan xataa furan karin sitekaan oo kale,bal iskaba daaye kan ugu qaalisan qiimahiisu waa $35.oo kaliya.waana rangarayn karnaa waliba asagoo dacwo kaliya.balse meeshan waxay noqotay magac horay u baxay.inkastoo sumcadeeda ay hoos u dhacday waayadan hadana wali dadkii way yaqaanan oo waa la bartay.
Markaa calaa kuli xal aniga figradayda aan xooga hada saarno bal kan sidaan dacwada uga wadi lahayn
JAZAAKALAHU KHAYRA MAR LABAD DEGAN,ADIGA IYO WALAALAHA KALABA FIGRADIINA WAA LOO BAAHAN YAHAY,OGAADANA HADAAN FIGRADAHA LA ISKU DARSAN IN LA KALA CAAJISI DOONO LANA KALA TAGI DOONO/
WABILAAHI TOWFIIQ WASALAAMULAAHI CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARBAAR

Unrecorded Date
JASAAKALAA KHAYR YAA MISKIIN aqbalka aad naga aqbashay in aad dacwada ka wado netkan, waxay aniga ila tahay in aynaan qaybkale furan hada waayo dadkii qaybtii furayd ee ISLAM qadarin waayey taana kugu dayn maayaan hadaba waxaan u baahanahay SIDEE XEEDHO LOO XAGTAA ILKANA KU NABAD GALAAN) aan dacwada ka bixino qaybtan inagoo dhowr arimood katagayn sida SAMIRKA,XIGMADA,IXTIRAAMKA,AKHLAAQDA,WADATASHIGA,
mida kale waxaan qabaa hadii uu soo galo qof netka diinta iyo culimada dhaawacaya oo qof inaga mid ah xaqa u sheego in hadalkiisa intaa lagu jaro oo aan lalasiiwadin, ALLENA wuxuu yiri haday idinla hadlaan dadka jaahiliinti dhaha nabadeey, imaamul shaaficina wuxuu yiri nin jaahil ah lamaan doodin ilaa waa iga badiyey nin cilmi lehna lamaan doodin ilaa waa ka badiyey. markaa ikhwaanay dadkaa jaahileenta ah hadaan laga aamusin marka mar wax loo sheego adiga ayey danbi ku galinayaan ama waxaad arkaysaa adoo is ilaaway oo sidoodii u caytamaya isdifaac awgii.
DEGAN figradaada aad baan uladhacay jasaakilaa kayr.
WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.
JAZAKALAHU KHAYRA YAA BARBAAR/

Akhii kariim waxa laga yaaba hadaan halkan bal si uun wax uga fulino in aan qaybaha kalana tagno,laakin ogada gacmo wada jir bay wax ku gooyan.

MAXAA IDINKU DHACAY HUSKA.KHADIIJO.ANSAARI.ISMAACIIL.NEEFOW IYO AKHYAARTI KALE.MISE WEEKAN OVERTIME BAA JIRO? WAA KAFTAN/HADAAD ISKA MAQNAATAN ANAGUNA WAAN IDIN SOO RAACAYNA MEESHA HA NAGU CIDLAYNINA/XAQANA HA KA XISHOONINA EE KA DHIIBTA FIKRADIINA/

WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Walaalayaal Ilaahey ha idinka abaal mariyo wanaaga iyo dagdaga aad kheryka u hormareysaan. Runtii aniga waan gaabiyay laakiin iisoo duceeya in Alle inoo hanuuniyo dacwadana igu ilaaliyo. Talo hadaan ka dhiibto waxaan u maleynayaa ina fiican tahay in aan wada jir iyo wada tashi meesha wax uga qabano in kastoo ay talo faraha ka baxday. Waan ku raacsanahay fikrada ah in qol walba dacwo gaar ah laga guto ragana ninba meeshuu ku fiican yahay loo diro xaqana la isu dardaarmo, waxaan oran lahaa raga bal ha is bartaan oo ha wada tashadaan hana la isku dayo hadii la suubin karo in la suubsado mailing list kaasoo loogu adeegayo dacwada lana isku fikrad iyo talo dhaafsado. Waxaa dhici karta in Ilaahey sabab inooga dhigo oo kheyr badan meesha ka dhasho lagana yaabaa inaan rayi xumahay.
WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum walaalayaal!

Salaan qaasa walaalahii hore ee aanu halka ku kulmi
jirnay ee mudadanba la arag.
Aniga latfigeygabawaan gaabshay oo xiisihii
meeshan waa iga degey, sababtuna waxaa weeye
meeshii oo noqotay 'Rug baas'.

Walaalayaal kulligiin isku meel ayaad ka
hadasheen, isku si ayaadna wax u aragteen.

Sideedaba netkan waxaa ka bilowday waxyaabo badan
sida e-jihad, e-commerce, e-mail, e-dacwah i.w.b.

