site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Diintu masheegtay magaca (Midgaan) ama iney jiraan dad la yaso, sidey ku dhacday innaan yasno dad walaalaheen ah?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Diintu masheegtay magaca (Midgaan) ama iney jiraan dad la yaso, sidey ku dhacday innaan yasno dad walaalaheen ah?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Unrecorded Date
Diintu masheegtay magaca (Midgaan) ama iney jiraan dad la yaso, sidey ku dhacday innaan yasno dad walaalaheen ah?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed Y Ali

Unrecorded Date
Bismillah
Ku: Ali
As-salaamu Calaykum,

Walaal Allah (SW) wuxuu Suuratul Xujuraat Ku yidhi aayad macnaheedu yahay:
"Dadyahaw anagaa idinka abuurnay Shucuub (Ummado) iyo Qabiilo, si aydun isu garataan. Ka Allah xagiisa ugu karaamada badani waa ka ka baqda"
Markaas walaal Allah ujeedada uu ka lahaa Qabiilada waa si ay isu gartaan, ka dibna ay u xidhiidhiyaan 'Raximkooda' (Dadka xiga). Allah (SW) qabaa'iyka umuu abuurin si ay isu faanaan isuna yasaan.
Aayada kor ku qoran (macneheedu) Allah wuxuu inoo sheegayaa in qofka ugu sharafta badani uu yahay ka Allah ka baqda, ee maaha ka uu Qabiilkiisu ugu laan dheeraysan yahay. Sidaas awgeed 'Midgaanku' waa ka aan Allah ka baqan, ee maaha ka ay Soomaalidu u taqaan. Kaas oo Maalinta Qiyaamaha imanaya isaga oo aan wax Camal ah oo Saalix ah wadan. Allah haynaga badbaadiyo Naarta.

Allah baa og.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Jasaakallaah

Mohammed Y Ali

Waad ku mahadsantahay, sida sharafta leh oo aad iigu jawaabtay, walligeyna war kuma celin ruux ii jawaabay, laakiin anoonan xumaan ka wadan ayaan
waxaan jecleystay in aan su aal labaad kugu soo celiyo oo ah:

WAA KUMA RUUXA "LAAN DHEERAHA AH".
sida aad ku sheegtay qoraalkaaga?


Ali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed Y Ali

Unrecorded Date
Bismillah
Ku: Ali
As-salaamu Calaykum,

Walaal hadaad i waydiinayso qofka ay laan dheeraha u yaqaanaan Soomaalidu, waxaan filayaa in aynu wada garanayno (i.e. Waa qof reer tira badan oo sharaf leh ka dhashay-sida ay u yaqaanaan).

Laakiin su'aashu waxay tahay, maxay laan dheernimadu kuu taraysaa Aakhiro (ilayn Dunidan waa laga tegayaaye)?
Nebigu (NNK) wuxuu inoo sheegay in aan 'Nasabkaagu' (dadkaad ka dhalatay) waxba kuu tarayn Aakhiro. Xataa Hooyadaa iyo Aabahaa ayaa kaa cararaaya!
Waxa qofka aakhiro wax u tarayaa waa Camalkoodii Saalixa ahaa ee ay la yimaadeen intay Aduunka joogeen. Camalkaas oo ku salaysnaa 'Ikhlaas' iyo raacis la raacay Nebiga (NNK).

Ugu danbayn aniga waxay ila tahay qofba-qofka uu ka 'Taqwa' badan yahay in uu ka laan dheeraysanyahay.

Allah ayaana og.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TO:ALI
SALAAMU CALAYKUM WALAAL
walaal majiraanimo loo hayb sooco islaamku ma -
qabo in la takooro qayb kamida bul shada islaamka, inkastoo ay arintaas soo maalidu caadaysatay hadana waa arin had iyo jeer ay soomaalidu ku qaldantahay, waxayna mudan yihiin
in soomaalidu arintaas ay joojiso!!
alle kor ahaye wuxuu kitaab kiisa kuyiri
waxaan idan ka abuuray mid lab ah(AADAM)
iyo mid dhadiga (XAAWO) markaa hal kaa waxaad ka aragtaa in uusan alle oran waxaan abuuray midgaan
marka alle wuxuu yiri kiina idan kugu nasabsan waa kiina idan kugu taqwada badan ama alle cabsiga badan HADAAD II BAAHATO WAXAAD IGALA SOO XARIIRI KARTAA DEEQO2HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Jasaakallaah Deeqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TO: ALI
SALAAMU CALAYKUM
WA IYAAKA WALAAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAALAX

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum waraxama,

Walaalayaal waynu wada ogsoonahay dhamaan Ilaahay in uusan midgaan abuurin, oo ay tahay waxay dadku labaxeen hase yeeshee, dhibku wuxuu yahay, dadkii oo og waxaas in khalad tahay oo hadana qudhaqmaya.!!

waa maxay sababtu hadaba? maxaynu udulmeeynaa dad walaalaheen ah oo muslimiin ah? laga yaabo in ay naga qurux badan yahiin, caqli iyo aqoon badan yahiin? waxaan dhihi lahaa hadalka daaya oo ficil la'imaada,Ilaahayna lagabaqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO:SAALAX
runtii sababtu waxaa weeye dadkeena oo xaga-
diinta caama ka'ah
ma filaayo qof diinta fahan san ama ku dhaqma
ogna diinta islaamka in aysan midgaanimo-
sheegin. in uu kala ficlilahaa dad muslimiina
uma malaynaayo.
Aniga hada ka hor waxaan arkay oon la'iiga sheekaynin wiil wadaada oo xaqa fahaynsan ayaa
waxuu damcay ama jeclaystay in uu gabar guursado-
marka gabadha iyada jacayl aycideeda oga go'do
uma aysan qabin wiilkaas marka gabadha waarid keedana midgaan nama soogalo ayay ku yiraahdeen -iyadana waxay ugu jawaabtay waxay cideeyda raali katahay ayaan samaynayaa
marka halkaas waxaan ka arkeeynaa dadkeena dhibaatada diineed ee haysataa inay tahay mid wayn
waayo gabadha laftirkeeda haday xaqa si fiican u fahan san tahay kuma aysan boodeen
so, dad keena waxaan alle oga baryaynaa dhibaatada diineed eehaysata inuu alle ka saaro xaqan wada fahan siiyo
aaaaaaaaaamiiiiiiiiiin raali ahaada waan ku dheeraadee

