site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waayaab war maxaa ku dhacay wadaadadii kheyrka sheegi jiray.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Waayaab war maxaa ku dhacay wadaadadii kheyrka sheegi jiray.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon.

Sunday, September 24, 2000 - 08:21 am
Assalaamu caleykum,yaa muslimiin.
walaalayaaloow waxaan la yaabay xagay ka baxeen walaalihii ehludiinka ahaa ee aan waxka faaiidaysan jirnay, meeshiiba meel shaydaan bay noqatoo wax wanaag sheegaya lagaba waaye.walaalayaaloow soo noqdoo wax noo faaiideeya, hadii somalinetka aad nacdeena meelkale noofura aan figradaha iyo aqoonba la isku dhaafsado.

Jazaakumulaahu kheyran.
wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Sunday, September 24, 2000 - 10:48 am
asalaamu caalykum haboon way joogaan khaar ka mid ah wadadadii ehelu diintaka ahaa madan arag miyaa mawducuu walaalkeen cabdulaahi noo qoray oo aan ka faaidaysan karno . ku wii kalena ilaahay ha noo soo celiyo .aamiin amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Sunday, September 24, 2000 - 01:55 pm
As-Salaamu calaykum.

Walaal Haboon waad ku mahadsantahay sida aad u tabtay wadaadada,shakina maleh qofka tabaya wadaadadu inuu khayrjecelyahay,
waayo culimadu waa kuwa dhaxlay anbiyadii Ilaahay.Kamana maarano ,laakiin waxaan layaabay meeshaad ku nooshahay waayo waxaanu aragnaa had iyo jeer wadaado khayrka labaryaya dadka oo meelwalba khayrkii dadka ugu yeeraya.

Hadaad Canada ku nooshahay gaarahaan Toronto,Ottawa,Montreal iwm aad ayey ugu badan yihiin walaalo ku hawlan sidii ay Xaqa u bayaamin lahaayeen.

Qaar wadaadada kamidana waxaa ka mashquuliyey Dacwadii dumar ay guursadeen iyo caruur,kuwaasna waynu tabaynaa waana in lagu waaniyaa gabadh kasta oo guursata wiil daaciya inaanay naga mashquulinin ee ay ugu kaalmayso khayr fidinta.

Wadaadadana waxaanu leenahay walaal dumarka Rasuulkii Alle ayaa idiin sheegay "FATAQUD-DUNYAA WATAQUN-NISAA'

dumarkiina wanaajiya ummada waxaad u tari kartaan yaanay idinka mashquulinin,waataa ardaydii idintabtaye.

Waxaanse walaalshaydii qaaliga ahaydeey kaaga digayaa oon kaaga digayaa inaanay culimadu iskaga kaa khaldamin ama iska kaa galin oo aanad wadaadkasta moodin kii aad u baahnayd inuu Diinta ku baro.
Waayo waxaa jira in lunsan dadkana lumisa,iska jir dhamaan dadka xizbiyada ku lug leh.

Kuwa ku socda Manhajkii Nabiga iyo saxaabada ka dhigo qaar aad uga faa`iidaysatid dhinacwalba oo aad ku gaaraysid jidka Alle ee toosan.

mahadsanidin:umalkhair@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Sunday, September 24, 2000 - 04:32 pm
haboon:
walaal waa arin aad loogu farxo inaan aragno
gabdheheenii soomaaliyeed oo raadinaya ahlu khayrkii iyo meeshay mareen ducaadii,ilaahay waxaan kaaga baryayaa inuu ku waafajiyo kuwa xaqa ku taagan sida ay sheegtay walaasheenba waa UMULKHAYRE iyadana waxaan ilaahay uga baryayaa inuu magaceedaas uqabto oo uu kadhigo hooyadii khayrka,waxaanan rajaynayaa inay umulkhayr noqondoonto mid gabdhaha u faa,iidaysa INSHAA,A RAXMAAN.
waxaana wanaagsanaan lahayd hadba mawaadiicda sida ay kuugu kala faa,iido badan yihiin inaad usoo gudbiso si looga hadlo,waxaanan rajaynayaa dad farabadan oo ahlu khayrka ahi inay soo booqan doonaan insha-allaah.
waxaan la yaabay waanada umulkhayr ay usoo jeedinayso walaalaheen gabdhaha iyo wiilashaba
allaah waxaan idiinkaga baryayaa sadexdiinan gabdhood iyo gabarkasta oo muslimada inuuu allaah idinka dhigo raaxada aduunka mida ugu khayr badan
waana haweenta wanaagsan.
NEBIGA s.c.w waxaa laga weriyay inuu yiri (macnaha xadiithka)ADUUNYADA DHAMAANTEED WAA WAX LAGU RAAXAYSTO,RAAXADEEDAASNA WAXAA UGU KHAYRBADAN HAWEENTA WANAAGSAN,saxaabadii ayaa waydiiyay oo waxay yiraahdeen waa midee rasuulkiii allow haweenta wanaagsani,wuxuu ugu jawaabay rasuulku s.c.w WAA HAWEENTA MARKA NINKEEDU FIIRIYO FARAX GALISA,(waxay ku farax galinaysaa kolay waa akhlaaqda iyo diinta ka muuqata)MARKA UU AMRANA ADEECDA(waxay ku adeecaysaana waa macruufka)MARKII UU KA MAQNAADANA DHOWRTA MAALKIISA IYO NAFTEEDABA.awkamaa qaala

