site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxay diintu ka qabtaa.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Maxay diintu ka qabtaa.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shamso

Friday, August 11, 2000 - 07:24 am
assalaamu calaykum.
walaalayaal waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado waxa diintu kaqabto in gabar xaasihi ninkale sheeko la yeelato.!Well waan garan in aaney aheyn wax normal ah but let me tell you my story.
waxan ahey xaas caruur leh ninkaygu waa nin bussiness ku jira oo dibadaha is kaga maqan marna yimaado.Runtii ninxun maahan kolkoo inala joogo laakin markii aanu joogin waa ruux ilaawah xaquuqdii aan kulahayn aniga iyo caruurtiisaba sababtoo ah wehel iyo wax dheef toono kuma haysano.

Hadaba waxaa jiro inankale oo aan ilaa yaraanteenii is naqaaney oo aan dares ahayn ina jeclaan jiray in taanan wiilkan kale guursan reeraheenuna aad isu wanaagsanyihiin.

Waxaa dhacda in wiilkana inta badan i caawiyo maadaamaa odeykii inaga maqanyahay,waxaan aad uga dareemaa in uu aad u jeclaaday caruurtii oo uu jecalyahay in uu arko markasto oo ay suurto galtahay, caruurtiina sidoo kale ayaay uga heleen
oo markasta oo uu nasoo waco waxay weydiistaan in uu yimaado,taas oo aan suuro galnoqanin inta badan sababtoo ah labadeenuba waxaanahay dad ehludiin ah si wanaagsana ugu dhaqmo marka ma dhacdo in uu guriga soo galo ilaa in qof weyn joogo mooyee, arintani waxay soo socaday dhor sano
markastana wuxuu i weydiiyaa goormuu iman ninkeygu,inaan happy ku ahay noloshaan kala maqnaanshah,in ninkaygu yahay nin aad u nasiib badan oo aan u jeedin wanaaga caruurtiisa iyo xaaskiisaba.Waxaan in badan is ku dayaa in aan cudurdaar u sameeyo ninkeyga oo aan aad u jeclahay
isaguna aad ayuu ii jecelyahay oo uma maleynayo in uu waxkale na dhaasanaayo,balse waayahan danbe waxaa aad iigu batay hadaladii iyo wanaagii wiilkaankale oo hat iyo goor aan ka dareemo in uu ii noqonlahaa nin aad u wanaagsan, naxariisbadan iyo good father figir for may kids.
kama wado in aabohood xunyahay oo labadan ninba waa niman wanaagsan oo diin iyo aqlaaqleh,lakiin waxaan u jeedaa in ninkeygu iska maqanyahay oo aanu ogeyn dhibkeena iyo waxa aan ku suganahay
ninkan kalena uu iila muuqdo nin dhinaca masuuliyada ugu wanaagsan.

hadaba walaalayaal arintan ayaan talo idinkaga baahanahay ee talo iga siiya.NINkan leh waxaan kuu noqan lahaa adoon,iyo midkan iska maqan.

wasaalu calaykum.
by uqti filaah
shamso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiiro

Friday, August 11, 2000 - 08:31 am
subxaanalaah abaayo shamso

maxaa kugu dhacay abaayo waxaan ku oran lahaa nin hadii aad leedahay mid kale ka fogoow, maxaa yeelay waa khatar halis baana ku jirtaa xag aduun iyo xag aaqiroba. Marka abaayo waa ceeb ninkaagana iimaan ku yeelo, gurigaagana si fiican u dhaqo.
Ilaaheey ha noo
naxariisto dhamaanteen
wabilaahi towfiiq
your sister
in Islam
Amiiro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Friday, August 11, 2000 - 01:06 pm
Salaama Caleykum

Shamso

Abaayo Macaan waxaa akhriyey Qoraalka sifiican waan u fahmay, Abaayo waxaa danbi ah marka hore in nin kale ku soowaco ninkaaga oo maqan, marka Abaayo Wiilka iska iloow Wiilkaa sida uu kuugu fiican yahay, Waxaad tahay laqabo kwaran hadii ninkaaga Naag kale kaa shukaan sato sidee dareebi lahayd, Arinkaa waa Xaaran Abaayo Allaaha
kacabso oo ninkaaga waxaad tiri kuu kuu fiican yahay usamir Dhibkaagna u sheego isaga ayaa kula fahmine.

