site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

INAA'LI LAAHU WA IN'AA ILAAHU RAAJUCUUN

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): INAA'LI LAAHU WA IN'AA ILAAHU RAAJUCUUN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxiyadiin

Saturday, August 26, 2000 - 12:17 am
Salaanta islaamka kadib waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan ummadda soomaliyeed ee nabad jecel, geeridii naxdinta laheyd ee xalay ku timid shirkii ay jecelayeen, una han weynaa ee "SHIRKII CARTA" oo alle ha u naxariistee xalay naftii ka dhacday, kadib markii uu doortay AL-MUJRIM ABDIQASIM SALAAD BOY, oo ah shaqsigii aabaha u ahaa burburintii, barakicintii iyo xasuuqii ka dhacay dalka soomaliyeed.

Walaalayaal samir iyo iiman alle haydinka siiyo geeridaa naxdinta leh ee ku dhacday madasheenii carta, waxaan la iloobi karin sidii soomalinimada, islaaminimada, iyo geesinimada laheyd ee aad ugu hawl gasheen taageerida iyo garab istaaga shirka, shirkaasi alle ayuu u noqday, isagaan ka baryeynaa badal kher qaba.

EEBBOW IGUMA OGID GACAN SIIN DAALIN IYO DAALIMIIN IS TOORTAY IN AAN U SACAB TUMO


Wa-bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandaneefiya

Saturday, August 26, 2000 - 12:24 am
Asalaamu caleeykum
Walaal Muxiyidiin kala dhaxbax shartaada shujuubta Soomaaliyeed. Dad rafaadsan ayaad rabtaa in aad dumiso. Ee Ilaah ka cabso ayaan ku dhihi lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar hooyo ah.

Saturday, August 26, 2000 - 02:31 pm
Asalaamu calekum.HANBALYO DHAMAN WALALAHA FIYOOW.
Doqonkii qabiil iyo qurun ka buuxaaba diin ha ku marmarsoodo.War orodoo shartaada meelahaas la aad
soomaali danteeda ma hayside.10sano ka badan ayaan dowlad la aan ahay oo caruuraheenee wadama gaalo iyo dhaqangaalo ku silceen ee ma maanta markii dowlad lagu dhawaaqay miyaan keenay sidii aan xumaan ugu raadin lahayn!!! Taasi waa nacas iyo garaadkiis, dhibaado iyo qurbo wareegna intii hore ayaa noogu filane, ilaahay dowladeena cusub ha ka dhigo mid ka talisa maslaxada umada soomaaliyeed nuguna hogaamiso shareecada diinta ISLAAMKA.

Wasalamu caleykum.
by:gabar soomaliyeeeeeeeeeeeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 26, 2000 - 04:20 pm
Heey neefkaas qabiilka ka buuxo quuqdiisa nagala hara

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Saturday, August 26, 2000 - 11:37 pm
Assalaamu Calykum

walaalayaal soomaali ayaa hore u tiri " nin qalbi la' quraan kii u dhigay, qaaf dheh ku haraad"

markan waa waalateen kuwiinan ina salaad boy oo mujrim munaafaq ah u ahaa maxamed siyaad, abaal gudna uga helay 21sano wasiirnimo ah iyo ra'iisal wasaare ku xigeen in aad maanta xal moodaan, war bal istaakhfurla dheha, waayo shalay waxaa ka mid ahaa burcadii kufsiga ka waday soomaliya, bal dib u akhri wareysiyadii iyo qoraaladii uu ku qoray wargeysyadii qaran, mandeen, sanadihii 91,92,93,94-2000, ka dib bal adba fiiri inuu ra'iis soomaliyeed noqon karo iyo in uu sii hayn karo jagadii caydiid siyey ee aheyd, wasiirkiisa arimaha dibada ee waqtigii xasuuqa iyo kufsiga shacbiga masaakiinka ah ee soomaliyeed,


markaa bal aan idin waydiinee war maxaa iska badalay ina salaad boy, oo dadka iypo dalka uu maanta ku kordhin karaa,

mida kale cuqdad iyo qabiil baa calooshiina malax iyo cudur ku beeray, oo ma kala garan kartaan qofkii xun iyo kii ka sii xun,

midka la baxay skandeniifiya waxaa adiga ku yaal in aad magacii waalidkaa ku bixiyeen alle ku jeclaysiiyo, ee bal marka hore adigu isa soo sax intaadan ina salaad boy u arkin qabiilkii aad mudada badan xukunka la jecelayd oo maata riyadoodii ku waaberiiystay,

gabadh soomliyeed, walaalyey ma ninkii gabdhihii kula midka ahaa kugsadey ayaad adeer ka dhiganysaa oo shareeco islaam ka sugeysaa, arintaa waxuu fursad haystay 30sano ee maxuu mar hore u dabqi waayey islaamka, ama xitaa uu uga dhex bixi waayey dulmiga iyo dilka uu hogaamineye,
walaal dib u xusuuso maahmaahdii aheyd"HADDII UU DURDUR IYO DABAAL GALO, DOOFAAR WALIGII MA DAAHIRO, OO MA DAAYO WAXAY DIINTU NECEBTAHAY"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Sunday, August 27, 2000 - 12:56 am
TO. SOMALINET.ADM