Markaa ma xumaan filayaa haddii aanu annagoo
kursigeena fadhina xooggaa E-Dacwah marmar suubino
waa lagamahuraan.

Runtii waxaan ku raacsanahay walaalkay Muslim,
arrinta ah in aanu suubsano mailing list nagga
dhaxeeya oo aanu ku wada xirriirno, warka kukala
qaadano kuna tashano.

Mailing Listigaas anniga ayaa suubin kara haddii
la isku raaco arrinkaasi.

Bal jambiyadda kale ee SomaliNet/forums (other
sections) eega! runtii dad badan oo walaaleheena
ayaa halkaa ku lunsan una baahan saacidaad iyo
Alle ubaryidba.

Runtii ku ekaanshaha halkan (ISLAM) oo kaliya,
waxaan filayaa in Allaah raali inooga ahayn ee waa
in aanu Allaah dadka xasuusinaa, Rugahoodana ugu
tagnaa iyo weji wanaagsan.

Anigu waxba ma aqaani, runtiina nin hadda bilow ah
oo cilmi raadis ah ayaan ahay oo sidiina oo kale
(masha'allah) ma gaarin, markaa aanu is gargaarsano
oo bal tashano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum dhamaan walaalaha Islaamka ahoow.

Akhii Miskiin illaah hakaa abaal mariyo dadaalka aad wado, mida kale waad ku mahadsan tahay allaah ka sokow wanaaga aad igu tuhmeysid.
Runtii akhii Miskiin anigu cilmi ma lihi, hase yeeshee waan jeclahay inaan aqristo ama ka faa'iideysto raga sidiina oo kale ah. Markaan ka hadlayo somalinet, waad ogtahay meeshay i gaarsiisay, oo waxay i gaarsiisay inaan Shariif Cabdi Nuur(Xafidahu laah) inaan taleefan u diro oo aan weydiiyo, hase yeeshee weli waan qabaa sida walaalaha kale sheegeenba in dacwada la wado dhibkii la doonaba halagala kulmee, la isku dayana sidaad sheegtay meelo kale la furto oo rag wanaagsan, aqoona u leh gacanta ku hayaan, maxaa yeelay raga meeshan maamulo way xiri karaan. Dacwadan maadaama meeshan la yaqaano laga wado oo aan laga joojin, sida walaalkeen Muslim sheegayna la sameeyo E_Mail lista oo lagu wada xiriiro, alxamdu lilaah walaalkeen Ansaari ayaaba diyaar u ah taas.
Akhwaanii hadalka waan ku dheeraaday ee iga raali ahaada.
Akhii Miskiin ii soo duceey in illaah caafimaad isiiyo waan xanuunsanayey mudooyinkaanee(Aamiin).

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Huska
Assalaamu Caleykum,

Walaal Allaha ku caafiyo,
Allaha ku siiyo caafimaad degdega,

Allahana caafiyo intii
muslima oo xanuunsan.

Aamiin!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Jazaakalaahu kheyran Yaa Akhii Ansaari.

Asalamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
Assalama calykum waraxmah.
Dhamaan akhyarta walaalaha goobtaan kukulmay.

Marka hore yaan la'imoodin daaci waxaan ahay dadka u baahan in wax loosheego diyaarna u ah in ay faa'iidaystaan, ahlu khayrkana waxaan ugu dhex jioraa jaanis gaad baan ahay oo waxaan is leeyahay kudabagabo waxaan ula jeedaa HUMULQAWM LAAYASHQAA BIHIM JALIISUHUM.

Hadaan u soolaabto fikradayda waxaan kusoo koobayaa sidan.
-Talada akh miskiin oo aan ufahmay in marka hore aan meeshaan isku uruursano oo aan isku imaano waa muhiim hadii kale waxba lama bilaabi karo.
-Mailistigana waara'yi wanaagsan.
markaan ishelno ayaan katashankarnaa in aan meelkale qabano iyo in aan meeshaan kusugnaano.
wasalama calaukum.

to.HUSKA.
Asalullaaha alcadiim rabilcarshil kariim anyashfiyaka wajamiiculmuslimiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARBAAR

Unrecorded Date
A/calaykum, aad ayaan ula dhacay emailka lagu wada xiriiro dabadeedna halkaa laga duulo. anigu inkasta oo aana ku cusbahay somalinetka oo aana khibrad badan u lahay, hadana waxaan hayaa figrado qayim ah oo aan is leeyahay dacwada waynu kaga qaybqaadan karaa, figradahaas oon jeclahay in aan emailka ku kala qaadano. oogaada walaalayaal dacwada ama adaa wada ama aday kugu socotaa markaa intaa inaga dacwo cun lainagu socodsiin aan meesha iska qaadno.
TO. HUSKa ASALALAAHI CADHIIM RABILCARSHI CADHIIM AN YASHFIIKA, LAA BASA DHAHUUR INSHA ALAAH
WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA/

Ayuhal ikhwa iga raali ahaada maalmahan waan mashquulaye.
Yaa ikhwani taladiina aad ban anigu ugu qanacsanahay waxaana ka xumahay maalmo ayaana mudadiiba mar aad u mashquula.runtiina hada oo aan rabay barnaamijkan talo aruurinta inaan wado ma jeclayn maalmaha mashquulkayga inay ku soo aado.

