site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Marka la leeyahay! Naagta Zaaniga waxay guusataa ninka zineysto, sidoo kale ninka!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Marka la leeyahay! Naagta Zaaniga waxay guusataa ninka zineysto, sidoo kale ninka!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUAAL

Unrecorded Date
Ma waxaa loola jeedaa waxay isku hellaan callaf, iyagoon is ogeyn, mise ma isu bannaana oo ma isguursan karaan Naag zaani ah iyo nin mu`min ah ayaa loola jeedaa?

HA KHIYAASIN EE IIGU SHEEG SIDA AY DIINTU TAHAY
HADDAAD GARANEYSO!


SALAAMA CALEYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdulahi

Unrecorded Date
Walaal
aayadda quraanka ku jirta ee aad af soomaaligeeda halkaan ku qortay waa "azaanii laa yankixu illaa zaaniyatan ow mushrikatan wazaaniyatu laa yankixuhaa ilaa zaanun ow mushrik........."

aayaddan fassirkeeda dad badan ayaa ku wareeray oowaxay umaleeyeen in loola jeedo ninkii sinaysta wuxuu guursanayaa gabadh sinaysatay oo ay arintaasi isaga ciqaab u tahay hase yeeshee xaalku sidaa ma'aha
Nikaaxan la sheegayo kii guurka ahaa ma aha ee waxaa laga wadaa falka galmada, aayadda micnaheeduna waxa weeye dhilada dhilay umbaa ugalmooda ee xaajadu guursadaba ma'aha ee walaal sidaa ufahan arintu waa dhaleecayn dadka falkaa sameeya la dhaleecaynayo ee xukun ma'aha.
Walaalkaa
Abdulahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaal

Unrecorded Date
Jasaakallaah
Abdulahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
aslaamucaleekum.
warnimanyahoohow aniga maidin fahmin ma waxaakawdaan nika loo ma ogolo naag caadi mise ilaahey amerikiis ayeey isugu soo aadaan iyo is ogeen. mise waxaa leedihiin ninka zaaniga ah naag caadi maba guursan karo. ifahamsiiya walaalayaal
fadlan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
Bismilaaha
Asalamu caleykum
Ilahey subxaana watacaalaa wuxuu kitaabkiisa kuyiri
Azaaniyatu la yankixu ilaa zaanin oo mushrikaa
Wazaanii laayankixu ilaa zanin oow mushrika
Tasoo mecne heedu yahay qof zaani ah magursado ilaa mid lamih ah moye ama gaal lakiin haduu qofku kataabad keeno oo Ilaahey usoolabto yaa kaxarimay inuu gursado qof doorsan
wabulaahi tawfiiq
Hadaad suaal kaqabtaan waad isoo weydiin kartiin
sobia7@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabdoon

Unrecorded Date
TO: AAMINA:
Asalaamu calaykum walaal runtii waxaan isku dayay inaan kuugu soo jawaabo emailkaaga laakiin mashaqaynaayo walaal quraanka hadii qof walba siduu rabo uga jawaabayo oo uu ufasirayo maanta sidaa ma ahaadeen walaal tafaasiirta dib ugu noqo sida xaqa ahna waa sida uu yi akh A/laahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Salaan Iyo Raxmad Ilaahay Baan idiin Rajeeyay

Aayaddu waxay leedahay qofka sinaysay rag iyo dumar kii uu yahayba u banaana in uu guursado qof muslim ah. Haddii nin saani ah doonayo in uu guursado waxaa u banaan oo keli dhillo ama gaal aan ahayn Ahlu Kitaab (Gaalkani waa mid Ilaahay u shirko yeelay ama MUSHRIK). Sidoo kale naago dhillo ah waxaa guursan kara dhilay ama Mushrik.

Aayaddu waxay cadaynaysaa in qofkii dhilaysta ama sinaystaa in uusan ahayn Muslim oo diinta baanaanka ka joogo Ilaa uu toobad keeno.

