site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AL-ITIXAAD WAA XARAKO ISLAAMI AH!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): AL-ITIXAAD WAA XARAKO ISLAAMI AH!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuux

Monday, August 14, 2000 - 07:57 am
Asaalaamu calaykum waraxmatulaahi.
Waxaan aad ula,yaabay dadkan uun iska hadlayaal oo sheegay waxa uun afkooda soo qabta.. War Ilaahay ka baqa so maad ogid in lagu waydiinayo wax ala,wixii aad ku hadashay????????? Hadii aan u soo noqday Taariikhda ururka al-itixaad: Anigu kama mid ihi, ururka as a member, laakin waa urur islaami ah waxawna soo jiray mudo kabadan 25 sano, oo ay soo wadeen fidinta diinta Islaamka. Qof walba amaba urur walba wuxuu leeyahay qalad iyo sax. Al-itixaad waxay soomaaliya kasuu biyeen meelo badan oo dadka lagu baro diinta dhabta ah ee islaamka taa waxaan ula jeedaa: Somaaliya waxaa ka jira ururo badan oo islaami ah, laakin si cad ugama hadlaan ku dhaqanka shareecada islaamka sida uu uga hadlo ururka al-itixaad. Marka walaalyaal waa ognahay waxa ka jira wadankayna, dhibka waxaa looga bixi karaa just ku dhaqanka shareecada islaamka... Dantayada waxaa garanaya rabi oo yire ku dhaqma shareecada islaamka, marka waxba kale kaa yeeli mayno hadii aad wado Qodob....
Wasaalamu calaykum waraxmatulaahi..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Monday, August 14, 2000 - 09:18 pm
Diinta dhabta ah??????????

Maxaad ku keentay inaad mawduuc aad ogtahay inuu muran abuuri doono aad furtid la yaab ma lahan waa dabeecad u gaar ah dadka diinta dhabta ah wada waa sida aad tiriye
Waxaa ka fiicnan lahaa inaad ka hadashid wax ummada anfaca alitixaad fiicnashaheda iyo xum,anteda waxba uma qabanayan masakinta aan fahamsanayn waajibadka diiniga iyo wixii looga baahnaa marka saxib ha abuurin mashakil e xalli mashakil waa hadaad wax maqashid ?????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU-MUSCAB

Sunday, August 20, 2000 - 01:15 am
asalaamu caykum
waxaan doonayaa in aan wax yar ka iraahdo xaqiiqada ururka AL- ITIXAAD OO Ah urur aad u weyn oo ka jira dalka soomaaliya AL-ITIXAAD AL-ISLAAMI Waa urur islaami ah sida ku cad magaciisa iyo sida dhabta ahba waa urur u sacyinaya in uu diinta ku dhaqankeeda ku soo dabaalo dalka soomaaliya ururada islaamia ah ee ka jira dalka somaliya AL-ITIXAAD waa ururka ugu dhaq-dhaqaaqa badan xaga faafinta dacwada waa urur fahansan fahankii salafka rdc shaki kuma jirin labana kuma murmayn in ururka AL-ITIXAAD yahay urur salafi ah una istaagay in kitaabka ale koonkaan ka taliyo ilaa waqti dhow oo ay soo baxeen dad sheegtay in ay iyagu salafiyiin yihiin wixii aan iyaga ahayna ay yihiin AHLU-BIDAC ama khawaarij amaba magacyo kale oo aad u qalafsan
Tusaale waxaa inoogu filan markii kuwaasi ay suaal khaldan waydiiyeen shiikh aad uwayn laguna tiriyo culumada aduunka maanta ugu wayn waa shiikha caanka ah SHIIKH:MUQBIL OO jooga dalka yaman ilaahay ha xifdiyo cimrigiisana hadheereeyo su'aashaas oo ku saabsanayd shiikha soomaaliya maanta shiikha u ah waa shiikh SHARIIF CABDI-NUUR SHARIIF XASAN iyagoo kuwaasi shiikh shariif ku been abuurtay suaal khaldan oo xaqiiqada ka fog ayey shiikh MUQBIL waydiiyeen shiikhuna maadaama uusan shariifka cilmi ulahayn uu su'aashii sidii loo waydiiyey uga jawaabay taas oo uu adeegsady cibaaraad aad u adag oo qalafsan kuna tilmaamay shariifku in uu yahay daal mudil dadkana uga digay in aysan duruustiisa dhagaysan midaas oonoqotay mid ay aad ugu farxaan dhalinyaradaasi aadna isugu taxalujiyey inay cajaladaas faafiyaan ilaaay arintaasi kkeentay in ay culumada kadoodaan su'aashaas iyo jawaabteeda Waxaan ugu nasteexaynayaa dhamaan dhalinyaradaas iyo wixii la afkaar ah in ay alaah ka xishoodaan dacwada dadka wadana ay amaan galiyaan iyaguna dacwada ka qaybqaataan kana baxaan dacniga iyo qiila wa qaalada ay meelahaas la fadhiyaan
WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed

