site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALLAAHU AKBAR! Dawlad baa inoo dhalatay

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ALLAAHU AKBAR! Dawlad baa inoo dhalatay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam Cade

Sunday, August 13, 2000 - 05:39 pm
Assalamu Calaykum

Walaalayaal aan taageero Dawlada inoo dhalatay, yaynaanna taageerin kuwa raba inay af iyo adinba kaga hor tagaan dawlada cusub oo aan 10 sano sugaynay.
Waxaa laga yaabaa in qaarkiin is leeyihiin dawlad islaam ah mar hadaysan ahayn taageeradeeda waa igu danbi, waxaan walaalayaal idin xasuusinayaa inay CULIMADA soomaaliyeed yiraahdeen DAWLAD la'aan waxaa dhaama wixii yimaada in la taageero.
Rag baadan oo culimada soomaaliyeed ka mid ah baana SHIRKA jabuuti heerkan inuu soo gaaro sabab u ahaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-muscab

Tuesday, August 15, 2000 - 11:41 pm
Asalaamu calaykum
Walaal aaan aad baad u mahadsantahay waxaan soomaalida meelkasta ay joogaan ku baraajunayaa
in ay dawladaas taageeraan sidaad sheegtay culumada islaamku waxa ay sheegeen dowlad jaair ahi in ay dhaanto dawlad la aan taasna waxaa daliil u ah marxaladihii ay soomaaliya soo martay
waqtigii BARE iyo 10 kii sano ee madow bayt
taas ayaa lagu kala saari karaa
saaxiib waan sii wadi lahaaye salaadii ayaa igu soo gashay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caynte

Wednesday, August 16, 2000 - 12:15 am
ALLAHU AKBAR SHEEKH CUMAR FAARUUQ DIBUTAATI AMA XUBIN BARLAMAAN AYUU NOQDAYE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Thursday, August 17, 2000 - 11:27 pm
Asalaamu Caleeykum
Allahu Akbar! Allahu akbar !
Insha´Allah, jahligii, jabhadihii wadanka dumiyay wakhtigood dhamaaaaaaaaaaaaaaa.

Cadaaladii weey soo muqaneeysaa insha´Allah. Waxaan dhamaan uga baryaaya in u Ilaah tusiyo jidka suuban...... Aamiin.

Qofka ka soo horjeedo dawladdan, waxaan u arkaa in uu ka doortay DAGAALKA,GAAJADA, KUFSASHADA, FAWDADA iwm.

Waxaa xaqiiq ah in ay san gaarin Soomaaliya, heerkii ay u olaleeni laheeyd diinta Islaamka.
Daruufo awgeed, ayna ka mid yihiin JAHLI WEEYN.

Walaal keey noo sii bishaareey, Ilaahna haku garab galo.

Salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Friday, August 18, 2000 - 07:34 pm
Iskandanefiya shukran walaal waan kugu raacsanahay dhamaan afkartaada ilaahna hanoo badiyo waaqiciyinta adigaoo kale ah

thanks bro......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Islaam@usa.com

Sunday, August 27, 2000 - 04:24 am
Assalaamu Calaykum

Walaalayaal NIYADEENII wanaagsanay ALLAAH waa inoo aqbalay DAWLADII aan saadaalinayna waa inoo DHALATAY haddaba:

DARDAARAN:-

Dhamaan walaalaha kheyrka jecel waxaan xasuusinayaa inaysan maanta muhiin ahayn XILKA qofka qaaday ee loo baahan yahay XAL WAARA.

Walaahi ANIGOON la QABIIL ahayn walaalkaas MADAXWEYNANIMADA loo doortay bal dad badan oo QABIILKA aan ka dhashay ahi leeyihiin sidee reerkaasi noogu taliyaa baan waxaan xal u arkaa inaan SIIYO taageera buuxda 100% ah.

Walaalyaal maanta xaladaan ku jiro ma aha waqti la yiraahdo yaa reer hebel ah iyo yaa reer hebel ah, waad ogtihiin xaalada dadkeenu maanta ku sugan yihiin.

