site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DUMARKA XUQUUQ MA LEEYIHIIN?!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): DUMARKA XUQUUQ MA LEEYIHIIN?!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDULLAAH

Wednesday, September 20, 2000 - 03:07 am
ASSALAAMU CALYKUM
RUNTII HADDII AAD SIDAN UGU DHIIRAN TAHAY INAAD XUQUUQDAADA RAADSATO,WAXAAN LA YAABANAHAY MAXAAD U CAQLI CESHAN LA'DAHAY?!.

Waxaa lagu yiri xur baad tahay!. Waxaa lagu yiri waxaad la siman tahay ragga!, SUBXAANALLAH. Waxaa laguu sheegay in waxyaabaha ragga loo gaar yeelayo oo dhan yihiin wax bani'aadamka sameeyey waayahii uu jaahiliga ku jiray! SUBXAANALLAH.

Waad rumeeysay, bal waad u halgantay, waad u dhibtootay oo u silicday, natiijadu waxay noqotay in xaywaanka lagaa hoosmariyo!!...
HA XANAAQIN, YAYNA ILIN KAA SOO DAADAN, si tartiib ah ugu feker arrimahan oo dhan:


WAXAAD JOOGTAA WADDAN REER GALBEED, U FIIRSO XAALADA DUMARKA DADKA AAD KU QANACDAY NOLOSHOODA OO SIDA XOOLAHA AH:

1- Goono gaaban, fulaanad gacmo gaaban ama jiinis iyo suwaal ciriiri ah. sigaar
ayaa u shidan waxay sugaysaa tareen ama bus.

2- SHAQADA: xafiiska ragga ma shaqeyn karaan haddeysan ku raaxeysaneyn fiirinta jirkaaga oo qaawan. baar ragga wax ma iibsanayaan haddii aadan adeege (waiteress) ka aheyn adigoo qaawan. dukaan dharka lagu iibiyo, ragga ma xiiseynayaan haddii aadan musacid iibiye aheyn adigoo qaawan.

IIDHEH: badeecadna qiimo iyo qurux ma laha haddii aadan adigoo qaawan jirkaaga lagu xayeysiineyn.
waxay yiraahdaan SEX SELL.

FILIM: raggu ma daawanayaan haddii aadan jileyn oo aadan soo bandhigeyn jirkaaga!!!!!....

3- Guriga waad ka siman tihiin adiga iyo ragga xanaanada carrurta, cunto diyaarinta, bixinta ijaarka guriga, welibana waa inaad raalli gelisaa.

4- Caalamka oo dhan waxaa ka jira nooc dumarka loo hogaaminaayo ragga Waddamada reer galbeed, magaca Aabahaaga waa la tuurayaa ee waxaad qaadaneysa kan ninkaaga!!!...

5- Hindiya marka ninka dhinto naagta waa lala gubi jiray!.
6-Codeynta meelo badan ma loo ogoleyn dumarka.

MAANTA WAXAA LOO SOCDAA IN LAGU QAAWIYO ADIGOO DHAN, SURWAAL MUUJINAAYO QASKA OO DHAN IYO FULAANAD CALOOSHA DHAN MUUJINEYSO!..


DIINTEENA ISLAAMKA MA WAX KAAGA ROON AYAAD QABTAA INNUU JIRO?!.
ALLAH XUKUNKIISA MA WAX KA WANAAGSAN AYAAD QABTAA INNUU JIRO.
HADDII AY JAWAABTAADU HAA TAHAY AMA NOQTO, WAXAAD TAHAY KAAFIRAD(GAAL).

Gurigaada joog, cun, cab, waxbaro, ninkaaga waxaa lagu yiri: WAXAY NAAGTAADA KUGU LEEDAHAY XUQUUQ LA MID AH, MIDKA AAD ADIGA KU LEEDAHAY.

dhowrsanaaw, sharaf lahaaw, jirkaaga ma u banaana ninkaaga xalaal kugu qaba mooyee.