Tuesday, September 05, 2000 - 05:38 am
as-salaamu calaykum


akhii alitixaad waa xarako xarakana diinteena islaamka meel uguma banaana ee xarako waa sifaatka gaalad iyo mushrikiinta in aynu isku shabahno gaalana ma banaana

xarakooyinkan ama ha jireen 100 ama 20 sano waa baadi waxaana kaaga daliil ah waqtiga ay saaxada islaamku soo galeen ee halagu laabto sida diinta ugu dhaqmi jireen una fahmi jireen salafkii
marka salafkii ma xarakaat bay samaysan jireen waa maya yaa xarakaat iyo firqo noqon jiray ahlu bidah

wadada salafkuna waxaa weeye caqiido,manhajiyo suluuk akhlaaq qofkana ama xarako sheego ama salafi sheego hadii intaa aan laagaa helin baadi baad tahay ogow marka qofka sheeganayow salafi sifadaa ma leedahay marka adigu miisaan

al-itixaad haday caqiiidadooda salafi tahay manhajkooodu salafi ma aha akhlaaqdooduna iyi saluuukooduna waa ay ka fogtahay markaa waa dad dhunsan caadifad iyo tacasub haku miisaamine ee ku miiisaama calaabasiira

sababtoo ah alxaqu ilaynaa axabu
wa bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 15, 2000 - 05:57 pm
al itixaad waa bidcada ugu dalaalsan bidcoonyinka ka jira aduunka ee alow naga nabadgali aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Sunday, September 17, 2000 - 11:59 am
salaamu caleykum
walaalayaal itixaad waa la qarin jiray oo qofka ah ma sheegi jirin hadaad ku tuhuntana waa la inkiri jiray ee goormay noqotay in saa loo jahro war ragii geesay yeesheen.
halkaan toronto waxaan ku haynaa niman inkiraaya oo dhahaya itihaad waa dhamaaday ama itixaad la bax ama sidii maskii qob siibo oo ictisaam la bax haday salafi sunni ah kaa dhigayso u noqo manhajkii & dacwadii salafu saalix.
salaamu caleykum
abudujaana al salafi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cigaal.

Sunday, September 17, 2000 - 12:28 pm
abudujana.

