site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TUSAALAYAL DIINEED!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): TUSAALAYAL DIINEED!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Saturday, August 19, 2000 - 12:29 pm
ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA.

Yaa ikhwatii waa mawduuc iska gaaban oo tusaalayal iyo is barbardhig ah,kuna salaysan nasuusta uuna garan karo caqliga saliimka ama wanaagsani runimadooda alaha khayrka na waafajiyo waana kuwaan soo socda.

1-Tusaalaha koowad.waxuu ALAH SWT uu tusaale ugu bixiyay kitaabkiisa kariimka sida uu dadka u soo noolaynayo markay dhintaan.waxuuna ku miisaliyay.
ROOBKA MARKUU KU DA'O DHUL QALALAY OO ABAARA KADIBNA UU U SOO SAARO DOOG CAGAARAN IYO GEEDO UBAX LEH.XADIIS SAXIIXA AYUUNA ABUU HURAYRA RC UGA WARAMAY SIDA KHALAA'IQDA LOO SOO NOOLAYN DOONO LAAKIN MEESHA AYAA CIRIIRI AH OO AAN XADIISKAS QAADIN.
2-Tusaalaha labaad.waxuu ALAH SWT.uu ku tilmaamay dadka aan ilaahay rumaysnayn waxuuna alah yiri"WAXAY LEEYAHIN QALBIYO AYSAN WAXBA KU GARANAYN INDHO AYSAN WAXBA KU ARKAYN DHAGO AYSAN WAXBA KU MAQLAYN,WAXAY LA MID YAHIIN XOOLAHA BALSE AYAGAABA KA SII LIITA"
Waa tusaale cajiiba waayo maanta waad aragtaa sida xoolaha inay u qaawan yahiin isu fuulfuulayan aysana lahayn qasdi kale oo sii fog waxaase ayaan dara qofka asagoo leh ilaahay baan garanaya dadkaas dabo galay.
3-Tusaalaha sadexaad waa XADIIS NABIGA KA SUGAN SCW."Waxuuna tusaalahasi yahay NAARTA JAHANAMO IYO KULAYLKEEDA.WAXAYNA LA MID TAHAY TODOBAATAN JEER OO DABKA AAN ADUUNKA KU HAYSANO OO KALE AH"
Ma idinla tahay walaalayal dabkad maanta aragteen oo haduu kuu soo dhawaado jirku ku bululuqayo in loo adkaysan karo isagoo lixdan iyo sagaal kale lagu sii daray.waa tusaale naf iiman ku jiraayi ku quus qaadan karto.
MEESHA IGU YARA DHEERATAY EE TUSAALAYASHA WAAN SII WADI DOONA MANA JECLI INAAN IDINKU DAALIYO AKHRISKA.IGA RAALI AHADA HADAAN MAALMO MAQNAADO
WASALAAMULAAHI CALAYKUM WA RAXMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Friday, August 25, 2000 - 01:36 am
Asalamu Calaykum Akhii Miskiin.

Jazaakallaahu kheyran, tusaalayaasha wanaagsan ee aad noo soo gudbisay, insha allaah waxaan kaa sugaynaa tusaalayaal badan, anagana allaha naga dhigo kuwo ku camalfala waxa diintu na fareyso, adna allaha ajar iyo xasanaad kaa siiyo sheegista aad noo sheegeyso.

Asalamu Calykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.