site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walaasha Xalay Naxday ee la Tali

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Walaasha Xalay Naxday ee la Tali
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LULA

Monday, September 11, 2000 - 06:35 am
Salamu Calaykum,

waxaan jeclaan lahaan in aan idila socodsiiyo arin igu cuslatay! fadlan ha ii arkinana in aan ahay qof akhlaakh xun ama aan mooral laheen.

Waxaan reer leeyahay mudo Lix Bilood ah aniga iyo ninkayga si fiican ayaan isugu fiican nahay ilaah ayaa mahadaas leh sidaa daradeed ma doonayo in aan ku dhaco wax uu ilahay raali ka aheen.

Xalay waxuu ahaa habeen NAXDIN igu dhaliyay aniga iyo duqeega oo baashalayno ayaan dareemay in ay hoosha sidoo hore ka duwan tahay yacni ((meesha meeshii ma aha waxay aheed xaga danbe!!)) it was only one minute runtina waan ka helay! Sorry igama aha akhlaaq xumo.

waxay ahaataba ninkayga ma hubo in uu iigu tala galay iyo in kale!! dhawr jeer ayaan ka hadalnay arintaan anaga oo kaftameeno balse waxuu markasto igu dhahaa ma rabo meeshaas isaga oo qoslayo.

hadaba talada aan doonayo waxay tahay: Diinta islamka maxay ka qabtaa aritaas??????????????

Fadalan cay waxba nooma kordhinayso (WALAAHI WAA IGA DHAB ARITAAS))

hadii ay tahay xalaal that will rally GOOD NEWS.

WAXAAN SUGO WAA JAWAAB DAACAD AH.


MAC-SALAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, September 11, 2000 - 10:31 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Sidaad LULA walaal aad ogtahay Ilaahay beel dhan ama qawm dhan ayuu u rogay ficilka iyo falka aad sheegtay. Reer Luut waxay ahaayeen qawm ragu ragga u tago. Nebi Luut Calayhi Wacaa Nebiyunaa AlSalaam ayaa loo soo diray.

Waxay waanadiisii iyo wacdigiisii ugu jawaabeen "Innahum qawmun ya tadaharuun" "waa kuwo is daahirinaya." Macnaheedu waa Nebi Luut Calayhi Salaam iyo inta raacday waxay iska fogaynayaan NIJAASADA aan walaaqanayno.

Ilaahay baa u rugay reer Luut faaxishada iyo nijaasada ay ku jireen.

Nebigeena Suubaan Calayhi Salaatu Was-Salaam ayaan noo sheegay in aan ka fogaan dumarka dabadoodu. Culumaduna waxay ku tilmaamaan in ay falkaasi la mid yahay kan loo rogay reer Luut.

Culumadu waxay yiraahdeen waa in qofka falkaa sameeya in kan lagu sameeyo dhagax lagu dilo. Sidoo kale waxay culumada isku raaceen in ninkii ogaan sidaa u sameeya xaaskiisu ka furan yahay.

Waa fal xun ee ka fogaada.

Hadda iyo dan waxaa sheegtay in aad ka wada hadasheen arrinka marar badan hadana aad ogaan u samayseen.

Waxaa halkaa kaaga muuqda in fidradda Ilaahay idinku abuuray diidanayd ficilkaa nafta xumaanta mar walba na fartana idinku dhiirisay samayntiisa.

Haddii aad aqoon u lahaydeen in falkani xaaraan yahay oo haddii aad ku kacdo caaqibo xumo leeyahay waa arrin murugo leh in aad ku dhaqaaqdeen khalad intaa le'eg.

Ogaan iyo aqoon u lahaan falkaas xumihiisu wuxuu keenayaa in uu go'o xariggii adin xiriirinaya ee xalaasha ahaa oo sidaa reerkiina ku dumo waxaad iskula joogtaanna uu yahay xaaraan kale.

Haddiise aqoon intaa dhan aydaan lahayn iyo had walba Ilaahay u soo noqda oo toobad keena.

Si kasta oo ay tahay la tashada culumada cariga aad joogtaan joogta.