PS: Wiilkaa kale abaayo guriga yuusan soo wicin
Mardanbe Shaydaan ayaa isdinka dhex shaqan
kara.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caasha

Saturday, August 12, 2000 - 06:08 am
salaamu calaikum.
walaaleheey waxaan layaabay sida niman badan xaasaskooda yeelayiin,waxaa arkee gabar yar oo dhor cunug jeedeeso markaa warsado waxaa leeyihiin odogeega waxaa maqanyahay aniga lee ciyaalkayga hesto oo dhibkasto la maro.mugoo ani waxaan la yaabaa dadka u hesto in ninmankaas saxanyihiin hee dhahaayo abaay iska sabar,sabarmaxumo lakiin intee camal aa loo sabraa nin markoow rabo baxaayo markiis rabine soo naqahaayo heee.qofkaan binowaadan waaye hadii xaqeeda weyso xaq aas u leedahay in aan raado qofkii oo sifiican u dhaqhaayo ilmaheedana jecal,
koleey aniga waxaan u arkaa nimanka qaarcamal inaas laga tashto,maxaa yeelay nin iska maqan maxaas aboobo nimo ka hogyahay kii lajoogo lee aabo cafiine u noqankaro.
abayeey adigaa talo kuu taalaa lakii hadii ninkaaga iska maqne yahay kuna beelahaynin ani waxaas ku dhihi lahaa lahadalin inaa idiin dhaqdo sidii aboobo laga rabey, hadii kaa diido iskagatak
wax matare adi maa sameenkarto.

salaamu calaikum.
walashaa
caasha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDUL FATAH

Saturday, August 12, 2000 - 08:24 am
SALAMU CALAYKUM YAA MUSLIMIIN.
WAXAA TALO IGA AH REERAHA HA LA WANAAJIYO OO MASUULKII ILAAH IDINSAARAY QOFWALBOW SI WANAAGSAN UGU SOOBAX,
OGOWNA IN AAQIRO SU'AAL TAALO.
NIMANKA XAASASKII IYO ILMIHII WADAN GAALO KU CIDLEEYOOW MAXAA HOR MAXAA IDIIN HOREEYA ILAAHAY HORTIIS.

ILAAHOOW NA SOO HANUUNI.
WABILAAHI TOWFIIQ.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Saturday, August 12, 2000 - 07:56 pm
Aniga waxan qabaa khaladka waxa abuuray ninka qaba walashen iyadina mayan xalinin, runtii waa wax aad looga murugoodo in qof bini'aadam ah loola dhaqmo sidii alaab ama hanti hadana waxa looga baahan yahay kuwa kale inay isa saxaan.

Waxa ku haboon walaashen inay ninkeeda la hadasho lana socodsiiso inayan ubaahnen lacag iyo hanti toona ayna u baahan tahay lammane lawadaaga nolosha oo ah sidii uu balan qaaday mana aha dabecad fiican in ilmahaga aad cidlo uga tagto si aad u samayso lacag badan waxayna keeni kartaa akhlaq xumo iyo ilmihii oo ka dabeecad duwanaada kuwa la mida,waxay ahaataba waxa ku haboon gabadha walaasha ah inay u sheegto dhibatadeda iyo waxay rabto aysana u dulqaadan karin maqnashaha kii ay dunida ka xulatay kuna boriso inuu u damqado mustaqbalka ilmihisa.
Mida kale ragu waa inay ilaah ka baqaan oo ayan ku tuman xuquqda adanaha iyagoo isticmalaya magaca diinta waana xaq buuxa inay naagtu nolol fiican ku nolato heshana dhamaan xuquuqda uu ninkeda leyahay,waxa dhacday waagii cumar in nin uu jihaad ku maqnaa muddo dheer habeen habeen ka mida ayaa iyadoo ku caranaysan ugana cabanaysa ilaah maqnashaha lammanaheda ayaa cumar oo howgal faaqidad ah ku jiray dhegtisa ku dhacday erayadeeda naxdinta badnaa subixii cumar wuxuu amar ku bixiyay in ninkeda jihadka ka soo laabto wuxuuna sharciyeeyay in ragga militariga u shaqeeya ayan ka maqnaan karin xaasaskoda in ka badan 3month,taasi ayaa inooga filan sida ay diintu usiisay haweenka xaqooda,wayna jiraana xadgudubyo waawayn oo haweenka uga yimaada dhanka raga iyadoo nasiib daro la isticmalayo magaca diinta laakin diinta way ka bari tahay dhamaan falalka nacasnimada ah ee qaarka mid ah maangabka ku kacaan.
Ugu danbayntii waa inaad la hadashaa ninkaaga abayo una sheegtaa dhamman waxaad rabtid oo runtii aad xaq u leedahay waxana kuu rajaynayaa in uu kula fahmo madama aad ku tilmaamtay akhyaar please nala soo socod sii wixii natiijo ah si aan isugu dayno caawintada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