Intey na bareen namaad barteen adinku illeyn waxaad noo aqrin laheydeen naceyb culumada la naco iyo dadkoo la isku diro halka dadkaad wax ka sheegeyso ay na bareen caqiidada saliimka ah iyo sunnada nabiga caleyhi salaam. Al-itixad nimanka asaastey yey u taal iney ka jawaabaan daliilkooda ammaa masaajidooda ay wax ka aqriyaan iyo meelahay duruusta ku baraan ka faa'iido badan kuwaad adinka wax ka aqrdaan inkastoo aad itixadka ku dhex jirtaan afar iyo labaatan saac oo aad tiraahdaan dadkan diyaarsan yaannu rabnaa inaan la wareegno. Haddaad run sheegeysaan goonni u baxa oo hala arko waxaad dadka tari laheydeen diiniyan iyo dunyawiyan. Haddii kale meelaha lasoo taagnaada itixadka waa kan ama waa kaa. Bal sheeg halkan oo ka caddee itixadka waxad ka fican tahay adiga ood dheer tahay. Salafiyada noociinna ah wa tan lagu go'ay oo keentey ilaa qaarkiin takfiir noqdaan o culumada islaamka aad gubtaan kutubtooda qaarna aad tiraahdaan loo duceynmaayo. Itixadka waxyaalaha ay ku xumaayeen waxaa ka mid ah islaamkoo la iska takooro adinkaana kasii xun hadda. Marka adeer, innagaa islaamka iyo ehelkiisa jecel ee adinka meherad yeesha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mamaydhe

Wednesday, September 20, 2000 - 01:12 am
Waryaadha hee dhaha
Magac muhiim ma'aha ee waxaa muhiim ah micnaha lawado, oon ulajeedo hadday nimanku xaq noosheegaanna walaalahayn haddii kalena waynu iskaleexin. Ee iskadhaafa magaca aad la'ordaysaan jacayl iyo nacaybba. Sababtoo ah Itixaad doorkiisii ciyaar wuxuu keeni karay keen, sidaa awgeed waxaan iswaydiin karraa waxay keeneen muxuu ahaa oo laga dhaxlay. aniga waxaa idhi intaan arkay waxaa laga dhaxlay diin saxa oon ulajeedo wixii aan ka'arkay ayagoo kudhaqmaya ama sheegayo. Qofkii ku'arkay wax xun si saxa ah ha'usoo bandhigo. Haddii kalese nimnka usacbi ama magaca usacbi.
Mamaydhe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Thursday, September 21, 2000 - 03:55 pm
Micnaha waa in xoog lagu maquniyo dhamman ciddii ka hor imaadda fikradda muqaddaska ee ay dhalinyaradooda wataan,in la abuuro mashaakillo iyo arrimo aan loo joogin,fikrad ku dhisan afgambi iyo waxa ay ugu yeeraan jihaad(irhaab)iyagoo isla markaasna tusale ka dhiganaya salafiyinta casriga ee aljriya iyo afganistan iyo waliba aljamcal islamiya masar.

Al itixaad ma lahan qorshe ama siyaasad ku dhisan caqli iyo xikmad inta ay ka maqan tahayna waligood xal uma heli doonaan khilafka iyaga ummadda ka dhexeya waxa intaas dheer in mabaadi'da ay wataan ay tahay mid si wayn u duminaysa ama halisku ah manhajka islaamka ee ku dhisan (adacwa bilxikmati walmowcidatil xasana).

Ugu danbayntii anigoo ka anba qaadaya hadalkaygii hore waxan aad uga soo horjeedaa furidda maqaal noocan kale ah waxaana dambiga dusha uga tuurayaa ninka isaga furay anigoo isla markaana kula talinaya walaalaha isugu yeeray salafiyo iyo dhamaan booqdayaasha boggan inay kasii jawaabin,siloo xiro waxana jira qadiyado ka muhiimsan al itixaad iyo what ever sida walalehen chechnia ama kismiir ama xataa mashakiladka dacwada hortaagan iyo sidii loo xallin lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colaad

Friday, September 22, 2000 - 04:23 pm
asalaamu calaykum dhamaan.
waxaan u malaynayaa intaan la is af lagaadayn,in la is fahmo,figradaada ma qabo macnaheedu ma aha waa kaa jiraa ama ku necbahay,figradaan qabo waa sax ee ha la raacana qfkii yiraahdana kuma uusan qasbine tiisuu ka hadlay,xaqna waa u leeyahay.