walaalayaal halkaas ka sii wada khayrka waxaan allaah ka baryayaa inuu gabdhaheena ku badiyo umulkhayr iyo amthaasheeda waayo dacwadeedu waa
INAAN DIINTA KU DHAQANO CALAA FAHMI SALAFU SAALIX.
FALILLAAHIL XAMDU.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair,ummasmaa

Monday, September 25, 2000 - 03:05 am
As-Salaamu calaykum,

Walaal sunnah,baarakal-Laahu fiik waxaan ku leeyahay Ilaahay haku siiyo SACAADATUD-DAARAYN.

Waxaa inagu haboon inaanaynu hurdo seexanin inta uu shirkigu jiro dhulka korkiisa.

Anigu aad ayaan u cilmi yarahay waxaanse ku talo jiraa hadaan wax barto inaan u tafaxayto ku dadaalida inay kalimada Ilaahay kor ahaato.

waxaan ku xasuusinayaa Saxaabigii la oran jiray CABDILLAAHI IBNI CABAAS iyo halkuu kaga jiray u soo kifaaxida Diintan aynu maanta ku raaxaysanayno.

Walaal Ilaahay isagoo kale hakaa dhigo.

FII AMAANIL-LAAH
UMALKHAIR,UMM-ASMAA
umalkhair@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuuxafsa

Monday, September 25, 2000 - 09:40 am
walaalayaal dhamaantiin ilaah haidinka ajarsiiyo sida aad noogu dhiirigelineysaan inaan isku waaninio kheyrka runtii waxaan aad ugu farxay hadalkii ummulkheyr eeahaa yeysan isaga kaa darsoomin wadaadada iskana jir kuwa xisbiyada waa runtii war waxtar leh ee runtii anigaba waa iga dardaaran ee iska jir wadaadada u ololeeya oo taageersan xisbiyada iyo kala qeybinta bulshad islaamka ah....wabillaahi towfiiq wasalaama caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu..............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-C/raxmaan

Tuesday, September 26, 2000 - 01:56 am
KU: Dhamaantiin, qaasatan walaasheen Haboon.
ASALAAMUCALEYKUM.
Ilaah hadin barakeeyo waxan oran lahaa culimadii markey yaraadeen wareerkii waa batay maxaa wax lagu kala soo cayaa kolka kitaabka alle iyo sunada alle, intaa wixii dheer oo ra!yi ah waa lagu celin qofkii keena rasuulkaa sidaa nayiri. Qof walba waxa loo dardaarmayaa siduu naftiisa naar ooga badbaadin lahaa walaa dankalaan loogu yeereen walow qofku markuu alaa ka dhawrsado magacyo badan yeelandoono taana waa dhaqan horey ujiri jiray marka waxaan dardaarmayaa in wax aan dan ahayn lagu mashquulo qofka qayr kuu faa ideynayana aad tiraa aayadaa ama xadiiskaa baa sidaa yiri anana raacid baa nala gudboon marka xaqu noo cadaado.
oogu danbeyn waxan kusoo gabagabeyn aayada fasirkoodu yahay (kuwa xaqa rumeeyey ayaa waxay isku yihiin wali wadaay hoosaad(kuwa isku xaqmiira GACAL iwm waxayna is amrayaan wanaag waxayna iska reebayaan xumaanta--- Marka walalaayaal aanu noqono kuwa wanaag isku sheega qusucbalaadkana aanu iska dayno waayo aduun iyo aaqiraba nama anfacayaan. wabilaahi altowfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