Ilaahayna Garabkiina Ha Galo.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LULA

Tuesday, September 12, 2000 - 06:03 am
salaamu calaykum,

Walaalkiin

Walaal aad ayaad u mahadsantahay, runtii hadalkaada waa hadal oo ku hadlo qof aaqil ah lana akhrisan karo.
Isma oran waligee meshaan ayaad nolashada uga hadlaysaa balse maanta waan u baxsaday.

Hadaba xaga ogaanshaha dhibaatada uu layahay arinkaan aniga shaqsi ahaan waan maqlay in laga fiican yahay balse ilaa iyo heer uu xariga ama qabniinka ku go'yo marnaba meesha maan soo dhigan, taasi waa mid, mida kale wiilka i qabo run ahaantii diinta waa looga fican yahay 100% oo aniga ayaaba dhankaas ku dhaamo isla markaasna ma hubo in uu ogaan u sameeyay!! waxay ahaataba waan ka tala baxayaa mar labaadna waad ku mahadsantahay taladaada ilaahay ha kaa ajarsiiyo.

hadii ay dadka wax sheego adoo kale ahaan lahaayeen in badan ayaanu is maqli laheen.

MACSALAMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SH.MASHAAKIL

Tuesday, September 12, 2000 - 09:57 am
ASALAAMU CALAYKUM.
TO;LULA.
WALAALAY WAXAAD SAMAYSEEN WAA QALAD OO ILAAH USOO NOQDA ADIGA IYO ODAYGAAGA OO KALA FURMI MAYSAAN LAAKIIN DAMBI WAYN AYAAD KU JIRTAAN OO WUXUU YIRI NABIGA CALAYHI SALAAM;[WAA MALCUUN NINKII UTAGA NAAG DUBURKEEDA ].WAXAA UU KALE UU YIRI ;[ILAAH FIIRIN MAAYO NIN U TAGAY NIN AMA NAAG DABADEEDA.]
HADDII AY AKHLAAQ XUMA KAA AHAYD IYO HADDII AY GEF KAA AHAYDBA WAXAA KA XUMAA IN AAD TIRAAHDO WAAN KA HELAY OO HADDII AAD OGAYD IN LAGA FIICAN YAHAY WAXAY AHAYD INAADAN SHEEGIN , WAXAA MUHIIM AH INAAD BARATAAN WAXYAABAHA DIINTA MUHIIMKA AH WANAAGA IYO ALLAH KA CABSIGA BADSHA .
WASLAAMU CALAYKUM.
WAA SH.MASHAAKIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, September 12, 2000 - 09:59 am
Asalamu caleeykum dhammaantiin.
Aad ayuu u asiibay Walaakeen arintaas. Wixii jahli ku dhacay, insha Allah waala dhaafi haddii shuruudiisa la buuxiyo.

To. Lula, walaal waxaad tiri "haddii ay dadka wax sheego adoo kale ahaan lahaayeen in badan ayaanu is maqli laheen" Adoo ula jeeday habka uu u sharaxay.

Walaal waxaan ku sheegi lahaa dadka waxaa ay u qeeyb samaan dad XUN iyo dad FIICAN. Marka fardiga ku miisaam waxa uu sheegaayo iyo sida uu u dhaqmaayo.

Qofkii ficil wanaag laga helo, qof walba ha ahaado waa qof wanaagsan. Haddii kale waa kuwa sharta ka shaqeeyo.

Intaas ayaan kugu dari lahaa. Sidaas iyo nabad galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Tuesday, September 12, 2000 - 10:05 am
asalaamu calaykum

walaalkiin, jisaakalaahu khayra akhii sadakalahu cilma.

lula walaalkiin ayaa kaga jawaabay lakiin aniga waxan kugula talin laha inadan mar dhambe u noqonin ficilkaas foosha xun oo ilahay Subxaana watacaala u tobad keen taan in badan oo aydan yaraysan dhambigaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Tuesday, September 12, 2000 - 11:10 am
Waxaan garan la'ahay sida uu isaga u garan waayay meesha uu galay. miyuusan ciriiri dareemin? i think he knew it, specially since he talked about and joked about it before with you. mida kale, u malaymaayo in uusan diinta waba ka garanayn sida aad sheegtey. waxaad tiri wiilka i qabo run ahaantii diinta waa looga fican yahay. i find it hard to believe that he does not know the implications of entering there, specially when it comes to a married couple.!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDULLAH

Wednesday, September 13, 2000 - 03:10 am
ASSALAAMU CALAYKUM

Marka hore ma jecleyn inaan hadal ku darsado arrimaha noocan ah ee aadka u fool xun, haddii aanan ku qasbaneyn.