taas waxaan uga gol leeyahay,in la iskhilaafo ha la ogolaado ayadoon la isku xadgudbin,kan taageersan ha loo ogolaado ra'yigiisa asagoon lagu dhaliilin,kan ka soo horjeedana tiisa ha loo daayo.
ugu danbayntii haddii la rabo in wax lakala zaa'idsado fadlan yaanu is jajuubin,ee ha la is ixtiraamo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Sunday, September 24, 2000 - 07:05 pm
ASSALAAMU CALAYKUM.
WAXAA IILA macquulsan hadalka colaad walow isagana aan ka dhadhansaday cibaaradii ahayd [WIXIII AAN ISKU WAAFAQNANA AAN KU WADA SOCONO WIXII AAN ISKU KHILAAFNANA AAN ISUGU CUDURDAARNO!!
taasna waxa laga yiri waa lagaranayaa ayaan umalaynayaa.
hadii aan usoo laabto FAHAD walaal in laga fogaado xizbiyada badan oo islaamka loo daysto dacwo aad u wanaagsan weeye waxaanan doonaynaa insha allaah inay noqoto midaan ilaahay ugu dhawaanayno laakiin hadalkaad qortay bal marlabaad fiiri:
Al-itixaad malahan qorshe iyo ama siyaasad ku dhisan caqli iyo xikmad inta ay ka maqantahayna waligood xal uma heli doonaan khilaafka iyaga iyo umada ka dhexeeya,waxaa intaas dheer mabaadii'da ay wataan inay tahay mid si wayn uduminaysa ama halis ku ah manhajka islaamka ee ku dhisan.....
WALAAL ma fahmin waxaad ula jeedo qorshaha iyo siyaasada,mida labaad ma fahmin waxaad ula jeedo
khilaafka iyaga iyo ka dhexeeya umada,mida sadexaad maxaad ula jeedaa mabaadii'da ay wataan ee duminaysaa ama halista ku ah manhajka islaamka.
walaal sow ma ogid waxyaabaha ugu daran ee dhibaatada ku riday xizbiyada inuu tacasubku ka mid yahay,meedayse xikmadii iyo mowcidadii xasanka ahayd ee aad sheegaysay!!!
walaal allaah xasuuso oo waxaad ku hadlayso ka fiirso markaad hadalada noocaas ah aad qortid maxaad umalaynaysaa inay qorayaan kuwa adiga kula midka ah ee tacasubku dilay iyaga oo aan waxba aqoon culimada caayaya,midbaa aniga igu yiri sheekh rabiic waa fataan!!SUBXAANALLAAH,midkale wuxuu igu yiri sheekh albaani faqiih maaha SUBXAANALLAAH,markaan waydiiyayna wuxuu iigu jawaabay jamaacooyinkuu udaliilsadaa [walaa takuunuu minalmushrikiin..........]aayadii buu dhamaystiray]wartaas fiqi lama yiraahdee maxaad kaloo haysaa{ataxyaadkii buu yiri assalaamu cala nabiyi)iyo hadala noocaas oo kale ah oo aan la yaabay oo uusan ku hadlin qof caqli leh caalim iskaba daaye,marka ma waxaad rabtaa culimada inlasii caayo,waligaana ka fogow wixii xunba xaawaa leh,oo qofka laga sheego wax jira iyo waxaan jirinba taasi waa dariiqii suufiyada,
waxaadna akhrisaa risaaladii sheekh bakar bn cabdullah abuzeyd ee[tasniifu naasi baynal dani walyaqiin].
waxaana la waydiiyay abuubakar ibn-abilciyaash
[manhuwa suniyu yarxamukallaah,qaala aladii idaa dukirat cindahul ahwaa lam yaqdab lishey'in minhaa]
oo macnaheedu yahay waa midkee ninka sunniga ahi,wuxuu ku jawaabay waa midka marka la sheego oo la radiyo hawooyinka iyo waxa islaamku uusan ogolayn aan midna u caroon isaga oo difaacaya.
cudurdaar haddiii aan difaacay hawooyinkii waxkamida wanaa laa adrii walaa ashcur allaah xaqa ha iisoo celiyo.
subxaanaka-allaahuma wabixamdika,astaqfiruka,wa'atuubu ilayka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Monday, September 25, 2000 - 10:22 am
salaamu caleykum
to: colaad
walaal waxaan kuu sheegayaa hadii aad itixaad tahay oo aad ku faraxsantahay noo cadeey , teeda kale itixaad wax bay dad bareen ,dacweey sameeyeen qof diidaya maleh.
tabliiq dadkay diinta ugu yeeraan marka oo ma waxaa la oranayaa in ay manhaj saxiixa wataan , so Ikhwaan marka adiga keen wax ogalaanaya jamaaca ama xisbi waxaan kuu keenaynaa daliilo aad u fara badan ama niqaash salafiyiinta & itixaad oo aan mar dhaw galin doono website iyo rag itixaad oo qiranaaya qalad badan .
salaamu caleykum
abu dujaana