barbaaR

Wednesday, September 27, 2000 - 06:22 pm
aSALAAMU CALAYKUM, WAA HESHEEN DADKII AHLU KHAYRKA AHAAYE FADLAN KHAYRKII BILAABA IDNKU INTA KALANA WAA IDINKU DATAN DOONTAA, WABILAHI TAWFIIQ'
RASUULKU wuxuu yiri SCW khayru kalaam maa qala wadala, markaa walaalayaal isku daya in aad qoraaladiina koobtaa, hadii kale waxaa dhacaysa in dadka dacwadu ku socoto akhrinta ka caajisaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Thursday, September 28, 2000 - 07:20 pm
to:barbaaR
walaal waxaad tiri rasuulku s.c.w wuxuu yiri
(khayrul kalaami maa qala wadala!!!!!!!)
arintaasi ku maanaan qancin sidaan aaminsanahayna xadiith maaha,waxaase dhici karta inaad adigu u cilmi leedahay maxaa yeelay [wafowqa kuli diicilmin caliim]noo cadee,kitaabkaad ku aragtay iyo sheekha ku qoray kitaabkiisa iyo cidii saxiix
ama xasan yeeshay,sidaasna waxaan u yeelaynaa inaysan dhicin in lagu been abuurto rasuulka s.c.w
wajazaakallaahu khayraa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Friday, September 29, 2000 - 04:53 pm
assalaamu caleykum.

Hadalka xikamadda ah ee BARBAAR uu sheegey waxaa laga faa'iideysan karaa oo laga heli karaa laba xaddiis oo rasuulka laga wariyey scw:

1- "Bixusni islaamil .... xaddiiskii ahaa" ee tusayey islaannimada qofka wanaaggeeda waxaa ka mid ah inuu isaga tago waxaanan quseyn ama aanan saameyn.

2- "Ninkii aamminsan ilaahey.... xaddiiskii ahaa" ee kusoo gabgaboobayey, ama wax kheyr leh haku hadlo ama ha iska aammuso.


Kan horena abaa hureyra ayaa ku wariyey xasan fitirmithi iyo kutubta axdithtaba waa laga helaa, kan kalena waxaa wariyey isla abahureyra oo lagaga wariyey bukhari iyo muslimba.

Barbaar, saaxiib, niyad wanaaggaaga ilaahey kheyr hakaa siiyo iyo sidad u jeceshahay in lagu deg dego kheyrka. Daliilkii hadalkaaga xikmadda ahaa ka doono meeshaas.

formerguest.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, September 30, 2000 - 12:49 pm
Waa runnoo Haboon maalmaha kadi Culimaa'u diinkii Cagtoodii halakan waa ay ku yaraaatay oo meeshii fusqi iyo waxan waxba inoo ahaaneyn baa Camimay iyo kuwa iyagana aanu Caamadayadu moodi jirrnay Culimmo iyo ahlul xaq oo iayagiina Dacalada isku wada dheggan oo firiq Qabiil salka ku wada haya oo is wada garbinayoo innagaa xaqii alleh iyo sunahhii suubanoow nabigayaga salaloow caleeh ku taagan isla barbar cararaya...


Kuwa leh waxaanu soo bandhigeenaa manhajka AKHWAAN MUSLIMIIN,, oo nin waloon islahayn waa Sheikh Sheikh weyna ahi ku xadgudbay ,,, Kuwa kaloo Salafiyah Jadiida la yiraaho,,mid Isagana halkaa intuu Sheikh Al Calaama Xasanul Banna inta sheedaa la istaagay ee rajmi iyo Karbaash isugu daray,,,,Kuwo kaloo iyagana Bela Qabayaal ahi oo aanu Cullimo u heysanay oo laga hayhayo Wadaadkii Muxadith ka ahaa ee ALBAANI,,,...


Waa sideey u sheegtaye Ummalkhair Wad aadyadu weysku wada jireen ee kaad ka dhiganeyso ee wax ku bari mid wanaagsan oo aanan ku lumin adoon qabiilkiisa u aaaba yeellin,,, Waad aragtaaa Ummaddii Soomaali ahayd qollo waliba iyo qabiil walaaba Sheikhoodeey soo garwaaxsadeen oo Sheikh kalaaba maba arki karaaane!!!!!!