Waxaan hadalkii ku soo gebagebaynayaa kuwa maanta il QABIIL wax ku fiirinay waa nasiib daran yihiin ALLENA waan idiin baryaynaa inuu CUDURKAAS dilaaga ah idinka saaro, WAR MIYAYDAAN KU CIBRA QAADAN WUXUU INA BADAY 10kii SANO EE LA SOO DHAAFAY, goormaad wax garanaysaan.

ALLE ha garab galo DAWLADA CUSUB iyo MADAXDEEDABA ALLENA ha ka dhigo DAWLAD CADAALADEDA Aduunka oo dhan tusaale u noqota, Aamiin.

Islaam@usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Monday, August 28, 2000 - 07:13 am
Assalamu Caleykum,

Waxaan u malaynayaa ummada soomaliyeed oo dhan
(waa kuwa qalbiga fiican) meel kasta oo aay
joogaanba in aay ku rayn-raynayaan warka innaga
soo gaaray CARTA.

Mahadaas Allaah baa leh marka hore, marka xigana
Madaxweynaha Jabuuti incl. shacbigooda.

Aanu u hambalyeeyno madaxweynaheena cusub, aana
u duceyno insha'Allah sidii uu isugu keeni lahaa
dhulkan dhurwaayadu shacbiga ku cunayaan.

Siduu ballan qaadayba, ayaan Allaah (cwj)
ka tuugaynaa in waafajiyo ballan-qaadkiisa.

Shir uu maanta xubnaha Golaha u qabtay
wuxuu codsaday in uu maanta wixii ka dambeeya
ahayn mid matalaya qabiil balse yahay madaxweynihii
ummada soomaliyeed meel kasta oo aay joogaanba.

Hawl culus ayaa sugeysa ee Allaha la garabgalo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu muscab

Tuesday, August 29, 2000 - 12:30 pm
aad baan ugu faraxsanahay dhamaan akhyaarta halkaan ka hadashay ra'yigooda wanaagsan ay soo gubiyeen waxaa aad u mahadsan walaaka furay beyjkaan mudan tix galinta
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qardho

Saturday, September 02, 2000 - 05:58 am
markii aan dhegestay khuudbadii madaxweynaha cusb , aad baan ugu farxay haadaldisa, waxaana lahay.guul iyo allahu akbar.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Abdala

Saturday, September 02, 2000 - 09:27 am
TO: All of you.
Waxaa tihiin dad aad iyo aad u niya fiican, marka waxaan leeyahay rabi ha wanaajiyo wadankayna, In sha,alaah wuu fiicnaahaa.. Dawlada cusubna waxaan u rajaynaa in ay noqoto mid ku dhaqanta diinta islaamka..
Soomaaliya ha is raacdo, hana midowdo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qamaan

Saturday, September 02, 2000 - 11:03 am
Nabad iyo Naxariis Alle korkiina ha ahaato,

Ilaa iyo hadda ma xuma xaalka xamar yaala.
Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa mid soomaliya isku keeni doona, jaceelka shacabkana kasban doona.

Wuxuu u egyahay nin diinta ku fiican, shareecadana ku dhaqi doona. Saas ayaana rajeynayaa insha Allah!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslima

Tuesday, September 05, 2000 - 04:55 am
Asaalamu caleeykum
walaalayaal waan idin salaamay dhamaantiin:
waxaan illaahay inooga baryahayaa in uu dadkeenii aduunka ku firdhay dib inoogu soo celiyo..
amiin

alaaaaaaaaahu akbar.............alaahu akbar
Soomaliya ha israacdo qayrkeed ha la jaanqaado.
illaahay idankiisee hanoqoto kuwii dantooda garta.


_ HEESYAR
Soomaalidu soomaalidu weey buktaa basteed weeyoo lahubo inuu cudur faafa helay bidhaantaa bidhaantaa laga gartaa

Ma beerkaa laga hayaa madhabarkiyo boowd yahaa burburay oo aan shaqeey

Markii markii markii loo baadhay hoos cudurkuba waa bulshada qabiilkuu ku beeranyahay
Inuu baray ba iyo hoog balaayada sabab u yahay
buugeedaba kuma dhignee!!!!!!!!!!!?