Maxaa yeelay nin ayaa maalin yiri: SHARTA U OGSOONOW KELIYA IN AAD KA BADBAADO. aniguse
xaaladayda innaan ka badbaado keliya ma ahee waxaan jeclaan lahaa inaan dhowr arrimood halkan ka sheego oo aad iyo aad u MUHIIM AH:

Marka hore ALLAHA ayaan badbaado weydiisnayaa una weydiinayaa walaalaheyga oo dhan. Gabadha falkan meesha ku xustay waxaan leeyahay towbadu way furan tahay goor walba marka ay naftu baxeyso(oo aad dhimaneyso) ama qorraxdu ka soo baxdo galbeedka mooyee.

Waa maxay shuruudaha Towbada haddaba:
1- IN LAGA TAGO FICIL WALBA OO LAGA TOWBA KEENAYO
OO AANAN MARNA LOO NOQON.
2- IN AY KHAALIS AHAATO
3- IN HADDII XUQUUQ AADAMI TAHAY LOO GUDO DADKA DEMBIGA LAGA GALAY.
4- IN HADDII AY TAHAY MID RABBI XUDUUDIISA LAGU XADGUDBAYNA (sida xaaladan), DEMBI DHAAF LA WEYDIISTO RABBI.

Ogsoonow qof walba in RABBI uu dembi dhaaf badan yahay, uuna ku farxayo adoonkiisa markuu dembi galo oo uu dembi dhaaf weydiisto.

Midda kale, waxaa halkan igaga cadaaday in laga maarmaan tahay in aan wax yar is waanino:

SUAASHA marka uu qof soo weydiiyo, waxaa loo baahan yahay in lagu dhaqmo si xikmad leh, taasi micnaheedu waa in loo fiiriyo dhinac walba oo aan lala soo ordin jawaab.
Jawaabtuna inay ahaato mid ku saleysan xukunka QURAANKA iyo sunada RASUULKA(SCW).

Walaalaheyga jawaabaha halkan ka bixiyey kheyr badan Allaha siiyo si wanaagsan ayay ugu waano celiyeen qofta(ama qofka?!)soo weeydiiyey su'aasha.
Laakin, waxaan ogaaday in FATWADA sida sharci ahaan loo yaqaan ama jawaabaha u baahan yihiin in la cabiro marka hore caqliyada qofka wax su'aalaya.

Waxaan tan u leeyahay, mararka qaar ayaa waxaa dhacda in qof aan muslim aheyn soo tuuraan
su'aalooyin abuura jawaabo badan, waqti badan ka qaata dadka raba inay u jawaabaan, mashquuliya qolada halkan ra'yigooda ka dhiibta oo dhan.

Runtii haddii aad u fiirsataan waa wax looga dan leeyahay in lagu mashquuliyo fikradaha dadka, ama lagu miisaamo heerka fikirka Muslimiinta gaarsiisan yahay, ama xumaanta loogu xayeysiiyo.

GABADHAN luula(ama qof walba ay tahay, ileyn wax inoo cad ma jiraan)waxay jaahilad ka aheyd xukunka sharciga Islaamka uu ka qabo arrinta ay sheegtay.

WAA XARAAM. WAANA DEMBI WEYN.

Isla markii aan aqriyey suaasheeda waxaan dhinac ula baxay habka ay su'aasha u weydiisay!.

Haddii arrintaas jaahilnimo ka heysay waxaan u maleynaa in laga haqab tiray, Allaha ha ku anfaco iyada iyo muslimiinta oo dhan, oo mar dambe ay u noqoneyn.

Su'aasha waxaa ka muuqday dareensiin habka uu ficilka u dhacay, runtii ma aha wax loo baahan yahay. ma jirin sabab loo sheego waqtiga uu qaatay
iyo dareenkeeda.

Su'aasha sida asluubta iyo anshaxa ku dheehan tahay waa: walaalayaal diintu maxay ka qabtaa ninka innuu naagtiisa kaga tago dhinaca dambe?.

ma xaraan baa mise?.