Hadaba waxaan jeclaan lahaa qof aan ku wareejiyo oo sii wada mudo xoogaa ah.
Amaa xaga dacwada ayuhal ikhwa inta uu miro ka dhalayo wada tashigaani anigu xagayga waxaan soo qori doona dhowr mawduuc oo dacwi ah intii aan karo.igana raali ahaada waxii khaladaada ee iga dhacay ama igaba dhici doono waayo bashar baan iska ahayn gefna waa khasab.

HUSKA.
Akhii kariim alaha ku caafiyo alahuma raba naasi ad-habil ba'sa washfi laa shifaa'u ilaa shifaa'uka shifaa'u laa yugaadiru saqama/
Yaa akhii kariim waxaan raxmaanka kuu waydiinaya inuu danbi dhaaf kaaga dhigo xanuunkaga runtii dadkii salafka ahaa way murugoon jireen, ooyina jireen hadaysan jiran ama dhibtoon waxayna u qaadan jireen in aduunka lagu barbaarinayo.runtiina qof ma jiro taariikhdu qortay oo dadkii wanwanaagsana ah ilaa aduunka waa lagu dhibay.waxaana xasuus noogu filan NABIGII ALAH SCW markuu daartan ka baxay waxuu ahaa mid aad u tabar daran oo xanuunsan.geeridana aad loogu dhibay waxuuna dhihi jiray SCW LAA ILAAHA ILA LAAHU INA LIL MOWTI SAKARAAT.
MARKAA AKHII ALAHA KU CAAFIYO DANBI DHAAFNA KAAGA DHIGO.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Dhamaan walaalaheyga Islaamka ahoow, jazaakumulaahi Kheyran, ducada aad ii duceyseen, Aamiin. Illaah ha idinka abaalmariro, dhamaan wixii Islaama oo xanuunsana allaaha caafiyo(Aamiin).

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Unrecorded Date
ASLAAMU CALAYKUM
taloyinkiína aad u ficnayen runtii. waxana idin leyahay jisakumulahu karayraa.

laakiin wan ka xumahay aad ban uga so dahay meesha. waxan inigana ku darsanaya xadiskan diiiintu wa nastexo ayu yiri rasulka (SCW) saxadadi ba waydisay ciday nasexo u tahay waxu yiri rasuka SWC way u tahay ilahay iyo rasulkisa iyo kitabkisa iyo aimada musliminta iyo camadodaba. marka walalyalow aan iskugu nasexayno dinta qof walbaba waxu yakhano walaalkisa kale ha u sheko ingana an isku fa idayno ina so duceya inu ilahay iga mid dhigo dadka ducada ah amiin. WAXAN ANO DARDARMAYA NAFTAYDA IYO NAFAHIBA CABSIDA ALE SXW.
WAN KU DHERADAY E IGA RAALI AHADA WALAALAYAL

WA JISAKUMU LAHU KHYARA WASALAMU CALAYKUM WARAH MATULAHI WABARAKATUHU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
baba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Thursday, August 03, 2000 - 01:35 pm
Aslamu calaykum´

maxaa ku dhacay dadkii mesha wax ku qori jiray walaalyal maxa idinku dhacay gur mad khayr inad niyada no galisen no bilabi don tan hadu ale idmo waad mahdsantihin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Saturday, August 19, 2000 - 12:06 pm
ASALAAMU CALAYKUM/
DHAMAAN IKHWADII KHAYRKA IGA RAALI AHAADA WAAN YARA MASHQUULAYE.
INTII AWOODAYDA DACWO WAAN SOO GUDBIN/
MAWDUUCAYGA KOOWAD DHAWAAN AYAAN SOO QORAYA IN SHAA'A ALAAHU
CAFWAN DHAMAANTIIN.
GAAR AHAAN KHADIIJO OO CODSIGEEDI MUDA AAN LAGA SOO JAWAABIN,KHADIIJO RAALI AHOW FIRAAQO MA JIRTO WAAD OGTAHAYE.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Sunday, August 20, 2000 - 12:05 pm
aslaamu calaykum

jisaakalahu kahyr walaal dhib ma laha . waan agahay inuu waqtiga cariiri sika yahay. ilaahay cilmigaga ha kuu siyaadiyo walaal aan isku faaidayno kuligeena.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.