site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dardaarankan fiiri walaal (muslinoow)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Dardaarankan fiiri walaal (muslinoow)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasteex#

Wednesday, September 06, 2000 - 01:45 am
BISMILAAH
ASALAAMU CALEYKUM

Mahad ALAAH yaa leh dabadeena (NNK)ha ahaato nabi muxamed iyo intii raacday.

Walaal danuubta Alaah laga galayo hadaan wax ka tilmaamo wacey culumadu yiraahdeen macsida sida ey ruuxda u xanuunjiso wey ka daran tahay marka loo eego sida jirada jirka u xanuunjiso, waxeyna macsidu fasahaadisaa qofka aakhiradiisa iyo aduunkiisa, mana jiro shar iyo cudur aduun iyo aakhiro ilaa sababteedu waa danbi & macsi, isna weydii maxaa halaagey qoomu(nuux, caad, thamuud, iyo wixii ka danbeeyey)?
Imaamu Axmed(RAXi..) ayaa wariyey in markii lafurtay Qubrus oo ehelkeed ALaah kala daadiyey iskuna dul ooyeen ayaa waxaa la arkay Abaa dardaa (RC)oo meel fadhiya kaligii islamarkaana ooynaaya ayaa jubeer ibnu aabihii oo qisadan warinaaya weydiiyey saxaabiga sababta iyadoo nasrigaan lahelay ka oohisay wuxuuna ku jawaabay micnahoo kooban (tabardarana khalqiga marka awooda Allaah loo eego hadey dayacaan amarkiisa, iyagoo ahaa umad quwa leh muuqtana mulkina u sugnaaday, marka amarkii Alaah yey ka tageen saas aad arkeysaan buu amar kooda noqday) saxaabigu wuxuu u naxay aadanaha sida lagu yaqaan ehlu kheyrka isagoo tilmaamey tabardaridooda iyo kibirkooda meeshay dhigtay.
Macsida aathaar(tilmaamo)xun dhibna badan sida:- waxey qofka dhaxalsiisaa duli (akh-adu), waxey dhaciifisaa doonista kheyrka, caqligeey fasahaadisaa,cilmigeey kuu diidaa, cimrigay barakada ka tirtaa, qalbigeey ka qufushaa kheyrka, lacnada Alaal yey gaarsiisaa, waxaa laga xarimaa ducadii rasuulka, qiirada islaamnimo yey baa'isaa,
xishoodka yey tagsiisaa,qalbigey Alaah weyninkisa ku dhaciifisaa, nicmadey suulisaa, waxey kugu rideysaa qalaq rucbi cabsi, jikey xanuunjineysaa, danbiga kale inaad gashey kuu fududeen, sheydaan key kuu xabiseysaa, karaamada yey kaatireysaa, xiriirka adiga iyo Allaah yey kala jareysaa, waxey kaa dhigeysaa qof hooseeya sharaf laheyn, cadowgaagey kugu soo hagaamin, naftaadana waad isla yaraan, Allaah yey ku hilmaamsiin, caajis kasal qalbi madoowaad bey wadataa, masoo koobi karee dhibka macsidee aakhirana cadaabkii xanuunka badnaa kuu dheer haduuna Allaah kucafin oodan toobadkeenin.

Walaal wakhtiga yaa iidiidey qormadana waa igu dheeraatay inaan sii wado xaqiiqaduse waxa weeye qofkii Allaah kheyr la doono inyar baa kufilan waaba haduu jiro nin moog arintan oo kafaa'iidey- sanaya, waxaase muhiimadu aheyd in dadkiina kheyr ka igu dhaama aan is xasuusino wanaaga si iimaan keena u kordho saasaana ugu gaabsaday daliil inaan soo sardiyo wixii aan kari lahaaba, haduuse jiro ruux qormadeydaan aan facmin waan isku dayi inaan jilciyo Inshaa Allaah.

Akhiiran Allaah yaan u mahad celin, waxaan khaldey mina sheydaan waxaan saxeyna min Allaah.
Asaalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Wednesday, September 06, 2000 - 10:53 am
Walaal Naasteex aad baan kugu mahad celinaaya waanadaada iyo xusuusintaada. Waxaan Ilaah kaaga baryaaya in uu kugu daro miisankaaga QIYAAME aamiin.

Salaama. Skandaneefiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Wednesday, September 06, 2000 - 10:56 am
asalaamu calaykum

nastex ilaahay ha kaa abal mariyo bro jisaakalaahu khayra ilaahay abaalakga janatul fardawsal acla ha ka dhigo ilaahayoo no dhambi dhaf oo noo naxariiso amiin ya rabal calamiin. walaal noo faaidee ilaahay cilmigaga ha kuu siyaadiye

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.