akhukum-fillah

Saturday, August 12, 2000 - 08:20 pm
asalamu calaykum!

waan fahmay abaayadiis akhbaartaada waxaaana fili in aad ku cel celisay inaad ooga baahan tahay ninkaaga wehel. waxay ku fiican tahay inaad si toos ah ugu sheegtid waxay laabtaadu ka walaac santahay. wuu fiican yahay saad sheegtay wuuna kaa akhbali doonaa insha'allahu!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islaam@usa.com

Sunday, August 13, 2000 - 06:32 am
Assalaamu Calaykum
Walaalayaal DHAMAANTIIN waxaan idinku salaamay salaanta Islaamka hadalkii walaashen iyo kiinaba waan fahmay waadna wanaajiseen.

Walaashay SHAMSO nin gabayaa Muslim ahaa oo idin abaanayo hadaad tihiin gabdhaha muslimiinta ah kuna dhaqma diintooda islaamka ah iyo xuduuda ALLAAH u jideeyey wuxuu yiri A Bacadle

QALBIGOODA WAA LAGA MASAXAY ADIGA QEYRKAA E

Gabdhaha ciyaala suuqa ahna wuxuu ku sifeeyey isagoo ku tilmaamaya xumaanta ay ku dhaqmaan iyo siday nimankooda u khayaamaan oo rag kale usoo hoystaan wuxuu yiri

MARKAAD QARASH GAROOWDO BAA MID KALE QALAF YIRAAHDAAYE

Walaal waxaa talo walaalnimo aniga iga ah oo inta walaalkay FAHAD iyo walaalaha kaleba sheegeen aan ku dari lahaa labadan qodob:

1.....LA TASHO NINKAAGA OO HESHIISKIINA KHALKHAL AMA DAL DALOOL BAA KA MUUQDA E HAGAAJIYA MAR HADDII ARINTU MARAYSO INAAD NIN KALE NIYADDA KU HAYSO, WAXAADNA OGAATAA ISKA ILOOW LA SHEEKAYSI E ISKA ILOOW DAMAC E INAY XARAAN KAA TAHAY INAAD NIN KALE FIIRISO INTA NINKAAS NIKAAX IDIIN DHEXAYYO, HADDAAD SII WADO ARINTAASNA CARO ALLE KUGU DHICI DOONTO.WALAAL ADIGA IYO ALLAAH BAA IS OGE HADDII NINKAAS NIYADAADA KA DHACAY OO AADAN INTAAS KA BADAN U SAMRI KARIN HA KHAYAAMIN E U SHEEG INAADAN XAQAAGII KU HAYSAN.
2....WALAAL WAXAAN KALOO KUGULA TALIN LAHAA INAAD DADKA AAD IS LEEDAHAY DIIN BAY KUGU DHAAMAAN LA TASHATO KOLEY WAXAA HADALKAAGII IIGA MUUQATAY INAAD TAHAY GABADH JECEL INAY ALLAAH RAALI GELISO WAXAASE II MUUQATA IN SHAYDAAN RABO INUU KUKHAYAAMO. MARKA CULIMADA LA TASHO DHIBKA AAD TABANAYSO U SHEEGO IYAGAA KULA TALIN DOONEE.

walaalkaa Adam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahwi

Sunday, August 13, 2000 - 08:49 am
Walaal Shamso, Fahad iyo walaalaha kale ayaa si wanagsan kugu la taliyeey, ee wanadooda qaado, lakiinse marnaba ha ogalaan harawsi iyo bullshit. Noloosha weey gaaban tahay ciil iyo cidlo haku dhameeysan ee taasho.

