site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA MUSLIM AHAW !!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): YAA MUSLIM AHAW !!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIM

Thursday, August 03, 2000 - 01:57 pm
SALAAMU CALAYKUM

Magaalada London waxaa lagu qaban rabaa barnaamij la magac baxay MISS SOMALIYA 2000. Barnaamijkaas waxaa loogu talagalay in la isugu keeno Gabdho soomaali ah oo la qaawiyo si loo arko cawradooda dabadeedna layiraahdo Taa baa u qurxoon.

Jirkaan Allah baa sawiray qof loo dirsaday inuu wax ka sheego malaha waa na xaaraam in gabdhuhu ay cawradooda banaanka keenaan in la fiirsadaana sidoo kale.

Walaalayaal qofki garanaya dadka abaabulaya usheega in Alle ay ka cabsadaan ku watagaaya iyo kuwa is qaawinayana usheega in ay Alle kacabsadaan

Wixii tageera ah halkan ku muuji ama la soo xarrir dhalinyarada soomaaliyeed ee jecel inay munkarkaan joojiyaan kala soo xariir masaajidka Ealing Road, Wembley London.

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohmed

Friday, August 04, 2000 - 12:07 am
Asalaamu Aleekum Warahmattullahi:
Salaan ka dib walaal maskin waxaan jeclaan lahaa inaad ku reebto masaajidka haduu leeyahay E_mail ama tel. ileyn ogow waxaa jiraa dad badan oo aan joogin ingririiska. Sidaa iyo nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islaam@usa.com

Saturday, August 05, 2000 - 01:47 pm
Assalaamu CAlaykum

Walaalkay Muslim

jazaakallaahu kheyran baraarujintaada dadaal siyaado ahna waxaa qaban kara dadka meesha jooga.

Walaal waxaan ku xasuusinayaa inaynu GUDANNO DACWADA iyo GUDBINTA DIINTA waad u jeedaa oo xeradii waa lagasii yaacayaa RAG iyo DUMARBA inana aan ku dadaalo saan gaalada wax ugalasoo hari lahayn, waxaan ku xasuusinayaa walaal in SAXAABADII XABASHIDA u hijrootay inuu nin ka gaaloobay laakiin iyaguna ay dad badan muslimiyeen oo uu ka mid ahaa BOQORKII NAJAASHI oo waqtigaas dhulkaas xukumayey waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii ay muslimiyeen AWOOWAYAASHEEN marka mar haddii saxaabadii qaar la fidneeyey xagee inagu joognaa.
waxaan walaalkay muslinoow hadalka kusoo gebagebaynayaa koley iyo koley dad waa inaga tegayaane aan inaguna wax kasbano.
Anigoo aan lahayn GABDHAHAAS iyo RAGA ka danbeeyaaba waa GAALO waxaanse arkayaa inay wadadii GAALNIMADA cagaha saareen, iyagana haddii la garanaya haloo NASEEXAYO si xigmadi ku jirto hana loo duceeyo in ALLAH soo hanuuniyo Aamiin.

Walaalkaa
Adam
ISLAAM@USA.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Sunday, August 06, 2000 - 09:17 am
Ummad badan oo soomaliyeed ayaa dhaqanki islaamka ee wanaagsanaa ka doortay iney qaataan dhaqan shisheeye oo ALLAH uusan ralli ka ahayn.
Ummadda ALLAH ha soo hanuunsho (Aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Sunday, August 06, 2000 - 12:25 pm
Waa wax laga xanuunsado runtii.

Waanu ku taageeraynaa dhamaan walaalaha
reer Masjidka Ealing Road, Wembley London
ee doonaya in aay wixii karaankood ah
munkarka ku joojiyaan.

Waana usoo duceynaynaa.

Ilaahoow umadan dhunsan soo hanuuni
Adaa hanuunin karee!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Sunday, August 06, 2000 - 05:22 pm
Aamin yaa rabal caalamin

shukran al akh muslim marlabaad walaal sidaan hore kugula socod siiyay waan kugu taagersanahy

waana mukhadad looga talo galay in looga dhaqo maskaxda somali generation in western countries but unfortunetly qaar ka mid somalidii aa hor boodaysa iyagoo ku badashay mabda'oodii iyo qiimayntii dhaqanka bulshadoda $$$$ mana aha runtii wax ku cusub alcalam alislami waatan masar iyo lubnaanba ay dorrad u dabaal degayeen lakin inta ay jiraan amsasha adiga alakh islaamusa ansaariiyo warasmi rajo ayaanu qabnaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Tuesday, August 08, 2000 - 06:14 am
Asalamu Calaykum.

Akhii Muslim jazaakalaahu kheyran adiga iyo inta taageersan in munkarka la reebaba. Walaalow aduunkan waa dhib badan yahay, oo maalinba wax cusub ayaad arkeysaa, illaahse waxaan ka baryeynaa inuu anaga iyo wixii muslin ahba fitnadiisa naga ilaalsho. Muslim walaalow waxaad fiicnaan laheyd inaad E_Mail noo soo gudbiso kaas oo uu qof walba ku diro aragtidiisa. Anigase xageyga ii weydii hadii aad garaneysid ama aad u gudbin karta dadka abaabulaya kuwo ka mid ah: Xageed maalinta qiyaamo ka gelaysaa Allah (SWT), sow ma ogid in rabi uu cadaab galinayo dadka waxaan oo kale sameeya, mase cadaabka rabi ayaad u gegsan kartaa?. Akhii Muslin hadalka waan ku dheeraaday, ee su'aalahaas iga gaarsii.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslimo

Tuesday, August 08, 2000 - 10:41 am
walaaal Muslim, Ilaaheey waxaan u baryeeynaa in uu dadka dhamaan intii haboowsan uu soo hanuuniyo intaas ka bacdi walaal olale maad qaadaan aad kaga hor tageysaan, waa facshar iyo dulinimo.
walaal waxaad isku daydaa in aad qoraal qoralkan la mid ah aad ku qorto Somalitalk maxaa yeelay wadaado ayaa u badan dadka wax ka qora ilaahey ajar ha ka siiyee.
Asalaamu caleykum
waraxmatulaahi
wabarakaatuh.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.