Toobaddu waxay timaaddaa markii qofku Ilahaay u soo noqdo. Ka shalaayo dambigii uu galay. Kafaaro dhiibo ama ganaaxa ku xusan Qur'aanka bixiyo.

Sinadu waxay ka mid tahay dambiyada waa wayn. Ilaahay ha inaga koriyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
ninka ladhaho walaalkiin. walaalruntii waa wax laga nagaxo inaad tiraahdid sinada waalagu gaaloobaa.walaal sinadu waxay kamid tahay denbiyada waawayn waana faaxisho jid lamarana iyadaa u xun.Laakiin walaal nebigu waxaa lawaydiiyay mu,minku ma sinaysankara wuxuu yiri nacam mu,minku been masheegi karaa wuxuu yiri may waana xadiis saxix ah.walaal denbi shirki aan ahayn oo diinta looga baxaa majiro isaguna dawaabid ayuu leeyahay.Waxa jirtay firqo ladhahKhawaarij oo dadka denbiyada ku gaalaysiin jirtay nebiguna wuxuu ku tilmamamay kilaabu naar.
Mida kale walaal qur,aanka ra,yi yaan lagu fasirin.Iyada oo aan cilmi la lhayna yaan diinta laga hadlin waa denbi wayn Wa,antaquuluu calallaahi maalaa taclamuun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabadoon Salaan idaga guddoon
Maya Maya Nabageennu Calayhi Salaam ma oran Mu'minku wuu sinaysan karaa. Wuxuu yidhi Ilaahay wuu aqbalaa tawbadda addoomadiisa. Markaas ayay Asxaabtii Nabagu Calahyi Salaam weydiiyeen xitaa haddii uu Sinaystay ama wax xaday. Nabaigeenii suubanaa wuxuu ku jawaabay: Haa xitaa haddii uu sinaysan ama wax xaday.

Suuradda Alfurqaan dhammaadkeeda ayuu Ilaahay isku xiray oo isku mid ka dhigay qofka Ilaahay u shirko yeelay ama Mushrik, kan si xaq daro ah naf u gooyay iyo kan sinaystay. Akhri: "Walladiina Laa Yashrikuuna Maca-Llahi axadan, Walaa Yaqtuluuna Nafs allatii xarama Llaahu, Walaa YASNUUN...."

Sinadu waxay fidisaa xummaan oo dhan, waxay goysaa riximka waxayna lumisaa nasabka.

Ilaahay Naxariista waxaa ka quusta oo keli ah kuwa aan qalbiga lahayn. Ilaahay wuu dhaafaa dambi oo dhan. Qofkii Ilaahay u toobad keena wuu ka aqbalaa ee mar walba Ilaahay xusuusa toobad keenna noqo.

Haa walaal haddii aad sinayso diinta dhan baad ka tahay ILAA aad toobad keento. Ilaahay wuxuu noo banneeyay in dumarka AHLU Kitaabka (Kiristaan iyo Yuhuud) aan guursanno. Wuxuu naga xaaraantimeeyay in aan la dhaqanno Mushrikiinta (Innamal Mushrikuuna Najas).

Hadaba Ilaahay dhilayga iyo dhilayda wuxuu u banneeyay iyo ay iyagu is-guursadaan ama Mushrikiin guursadaan. Haddii Mushrikiin guursada la yiri miyaan la fogayn. Ilaahay dambi oo dhan wuu dhaafaa "Haddii aan loo shirkiyin."

Walaal waa cagahaa cadaab ku doono sinadu. Ceeb iyo Camal xummo iyo Cadaab Ilaahay weeye ee iska jir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Saxid: Ayaaddu waa:
"Walladiin laa yadcuuna Macallahi Ilaahan Aakharan, Walaa yaqtuluuna nafsa-allatii xarama Allahu, Walaa yasnuu."