Runtii gar ayaad ku leedahay inaad meeshan ku weydiiso su'aasha noocan ah ee badanaa laga xishoodo in la weydiiyo qof aad is hor joogtaan.

Laakin walaaley waxaan kugula talinayaa in aad diintaada barato oo aad ogaato waxa xalaal ama xaaraan kaa ah?.

WASSALAAMU CALYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Wednesday, September 13, 2000 - 07:28 am
LULA, it just happens that the taboo of doing forbidden things and curiosity gets the best of people. As a married man, I know that the thought of doing such things crossed my mind many times, but thank God that I had a wife who is strong and would not let me even bring up the subject, let alone get near to that area. So, sister Lula, like the anonymous person said, give your husband a credit. He is no dumb nor blind. He knew what he was doing. just help him never get close to that area. If you are also too weak to resist the temptations and the taboo of doing with him, then you two better get professional help before you get used to it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-muscab

Wednesday, September 13, 2000 - 09:02 am
ASALAAMU CALAYKUM
TO: DHAMAAN WALAALAHA SIDA FIICAN UGA HADLAY MOWDUUCAAN.
Walaalayaal dhamaantiin waad ku mahad santihiin sida fiican ee aad uga hadasheen arinkaan
TO:LUULA
Walaal aniga oo hadal kayga soo koobaya waxaad na waydiisay diintu maxay ka qabtaa ariitaan runtii aad baad u mahadsantahay hadii aad raadinaysid waxay diintu arintaan ka qabto,waxaan ku leeyahay sida ay sheegeen walaalihii iga horeeyey RASUULKU
(S.C.W) waxa uu yiri sida xadiis uu macnihiisu ahaa... (LACNADI HA KU DHACDO NINKII NAAGTIISA GADAASHA UGA TAGA) WAXUU KALOO SHEEGAY IN UU SAN ALAAH MAALINTA QIYAAMAHA QOFKAAS UUSAN KU FIIRINAYN IL NAXARIIS LEH.walaal lacnado waa naxariista rabi oo laga fogaado qofkii alaah naxariistiisa ka fogaado oo uu ale u caroodo waxa uu galayaa NAARTII IYO JAHANAMA marka intaas baa kuugu filan jawaab
waa walaalkaa kula jecel kheyr iyo wanaag
W/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaamac-aar

Wednesday, September 13, 2000 - 10:15 am
lula

naa dhakhyahay weynaatay waligaa baad howshaa sameyn jidhay anagaa hada malaa'ig isaga kaaya dhigiysaa, wadaadaan masaakiinta ah baad waxaa ugu sheekeeyneysaa

naayaa waa ku garan, waxaa tahay kuwii odhan jiray horay in la iga furo ma rabee, gadaal iiga tag, wasakhad baad tahay waxa yahay dhimataye mardanbe, waxaa meesha ha noogo soo qorin,

hadaad dooneyso waxaa iyo wax la mida inaad ka hadasho orod tag meelaha loogo hadlo

waar tanoo kale yaa arkay!!! bal eega waxay la soo shir tagayso. waliba waa soo indha caday waar ileen dhilo ma xishooto.

naa anaa runta kuu sheegiye maqal, aduunkana caaqibo ma lihid oo waa adigaa hore iyo gadaalba lagaaga tagay oo mar dhow hadii alla idmo saxaradaad cashan waayi. Aakhirona dee naarta naaraha u hooseeysa baa lagu geynayaa oo ilaahbaaba horay u sheegay, marka fadlan mardanbe waxaa ha noola iman, huurayahay,huurada la nooli,

waaxay bakhatigan meesha timi. gadaalbaa la iiga saliideeyey kute

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Wednesday, September 13, 2000 - 11:09 am
Ku: Jaamac-aar

Walaalkey horta is daji oo sheeydaanka iska naar.
Ka dib haddii aadan u bogin walaasheen LULA su´aasha ay soo bandhigtay. Waxaa kugu filan adoo si tartiib ugu sheegtid.

Sida walaalkeen Cabdulaahi u ugu sheegay, isagoo aan cirdigeeda wax ka sheegin.

Lula xaq ayeey u leedahay in ay wax walba oo ay JAAHIL ka tahay ay weeydiso. Miyaadan ogeeyn gabdhihii Saxaabada in ay weeydiin jireen rasuulka (SCW) su´aalaha dumarka ku saabsan.

