site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jawaab daliil wadato ayaan doonayaa

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Jawaab daliil wadato ayaan doonayaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anaa

Thursday, August 10, 2000 - 04:01 am
Waagii aan yaraa ayaa la iga dhaadhacsiiyay in Eeyga(the dog) meesha uu kaa taabto todoba jeer la iska dhaqo oo waliba carro lagu rugo meesha eyga kaa taabtay. La iima sharixin sababta uu eyga taabashadiisa xaaraan u noqotay, taasoo aan iminka doonayo in aan ogaado iyo taabashada eyga ma dushiisaa xaaraan ah mise calyadiisa ineey ku soo gaarto ayaa xaraan ah oo dhaqitaan 7 jeer ah waajibeyso miyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Thursday, August 10, 2000 - 11:34 am
Walaal salaan kadib

1....waxaan kugula talin lahaa in waxyaabaha ALLAAH kaa xaaraantimeeyey aadan sabab u raadin ee aad sidooda uga harto wuxuu kuu xalaaleeyeyna aad sidooda u qaadato, waa haddaad qof muslim ah tahay oo ALLAAH XIGMADIISA iyo DIINTIISABA doortay kuna qanacsan, qof GAAL ah baa weydiiya sababta wax loo xaaraameeyey waxna loo xalaaleeyey, muslimse wuxuu yiraahdaa "AAMANNAA KULLU MIN CINDI RABBINAA," QURAAN. oo macneheedu yahay waxaan rumaymnay wax kasta oo ALLE xagiisa ka yimi.

2..... haddii Islaamkaagu yahay intii AABAHAA iyo HOOYADAA kugu soo ababiyeen ALLE denbigooda ha dhaafee, shaqadoodii iyo xaqqii aad ku lahayd ama la gudboonaa way qabteen waxaa haray xaqqii naftaadu adiga kugu lahayd ee WALAAL diinta baro ALLE hakuu fududeeyee.
3..... Su'aasha qaybteeda danbe waxaan u dayn dadka DALIILKII aad soo codsatay ku siinaya oo qudhydaaba jawaabtaas u baahan, waxaanse aniguu iska ilaaliyaa CALYADIISA oo xadiiska in la iska dhaqo 8 jeer mar caro yahay tilmaamay, waxaan kaloo iska ilaaliyaa isagoo korkiisu qoyan yahay inuu i taabto.
waxaase dhamays tiri doona dadka daliilka aad codsatay haya.

walaakaa
aniga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Friday, August 11, 2000 - 01:11 am
Asalaamu Alaykum

Walaal su'aasha aad is weydiisay waa su'aal qofka maskaxdiisa ku soo dhici karta laakiin waxaad ogaataa inaysan nagu hobooneyn inaan baarno sababta. Tusaale ahaan Islaamku wuxuu jideeyay in hadii wiil yar oo aan raashin cunin uu kugu kaadiyo aad kaadidiisa biyo ku rusheysid (bil-bishid)dharkana sidaas ayuu daahir ku noqonaayaa. Hasa yeeshee hadii ay gabar kugu kaadiso waxaa waajib ah inaad dhaqdo kaadideeda raashin ha cunto ama yeysan cunine. Hadaba sababta Eebe xukunkaa u jideeyay isaga ayaa nooga aqoon badan inaan isku dhibnana maahan. Arimahaasoo kale waxaa loo yaqaan "TACABUD" inaan sameynaa waxa Eebe na amray xitaa anagoo xikmada ka dameysa garaneynin.

Hadii aan usoo noqdo su'aashaada Eyga ma afkiisa oo kaliya ayaa nijaasa ah mise Jirkiisa oo dhan. Runtii waa mas'alo culimada isku khilaafsan yihiin laakiin culumo badan oo muxaqiqiin ah ayaa waxay rajaxaan in afkiisa kaliya uu najaaso yahay sababtoo ah:

1)Nebiga SCW wuxuu yiri "Hadii eygu afka geliyo midkiin weelkiisa todobo jeer ha dhaqo" hadiiska wuxuu kusoo arooray "Idaa Walaqa" hadii uu afka geliyo. Sidaa darteed afka daliil ayaa loo haayaa laakiin jirkiisa kale looma haayo wax daliil ah.

2)Waqtigii nebigu uu joogay, eeyaha qaar ayaa masaajidka Nebiga SCW soo geli jiray, guryaha asxaabta aya geli jireen, waa lagu ugaarsan jiray mana dhici jirin in meesha ay taabtaan la jideeyay in la dhoqo taasi waxay tusaysaa in jirkoodu nijaas aheyn.

Waxaa sidaa rajaxay culimada ay ka mid yihiin Xaafidka, Ibnu Taymiyah, Shawkaani.

