site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAQIIQADA DUCAADA IKHWAANKA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): XAQIIQADA DUCAADA IKHWAANKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, August 03, 2000 - 02:50 am
MAXAMED SARUUR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, August 03, 2000 - 06:08 am
awalan alle ayaa mahad iskaleh

waxa lagama marman ah in la'ogaado in salafiyiintu kuwii hore iyo kuwa dambaba ayna u arag in laradiyo ama laga digo ahlul bidaca iyo firqooyinka axzaabta ee maanta saaxada kajira iyo kutubtoodaba, inuu arinkaasi yahay ducaad wax laga sheegayo amaba in daaciga laftiisa ladurayo, lakiin waxay u arkaan inay tahay digid laga digayo ahlul bidaca, ninkii ka aamusa ahlul bidaca, manaahij toodana aan kadigin isaga oo ku andacoonaya "culumada haxamanin"marna odhanaya "culumada hilibkoodu waa sumaysan yahay"marna odhanaya "dadka ha waswaasinina"marna odhanaya "dadka hakala caydhinina aan umidowno cadow geena khatarta ah" iwm waa kalimad xaq ah oo lakiin loola jeedo baadil, maxa yeelay iyaga ayaa ah cadowga ugu khatarsan maxa yeelay cadowga kugu dhex jira ayaa ka khatarsan kan dibada .,
wuxu yidhi sheekhul islam (rxm)isaga oo kahadlaya khatarta ay ahlul bidacu leeyihiin (hadaysan jiri lahayn dad u taagan radinta kuwaas waa ahlul bidaca e diintu way fasahaadi lahayd fasaad koodaana ka daran cadow ina qabsada maxayeelay cadowgu ma fasahaadinayo qalbiga iyo diinta amaa ahlul bidacu marka ugu horaysaba qulubtay fasahaadinayaan ) fiiri fatawadisa (28/232)
bal salafku waxay u arki jireen in kahadalka ahlul bidacu kafadli badan yahay soon iyo salaad iyo ictikaafba waxa laway diiyay imaam Axmed(rxm) (ma qofka sooma oo salaada oo ictikaafa ayaad jeceshahay mise kan ahlul bidaca radiya markasu yidhi haduu soomo uu salaado uu ictikaafo naftiisa umbuu anfacay lakiin haduu kadigo ahlul bidaca muslimiintoo dhanbuu anfacayaa isagaana fadli badan)fiiri fatawa ibnu taymiyah(28/231)
wuxu yidhi maxamed binu sahal albukhaarii anagoo mar lajoogna faryaabii ayaa wuxu ka sheekeeyay ahlul bidaca, ninbaa markas ku yidhi hadaad xadiis no sheegi lahayd baan ka jeclaan lahayn , markaasu faryaabi xanaaqay oo wuxu yidhi hadalkan aan ka hadlayo ahlul bidaca ayaan ka jeclahay inaan lixdan sano cibaadaysto) fiiri talbiisu iblis(28)
ninka layidhaa maxamed binu bandaar aljarjaanii baa wuxu ku yidhi imaam Axmed(rxm)(waxa idhibaya inaan idhaa hebel waasaas iyo waasaas -yacni inaan mubtadica wax ka sheego-markasa imaam axmed wuxu ugu jawabay hadaad adigu aamusto aniguna aan aamuso goormuu jaahilku xumaha iyo samaha kala ogaanayaa) fatawa ibnu taymiyah (28/231)
mar laway diiyay imaam axmed ninka layidha xuseen alkaraabiisii ayaa wuxu ugu jawaabay (waa mubtadic)wuxu meelkale ku yidhi iska jir ninka layidha xuseen alkaraabiisii hala sheekaysan qofka lasheekaystana hala sheekaysan )firi taariikh baqdaad(1/65,66)
waxa laway diiyay abuu zurcah ninka layidhaa xaarith binu asad almaxaasibi iyo kutubtiisa markasa wuxu ugu jawaabay iska jir kutubtaas waa kutub baadi iyo bidco ka buuxdo'e waxadna ku dadaashaa atharka, markasay dheheen kutubtan waxa ku qoran waxyaabo cibro leh markasu yidhi ninkaan kitaabka alle cibro ka helin kuwan kama helayo markasu siiraaciyay (war dadku udagdag badanaa bidcada!!)fiiri attahdiib(2/117)
wuxu odhan jiray shucbah(rxm) marku ka sheekaynayo cilmul jarxi wattacdiil (kaalaya aan ilaahay dartii saacad u xamanee)firi sharxul cilal litirmidi(1/349) iyo alkifaayah(91)
wuxu yidhi c/laahi binu axmed (abuu turaab annakhshabii ayaa u yimid mar aabahay markasa aabahay wuxu bilaabay inuu yidhaa hebel waa daciif hebel waa nin lagu kalsoon yahay, abuu turaab baa wuxu ku yidhi aabahay sheekhow haxaman culumada, aabahayba daymooday xaga abuu turaab oo wuxu yidhi (war hooge arinkani waa nasiixo'e xanmaaha)firi sharxul cilal(1/349-350)