Wabilaahi Towfiiq
Akhuukum fillaah
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Saturday, September 30, 2000 - 06:51 pm
AKHAANAA FILLAAH
NEEFOOW KANIINI
Walaal anigu qoraalkaagan ka hor waan ku wareersanaa meel aan kuu raaco,haddase waxaan ka dareemay qoraalkaagan inaadan ogolayn in la caayo culimada,waa arin wanaagsan waxaan kaloo ku xasuusin lahaa inaysan jirin wax layiraahdo
SALAFIYAH JADIIDA waana magac dad ujeedo leh ay bixiyeen,SALAF IYO JADIIDNA wax israaca maaha.
waxaan kaloo ku waydiinlahaa waa maxay macnaha aad ka wadaa NEEFOOW KANIINI.
maadse magac fiican la baxdid,hadii uu sax yahay aanse fahmi waayayna macnahana raali noqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Saturday, September 30, 2000 - 10:48 pm
asalamu caleeykum

Ku. Neefoowkaniini

Walaal aad baan u qoslay ka dib markii aan akhriyay qoraal kaaga. Wax la yaab ma leh in badan oo cuquusha soomaaliyeed ay u badan yihiin kaliya ay wax dumiso.

Meeshii na loo ga baahnaa in aan dhisano mustaqbal dunida reer galbeedka oo aan isku diyaarino dhismaha wadaneena, ayaa waxaa isku xag xaganeeynaa wax yaalo aan qiimo ku fadhin.

Bari baa nin Diktoor ah oo la yirahdo Casaamul Bashiir ayaan ka dhageeystay muxaadaro oo uu yiri

"Ha keenina khilaafaadka micnaha la heeyn oo bariga dhexe ka jira halkaan reer galbeedka. Oo hadhowdii ay aqaliyad idinka sii dhigaan idinkoo aqaliya ku ah reer galbeedka"

Walaalkeey Neefoow Kaniini nooga sii wad hadalkaaga xigmada ku dhisan aniga oo Ilaah kaaga baryaayo in ku siiyo xigmad ka sii dheer.

Sidaas iyo mar kale. Nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Tuesday, October 03, 2000 - 03:31 am
HABOON
runtii waxaad tahay gabar Somaliyeed oo diin doon ah Ilaahayna ha ku waafijiyo xaqa. Laakin waxaan kugu waanin lahaa in aad iska eegto cidda aad diinka ka baranaysid, maxaa yeelay ma banaana in mubtadiciinta ( bidcada ) wax laga barto. maalmahan dambe waxaa batay dadka culumada sheegta diinkana bihi laka ka aqoon, sidasna ku lumay dadkiina lumiyey, waana sidii Rasuulku (scw) uu sheegay. waxayna ku badanyihiin qurbaha, gaar ahaan Toronto, Ottawa, Montreal iyo wixii la mid ah. Halkan waxaa ka muuqata in luguugu dheeri gelinayo meelaha meelaha bidcadu isugu tagto oo ay isujiibiniyaan iyagoo iska dhigaya kuwo xaqa sheegaya. kolay waa dhib badantahay si maanta diinta xaqqa ah lugu helo, waxayna ku xirantahay amarka ilaahay iyo siduu qofku xoogga u saaro raadinteeda. ku ducayso (tawakal calalahi wa kafaa billahi wakiilan).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, October 03, 2000 - 04:10 am
Salama caleeykum.
Aad iyo aad ayaa la igu oran jiray HEBEL ISKA ILAALI, maxaa yeelay WAA QURAAFI, WAA CILMAANI, WAA GAAL, WAA BIDCI,iyo wax yaalo fara badan oo aan soo koobi karin.

Nasiib wanaag, kama aan qaadanin dadka saa i oran jiray, ilaa aan muslimiinta aan dhax galay mid walba, anigoo eegaayo waxa ay meesha ku hayaan.

Marka tii baa wali filaaya walaakeey Adan, in uu ku QATAARAN yahay, isagana uu meeshi ka sii wado.

Ee walaasheey, waxaan talo ku siin lahaa yaan DHAGAHA, iyo INDHAHA lagaa xirin ee soo arag wax walba oo meelaha lagu hayo. Markaas ayaa caqligaaga iyo maskaxdaada balaarani doontaa.