Walaal ilaa hadda ma fahmin, waxa qoraalkeygii shalay oo ahaa mid nadiif ah, waafqsana nadaamka somalinet iyo akhlaaqda iyo anshaxa qoraaldba loo tir tiray, macnuhu maxaa weeye waxii aan argtiyada aheyn loo dulqaadan maayo! mise wax kalaa jira, waxaan rajeynayaa jawaab waafi ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam Cade

Sunday, August 27, 2000 - 04:06 am
ASALLAAMU CALAYKUM

Walaalayaal MUNAAFIQIINTA inala raba dawlad la'aan SHARKOODA ALLAAH ha ina DHAAFIYO, INA SALAAD waa nin QALBI fayoow iyo si CADAALADA lagu doortay.
Walaalaha kheyrka JECEL waxaan xasuusinayaa CID kaleba iska daayoo HADDII nebi MUXAMAD nabad gelyo iyo naxariis fara badan korkiisa ha ahaatee maanta la inoo keeno qaar baa wax ka sheegi lahaa, MARKA ehlu sharka dheg ha u dhigina sida MUXYIDIIN iyo gabadha u jiibinaysa.

Walaalkiin
Adam Cade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Monday, August 28, 2000 - 07:23 am
War maanta kanaa sidaa ah iyo kanaa sidaas ahaan jiray miyaa inoo taala.

C/Qasim haddii uu kamid ahaan jiray dowladii Siyaad Bare maa ceeb baa? sidaan ogahay/maqlay lug kuma uusan lahayn dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay.

Waa nin qibrad u leh maamul, dowladdii hore ayuu ku jiray & wax lamid ah wax soconaya ma ahan. Ma xoog buu ku qabsaday? Yaa doortay? miyeesan ahayn kii kumatalayey iwm kan ugu shubay? Ma asagaa Caddoow ka xoogay codkii?

Walaal fitnadda jooji. Haddii kaad rabtay soo bixi waayey ma waxa oo dhan ayaad rabtaa in aad ciid inooga xaarto? Illaah ka baqa!.

Dowlad tii Siyaad Barre ka daran ayaa ii dhaanta 'halka' aan maanta ku sugnahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu muscab

Monday, August 28, 2000 - 12:42 pm
ASALAAMU CALAYKUM
waxaan ugu bishaaraynayaa dhamaan soomaalida meel kasta oo ay ku noo shahay in ay inoo dhalatay dawlad aynuna ka soo laabanay 10kii sano ee madoobeyd waxaan ku lee yahay ninka isku magacaabay muxiyadiin iyo gabadha u jabinaysa inaad shartiina kala dhex baxdaan somalida isku tiirsan qabiilka iyo qurunka idinkujirana aad meelahaas la'aadaan horay ayaa waxaa loo yiri DOQONI MEESHII LAGU DAGAALAMAY BAY OGEYD EE MA OGAYN MEEL LAGU HESHIIYEY waxaan idin leeyahay taageera dawlada maanta waad maqlayseen khudbadii cajiibka badnayt ee uu soo jeediyey. dadka dhaqan celinta u baahan ee uu sheegayey ayaad ka mid tihiin, waxaad ku hadlaysaan afkii CIGAAL ,C/LAAHI YUUSUF,XUSEEN CAYDIID,CAATO,BOOD ,YALAXOW IYO DHAMAAN NABAD DIIDAYAASHA. taas waa laga baxay baan idin leeyahay
TANI DHAQAAQDAYE DHINACA QABSADA OO HAKA DHICINA
SOOMAALIYA HA IS RAACDO;;;;;;;;SOOMAALIYA HA MIDOWDO;;;;;;SOMAALIYA HA NOOLAATO;;;;;;;;;;;; MADAXWEYNAHEENA HA NOOLAADO;;;;;;HA WAARO;;;;;;; XAASIDKIISU HA JABO
WASALAAMU CALAYKUM
MADAXWEYNE JOOG OO JIR

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.