Alle ayaa ku aqoon badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Friday, August 11, 2000 - 04:44 am
Assalaamu calaykum
walaal deeqo waad ku mahasan tahay jawaataada runtii aniguba waan u baahnaa, saas aad sheegtay baanna ku dhaqmi jirey.

walaalkaa
aniga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Monday, August 14, 2000 - 12:23 pm
aslaaaaaaaaaamu calaykum


alahu akbar walaalshay deqaaaa imatay abayo waan ku xisnay adiga & umu salma & yasminba & gabdhihi kaloo ehelu khayrka ahaa masha alaah ilahay cilmigaga ha ku siyadiye noo faa idee sis jisaka lahu khayra sis stockholm mad dagantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malaysia

Monday, August 21, 2000 - 12:25 am
Waa mahadsantihiin dhamaantiin. waxaan jeclaystay inaan halkan wax ku darsado soomaalidu way hadal jeceshee. waa wax lagu farxo qof inuu wax ka ogaado diintiisa, welina wax ceebaynaya su'aal ma arag wax alaale waxay doontaba ha ahaatee. Waxaa in badan oo inaga mid ah garanayaa in ILAAHAY LA WAYDIIYEY SIDUU WAX U ABUURO. markaa su'aashu waxay ka mid tahay waxayaabaha fidriga ah ee waa sax kahaladna uma arko. Mana aha qofka in caqliga laga daboolo oo la dhaho ma fiicna su'aashaas oo kale iyo wixii la mid ah.
waxaan iyana sax ahayn in wax kasta oo diinteena ku soo aroortay loo raadiyo sababta si loo qaato ama loogu dhaqmo, waayo waxyaabo badan oo caqliga insaanku aanu garan karin ama tasawuran karin inay jiraan.
Taasi waa mid guud.
Inkastoo aanan profision ku ahayn Islamic studies, mar uu isoo baray xukunkani waxaan moodayey in culimadu ay isku khilaafeen. Qaarkood ay dhinac mareen sida Imaam shaafici (Alle ha u naxariistee) oo qaatay xadiisa dhaqitaanka, dhinac kalena ay mareen culimo kale sida Imaam Abuxaniifa(Alle ha u naxariistee) oo ay qaateen inaanu nijaasba ahayn, iyagoo leh xoolaha ayuu lagu ugaarsan jiray.Maantana wadamada qaatay madhabka Abuu Xaniifa eygu waa ka caadi oo lama dhaqo, meelaha laga qaatay madhabka Shaaficina waa laga dhaqaa. Tani waa intaan hada maskaxda ku hayo waanan khaldanaan karaa.

mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anaa

Monday, August 21, 2000 - 04:18 am
Asalaamu caleykum,

Marka hore, jazaakumullaah kheyran jawaabihiinna canaanta ku jirtay oo haddana sida ugu wananagsan iigu soo jawaabteen adinkoo dalill u haya, mashaa allaah.

Waxaan ahay nin diinta ku dhashay jecelna inuu ku dhaqmo kuna dhinto, ilaah waddada toosan hanagu wada hanuunsho "aamiin". Kuma denbaabi karo in leyla qabo arrinka cilmi dhagood ka layiraa kaasoo aad mooddo inaan ku dhaqamo balse aan aaminsanahay in laga fiicanyahay waajib na saaranna uu yahay in diinta la barto laguna dhaqmo.

Su'aasha waxaa iga keenay, mar xaaskeyga ku tiri howeney aan muslin aheeyn oo aan deris nahay "eeygaaga nagu soo ordayo yuusan na taaban waayo diinteennada ma ogola'e. Well, xaaskeyga wey saxantahay waana ku raacsanahay arrinkaa eyga, balse waxaan rabay inaan xaqiiqsado in eyga taabashadiisa guud xaaraan tahay iyo in calyadiisa kaliya eey xaaraan tahay. Of course, waxaa kaloo jirta in qof muslin aan aheeyn su'aal kaa weeydiin karo diintaada, waxaana waajib ah inaad jawaab tafatiran ka siin kartaa su'aasha qofkaasi.

Anoo hadda kahor Soomaaliya jooga waageey nabadda aheeyd igu dhacday in haweeneey aan muslin aheeyn su'aal iga weeydiisay arrinta qamriga, qamaarka iyo khansiirka. Qamriga iyo Qamaarka xumaanta ama dhibaatada eey leeyihiin gartay beey tiri ee khansiirka wax iiga sheeg? beey igu tiri.

Si kastaba ha ahaatee, miyeeysan aheeyn kuweennan aqoonta ku yar ineey ka faa'iideeystaan kuwa heybadda ilaah u siiyay oo garansiiyay diinta. garashada diinta iyo ku dhaqankeeda inuu ilaah noo fudududeeya quluubteennana geliy inaan barano baan ilaah ka rajeeyneeynaa "aammiin"

Wa salaamu caleyku warahmatullaah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.