Haday buun buunisaa ilmahaay ku barbaarisaa
abtiriskaa loo baraa balaayada sidii Quràan
biseeylbaa wali u hadhay

Danteenii beeylahdoo baraarugiyo nabad laàan boolaad nagu sii rideen sidee looga bixi karaa
asaageen ku beegsanaa

Inaan boolida la cunin inaan lagu beersan been
inuu xilku baratan yahay
beel iyo heer laga tagaa cadaalada loo balamaa
dadweeynoow baraarugiyo midnimaa looga bixi karaa
midnimo midnimo midnimaaaaaaaaaa looga bixi karaaaaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilkacase

Tuesday, September 05, 2000 - 09:41 am
as/c/w/wabarakaatu,
dhamaan dadka meesha ku wada jira waad salaaman tihiin.waxaa jirta beri aan hamar joogay oo magaalada dhex lugeynayaa ayaan waxaan arkay inan yaroo ilaa iyo 16 jir ah oo qolooyinkii isbaaraha dhigan jirtey hamar ay soo kufsadeen ilaa iyo dhowr iyo labaatan nin yacni qofwalboo dumar ah meesha mareysa waa la leexin markaa dowlada dhisantay waxay doonta ha noqota ee inoogu duceeya in ilaahey kheyr inooga dhiga wasalaamu/c/waraxmatulaahi/w/barakaatu, waadna mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, September 05, 2000 - 10:49 am
Asalaamu Caleeykum

Alaahu Akbar! Alaahu Akbar! Alaahu Akbar!

Aad baad u mahadsantihiin, fikradihiina wanaagsan.
Bal walaalayaal aan badino ducada, in u ILAAH u fududeeyo Dr. C/Qasim.

Ilaa iyo hadda meel fiican ayeey mareeysaa hawsha siduu u wado.
Aad baan ugu farxay markii uu yiri "Si xiwaar ayaan wax u wadaaya oo dagaal aan ku jirin"

To. Bro. FAHAD.
Walaal adiga ayaa mudan mahadaada.

To. WAlaasheey Muslimo.
Aad ayaan ugu farxay, fikradaada wanaagsan. Gabdhaha adiga oo kale ayaan u baahanay in uu Ilaah noo badiyo oo ah WAAQICIYIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bulxam

Wednesday, September 06, 2000 - 05:33 am
moryaan moryaan dhashay anagaa hadda diin noogu soo gabaneysaan. allahu akbarleeysay,moryaaan waa un moryaan ama sheek iska dhig ama sharif, dawladd a aad sheegeysaana walaaheysan moryaan meelna u dhaafeeyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandaneefiya

Wednesday, September 06, 2000 - 11:04 am
To. Bulxan
Walaal keey haddii aad igu tuhuntay in aan isku QABIIL nahay QAASIM. Waxaan rabi wajigiisa ku dhaaranaaya in aan kala fognahay. Ee waxaan rabaa kali in aan DAWLAD helno.

Ee hadii uu qabiil ku ween yahay qalbigaaga, waxba kuma qaban karo. Ee hurdada ka kac Aaway jabhadihii??????????????????????

Waad la socotaa in shacabka reer BARI la lahaa, aan iska celino qabiil kale. Bal fiiri waxa ka dhacay magaalada GAROOWE asbuuci hore!!!!!!!! Yeey ahaayeen dadkii la soo dhaweeyay????????????

Haaaaa haaaaaaa walaal meesha qabiil ma jiro ee DANEEYSI ayaa jiraaaaaaaaaaaaaa!!!!!!!!!

Ee iska qub QABIILKA,...........

