site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jaacaaylka diinta islaamka ah qaabilsan. Diinteenu miyeey diideeysaa?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Jaacaaylka diinta islaamka ah qaabilsan. Diinteenu miyeey diideeysaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khawla

Wednesday, September 06, 2000 - 01:06 am
Asalamu caleeykum
walaalayal waan idin salamay
walaalayal waxaan idin weeydiinayaa suáal ku saabsan jaceeylka oo ah
:"" Diinta islamka soo laba qof illaahay dartii isuma jeclaankaraan""?(YACNI SI AAY ISU GUURSADAAN)
Walaal waxaan Illaah dartiis u jecladay wiil qof siduu diintiisa u dabaqo iyo xishoodkiisa wana nin isna ima oga ee maxan sameeyaa ma usheegaa in aan jecla hay maxaadse umaleey neeysaan in uu iigu jawaabi?
waa walaashiin oo idn leh asalaamu caleeyum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasteex

Wednesday, September 06, 2000 - 05:42 am
Asalaamu calaykum.
walaal diinta islaamku ma xarrimayso haddii gabadhii wiil ay ka hesho diintiisa, akhlaaqdiisa,iyo dhaqankiisa oo ay markaa jeclaato in uu guursado isla markaana ay u sheegto in ay jeceshahay in uu guursado haddii uu aqbalo.Waayo rasuulka caleyhi salaam waxaa jirta in ay gabadh muslimad ahi u timi iyada oo u bandhigaysa nafteeda macnaha rabta in uu guursado rasuulku wuu fiiriyey gabadhii,kamana aqbalin arrintaa,marka nin kale oo saxaabi ah ayaa gabadhii doonay oo rasuulku u meheriyey sallallahu celyhi wasallam.ka fiiri qisadaa(subul-asalaam sharxu buluuq al maraam).

Hase yeeshee diintu ma ogola waxaan loogu yeedho caashaqa ee qofku qof kale ka daba dhaco,sida qisaska jacaylka aynu ka akhrino ee cilmi iyo Hodon.waayo qofka muslimka ah in uu hawadiisa ka adkaato oo markaa uu kontrol li kari waayo oo ay dulaysato looma baahna.
waxaa lagama maarmaan ah in aad awalan samaysid dhawr arrimood inta aadan inankaas u bandhigin arrinta oo aadan guursan haddii ay dhacdoba arrimahaasina waa:
1- in aad tukato salaatul istikhaara oo Allaah cazza wajalla ka dalabto in tii khayrleh uu ku waafajiyo.
2- in aad la tashato waalidka iyo gacalkaa isla mar ahaantaana aad u kuur gasho oo weydiiso dadka wax ka yaqaan inankaa diintiisa iyo dabeecadiisa.Ogowna waxaa jira dad badan oo diin leh laakiin nasiib xumo ay dabeecadoodu qalafsantahay,ama kuwo dabeecad leh oo diintoodu aysan fiicnayn.marka labaduba waa muhiim ee ku dooro kuna guurso ninkii aad rabto,waayo taas baa najaaxa iyo guurka sacaadada lihi ku jiraa sida rasuulku yiri caleyhi salaam.
wallaahu aclam.
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 06, 2000 - 10:49 am
asalaamu calaykum


nasteexo
ilaahay ha kaa abal mariyo sida sharafta badan aad walaalsheen suaalshedi uga jawaabatay laakiin bro Rasuuka waad inaadan dhihin calayhi salam laakiin waxad tiraahada calayhi salaatu wasalaam kaagama wada ku xumee laakin way fiican tahay in wax isku sheego jisaakalaahu khayral jiisaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasteex#

Monday, September 11, 2000 - 12:33 pm
Asalaamu caleykum

To Khawla

Hagaag hadii intaadan falin aad ka fiirsatay sida diinteena tilmaameyso dadka wanwanaagsana lagu yaqaan, kana sii fiican fatwada walaal inaad ehelkeeda weydiisit oodan isku haleyn inaad meelaadan garaneyn aad ka qaadatit waa markey arintu fatwo taagantahay, waayo culamada hadaadan lajoogin xitaa qaab fudud yaa loohelaa. Anoonan ku
oraneyn walaalkey samigey waa khaldanyahay waayo wuugutay xilkiisa haduu ehel uyahay fatwadaa bal ajir Alaah haka siiyo, walow fatwada shey sahlan aheyn dadkii ehelka uh ahaa inbadan kataxa dari jireen,waxaan kawadaa ukhti adigu ma isweydiisay inaad ku kalsoontahay ooy ehel uyahay qofkaat diintaada ka qaadaneyso.
waxaana ku weydiinayaa magacaa la baxday iyo su'aashaad weydiineyso calaaqo ama xiriir baa kadhaxeeya ee malasocotaa ood kutalagashay , mise wey isku toostay.