Gal jaamacadaha reer GALBEEDKA oo soo baro waxa ay ku hayaaN. Ka dibna dhinac isaga xoor waxa diinteena cadaw ku ah, inta kalena qaado. Ee ha noqon qof UMIYAD ah oo guri lagu xiro ka dibna ay hogaanshaan caruurtooda.

Intaas waa iga talo. Sidaas iyo ismaqal xiiso leh.

Walaal kaa Skandaneefiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Tuesday, October 03, 2000 - 02:59 pm
asalamu calaykum.

Jazaaka laahu khayra gabadha mawduuca furtay,

Runtii waxaad i xasuusisay sida meeshu mar ahaan jirtay iyo sida ay hada tahay.

NEEFOW KAFTANKII MAA WALI WADAA/
QURAANKI WIILKAGA MA BARTAY?

Waa akhuukum vilaah MISKIIN oo idin soo siyaartay/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, October 03, 2000 - 11:23 pm
,,,,Culumaa'ul diinkii haddeey ina soo siyaarteen Aqaladooda Malaa'igi ha Ziyaaratee...


,,,,Akhuunaa Fillaah Al Akh Miskiin Ibnul Miskiin Ibnu Cabdallah Akhuuna halakan waad inagu Cidleesay oo Caammo Cilmi Goobeeysaanu noqonay se adigiyo Ninkii Ansaari ahaa ee Saaxiibkay waxaad inoo baneyseen kuwa halakan is dacala haysta oo haddana aanu moodnay kuwa wax inoo sheegayoo Cilmi iyo diin wada se sideey ahaan jidhay noqonweyday,,, Beryaanu,,, halakan iska kaftammi jirnoo haddana khayrka socon jiray haddasse xalaqadii cilmiga waxeey noqotay habar wacasho iyo yaa tolkay ah ,,,,,


Talo walaalkay adiga Miskiin ah iyo Ansaari inta soo noqotaan oo Xalaqaad cilmi ah inoo furtaan Caruurtu ha faa'iideysato inagana wax barano!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saciido

Wednesday, October 04, 2000 - 11:42 am
asalaamu calaykum.

wax barashada Diintu waa waajib saaran qofkasta rag iyo dumarba.waxa uun waajib ah inaynu MANHAJ SAXA WAX KU BARANO...

walaal neefoowkiniini iyo wixii aanad waxba ka faa`iidaynin wakhti ha iskaga lumin.

waanad ogtahay qofka markay naftu kabaxayso in loogu yeeri doono magaciisii labada noocba waxaan kawadaa reer JANNO ILaahay hainagu daree iyo reer NAAREEN ILAAHAY HAINAGA NABAD galiyo in malaa`igtu ugu dhawaaqi doonaan magaciisii uu adduunka ugu jeclaa hadaba walaal waan ku baryayaaye MALAA`IGTA haka yeersiin inay kuugu dhawaaqaan NEEFOOWKANIINI!!!!!!!!!

Hadaad magac fiican u oomantahay waxaan kuu bixinayaa SACIID saadaasha fiican ku dadaal

laga bilaabo maantana SACIID NAGULA SOO XIRIIR!

WAA WALAASHAA OO KA DAMQATAY MAGACAN AAN WAX NUXURA, TASTE, MACNE, AH LAHAYN.

MAHADSANID........................................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, October 04, 2000 - 02:30 pm
,,,,,Assalaamu Calykum Wa Raxmatullaah Wa Barakaatuhu...


Salaan Dabadeed Walaalayaal waxaan jecleestay inay sidi ay horeybo iigu soo iqtaraaxeen walaalo badan oo halkan isugu yimaado inaan anigu magaceyga iska baddallo oo aan ku doorshaa magac wanaagsan oo carabi ah si ay u fahmaan magaceyga waatanood hadda aad arkaysaan Gabdhaha walaalahay ah Saciido iyo Sunnah sida iigu dhiirri galiyeen inaan la baxo magac catabi ah oo kii dadkayga iyo Ummaddaba ii tiqiinay aanan ahayn oo gaar ahaan Ukhtii Filaah Saciido ay igu guubaabisay inaan la baxaa Magaca Saciid oo ah magac aad u Wanaagsan inkastoonan carabida aanan saa u sii aqoon se magacya farabadan oo carabi ah oo aan jeclaan lahaa bal mid iiga soo doora idinkuna,,


Abu Khanjar
Abu Khuzacbalaat
Abu Khawallah
Abu Khanaaziir
Abu Khawaajah
Aba Khaasim (oo la yiri lalama bixi karo)
Abu Khuraafaad
Abu Khuraafi
Abu Khaswarah
Abu Khookhanne
Abu Khookhaa baqsar
Abu Kharuuf
Abu Khisasu diin
Abu Khaalid Bin Waliid Bin Mughiiirah
Abu Khalaf ibnu Faarax binu Cigaleh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Wednesday, October 04, 2000 - 06:09 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaa saan dhaami laheyd inaad aamustid, maxaa yeelay wax walba oo aad tiraahdo are against you or with you on the day of QIYAAMAH.