Islaam@@usa.com, A. Bacdle waa patriarchy danihiisa iyo fiiradiisa gaarka ah ka hadlaayeey, ha nooga dhiigiin hadalkiisa xaadiiith nabi aight!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TO SUMAYYO

Sunday, August 13, 2000 - 12:18 pm
Assalaamu calaykum.

Walaal SUMAYYO ha simin naag nin leh oo RAG kale u hanqal taagaysa, iyo nin naag leh oo CALAF Alle u banayyay raadinaya.

LABO SHAY OO MIDNA XAARAAN YAHAY MIDNA XALAAL YAHAY LA ISKUMA SIFEEYO LAMANA SIMO E ISKA ILAALIYA WALAALAYAAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raxmo

Sunday, August 13, 2000 - 01:24 pm
salaam soomali.
to:ninka la baxay to sumayo.
walaal NAAG laguma sifeeyo gabar islaameed.
tankale maxaa loo yaqaan gabar laqabo, ani ahaan gabar la qabo waxaan ku tilmaami karaa gabar masuulkeedii laga soo baxay oo si wanegsan loo dhaqo ee nimankiina qaar diin ku maxaafsanaayo ilmahoodana ka cararaayo dhibkooda waxaas qaboow mahan, kaasne aabo nimo waxbo kama ogee waxba adoon gabarta islaameed aflagaadeyn dib iskugu noqda oo isi saxa wax baa si idiin ahe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Monday, August 14, 2000 - 12:58 am
Salaamu calaykum
Walaal shamso wixii waano ahaa waxaa hore kuu yiri walaalaha iga horeeyey laakiin waxaan kuugu soo gaabinayaa
1.Sida hore laguu yiri la hadal ninkaaga una sheeg dhibaatada ku haysta,waxaa suurto gal ah inuu isaguna welwelkiisu yahay siduu idiinku soo xamaali lahaa .

2.Waxaad ogaataa khalad khalad laguma saxo,hadii ninkaagu khaldamay oo muddo dheer idinka maqnaado ma aha wax diintaada iyo dadnimaadadba u wanaagsan inaad samayso.

3.Dhibaatadu waxay ka socotaa ninkan kale oo sida hadalkaaga ka muuqata ku waydiinaya markasta xagee ayuu jiraa ninkaagii iyo wax la mid ah.

4.Waxay ila tahay aniga inaanu wanaag ula jeedin wax qabashadiisa iyo sida uu idiinla dhaqmayo,ee uu doonayo inaad adiga iyo reerkaagu isku xumaataan,ka dibna uu ka faa'iidaysto.

5.Hadii uu wanaag wado wuu ku caawin lahaa isaga oo aan gelin arimaha adiga iyo ninkaaga idinka dhaxeeya ,ama wuxuu kugu waanin lahaa inaad reerkaaga dhaqato.

6.Ugu dambayntii waxaad xasuusataa caruurtaada nimaan aabahood ahayn aabe uma noqon karo.

Ninkan reerka qasayana waxaan odhan lahaa .
1.Nin yahaow Ilaahay ka baq oo reerkaas dhisan ha ka shaqayn inaad dumiso .