To nasteex

samigeygiiyoow cusbaayoow qaraabo xaga magaca naga dhaxeeya yaa noqonay ee xaqiisa ilaali.
walaal diintaada Allaah hakuu siyaadiyo.

Walaalkiin Asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khawla

Wednesday, September 13, 2000 - 01:02 am
asalamu caleeykum
TO: Nasteex#
walaal waad ku mahadsantahay suáashaad isoo weeydiisay.
Waxaad tidhi miyaad magaca ku tala gashay?
laakiin walaal mid aan ula jeedo u qaatay ma ehee waa magac aan ka helay uun.....maqlayna in ey saxabadii ridwanu laahi caleyhim la baxi jirtay.
TO:nateex
walaal Waan ku salamay.
Waxana ILllaahay kaaga baryahayaa in uu kaa abaal mariyo caawintaad i nasteexaaysay.....Illaahayna ha kuu sii badiyo cilmiga.
asalamu caleeykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARBAAR

Friday, September 15, 2000 - 06:14 pm
khawlo sida walaashay kuu sheegtay qof wanaagiisa waad ku jeclaan kartaa haduuna jacaylkaasi kugaadhsiinayn in aad, naftaada udisho hadaad waydo, ama aad hurdadii cuntadii iyo cibaadadiiba uu kaa kaxaynayo, waana in uu noqdaa jacayl uu ka koreeyo ka alle iyo rasuulkiisa aad u qabto.
waxaana ku dhihi lahaa u sheego jacaylkaaga qofka aad jeceshahay si aad uga bugsooto oo aanu wakhti badan kaaga qaadan.
WALAAHU ACLAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Monday, September 25, 2000 - 03:38 am
As-Salaamu calaykum.

Walaal dhamaantiin waxaan idinleeyahay shukran!

Waxaan walaashii talada doonaysay ugu sii darayaa inay markay soo baadho talaabooyinkii oo dhan raacdo u dirsato wiilkaas qof kariima oo sirteedana u qarinaya inuu wiilkaas ula hadlo,

Waayo Ilaahay xaqa kama xishoodo inaguse Soomaali hadaynu nahay wax aan laga xishoonin ayeynu unaqaanaa ceeb!!!!!
Walaal aad uga fiirso wiilkaas iyo midkasta oo aad u aragtid inuu yahay kii ku asturi lahaa.

Waxaan dhamaan kula talinayaa walaal kasta oo rag iyo dumarba guur xalaala raba inuu ka fiirsado arintan oo aan weliba jecelahay inaan sii faah-faahino mustaqbalka uga hadli doono (inshaa Allaah)...

Waxaanu wax ka ogaanay in ay dhibaatin lagala kulmay rag iyo dumarba qaar aan layska soo baadhin caafimaadkooda.

waajib maaha laakiin waxaan u doorbidayaa shabaabkasta oo guur doona inuu qofka uu guur kula heshiiyo ka codsado inuu iska soo baadho dhamaan xanuunada lays qabadsiiyo,waayo wakhtigan aynu joogno waxaa batay fusuqii ,faaxishadii
masiibooyin,iyo xanuuno aanaynu aqoonin.

waxaa marmar dhacda inay gabadh cafiifad dhawrsan ah si ay u dhacdaba guursato nin wax soo qasay oo xanuunadaas qaba,kadibna ay halkaa kala kulanto inuu xanuunkii u gudbiyo.
Ragana sidoo kale inuu guursado gabadh wax soo qastay oo naftiisa iyo saxadiisa u qoonsata.
Walaalayaal adduunyadu sidii hore maaha e halays ilaaliyo oo dadka halayska soo baadho.

anigu rag guur iga dalbaday oon shardigaa ku xidhay way iga xanaaqeen laakiin ka suulimaayo inaan naftayda ilaashanayo inshaa Alaah.

Waxaan aad ula socdaa dumar guursaday rag qabay xanuuno oo maanta qoomamaynaya!
DIGTOONAAN QAATA WALAALAYAAL DIGTOONAAN!!!!!

Waxaan u diyaar ahay qofkasta oo faafhfaahin raba inaan waada xidhiidhi karno.

umalkhair@hotmail.com
baarakal-LAAHU FIIKUM..
walaashiin,UMM-ASMAA,umalkhair@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.