Xikmad ku hadal aysan aheyn ka soon hadalka.

Raali ahoow hadey intaas ku dhibto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saceedo

Thursday, October 05, 2000 - 04:04 am
NEEFOOKANIINI!

markaan akhriyey magacyada aad tiri ii soo doora waxaan aad uga NAXAY magacyada khabiithka ah,gaar ahaan markaan u fiirsaday labaa ugu sii khayrdaran...ABU-KHAANZIIR IYO ABU-KHAALID BIN-WALIID.

KHAANZIIR WAAN NAQAANAA KHAALID WUXUU AHAA SAXAABI KHAYR BADAN OO ILAAHAY RUMEEYEY.LAKIIN AABIHII WALIID BIN MUQIIRA WUXUU AHAA MUJRIM,DAALIM.KHAYRDARO KUDHINTAY,CABDIL-LAAHI BIN-CABAAS OO AHAA TURJUBAAN-ALQURAAN WUXUU YIRI ..QOF SIDA WALIID LOOGU CAAYEY QURAANKA MAJIRO FIRCOONA DHAHOO!!!!!!!!!!

WAAR MA ADIGOO MUSLIMNIMO YO MU`MIN-NIMO SHEEGANAYA AYAAD MAGACYADAAS ISU BIXINAYSAA.

WAANO WAXAY KU DHANTAHAY ILAAHAY KACABSO-ITTAQILAAH.

SIDAN MALAHA KUMA FAYOOBIDE CILAAJ ISLAAMIYA DOONO HADAAD DHULALKA GAALADA KU NOOSHAHAY OOD KU WAREERTAYNA ILA SOO SOCODSII AAN TIGIDH KULA RAADIYO SI RAQDAADA REERKIINII KUU DABIIBAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdulaahi

Thursday, October 05, 2000 - 08:55 pm
Neefoowkaniini
as-salaamu calaykum
waad iga qoslisay. Laakiin run ii sheeg wadaad miyaa tahay mise ciyaal suuq? anigu wadaad baan ahay magacaagana kuguma haysto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Friday, October 06, 2000 - 11:58 pm
Asalaamu caleeykum

To. Neefoowkaniini

Kama sheeykeeyni karo habkii aan noqday markii aan akhriyay qoraalkaaga. Meelo badan ayaana ka akhriyay qoraalo badan oo somalinet gudihiisa.

Marka waxaan ku oran lahaa oo talo ku siin lahaa.
In kastoo aan fahmin waxa loo la jeedo magacaaga ama macnihiisu yahay. Laakiin HADDII u yahay mid LID ku ah ama XUMAATO tilmaamaayo.

Waxaan kugula talin lahaa in aad iska badasho sidii ay kugula talisay walaasheen Saceedo.

Haddii kale se waad wadan kartaa magacaaga oo khasab ma´aha qof walba oo muslim ah in uu la baxo magac CARBEED. Diintana waxaa loogu talagay BASHARIYADA oo dhan ee ma ahan mid QOOMIYAD ku dhisan.

Tusaale: "Geedi" ama "Shankaroon" waa magacyo somali ah oo aan shuqul ku leheeyn carab.

Marka la oran karo waa in uu badalo qof walba magaciisa oo u la baxa sida, Cabdulqadir, Moxamed, Salman, Abu bakar IWM.

Sidaas iyo nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, October 07, 2000 - 03:27 am
,,,Cabdullahi ,,,,Muslim,,Saciida ,,Skandenevian ilma adeerayaaloow wa akhwaanii al muslimiin i siiya waano ah inaan NeefoowKaniini taagnaado ama Magac Islaami ah oo Magacyadaa uun midkood ah...