NEBIGEENA (scw) DARDAARANKIISA WUXUU AHAA: NAAGAHIINA U ROONAADA, U NAXRIISTA, WAXAY IGIN YIHIIN KAALMO.

WALLAAAHI WAXAAN OGAHAY IN KUWA JALBADA KU GELINAAYO EE DURBAANKA KUU GARAACA AY KU INDHO SARCAADIYEEN EE WAA WAX U CAD SIDA QORRAXDA IN ISLAAM DIINTA RABBI KUU DADAASHAY, KUWAASNA AY
RABAAN INAY SHARAFTA KAA QAADAAN.

U FIIRSO TUSAALAHAN: 1+1 MA GAFEYSAA IN 2 YAHAY WAA MAYA. HADDII KUWAN CADAWGAADA AH EE KU LEH WAXAAN U DOODEYNAA XUQUUQDA DUMARKA, WAXAY LA SIMAN YIHIIN RAGGA, IYO BEEN AFFUFID YIRAAHDAAN,
MAYA. MAYA. MAYA. 1+1 WAA 3. WAAD RUMEYNEYSAA!. SIDEE WAX SIDAAN SOO SHEEGNAY U CAD LAGUU DUUFSIIN KARAA, II SHEEG BAL?!.

WAA WAXAAN LA YAABAY.

DOOFAARADA IYO KHANSIIRADA RABA INAY XUQUUQDAADA MEEL UGU DHACAAN AYAAN KAA DHICINEYNAAYE,
WALAALEY CAQLI YEELO.

WASSALAAMU CALYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umm-asmaa

Sunday, September 24, 2000 - 02:58 pm
AS-SALAAMU CALAYKUM.

walaal Cabdillaah,Ilaahay adigoo kale rageena intooda baddani nadayaceen haku badalo.

waxaad muujisay inaad qiiro iyo ficiltamid aad u aragtay maslaxaada kaliya ee walaalahaa ay wax ku fahmi karayaan

waxaan kaa saxayaa qodobka aad tiri hadii aad aaminsantahay inuu jiro wax Islaamnimada kaaga roon ayaa jira gaal ayaad ku noqonaysaa,walaal way jirtaa inuu qofkasta oo xukunka Ilaahay diidaa ku gaaloobi karo hadana arimaha dadka lagu gaalaysiiyo sikale ayaa loo qiyaasaa,ee kalmadaa inaad qof ku tiraa horta weligaa halula deg-degin.
Waxaa kaaga haboon inaad tiraa ficil lagu gaaloobi karo ayaad samaynaysaa.

xagii qodobadii wada runta ahaa eed taabatay fiicnaanlahaydaa inay dhamaan dumarka Muslimiinta ah oo dhami fahmi lahaayeen khidadahaa ama khiyaanadaa SHAYDAAN-ka ee loo dajiyey in mujtamaca lagu fasaadiyo.

Dumarka waynu ku waaninaynaa xaquu Allaah idinku leeyahay barta,kadibna ka naftiina ,kadibna ka uu zawjkiinu iyo dhamaan adoomada Ilaahay barta.

Ragii walaal waano weyn ayey u baahan yihiin iyagaana u loogaya durriyadooda iyo dhamaan dumarka ay ka masuulka yihiin cadowga gaar ahaan intaan aad ugu adkayn ku dhaqanka Diinta.

walaal waano balaaran anigu xikmadaaada oo kale iyo macluumaadkaaga oo kale masoo qori karayo ee waani.

Aniga waxaan ladhashay 8wiil aabahayna wuu noolyahay caruurta aabahoodna ku daroo mid iga naxaa kuma jiro,hadaan Qaadka u qaadayo oon raali kaga ahayna way ila soo xiriiri lahaayeen hadaan diidayna intaas oo Raga oo dhamaantood qaangaar ah mid i ogi majiro anigaa marmar u xiriiriya inaanu ILaahay ii qabsan rixim goysnimo maalinta Qiyaame.

dumadka intooda badanina sidayda ayey dayacanyihiin.

