site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

maxaa islamka buriya (lagaga baxaa )

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): maxaa islamka buriya (lagaga baxaa )
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shamis

Unrecorded Date
fadlan suaashan iiga jawaaba hadaan maxay sameeyo ayaan islamka ka baxayaa,mise mar hadaad gasho lagama baxo,ii soo jawaaba aboowayaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Unrecorded Date
TO: shamis
salaamu calykum
walaal hadaan isku dayo su,aa shaadii inaan jawaab uhelo anoon cilmi saasa lahayn hadana waxaan le ka baryayaa inuu iwaafajiyo tan xaqda ah
walaal islaamka waxaa looga baxaa danbiyaal ka baair ah ku waa sooo ay ka mid yihiin tan ugu wayn waxay tahay -
1 in ilaahay aad cibaadada wax la wadaajiso adigoo oranaya ( ilaahay & sheeq c/ qaadiroow adin kaan idin kaalmo waydiisanayaa-
ama owliyaan baryayaa ama rasuulkii alaan baryayaa marka walaalo wax yaa lahaan kuu soo shheegay waxaa la yiraahdaa ( shirki )shirkina diinta is laam kaa looga baxaa waxa kale uu ale sheegtay in uu ale lee yahay gacan midiga in uu alle lee yahay lug in uu alle leeyahay waji iyo in uu lle waxna maqlo waxna arko marka adugu hadaad tiraahdid sideebay utaalaa gacanta ale diinta islaamka ayaad kaga baxaysaa iyo wax yaaluhuu ale sheegatay hadaad mid kamida tiraahdo waa sidee ama say utaalaa diinta isalaamka bari baad ka tahay tusaale ahaan markuu ale gacanta sheegtay wuxuu yiri waxaan soo qaadanayaa ayad ku jirta suuratul zumar waxayna leedahay wamaa qadrahu xaqa qadrihi wal ardi jamiican qabadahu yow malqiyaamati wasamaa waati mad wiyaatu biyamiinihi subxaanahu watacaalaa camaa yash rikuun)) a zumar
wayabqaa wajihi rabil aclaa oo uu alle kala jeeday waxaa baaqi ahaan doono wajiga alle cabasa
inalaaha wahuwal samiicul basiir qaafir alle waa kan waxna maqla waxna arka))
marka walaalo ha is oran diinta islaamkaad ku dhalatay kamana bixi kartid
salaada oodka tagtaana waa gaalnimo cad ood diinta islaamka kaga baxaysid
walaalayaal walaala hayga islaamka ah waxaan qalday waad ii saxi kartiin markaan qorayay casharkan meel ayaan ku dag dagsanaa ee ee qaladka iga saxa alle weeye waxaan qaldanin alle xaqa hana waafajiyo aamiin walaal sumayo hadii faah faahin dheeraada aad u baahan tahay ama su,aalo dhee raada kugu harsan yihiin waad waydiin kartaa culimada anigana hadaad wax iga tabanayso amaba aad faah faahin dheeraada iga doonayso emailkayga qoro waa sida Deeqo2@hotmail.com raalina noqo hadaan meel kaaga dhacay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKHAALIQ

Unrecorded Date
asalaamu calaykum.
bacda salaan suaashaadu waa suaal muhima ,runtiina culimada islaamku waxay ka qortay arinkan kutub ,markaa hadii aad jeceshahay inaan kutub kuu soo diro ama cajilado af soomaali ku turjuman ila soo xidhiidh waayo iyaga ayaa ka fiican qoraal si dag daga loo qoray,hadii kale waxaan kaga jawaabi halkan marka ugu horaysa ee aan wakhti u helo.
adaan jawaab kaa sugayaa inaan kutubta kuu soo diro iyo in kale ABDIKHALIQ@HOTMAIL.COM.
taasi waa dhanka gabadha codsatay jawaabta ,walaalahayga kale waxaan leeyahay haduu jiro qof mawduucan ka hadli kara aad baan u jeclaan lahaa inuu ka hadlo hadii kale anaa isku dayi markaan wakhti u helo.
asalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asadyare

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi.
salaan kadib xaqiiqdii cil aan uga jawaabo su'aashaan malihi laakiin waxaan anigu inta cilmigaygu gaarsan yahay ogahay hadii uu qofku beeniyo tusaala ahaan aayad qur'aan ah inuu kugaaloobaayo sida deeqa sheegtana shirkigu aad ayuu uxunyahay waana sheey aad ugu badan dadka maxaa yeelay ilaah ayaa wuxuu aayad qur'aan ah kuleeyahay (wamaa yuumino aktharuhum billahi ilaa wahum mushrikuun)
marka dariiqa saxdaa ilaah hana waa fajiyo AAaaaamin

salaamu calaykum warax matulaah.

qofkii wax kaqaba arinta aan kahadlay oo u arka inaan qaldanahay waa isixi karaa .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr Who

Unrecorded Date
Salamu alaikum Warahma

Ku :Shamis

Su'ashan waa su'aal run ahaantii ubaahan fiiro aad udheer, hadii aan soo naqliyo (guuriyo) wixii aan ka akhriyey kitaabda Caqiidad "intaan" kaxusuusto waxaan dhihi lahaa sidan:-

1; Shirkiga alaah inaad u shariig yeeshid, sida, qabriga dawaafidiisa, istiqaathata (roon in laweyndiisto qof aan Alah Ahyn) iyo wixii intaas la mid ah.

2. In qodku uu caayo Diinta, Ama nebiga, ama Alaah (Siad diinyaada waxaas kusamee), iyo wixii intaas lahalmaala. Ibnu Teymiyah wuxuu kaqorey arinkaan kitaab, kitaab kaasoo lagu magacaabo Shaatimu rasuul. Runtii kitaabkaas waa kitaab aad muhiim u ah.

3. In qofku wax kuxukumo waxaan Islaamka ahyn, Tusaale ahaan Dastuur in lasameeysto iyo wixii la midka ah.

4. In aayad ama xaraf kamid ah quraanka ama axaadiithsa saxiixa aad beenisid ama shaki uu kaa galo.

5.In aad kujessjeestid Diinta Alaah.

Iyo kuwo fara badan oo aanan halkaan lagu soo koobi karin.

Walaal shamis waxaan jeclaan lahaa inaad Mashaa'iikhda degan magaaladaada aad arinkaan sifiican uweydiisid.

Wasalamu alaikum

DrWho

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.