Sheekuna Miskiin iyo al Sheekh al Caazif Al ANSAARI,,,,,idinkuna magac iigu soo yabooha waad arkeysaane yaanay Caruurtu inagu qoslinhe..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CIID QALINLE

Saturday, October 07, 2000 - 09:59 am
Asalmucalykum.
waan ku farxay wlaalahay sida ay ukala faa'iidaysanayaan iyagoo aad ukla fog .iyagoo markaa waliba isu dardaarmaya wadadii wanaagsanayd
hadba waxaan dhamaantiiinba ilaah iidanka baryayaa
inuu janada idunku kulmiyo insha'alaah aamiin .
Anigu mahi mid aqoon diimeed leh balse waxaa qalbigayga qaboojiyay qawlkii wanaagsanaa ee xaqa
ahaa ee wlaashay UMULKAIR ay ku hadlaysay iyo waliba wlaalkay SUNI iyo dhamaan wlaalahy .
hadaba ilaah ajar ha idinka siiyo xusida ale ,hana inaga wada dhigo kuwo qowlka xaqa iyagoo afka ku haya ruuxda laga qaado AAMIIN WASALAAMU CALYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Saturday, October 07, 2000 - 12:08 pm
Asalaamu caleeykum

To. Nefoowkaniini

Walaal aad baad u mahad santahay sida quruxda badan aad noogu soo jawaabtay iyo fikradaada quruxda badan.

Walaal aniga hore ayaan kugu sheegay oo aheeyd, hadii uu magacaaga uu xumaan tilmaamaayo iska badal oo adiga dooro oo la bax.

Mid kalena aan ku weeydiyo ????? Ma magac GAALO iyo MUSLIM ayaa jiraa, marka laga reebo kaliya in uu XUN yahay magaca. BAL II FAAIDEEYA WALAALADEEY HADII AAN KU KHALDANAHAY.

Mar ayaa waxaan soo Islaaminey gabar reer GALBEED ah, markaas ayaa la yiri ha laga badalo magaca.
Gabadha waxeey codsatay, in aan laga badalin magaceeda oo ay haysato duruufo awgeeda.

Magacana wax xumaan ma wadanin. Ee haddii la yirahdo qof walba hala siiyo ama ha laga badalo magacyada, waxaa imaani dhib badan.

Diintana waxeey noqon diin CARBEED, oo umado badan ayaa laga hor istaagaaya Islaamnimada.

Sidaas iyo ismaqal wacan oo xiiso leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamad

Saturday, October 07, 2000 - 12:30 pm
Asalamu-caleykum
habooney walaal waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo sidaadoo kale jecel dadka ahlu-qeyrka ah, marka walaal barasho wacan, tan xigta culumadu sidii hore looga dhawaajiyeyba meel kastey joogaan ee ka faaideyso talo kale aan ku siiyee wixii qeyr wadaaba ka dhageyso waligaana ha yeelin sheeq hebel waa saas iyosaas ee waxba ha ka dhageysanin kan saa leh maaha qeyr wade oo meel buu kuu sidaa maxaa yeelay qofka muslimka ahi waxaa ku haboon inuu hadalka dhageyso kiisii wanaagsana uu qaato walaal maahi qof iska hadleyso oo arrintan ah sheekh hebel wax ka dhageyso sheekh hebelna maya waa mid in badan i soo martay oo aan weliba darsay waxaa arrintan inta badan la faraa gabdhaha.
sanadkii 1987 ama 1988 ma xasuusto, macalinkii wax ii dhigi jirey oo aan cilmigiisa aan aad uga faaideystay ilaah ha ka abaal mariyee wuxuu casharka iigu diiday macalin hebel baad casharkiisa tagtaa!!!
walaal macalin walba oo diin haya ka dhageyso kii kula qaldanaada ha raacin, u nasteexee oo ha caayin sida dhallinta badnkood sameyso.
waxaan kaloo kuu sheegayaa inaad walaal cilmiga ku dadaasho, waa waajib ina saaran, guud ahaan , gaar ahaan dumarka soomaaliyeed oo iyaga maanta hadey in badan wax baran lahaayeen uu shacabku ka badbaadi lahaa mugdiga maanta aan ku jirno
wasalamu-caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

um-maymona

Sunday, October 08, 2000 - 11:43 am
As-Salaamu calaykum.

Jamaadeey!!!!

ALLAAH-ha ina hanuuniyo,hadaladaadii waxay isugu jireen markaan eegay fiiriyey sax iyo khalad sidaana AADAMAHA ayaaba iska ah waayo labada magafe waa ALLAAH IYO RASUULKIISII.