Ragu dib ha isu noqdaan dumarkuna ha ku dadaalaan inay noqdaan cafiifaad u dhaga nugul dhamaan wixi Ilaahay amray hana laga dhigtoonaado talaabooyinka SHAYDAAN-ka iy xulafadiisu dajisay ee lagu baabi`inayo dumarka Muslimiinta ah.
JAZAAKAL-LAAHU KHAYR.UMM-ASMAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Sunday, September 24, 2000 - 05:12 pm
CABDULLAAH IYO UMM-ASMAA:
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU
ALLAAH HA INA WAAFAJIYO WUXUU JECELYAHAY RAALINA KA YAHAY AAMIIN,AAMIIN.
meeshaas ka sii wada,allaahna ha inaga dhigo kuwii xaqa isku kaalmaysta,runtii anigu uma badnayn isticmaalka somalinetka oo waxaan ku arkay waxyaabo aanan jeclaysan oo ay ka mid yihiin culimada oo la caayo iyo waxyaaba kale oo foolxun marka waan ka niyad jabay laakiin hada waxaad moodaa inaan arkayo waxyaabo ifaraxgaliya
gaar ahaan gabdheheenii oo dacwadii noo wada nooguna yeeraya ATASFIYAH WATARBIYAH calaa fahmi salafu saalix weliba waxaad ku afkaysaa ixtiraasaad cajaa,iba iyo faham daqiiq ah.
falillaahi xamdu walminnah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

um-asmaa,umalkhair

Monday, September 25, 2000 - 04:05 am
AS-SALAAMU CALAYKUM.

WALAAL SUNNAH,ILAAHOOW KAADHIG KII SUNNAHA KU DHAQMA TIN ILAA CIDHIB(AAMIIN).

WAXAAN KU LEEYAHAY WAXBA HA ISKU WAREERIN KUWA SHAQO LA`AANTU KABADATAY EE CULIMADA AANU JUHDIGAY NOO GALEEN XATAA KU HAYSANO GURYAHAYAGA DHEXDOODA OO WAXAA DHACDA INUU CAALIM LAKALA LA`YAHAY CILMIGIISII GURIGAAGA KUU YAAL.

KUWAAS OO NAGU ANFACAYA XATAA MARKAY DHINTAAN

WAXAA LAGA SOO WERIYEY CAALIM SALAFI AHAA OO AANAN HADA MAGACIISII XASUUSNAYN INUU YIDHI"AN-NAASU CINDANAA AL-CULAMAA ,WAMANSIWAAHUMAA FALAA SHAY`A"

WAXAYNU LEENAHAY KUWA KU MASHQUULSAN INAY WAXKA SHEEGAAN CULIMADA ILAAHAY KACABSADA OO TOWBADKEENA INTAAN LAYDINKU SOO XAADIRIN.

OGOW WALAALKAYOOW WAXAA DADKA UGU WACAN INTA BADAN JAAHILNIMO INAY CULIMADA WAXKA SHEEGAAN.
WALAAL DARDAARANKEENU WAA CABSIDA ALLE,KADIBNA IN DADKEENA JAAHILNIMADU KU QOTO DHEERAATAY INTOODA BADAN XAQA LABARO.

JAZAAKAL-LAAHU KHAYRAN.

UMM-ASMAA,UMALKHAIR@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Monday, September 25, 2000 - 11:16 am
asalamu caalykum

alaaaaaaahu akbar dadkii ehelu khayrka ahaa ba soo noqoday oo la wayaay soo dhawaaba gacma furan . noona faideeya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Cabdala

Monday, September 25, 2000 - 01:59 pm
ILaahow qayr idiin siyaadi... Aamiin
Sidaas haloo dadaalo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDULLAAH

Tuesday, September 26, 2000 - 01:13 am
ASSALAAMU CALAYKUM

DHAMMAN WAXAA ALLAH UGU BARYAYAA KHEYR BADAN.