"Waman yafca daalika yalqaa athaaman. Yudaacif lahul-cadaabu yaamal qiyaamati wa yuxlid fiihaa muhaanan. Ilaa man TAABA wa AAMINA wa CAMALA CAMALAN SAALIXAN ulaa'ika yubaddilu-llahi sayi'aatihim xasanaat, wakaana Allahu Gafuuran Raxiima. Waman TAABA wa CAMILA SAALIXAN fa'inuhu YATUUBU ILA-ALLAH mataaba."

Qof Ilaahay u toobadan keena iyo wax wanaagsan sameeyay Ilaahay wuu ka aqbalaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikhaaliq

Unrecorded Date
ku walaal kiin:
walaal waxaan jeclaa inaan in yar kuu sheego oo ah : caqiidada ahlu suna waljamaaca waxay tahay inaan qofku ku gaaloobin kabaairta inuu xaalaashado mooyaane .
tusaale haduu qofku yidhaa zinadu waa xalaal ama khamrigu waa xalaal markaa wuu ku gaaloobayaa ,laakiin hadii uu zinaysto ama khamri cabo isagoo yaqiinsan inay xaaraan tahay ku gaaloobi maayo laakiin wuxuu ku dhacay danbi weyn waxaana looga baahan yahay toobad .
walaal masaladan kutubta caqoiidada ah badankoodu way ka hadashaa waana fikradii ay qabeen nimankii khawaarijta ahaa sidii hore loo xusay .
markaa walaal waxaan ku odhan lahaa masaladaa iska sug .
taa micnaheedu ma aha inaan difaaceyn zinada (ilaah baan ka magan galaynaa)laakiin waa inaan iska saxno arimaha caqiidada oo muhim u ah nolasha insaanka .......zinadu waa wax xun qofkuna ku mudanayo ciqaab aduun iyo mid aakhiro hadaanu ka toobad keenin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum WALAALKIIN walaal anagu madifaacayno zino iyo Faaxisho laakin gaalaysiinta waain loo meel dayaa cayaar ma aha sida uu sheegay c/khaalaqna waarun caqiidatu ahlu suna waljamaacah waasida

walaa nukafiru axadan bidanbin maa lam yastaxilhu.

walaalkiin Nabadoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Abdulkhalaq iyo Nabadoon
Alsalaamu Calaymkum

Walaalayaal Ilaahay Qur'aanka wuxuu noogu sheegay in qofka Mu'minka ah ee Alla iyo Rasuulkii rumeeyay noqon karo: 1- mid naftiisa dulmiyay; 2- mid Muqtasid (dhawrsoon) iyo 3- mid saabuqul khayraad (ku dadaala Illahay raali gelintiisa).

Islaamku wuxuu ku dhisan yahay labo shay:

1- Iimaan: oo in aad rumayso: 1- Ilaahay; 2- Rusushiisa; 3- Kutubtiisa; 4- Malaa'igtiisa; 5- Aakhiro iyo 6- Awoodda Ilaahay shar iyo khayrba.

2- Tiirarka Islaamka: oo ah in aad fasho ama ku dhawaaqdo: 1- Ashahaadada; 2- Salaadda; 3- Sakada; 4- Soonka iyo 5- Xajka oo aad gudato haddii aad awooddo.

Culumadu waxay yiraahdeen:
1- Qofkii la yimaadda Tiirarka Iimaanka iyo Tiirarka Islaamku waa Mu'min.

2- Kan Tiirarka Iimaanka la yimaadda oo aan gudan Tiirarka Islaamku waa Muslim naftiisa Dulmiyay (waa kuwa Abdikhaalaq sheegayo). Haddii qofku Ashahaato ma dhihi kartid ma tihid Muslim.

3- Qofka la yimaadda Tiirarka Islaamka oo ka taga Tiirarka Iimaanku waa Munaafiq. Ilaahay ha inaga koriya. Haddii qofku salaado oo soomo, sakada bixiyo oo xaj aad, Ilaahay ha inaga koriyo, oo uusan qalbigiisa ku jirin Iimaan waa Munaafaq. Munaafaqna Cadaabta cadaabaha ugu hoosaysa ayuu ku waari. Ilaahay baan ka magan galnay.

