site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAALIDKAAGU DIINTA WAY JECEL YIHIIN , ADIGUNA MUSLIMAD AYAAD TAHAY?!.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): WAALIDKAAGU DIINTA WAY JECEL YIHIIN , ADIGUNA MUSLIMAD AYAAD TAHAY?!.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDULLAH

Monday, September 11, 2000 - 06:27 am
Assalaamu Calaykum

Waxay dhibaato daran ka jirtaa heerka aan joogno maanta iyo dareen la'aanta naga heysato qatarta inagu soo food leh!.
Waxaynu nahay ummad midda ugu kheyrka badan ee la soo saaray marka loo eego ummadaha oo dhan.
Goormee?!.
Jawaabta: markaan wanaaga iyo samafalka farno isla markaana reebno xumaanta.

Qof walba oo Muslim wanaagsan ah wuu jecel yahay wanaaga, laakin dhibaatada waxay ka jirtaa sideen u sameeyaa iyo maxaan sameeyaa?!.

Waxaan halkan ku xusayaa tusaalooyin qeyb weyn ka qaadan kara u wacyi celinta Ummada, Allaha inagu anfaco.

Gabar da'yar oo qaawan laakin dhar sidata, sida surwaal ciriiri ah,timaha u furan yihiin, goonka jartay,bushimaha xamuurad u marsan tahay, cadar daran ka soo go'ayo oo hor socoto Hooyadeeda!.

Hooyada waa da' weyn tahay, si daran ayay u xijaaban tahay tin iyo cirib,waxay gacanta ku wadataa tusbax yar oo ay dhikrullaah ku celcelineyso inta ay wadada socoto. marna indhaheeda kor ma u qaadeyso inay ka leexato qof soo socda ama wadada wax yaala mooyee!.

MA YAABTAY?! HA YAABIN WAXA AAN TUSAALE U SOO WADO AYAA KA DARAN EE LA SOCO QEYBTA DAMBE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, September 11, 2000 - 11:15 am
Asalaamu caleeykum
To, Cabdullahi
Aad baan ugu faxay waxa aad noo furtay. Ilaa intii aan INTERNET:ka dhax dabaalanaaye ma aan arkin qeeyb ka wanaagsan qeeybta aad noo furtay. Marka meesha nooga sii wad walaalkeeyga wanaagsan.

Waxaan filaaya in aad ka hadleeyso jiilalka muslimka ee ku koraayo GALBEEDKA. Ilaah iyaa u maqan ka dibna anaga. Rabi hanaga dhigo kuwo ku murxo dacwada Islaamka.

Ee walaal inoo sii wad.
Walaalkaa Skandaneefiya...........

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.