wuxu yidhi xasanul bisri (nin bidcoole ah iyo qof faasiq ah oo fisqigiisa muujisanaya midna ka hadalkoogdu xan maaha)alaalakaa'ii(1/140)
waxa laga wariyay c/laahi binu mubaarak inu yidhi ( lafadhiiso masaakiinta waxanad iska jirtaa inaad lafadhiisato qof mubtadic ah)firi alaalakaa'ii (1/137) fudayl binu ciyaad wuxu yidhi(hala fadhiisan mubtadic waxan ka baqayaa inay nacdal kugu soo dagto'e )firi alaalakaa'ii(1/137) waxa kaluu yidhi (waxan soo gaadhay dad akhyaar ah dhamaantoodna yihiin ahlu sunnah waxayna dadka ka nahyin jireen ahlul bidaca)laalakaa'i(1/138) wuxu yidhi ibraahiim binu maysarah (ninkii qadariya qof bidcole ah wuxu ugu kaal meeyay duminta islamka)laalakaa'ii(1/139)
ibnu cown wuxu yidhi (rxm)(qofkii lafadhiista ahlul bidaca yaa nooga daran ahlul bidaca) al-ibaanah li'ibnubadhah(2/473) sufyaanu thowri wuxu yidhi (ninkii mubtadicada lasocda waxan u ragnaa mubtadic)
wuxu yidhi abuu qilaabah(hala fadhiisan ahlul bidaca hana dhex galin aamin kama ihi inay idin galiyaan baadidooda ama ay idinka dheeh galiyaan waxbadan oo aad taqaanaan)laalaka'ii(1/134)
waxa kaluu ku yidhi isla safxadaa(abaa ayuub asakhtiyaaniyow maqalkaaga hasiin ahlul ahwaaga)
wuxu yidhi ibraahiim annakhaci (hala fadhiisanina ahlul bidaca hana lahadlina waxan ka baqayaa inay qulubtiinu gadoontee)firi al'ictisam lishadhibi(1/172) wuxu yidhi fudayl binu ciyaad (hadaad aragto nin mubtadic ah oo jid haya kan kale mar)al'ibaanah(2/475) waxa kalu yidhi (qofkii lafadhiista qof mubtadic ah iska jira)talbiisu ibliis(s27)
wuxu yidhi xasanul bisri (hala fadhiisan ahlul bidaca maxa yeelay qalbigu jiro kagaga ridayaa)al'ictisam(1/172) sulayman binu taymiya ayaa maalin isagoo jiran ayaa wuxu ooyay oohin daran markasa waxa lawaydiyay maxa ka oo hinaya? mageeridaad ka baqaysaa ? markasu yidhi maya'e waxan soo maray nin qadari ah markasan salamay marka waxan ka baqayaa in alle iwaydiiyo )talbisu ibliis(s27) wuxu yidhi ibnu taymiyah(rxm) (waxa waajib ah in laciqaabo qof walba oo u nibo sheegta ahlul bidaca ama difaaca ama amaana ama karha in laga hadlo ama cudurdaaro u raad raadiya, bal waxa waajib ah in laciqabo qofkasta oo xaal kooda ogaaday oo aan taageerin dadka xaal kooda cadaynaya maxa yeelay cadaynta arinkoodu waa waajib) fatawa(2/132)

sidaa awgeed waxan leenahay ducaada dacwada tamyiicinaysa inay ilaahay ka baqaan oo ay ku daydaan salaf kodii saalixa ahaa una cadeeyaan dadka caamada ah waxyaabaha khatar ka galinaya diintooda. ninbaad waxad ku leedahay walal iska jir xizbiyadu yayna diintaada kaa galaafane markasa wuxu kuleeyahay anigu waxay ku xun yihiina waan ka leexan waxay ku fiican yihiina waan ka qaadan ,su'aal salafkii markay leeyihiin hala fadhiisanina ahlul bidaca ma waxay garan waayeen inay yidhaah daan ahlul bidacu wax yaabo ayku fiican yihiin baajirtee lafadhiista oo inta fiican ka qaata? jawaabtu waa maya. hadaba waxad ogaataa fikrada odhanaysa in waxay ku fiican yihiina laga qaato waxay ku xunyihiina laga tago inay tahay fikrad kugu soo dhaway naysa inaad lafadhiisato,lafadhiisad koda waxay salfku ka yidhah deena waad soo aragtay, waxadna o gaataa inay fikradan keeneen asxaabul (MUWAAZANAH) iyo xizbiyiintu waxanse kugu bishaaraynaya inay jirto cajalad layidhaa (bidcatul muwaazanah) uu leeyahay Al_calaamah Abuu cabdiraxmaan maxamed naasirudiin binu nuux najaatii al_albaani assaacaati
hadaba si'aad uga bogsato arinkaas udag dag sidaad u heli lahayd cajaladaas, hadaad aragto qof ka gil gilanaya cilmul jarxiga ogoow inuu ninkaasi majruuxiinta kamid yahay
wallaahu aclam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.