4- Qofku haddii uusan haysan labada tiir: Tiirka Iimaanka iyo Tiirka Islaamka midna, waa gaal. Ilaahay ha inaga koriyo.

Sidaa darteed qofka Muslimka ah ee Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyay naftiisase u daran ma aha gaal ee xereda ayuu dibadda ka joogaa. Haddii uu sidaa ku dhintana meel xun baa u dambayn.

Sinadu waxay la siman tahay goyn naf ee waxba galabsan. Kuwa si xaq daro ah u gooya naf waxay la mid yihiin "In ay gooyeen ama dileen dadkoo dhan" weli "Qofkii u dila xaq daro qof kale cadaabtuu ku waarayaa."

Sidoo kale qofka sinaystay wuxuu la mid yahay mid Ilaahay u shirki yeelay. Sinadu kuma koobna oo keli ah qof sinaystay ee bulshada oo dhan bay taabanaysaa.

Reer baa ku dumi karo. Dhiig baa ku daadan kara. Ubad oo dambi gelin ayaa ku dhalan kara. Xiriir iyo xid baa ku gu'i kara.

Hadda walaalayaal qofka Sinaysta xadkuu gudbay Ilaahay Toobadda Jecel ee Dambi Dhaafka ku yabooha Subax iyo Galabba. Ilaahay Dhawra iyo Qariya Ceebta. Ilaahayga Deeqsiga ee na Daryeela u toobad keen wuu kaa aqbali i. Marna ha ka qancin baryada Ilaahay waa Deeqsi ay xeridiisu buuxdo.

Mar walba ogow oo ka baq Ilaahay caradiisu ciidda iyo cirkaa la gilgisha.

Ilaahay Sino iyo walaalaheed baan kaa magan galnay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahie

Unrecorded Date
as salaamu calaykum to.wlaalkiin waxaan anigu ku raac sanahay arinka nabadoon,c/khaaliq runtii hadalkaagu wuxuu shaabahaa afkaarta khawaarijta runtii qofku iimaankiisu waa daciifaa waana ziyaadaa marka danuubta kabaairka ah qofku ku dhacayo gaalnimo gaarsiin mayso xeradana ka saarimayso ee mu`min faasiq ah,daalim ah,faajir ah laakiin marnaba xerada kabixi maayo haddii uusan oranayn waa xalaal xraantu. marka dib ugu laabo kutubta caqiidada salafkeenii saalixa ahaa oo sday u fahmeen ufahan ileen ayagu waa salafkeenii anaguna khalafkoodii.walahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdulahi

Unrecorded Date
to
walaalkiin

walaal waxaan jeclahay inaad e-mailkaaga isiiso waayo waxyaabo badan ayaa kaa khaldan oo aan rabaa inaan kawada hadalno halkanna waqti uma hayo inaan mar kasta soo galo,
in qofkii sinaysta uu diinta ka baxayo ma aha wax shareecada islaamka ku sugan waa kow
waa tan labaade aayaddan tafsiirkeedu maba aha sidaad u fahantay
waa tan sadexaade waxay ila tahay inaan fiqiga waxba kaaga billownayn sida taxliilkaaga ka muuqata
marka walaal mid waa iga talo midna waa iga digniin
midda talada ah, cilmigaaga diiniga ah sare u qaad culimadana wax ka baro oo adigu wax ha is baerin
midda kalana fadlan jooji qoraalada aanad cilmiga u lahayn ee aad halkan ku daabacayso maxaa yeelay waxay waxyeelo ba'an u geysan karaan caqiidada muslimiinta
qoraalkaatga sare xu xusan wuxuu 100% khilaafsan yahay caqiidada ahlu sunna wal jamaacah.

Walaalkaa
Abdulahi

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.