site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAALIDKAAGU DIINTA WAY JECELYIHIIN, ADIGUNA MUSLIMAD AYAAD TAHAY! QEYBTA 2AAD

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): WAALIDKAAGU DIINTA WAY JECELYIHIIN, ADIGUNA MUSLIMAD AYAAD TAHAY! QEYBTA 2AAD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDULLAAH

Tuesday, September 12, 2000 - 12:33 am
Assalaamu Calaykum

Runtii waa arrin aad u foolxun in la arko muuqaalka nooccaas aan soo sheegnay.
Dhibaatadan waa mid caan ah oo ka jirta nolosha dhinacyadeeda kala duwan oo dhan.
Runtii ma aha wax soo darsay maalmo gudaheed ee waxay soo martay dhowr qarni si ay isu bedesho heerkan aan maanta taaganahay, waxaana ka qeyb qaatay cadawga Islaamka iyagoo adeegsaday Muslimiin jaahil ah oo kala ah: Xukaam iyo Culumo isku sheeg.

Ma aha danteyda inaan dhex galo taariikh dheer aan kaga sheekeynayo sida ay dhibaatada u bilaabantay, heerarka kala duwan ay soo martay, iyo yaa sabab u ahaa. Danteyda ma aha weliba inaan ka hadlo keliya dhibaatooyinka maanta taagan oo qof walba ka warqabo dareensan yahayna.

Laakin, waxaan uga dan leeyahay waa in aan daawo u helo cudurkan jira, waxaanna ognahay in cudur daawo ama ka hortag loo heli karin iyadoon la ogaanin meesha uu ka jiro iyo waxa sababay.

Tusaale kale: Waxaan joogay dukaan lagu iibiyo Qalabka Islaamiga(Islamic Bookshop), waxaa soo galay gabar uu la socdo nin aan ku qiyaasi karo innuu ahaa affartan ku dhowaad, iyaduna ilaa labaatan jir, labaduba waa Iretiriyaan.
Haddii aanan ku arkin gabadhan dukaankan lagu iibiyo Alaabta Islaamiga, ma shakin laheyn inaan ku iraahdo: IGANA RAALLI NOQO WALAAL MUSLIMAD MIYAAD TAHAY?!.

Laakin waxaa caddeynaya meesha ay joogto iyo waxyaabaha ay iibsaneyso. sidaan ayay gabadhu u labisneyd: Surwaal jeans oo muujinaayo jirkeeda oo dhan, fulaanad gacmo gaaban oo ku dhegan jirkeeda oo inta hoose ee caloosha u qaawan tahay, timaha oo furan.

Waxa igu yaabka badan ee dhacdadan aan u soo qaatay waa in ay weydiisay ninka dukaanka leh:

SORRY, DO YOU HAVE A LIST OF THE "E" NUMBERS,
I MEAN FOOD WHICH IS MARKED WITH "E"NUMBERS AND CAN NOT BE EATEN?.

Niyad wanaagsan, dareen Muslimnimo, illaalinta xuduuda waxa laga reebay ee xaraam ah,kheyr badan.

Gabadhan waxay ogaatay in cuntada lagu daro saliidda khansiirka xaraam tahay, waxay kaloo ogaatay in calaamada"E"nambarada raaca qaarkood yihiin saliid laga soo qaatay khansiirka.

Waxay kaloo ogaatay in waajib yahay in laga fogaado wax walba oo xaraam ah!!!!!....

Ma u maleyneysaa haddaba inaysan ogeyn ama ka warqabin in jirka dumarka laga bilaabo tin iyo cirib yahay cowra (xaraam in ajnabi arko)?.

Iska dhaaf intaas, ma u maleyneysaa in gacmaha oo dhan iyo caloosheeda oo ajnabi arkaan yahay xaraam
iyo dembi weyn.

Waxaa halkan ka cad in qolada aan ka ahadlaayo aysan aheyn kuwo u bareeray iyagoo ogsoon, laakin
yihiin kuwo la qalday oo bey'adda ay ku nool yihiin ka adkaatay, kuwo dareensan in xaraam yahay laakin u baahan in loo muujiyo.

Walaalayaal, gabadhan iyo ninkan la socday waxay iibsadeen qalab badan oo ay ka mid yihiin cuud, bukhuur, qoraal (ALLAHU AKBAR) IYO (MUXAMMAD RASUULULLAAH) lagu sharxo guriga derbiyadiisa ama albaabka hore lagu dhejiyo si loo ogaado in guriga yahay mid Muslim leeyihiin!.

WAYB SOCOTAA LA SOCO QEYBTA KALE.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.