AMMAA BACDU, WAXAAN MAHAD LEH ALLAHA INA WAAFAJIYAY INAAN IS FAHAMNO ISU SOO URURNO ISUNA BAHEYSANO DIINTA ALLAH. SIDA XISBU-SHEYDAAN ISU BAHEYSTEEN XUMAANTA, ALLAHA HA KA SOO HANUUNIYO.ANNAGANA HANUUN INOO ZIYAADIYO.
WAXAA AAD IYO AAD II TAABTAY WALAASHEENA UMM-ASMAA
MARKAY KA HADLEYSAY DHIBAATADA KA HEYSATA RAGGA AANAN AQOON XUQUUQDA DUMARKA WALAALAHOODA LEEYIHIIN.

MARKA HORE, UMM-ASMA WAXAAN JECLAHAY IN AAN ISKA SAXO KHALAD AAD IGU TUHUNTAY OO AH INAAN KU FUDUDAADAY GAAL KU SIFEYNTA QOF.

RUNTII WAX YAR MA AHA IN QOF KAAFIR AMA KAAFIRAD LAGU YIRAAHDO, INKASTOO MAANTA AY CAADO U NOQOTAY QOF WALBA OO QOF KALE HAWOOYINKIISA IYO WAXAY NAFTIISU JECESHAHAY KA HOR YIMAADO, IN KAN DAMBE YIRAAHDO HEBEL WAA GAAL!. SUBXAANALLAH.

AYYU SAMAAI'IN TADILUNNII WA AYU ARDHIN TUQILLUNII IN QULTU LIMUSLIMIN YAA KAAFIR. WAA LAA SHAKKA ANNAAHAA TAXAARU CALAYYA.(AY TARJICU CALAYA IN LAM YATASSIF BIHAADAA)!.

ACUUDU BILLAAHI AN AKUUNA MINAL JAAHILIIN.

MAANTA WAXAA INA HOR JOOGA JAMAACAD DHAN LOO YAQAAN: JAMAACTU-TAKFIIR. OO AAN SHAQO KALE LAHEYN INAY GAALEYSIIYAAN XAAKIM WALBA IYO QOF WALBA OO DANAHOODA KA HOR YIMAADA!.

WAXAA JIRA FITNOOYIN BADAN OO ARRIMAHAN KU SAABSAN, NAS'ALULLAAAHAL CAFWA WAL CAAFIYA.

WALAAL UMM ASMA, MA RABIN INAAN KHIDAABKA KUGU KELI YEELO LAAKIN DANTA AYAA IGU QASBEYSA.

WALAALEY SI FIICAN II MAQAL WAXAAN IRI:

DIINTEENA ISLAAMKA MA WAX KAAGA ROON AYAAD QABTAA INNUU JIRO?. ALLAH XUKUNKIISA MA WAX KA WANAAGSAN AYAAD QABTAA INNUU JIRO. HADDII AY JAWAABTAADU HAA TAHAY AMA NOQTO, WAXAAD TAHAY KAAFIRAD(GAAL).

WALAAL MA ULA JEEDI IN DIINTA ISLAAMKA WAXAY FAREYSO OO XIJAAB AH AYAY DIIDAY AMA MACAASI AYAY
SAMEYSAY AYAY QOF GAAL KU NOQOTAY.

YAA UKHTII, ANNA LASTU MINAL KHAWAARIJ ALLADIINA YAZCUMUUNA BI'ANAL MACAASII TUKAFFIRU SAAXIBAHAA.

WALAA MINAL MUCTAZILAH, WALAA MINAL JAHAMIYA, WALAA MINAL QADARIYA, WALAAMIN AYYI FI'ATIN DAALA
ACUUDU BILLAHI AN AKUUNA MINHUM.

WALAAL WAXAAN ULA JEEDAY WAA IN QOFKA AMA QOFTU
ICTIQAADSAN TAHAY IN XUKUNKAN RABBI AMA DIINTA ISLAAMKA LAGA WANAAGSAN YAHAY.