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Monday, September 25, 2000 - 03:51 pm
To:Sunnah
A/calaykum

Marka hore walaal waad ku mahadsan tahay naqdintaada ku dhisan cilmiga iyo xujada waxana filayaa in kala duwanaanta fikirkeena uusan waxba u dhimi dooonin kala faa'idaysiga iyo is caawinta innagoo ku dhisayna doodena (aan iska caawino waxana isku waafaqnay aana isugu cudurdaarno waxan isu khilafnay).

Aniga tacassub aan u qabo koox gaar ah ma jirto xitaa haddii aan aaminsanahay xarako ka horimadkayga al-itixadna ma ahan arrin tacassub e waa tasxiix iyo tadkiro mana jirto khilaf shakhsiyed oo na dhex maray.

Manhajka Al-itixaadka waa mid ku dhisan xoog iyo waaqic la'aan taas waxay sabab u noqotay inay isku horimaadyo dhiig ku daado dhexmaraan iyaga iyo somali kale,runtii mana ahayn in ducaaddii diinta sheeganaysay ay iyaga dagaal sokeeye bilowan iyagoo ka didsiiyay maatadii manhajkooda ah diinta inay dowlad noqoto.

Al-itixad waxay u mujiyeen islamku inuu yahay oo kaliya mabda'a ay wattaan iyagoo umujiyay islamka diin irhaab iyo jihaad aan loo joogin,waxay ahayd madama xarakada uu hadafkedu yahay iqaamat alcadli walixsaan inay u maraan jidkii salafka ee ku dhisnaa marxaliyadda iyo waaqicinimada,hadaba miyaynan ahayn khalad sheegashada falal argagixiso in iyagoo matalaya magaca saxwada ay dagaal la galaan awood ka wayn miyayna ahayn khalad inay hub qaaatan kuna qasbaan dadka raacidda aragtidooda cusub.
Ugu danbaytii waxay ku fashilmen inay helaan manhaj xikmad iyo caqli ku dhisan taasoo soo celisa xiriirka iyaga iyo bulshada ka dhexeysa iyagoo wali ku adkaysanaya inay saxan yihiin dadkuna khaldan yihiin taasina waxay halis way ku tahay dacwada islamka iyo mustaqbalka xukun ee dalka.
Waa khalad fagfagidda khaladadka walalaha muslimka anigoo qiranaya inan aan ugu khalad badanahay dadka ayaa hadana waxa laga mamaarman ah in ducaada ay ogoladan khaldkoda si ayan mar labaad usamayn,islamkana kama mid aha dictatoriyada iyo caburinta afkarta qeyrka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Monday, September 25, 2000 - 09:53 pm
ninkii ashahata maca shuruud, Shanta salaadoodna tukada karasululah, sooma, zakadana bixiya, xajkana aada, islaam dhibkiisana iska ilaaliya, kana fogaada waxaan khuseyn, ADINKANA IDINKA DHEX BAXA SIDAAD U DHAN TIHIIN HADDAD WADAADDADII SOOMALIYEED TIHIIN MA DAMBI BAA SOO GAARI?.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.