DEEQO2HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Salaan Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ayayday baan weydiiyay anoo yar: "Waa maxay Midgaan?" Ilaahayow u Naxariiso Ayayday waxay si kal gacalnimo ah iigu jawaabtay: "WAA QOFKAAN AQOON DANTIIS!"

Ilaahay wuxuu Qur'aanka noogu sheegay in aan kuligeen siman nahay "WAXAA IDIINKU ROON AGTAYDAY KAN IDIINKU TAQWO (ALLA CABSI) BADAN."

Hadaba hadda ayaa midgaan ah SOOMAALI OO DHAN!

Walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TO: WALAALKIIN
WAAD XAD GUDUBTAY
SOOMAALI DAD CULIMA AH AYAY LEEDAHAY
DAD WADAADA AYAY LEEDAHAY
MARKAA SAA HA ORAN
EE ALLE DAN BI DHAAF WAYDIISO
SOOMAALI DAD TAQWO BADAN EE ALLE HABEEN IYO MAALIN USOOJEEDA INAY BARYAAN AYAA KU JIRA WAQTIGOODANA KU XISAABTAMA INUUSAN MEEL AAN FAA IIDO U LAHAYN INUU OGA BAXO AAN JECLAYN
EE ALOOW TOOBA DHEH!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
Bismilaah
AsalMU CALEYKUM
Rabi wuxuu kuyiri kutubkiisa
Yaa ayu haladiina amanuu inaa qalaqnaakum shucuuban waqabaaila latacaarafuu ina akramakum cinda laahi atqaakum
Tasoo ah
Kuwa Rabi rumeyayaw oo muminita ah wuxuu Ilaey idinka aburay shacabyo iyo qabaailo kala duwaan si aad isku aqoonsataan ee kan Ilaey aktiisa ugu qeymaha badan waa kan idinku wanaagsan
markaa see loo yasi karaa daduu Rabi aburay madama uu sidaa nogu shegay Kutubka
Hadaad kaqabtiin wax suaal ah igala soo xiriira adareyskaan
sobia7@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Deeqo Huunno

Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga ha Ahaato

Abaayo Ilaahay kuligeen dambigeenna kan waalidkeen iyo kan kan Muslimiinta rag iyo dumarba ha dhaafo. Aamiin.

Waxaan idhi Soomaali ayaan danteeda aqoon sidaa darteed ah MIDGO. Ee ma dhihin Soomaali ma laha culumi iyo kuwo Alla cabsi iyo cibaado badan, adiga iyo aniga Ilaahay kuwaa ha inagu daro. Aamin.

Waxaanse ku leeyaha "Danteed ma garato Maro duug ah horteed bay dhammaataa." Soomaalida maanta aniga iyo adiga iyo kuwa kalaba waxaan nahay dantooda ma garato ama "MIDGO."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaa kale

Unrecorded Date
Walaalayaal waad salaaman tihiin..intaa kadib, MIDGO ama MIDGAAN ma aha wax sal ku leh diin rabbaani ah, ha'ahaato diinteenna Islaamka iyo diimihii ka horeeyayba...MIDGO waa ereyada qurunka ah ee dhaqankeenna Soomaaliyeed uu ku soo kordhiyey Qaamuusyada Caalamiga ah ee Dunida. Sidaa awgeed, waxa aan ugu baaqayaa dhammaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaan jiilka cusub iney ka hortagaan ereyadaa foosha xun ee ay Qabyaaladdu Beyska u-tahay..sidoo kalena waxaa lagama maarmaan ah in aan dhallaankeenna ka illaalino VIRUSKAA qatarta ah ee Soomaali galaaftay. Waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: WALAALKIIN
SAAN KADIB

yacni dantood magarato ayaan nahay
maxaad kala jeedaa ??
aniga halsi ayaan u'aqaanaa
taana waa inuu u'shaqaysto mustaqbalkiisa
dhabta ah ama(xaqda ah)
waa noloshiisa danbe aysan nolol ka danbayn,
kan hilmaansan aayahiisa danbe ee xaqda ah-
ayaan dantiis mayaqaan iyo midgaan u'aqanaa

wa bilaahi towfiiq.
raali noqo hadaan meel kaaga dhacay!!
salaamu calaykum!!!
deeqo(degan)sweden>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ma idinku jiraan idinka dad ama qof hada dadka midgaan lagu tilmaamo mid ka mid ah haddii ay jiraan fadlan ila soo xiriira,waxaan deganhay magaalada MELBOURNE,AUSTRALIA waxaan ka dhashay kana mid ah midgaha qudhooda waxaana hada sameeynayaa cilmi baaris ku saabsan ayaga laf ahaantooda.
waa mahadsan tihiin gidigiin
e-mail MOHAMEDSIDI@USA.NET

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ukhtilmuslim

Unrecorded Date
TO.QOFKII AQOON ULEH.
A/caleykum.

walaalayaay waxaan rabaa in aan hal su,al idin waydiiyo ,taasoo ah in quraamka kariimka ah laguqori karo Asoomaali ama afkaleba?


Waa Ukhtilmuslim

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.