Walaalkaa Skandaneefiya!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasteex#

Monday, September 11, 2000 - 11:35 am
Asalaamu caleykum

masaladaan taala Alaa garanaaya kheyrka noogusugan inta ey la egtahay iyo khaatumadeeda meeshey noqon, weyna cadahay indhib la soomaray haduu Alaah dhibka naga fududeeyana inlaguxamdiyo looguna xamdiyo sidii salafu haadihii uma yaafiican, waxii ladhihi lahaaba culumadaa naga fududeysay lana yimid ijtihaat aan Alaah ugu baryeyno in kheyrka la rajeynaayo iyo mid kaweyn ka suurtageliyo arintan.
waxaa inaga nootaala waa dacwaadii korkeena aheyd ilaa aan Alaah kala kulmeyno anagoo ugu faa'iideysaneyna qaabka eymaanta suurta gal utahay inagoo ka digtoonaaneyna waxyaabihii na burburiyey sida inagoo walaalkeen oo si isu fahamsiiyey camalka dacwada wixii khalad kadhacaba maadaama uu kheyrba wado ayaan qoorta soo qabanaa inagoo awoodna inaan ucudurdaarno wuxuu nala fahmi waayana Allaah ubaryeyna inuu tuso haduu kheyr yahay anaguna aan hagaajino wixii dhiman isaga ha katago ama si caam ha utaalee.
Walaalayaal hadaad dareemeysaan iney fursadi timid bal halaysku baraarujiyo sidii looga faa'iideysan lahaa.

walaalkiin Asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Tuesday, September 12, 2000 - 09:31 pm
Assalaamu Calaykum

Anigoo ah walaalkii bilaababay mowduucan waxaan walaalka hadalka XUMEEYEY (BULXAN) qabiilna wax ku saleeyey ama walaalihii fegradooda soo tebiyey ku tilmaamay •••••••• waxaan kula talin lahaa inuu QABYAALADA iyo waxa uurkiisa kasoo baxaya oo afkiisu qarin waayey uu iska saaro si fiican u akhri HEESTII Muslima inoo soo qortay.

Wallaahay sidii walaal iga horeeyeyna kuu sheegtay (SKANDANEFIA) anna sidiisoo kale C/SALAAM SALAAD xittaa 5ta Somali loo qaybiyey isku qayb kuma nihin ISLAANIMO & SOOMAALINIMO baanu walaalo ku nahaye walaaloow QABIIL laysku caayo ama duro soomaali meeshuu dhigay waad ogtahaye ALLE KA BAQ.

Walaalkiin
Adam Cade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cade

Wednesday, September 13, 2000 - 05:11 am
hey you lot, this was suppose to be Islam page not bloody politic. if you interested somali politics take it to general pages there we can respond with all the filthy answers that any political topic deserves. its no good hiding in the slamic pages here. This topic has nothing to do with islam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Thursday, September 14, 2000 - 10:32 am
asalaamu calaykum

ALAAHU AKBAR ALAAHU AKBAR ALAAHU AKBAR ILAAHAY AYA MAHAD LEH ALAAHUMA LAKAL XAMDU ILAHAY YAAN UGU MAHADINAYNAA DAWLADA INOO DHALATAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DearCritic

Thursday, September 21, 2000 - 10:32 am
Asalaam alykum w w.
Waxaad u adantihiin dad caadifad hayso iyo kuwa dan kale wata. Marnaba waxaad ilowdeen waaqiciga. Waxaan idin oran lahaa kuwiina magacyada culimada wata oo raba inay ku hadlaan, iska jira hadallada qaarkood. Ka fiirsada cida aad taageeraysaan iyo sababta aad u taageeraysaan.

10 kii sano ee la soo maray waxaa sabab u ahaa nimanka maanta is doortay oo shacabka somaaliyeed afduubka ku heysta. Ayaga ayaa isbaarada dhigta, ayaga ayaa wadanka kala gooyay, ayaga ayaa musuqmaasuq bilaabay, ayaga ayaa diinta magaca uga dheelaaya. War ilaahay ka cabsada oo ka soo horjeesta nabigana ha nabsanina. Dawlad xun waxay dhaanta dawlad la'aan lakin dawlad ka kooban dambiilayaal doorta nabigu ma oran. Nabigu ma oran dadka kuwii laayay oo mudna in la wada toogto ha la doorto.

Waxaan ilaahay ka rajaynayaa in rtuugadoo dhan maxkamad islaami ah la soo taago oo la xukumo one day.
wasalaaaaaam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.