2.Waxaad xasuusataa hadii aad reer dumiso ,inuu kaaguna dumi

3.Hadaad guur doonayso waxaa jira gabdho badan oo aan la qabin oo diin iyo akhlaaqba leh oo aad guursan karto hadaba ka dhexbax reerka islaameed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caraweelo

Monday, August 14, 2000 - 03:02 am
Walaal Shamsa-
Abaayo macaan xasuuso ninka banaanka ka jooga marwalba waxuu iska dhiga nin fiican oo attention badan ku siinayo. Waxaan aaminsanahay wax ey labada nin is dhaamaan in aysan jirin. Marka, ninkaaga- oo aabaha caruurtaada ah- la hadal. U sheeg dhibkaaga. Marka, inshaAllah, wu badali doona dhaqankiisa. Also, waxaad tiri wu baxid badan yahay maxaa yelay waa "businessman". Abaaya, haduu ku soo shaqeynayo, oo caruurtiisa maal xalaal ah u keynayo, in aad ka xumaatid ma'aha. Marka uu maqan yahay, wax xun maku maqna. Oo waa shaqo. Abaayo, bismileyso, ninkaan oo naaqta la qabo (thats you) la sheekeysanayo, kheyr maka soo socdo. Siduu kula sheykeysto buu kuwa kalena ula sheykeysan kara. Abaayo, ninkaaga iyo caruurtaada dhaqo, midkaan kaleyna u sheeq in uu nolal kale raadsado. Remember, caruur abahood qof uga fiican majiro ee ninkaan kale yu sheko xariir kugu wareerinin. Xasuuso mah mah di somali- "Been ku so xera geli, run na ku dhaq".
Labada nin waa "jug jug meeshada joog"! At least, ninkaaga waa ku sheqeeya, naga kalena telfan kuma shukansado.
Allah macaak.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Monday, August 14, 2000 - 07:54 am
Careweelo, is that youuuu homegirl!!
Me like the mellow tone:)
Shamsa expressed her need for companionship, if her husband can not provide, I say it is time to move on.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Monday, August 14, 2000 - 12:40 pm
Salaama Caleykum

Walaalkiis talada ii soo jeediyey waad mahad santahay, laakiin hadalka sidaa kama wadin, macnaha waxaan walaashey u sheegayey dhibka uu lee yahay Xiriirka badan.

Shamso

Walaal talada walaalahaa waad u jeedaa marka insha
Allaahu samir oo ninkaaga la tasho.

Caraweelo

Keep up good advice.

Xaali

Abaayo Qof weyn miyaad ahay maxaad ku hadlin isku xishood, daily waxaad ku dhex jirtaa Qaladaad
Muxuu kuu tarin Bur burka reerkaa mise waxaad u baahan tahay Feminist Madaxa kaagalay in biyo ZamZam lagaago dhoqo..lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAABANE

Tuesday, August 15, 2000 - 04:12 pm
LA YAAB!
Waxaan aad ula yaabey
Markii la soo qoro
Barnaamij dood iyo iskhilaaf
Ku jiro
Kun qof aa dalaq dalaq soo dhahdo
Markii khayr iyo wanaag laga sheekeynayona
Waa la wada aamusa
MA SHARTAA LA JECELYAHAY
MA SHIBAA LA WADA DHIHI
MARKII SAMAHU SHIDAN YAHAY
MAXAA SHEEKO LABO RUUX
MEESHAN LOOGU SHAANDHAYN

GABARYAHAY MUSLIMADAA
GARGAAR WAA MIDKII RABI
GURMAD DOON HADAAD TAHAY
GEYIGAAD KU NOOSHAHAY
GARMADOOBE CULIMIYO
GOLAYAASHA DIIMED
SU'AASHADA GAARSII!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinasir

Wednesday, August 16, 2000 - 12:05 am
Salaama Calykum

Walal shamso talo waa midii eebbe kugu toosiyo marka hore, ee alle dhibka ku haya ha kaa feydo,
mida aan rabo in aan ku darsado waxaa weeye in aadan walaaley isku dhex waalaqin shidada maanta ku haysta iyo xaalad jeceyl iyo xubi ku soo marey waqti hore, maanta walaaley hooyo xaas ah oo alle awlaad saalix siiyey baad tahay, markaa waxaa ila qurux badan in aadan mar danbe ka dhawaajin hadal aan dhibkaaga dawo u aheyn, lagna fiican yahay in adigoo kale oo alle dartii ugu samray dhibka ku haystaa in aad sharfkaaga iyo midka ubdkaagba wax hoos u dhigaya aad soo bandhigto, waqtigan xaadirka waxaa kuu yaal hawl lagaa doonyo in aad la timaado kartideedii iyo farsamdeedii aad uga samata-bixi laheyd dadkan aan wax garadka aheyn ee alle wax kuugu daray ee midi adigii iyo caruurtii uu cidlada uga dhaqaaqey, midi shukaansi iyo xuuraansi kugu bilaabey, midi ku leeyahay culumada iyo golayaasha diimeed iska soo dhiib, walaal shamso waxaasi waa biyo col dhaanshay oo wax ay kugu kordhinayaan ma jirto, kiisku adiguu kuu yaal ee la hadal odaygaga oo xaqiiqada iyo waayaha jira si sareex ah uga wada hadla, midkan kalena shamsooy kuguma ogi ee ka dheerow.