Intaan kugu haystaa waxaa weeye Shiikhkasta waxkabaro.

maxataa ahlul bidcada??????

ma kuwa xizbiyada????
ashaacirada????

MIYAANU ILAAHAY ODHAN "WAYDIIYA AHLUL CILMIGA HADII AAD TIHIIN KUWO AAN GARANAYN MASALADA AAD WARAYSANAYSAAN?????/
sidee ayuu kukala garanayaa qofka aan cilmiga quman lahayni waxa saxa ah iyo waxa khaladka ah,waayo waxaa kamid ahaa hadaladaadii cidkasta waxkabaro oo wixii khaldan iska dhaaf.

walaal xaqiiqadu sidaa maaha CULIMADA SALAFIYIINTA AH EE XAMBAARSAN KUNA DHAQANTA QURAANKA IYO SUNNAHA WAXAAN SHAKI LAHAYN INAY YIHIIN KUWO XAMBAARSAN DHAXALKII ANBIYADA.
INAY INDHO NOO YIHIIN.HORUMARKA UMMADANA U TAAGANYIHIIN.
KURSI JACAYL,ADDUUNYO JACAYLNA KU ARKI MAYSID,INKASTA OO AANAY MACSUUM AHAYN.

MA waxaad leedahay wax halaga barto ashaacirada noogu sheekaynjirtay ILAAHAY MEELWALBA AYUU JOOGAAA!!!!!!!

WALAAL ADIGA AYAA U BAAAHAN GURMAD IYO NASEEXO EE AHLUL CILMIGA KAL BARO,MIYAAD GARANAYSAA SABABTA LOO DIIDAYO INAAD AHLUL BIDCADA WAXKABARATO?

WAXAA AY KUU SOO DALIILIN AXAADIITH AAN RASUULKA KASUGNAANIN,QURAANKA AYAA TAFSIIRKIISA LAGUUGU FATWOON SI AAN WAAFAQSANAYN HABKII AY U FASIREEN CULIMADU.

HAL MASALO AYAAN ARINTA TAFSIIRKA KU SOO GAABSANAYAA...

TUSAALE AAYADA ILAAHAY UU KU LEEYAHAY NINKA MUSLIMKA AHI WUU GUURSAN KARAA GABADH AHLUL KITAABA,AYEY WAXAY KAGA HADHAYAAN SI DUUDUUBAN OO ODHANAYAAN WAY BANAANTAHAY!

CULIMADA SIDA SAXA AH U FASIRTAANA IYAGOO KA SHAQAYNAYA MASLAXAADA IYO HORUMARKA DHALINYARADA IYO SHABAABKA AYEY AAD U FAAH-FAAHIYAAN..SIDA WAA INAY AHAATAA MID DHAWRSAN CAFIIFAD AH,ETC

WAXAANAY KU SOO KOOBAAN HADALADOODA" WAXAA MAANTA LA ODHAN KARAA MAJIRTO GABADH AHLUL KITAABA OO CAFIIFAD AHI EE DUMARKA MUSLIMIINTA AH GUURSADOO KUWAA ISKA JIRA AYAANAY IDIN FITNAYNE"
ANIGU WAXAAN ILAAHAY KU MAHADINAYAA I FAHAMSIIYEY AHLUL BIDCADA IYO SIDAY XAQA IYO BAADILKA ISUGU DARAAN EE WALAAL ADIGUNO ISJIR DADKA KALENA HA U SAKHIRIN ARIMO AAN SAHLANAYN.
IGA RAALI AHAW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, October 09, 2000 - 02:40 am
Asalaamu caleeykum

Aad baad u mahad santihiin dhammantiin. Waxaan aad ugu mahad celinaaya walaasheey JAMAAD oo ah gabar CABQARIYAD ah oo ka xoroowday Fitnayaasha.

Ilaahna ha inoo badiyo gabdhaha CABQARIYIINTA. AAMIIN.

Walaasheey meeshaas ka wad dadaal kaaga. Waligaagana kor u soco, haka yeelin kuwa rabo in ay UMIYAD kaa dhigaan.

Waana kugu raacsanahay in ay MUSLIMKA/SOOMAALIYA ay san gaareen ILAA ay DUMARKA wax ay BARTAAN.

Sidaas iyo dadaal wacan iyo mustaqbal wanaagsan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.