Marka dadka yaan diinta la nacsiinin, ee anoqono dad soo jiidaa. Oo u bishareeya, ee yaan la kala eryin.

Xitaa haddii ay khalad noqoto, waa loo nasteexeeya oo la baraa ee in aad SEEF la BOODNIMO kula dhaqanto, waxeey keeni in aysan mar kale ku soo laabanin FORUM kaan.

Intaas ayaa naxteexo iga ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-muscab

Wednesday, September 13, 2000 - 06:27 pm
SALAAN KA DIB
Walaalkay jaamac waxaan ku leeyahay adigu alaah ka baq oo walaal khalad hadii aad saxaysid khalad kale laguma saxo waaxay caydu war walaal xishood oo siday walaaluhu gabadha u waaniyeen wax ugu sheeg hadii kale ka aamus luula hadii aysan garanay falkaan ma xaaraan baa mise waa xalaal oo walaalaheed la tashatay waxa ay inaga mutaysatay in aan si dagan wax ugu sheegno ee maaha in aan caytano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaamac-aar

Thursday, September 14, 2000 - 03:26 am
skandaneefiya


waar walaaloow inin wanaafsan baan kugu ogaaye, goormaa lagu maray, waar maxay cirli iyo sharaf ka ogatahay midadan xune makhanuudnimada casarkii la soo gurguuraneysa.

waar waxa jaahilnimo oo heysaa ma jidhee waa howl ay waligeed taqiin hadana rabto inay qiil u hesho sharaxaad badan u bahaana ee naagto in la garaacey u baahan tagay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Thursday, September 14, 2000 - 10:26 am
asalaamu calaykum

jaamaac_aar walaal waxan ku waydiinayaa adiga gabadha miyaad taqaanaa misa waad iska qayaasaysa inay xun tahay? waxaan kugula talin lahaa inadan is dhambaajinin maxaa yeelay hadal qofka kuma hadlo ilaa waa la qorayaa. marka inaatad cayi lahayd saw kama fiicna inaad is fiican ula hadashid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luul

Friday, September 15, 2000 - 06:47 pm
SUMXAANA LAAH.


ALXAMDULI LAAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LULA

Monday, September 18, 2000 - 02:31 am
Salamu Calaykum

Waxaan u mahadnoqayaa dhamaan walaalahayga sida daacada ah iigu soo jawaabay.

JAMAC ((walaal cay waxba ma faaidayso adigana hada waad i dulmisay waqtina waa kaa lumay!!for nothing))

HADABA AAN WAX YAR IDIIN CADEEYO

Diinta dhaliyarada intooda badan sidaa uma sii taqaano, waxaa laga yaabaa arinkan aan ka hadlay in aan maqalnay dhawjeer lakiinse mar waxaad ku maqli waa (xaraam) marna waa (makruuh) marna (waa laga fiicanyahay), sidaas marka uu xaalka yahay waxaa laga yaabaa in aadan sii raadin ILAA uu xaalkaada wax iska badalo YACNI uu falkaas ku soo galo.

Marka walaalayaal ma hada mise markaygii hore. Markaygii hore waan sahalsaday arinkaan aniga ahaan, Duqaygana runtii horay ayaan idinku sheegay in uu aad u sii aqoon diinta xataa BASIC-KA ayuuna ka dhisneen marka waxaan hubaa in uusan ogaan XUKUNKEEDA-ARINTAA. Hadase waan ka jaahil baxay aniga shaqsi ahaan isagan waan kala hadlay waxuuna i dhahay "shalay waxaan ku qadeeye ma xasuusto adigama weekii hore aa wax iga waydiinee!" waxuu rabo ha ka ahaato lakiin waxaan ku balanay in aan aritaas KAFTANKEDA layska iloobo.


Mar labaad waad mahadsantihiin, ogaadana biniadamka markasto wuu qaldami karaa.


MACSALAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaamac-aar

Tuesday, September 19, 2000 - 12:09 am
heye waayahay waan qaldanaa inaan qofta cay iyo xumaan ugu jawaabo. laakiin waxan idin waydiiyey maxay ku keentay inay waxaa dadka weydiiso hadeysan dhakh weynaatay aheyn, aniguba sidaad hadalkeyga ka argtaan diin waxba kama aqaan laakiin in waxaa laga foqaado oo ay mamnuuc tahay waa ii muuqtaaye?

naa waa naagta anigu xaraam iyo karaahiyo iyo magruuh midna ma aqaane makhnuudnimada aad la wareegeyso dhinac noola dhaaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Tuesday, September 19, 2000 - 05:03 am
Allaylahee sifiicanbuu ugu jawaabay!!!
Nin raga dheh. Adeer bal arag waxay nacsharka latimid, xaqiiqdii hadafkeedu ma'ahayn inay raadiso xukunka xumaantaas ee wuxuu ahaa inay suuqgayso foolxumada, waxaase ila yaaba sida loo cammiray meesha ay waxaa kuyaallaan.
Nin adduunka joogow maxaa aragti kuulaaban.
Illeen dad waxaa jira musqusha ´shahwo ulatago.
Waxaan damcay inaan cilmiyan ushawxo dhibaatada caafimaad eey leedahay ficilladaas una leedahay labada qofba, hadana waxaan diiday inaan xayaysiiyo sheeko Qoomu Luudh.
Innaa lillaahi wa'innaa ilaahi raajicuun.
Jaamac saaxiib anigaba yaabay ee mayaabtay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaamac-aar

Tuesday, September 19, 2000 - 05:34 am
warsame
Waar ninyahow heedhe marbaan is idhi ma adaa waalan mise cadan baa laga heesayaa. mid xunoo dhakh ah baa qudhun noola timid, wadaado helkaan waxay u qabaan inay lilaahi wax u weydiisaneyso. ma waxaabaa wax culumo la weydiiya, habar walbaa waa iska ogtahaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ARAGTIDAYDA

Saturday, September 23, 2000 - 05:53 pm
TO:JAAMAC-AAR
walaal maad ka hartid gabadha,hadda khaladkeedii garatay,mise waxaad doonaysaa inaad sheydhaanka ugu sii kaalmaysid!
UGU horayntii sidaad u jawaabtay aad baan ula dhacay laakiin gabadhu yaysan kaa fiicnaan oo iska garataye sigaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ARAGTIDAYDA

Sunday, September 24, 2000 - 04:43 pm
KHALAD: ISKAGARATAYE SIGARO.....
SAX: ISGARATAYE ISGARO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul 1

Tuesday, January 23, 2001 - 02:31 pm
lula mawaxaad tahay lo.lo,da ayaan waxba kala dareemin waxaas ookale hasoo qorin hadii ey suaal tahay maxuma bal anigaa saas yeelay waalaga fiicanyahay bal waxaa kugu haboonaa sidaas ma banaantahay qofkii sameeyana maxaa ku waajib ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG LIFE

Friday, March 23, 2001 - 04:54 pm
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAH
DAHAMAAN WAXAAN SALAAMAYAA CULUMADA IYO DHALINYARADA
TO;LUUL
ABAAYO WAAN KU SALAAMAY SALAAN KADIB RUNTII WAXAAD KA HADASHAY WAX AANAN UQABIN QOF JAAHIL KA AHINUU JIRO TAASNA DHIB MALAHAN OO CULUMADA AYAA KAA KAAFISAY WAA HADAAD TAHAY QOF WAANO QAADANAYA DIINTA ISLAAMKUNA QOF KASTA OO ISLAAM AH WAAJIB AYAY KU TAHAY IN UU BARTO BALSE ANIGU MABA AAMINSANAYN IN AYJIRTO SOOMAALI SAAS DIINTA KA AH
BALSE WAA NASIIB DARO HADAY JIRTO SOOMALI BADIBA DIINATA ISLAAMKA AYAY KU DHALATAY QOFNA KITAABKA AYUU YAQAAN QOFNA CILMI DHAGOOD AYUU YAQAAN LAKIIN ABAAYO SUAAL AYAAN KU WAYDIINAA ADOO IGA RAALI AH

WALIGAA MEEL DIIN LOOGA SHEEKAYNAYO MATAGTAY?
ADIGA IYO NIKAAGU?
MIDA KALE ABAAYO HADII AAD TAAS MEESHA KEENTAY FADLAN WAXAASOO KALE HASOO QORIN WIXII SHAKI KAAGA JIRO CULUMADA WAYDII IN TAAD U TAGTID SIDAAS IYO NABAD GALYO

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.