DACNII UWADIX LAKI YAAUKHTII, XAFIDAKILLAAHU MIN KULLI SUU. WALAALEY HADDABA MA AHA QOF WALBA OO ALLAH CAASINAYA INNUU YAHAY KAAFIR, SUBXAANALLAH.
QOFKA AMA QOFTU WAY CAASIN KARTAA ISLA MARKAANA WAXAA KA DHAADHACSANAAN KARA INAY QALDAN TAHAY OO
ALLAHA WUXUU FARAY UU YAHAY WAXA WANAAGSAN EE LAGA RABAY INAY SAMEEYAAN.

SIDAA DARTEED AYAA QOF QAMRI CABAY, WAL CIYAADU BILLAH, HADDUU XALAALEYSTO, YIRAAHDO ALLAH MA XARIMIN, HADDUU ZAKADA BIXIN OO UU YIRAAHDO ALLAH MA WAAJIBIN, KU GAALOOBAYAA.

LAAKIN QOF OGSOON IN QAMRIGU XARAAM YAHAY ISLA MARKAANA CABA, ICTIQAADSAN INAY XARAAM TAHAY WAA CAASI.

AMMAA CANNISSALAAT, LEYSAL AMRU HAAKADAA.
LIL CULAMAA KALAAMUN SARIIX FII XAQQISSALAAT.

ATTAARIKU LAHAA KAAFIR.

IIMAANKA WUU SIYAADAA WUUNA NAAQUSAA:

RASUULKA (SCW) WUXUU LEEYAHAY:

LAAYAZNIL MU'MINU XIINA YAZNII WAHUWA MU'MIN.

HALKAN WAXAA KA CAD IN QOFKU KA BAXEYN IIMAANKA OO DHAN EE UU IIMAANKU NAAQISAYO. WALLAAHU ACLAM .

INTAAS WAXAAN U MALEYNAA INAY WAADIXIN KU FILAN TAHAY, WAADNA MAHADSAN TIHIIN.


AKHUUKUM FILLAAH

CABDULLAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamad

Saturday, October 07, 2000 - 11:46 am
assalamu-caleykum
Waxaan aad ugu faraxsanahay walaalahayga ku dadaalaya iney u qidmeeyaan diinta rabi walilahi-alxamdu.
dumarku xuquuq dhinac walba ah ayey leeyihiin taasoo cidna aysan indhaha ka qarsan karin, waxaana murugo ah in gabdhaheena soomaaliyeed qaarkood ay u dhaqaaqeen wadadii mugdiga iyo darxumada ka dib markey ku daydeen oo ay run moodeen nolosha dhalanteedka ah ee gaalada
WAXAAN WALAASHEYDA SOOMAALIYEED U SHEEGAYAA IN AYSAN GUDCUR ISGELININ OGOW XORIYADA AY AFKA KU HAYAAN GAALADU MICNAHEEDU WAA IN LAGAA SAARO IFKA IYO NUURKA EEBE LAGUUNA SAARO MUGDIGA UU WALAALKEEN C/HI SHEEGAY OO WAATAN ISKA DAA XORNIMO AY DUMARKU KALA QIIMO YAR YIHIIN KOOB AY KU XAYEEYSIINAYAAN TV OO WAATAN LAGU XAYEYSIINAYO WAX WALBA KOOBA HA NOQDEE NAAG QAAWAN!!!!!!!!!!
DULI ALLE MA BADIN DUMARKA MARKUU EEBE ASTURAY, XIFDIYAY ILLAA EEBE UU LA DARDAAMAY RAGII OO UU KU YIRI(KULA DHAQMA DUMARKA DHAQAN WANAAGSAN)
WUXUU KA DARDAARMAY SUUBANAHEENA GABDHAHA KORINTOODA IYO TARBIYEYNTOODA)WUXUU EEBE NA XASUUSIYAY HOOYO HOOYO IYO ASXAANKEEDA.
WAAN JECLAA INAAN SII WADO MAWDUUCAN LAAKIIN WAQTIGAA II DIIDAY WAXAAN KULIGEEN IS FAREYNAA CABSIDA EEBE
WASALAMU-CALEYKUM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.