Walaal waxaa iga digniin ah sida midka kor ku soo qaray GARMADOOBE CULUMIYO,GOLAYAASHA DIIMEED,SU'AASHADA GAARSII, shamsooy walaahay warkaasi iyo taldaasi waa mid khatar adiga kuu ah , hana ha aaminin , waayo waxaa badan kuwo badan oo suurad culumo ay ka muuqado, kana fidno iyo shar badan shaydaanka, walaahay waxaan arkey kuwo culumo sheeganya oo qoysaskii u dhawaaqday ee na dhex-gala yidhi masaajidada iyo maqaaydaha kaga sheekeynaya sirtoodii, markaa "HADAL WAX UU AAMAAN YAHAY INTA AADAN ODHAN EE UURKAAGA UU KU JIRO" dadka maanta joogaa kaama caqli iyo ciso badna, adigaaba kuwo badan dhaama oo caruurtaada masluyadoodii iyo korintoodiiba dhabka saaryey kaligaa, markaa iska jir in aad dhukh-dhukhlayaal aad moodo EHEL, SAAXIIBO, WAAYO-ARAG, ODAYAAL, CULUMO, KA DIBNA AY MEEL WALBA TABEELAHAAGA KU DHAJIYAAN, ILAA AY TELEFOON KU WACAAN ODAYGAAGII, WAALIDKAA, WALAALHAA, IYO WAXAY GAADHI KARAAN, IYAGOO LEH "WAR QOFTII FARO KUMA JIRTO OO BEERTA AYEY GASHAY"

ALLE HA KUU FUDUDEEYO TALDA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiya

Wednesday, August 16, 2000 - 11:20 am
Walaal Shamso, nin 3 bilood ka badan kaa maqan haddu yahay, iska fur. Nin iyo naagba waxaa loo bahanyahay jecel iyo garab, guurso wiilka ku raba. Marna ha zineysan. Anigani waxaan marayaa ninkii saddexaad kii muddo badan maqan baskiisa ayaa tagay. Ha noqon dumarkii xamar, markii nimankooda Sacudiga jireen, iyaga xamar kula raxeeysanayey wiilasha narka tola. Taa waa xaraan.
"Ciil ku nool kun guursato ayaa dhaanto". samiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shamso

Wednesday, August 16, 2000 - 07:48 pm
asalamu caleykum.
waxaa mahadleh ilaahii xaqa iyo wanaga inoo muujiyey.Walaalayaal waxaan ahay gabadhii talada idin soo waydiisatay,run ahaantii jawaabihiinii waxay ii kala muujiyeen farqiga u dhexeeya qofka diin leh iyo qof aamo ah waxaanan ogaaday in uusan caqligoodu sineyn.Hadaba walaalayaal dhamaan waad ku mahadsan tihiin figradihii iyo talooyinkiiniibo balse waxaa jeclaytay in aan walaalahay qaarka mid ah si gooni ah ugu mahad celiyo.

Abdala
islaam usa(adam)
abdulfatah
sumaya
amiira
akhumum filaah
fahad
caraweelo
abdinasir
walaalayaal JAZAAKUMULAAHU KHEYRAN.

hadana walaalaha kale.
mr yaabane yaabka iyo gabayga maashaada la fadhi.
sahwi.
raxmo
caasha
samiyo
xaali
iyo qofkii kale een ilooweyba idina waad ku mahadsantihiin ficradiina inkastoonan idinkuraacin.

wasalamu calaykum
by walaashin shamso.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.