site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

INTAADAN FALIN KA FIIRSO!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): INTAADAN FALIN KA FIIRSO!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haji

Monday, September 25, 2000 - 07:28 am
Asalaamu Caleykum

Waxaan jeclaaday inaan halkaan ka furo mowduuc aad muhiim u ah kaasoo dan ay ugu jirto dadkeena Soomaaliyeed ee doonaya liibaatana aduun iyo aakhiro raali ahaanshaha Allena tamaninaya. Waxaanu ogsoonahay in qofkii tiisa ku filnaada uu mid kale wax ka qaban kara, waxaa kaloo run ah ayana ninkii gurigiisa dagan yahay kana yimid reer dhisan xag diin, xag cilmi, xag aqaan iyo xag sharaf uu talo ka bixin karo guri kale amaba la oran karo hebel Allaa ku maneystay zowjad saalix ah. Hadaba waxaa su'aal ah maxeynu uga fakari waynay guurka maxaase prioritiga loo siin waayay sida ay guryaheena ku noqon lahaayeen guryo niyada ku dagto oo long term noqda kuwaasoo ka soo baxa ilmo aan looga shaki qabin inay noqdaan duuflaalo aduun daba orda.

Waxaad moodaa in qof walbaba (wiil/gabar) uu markii uu damco inuu guursado uu bilaabo sheeko ama shukaansi kaasoo ay u badan tahay inuu dhaxalsiiyo guur, mid kheyr u ah iyo mid aan kheyr looga jeedi laakiin loo rajeynayo inuu kheyr u noqdo. Aawaye waxyaalihii ka horeeryay guurka, maxaa loo heli waayay siminaaris loogu tala galayo inay raga iyo dumarka tababar ku qaataan si aysan bari usii dhordhin tirada raga iyo dumarka kala tagaya oo hadana mujtamaca sumcada ka haleynaya ubadkana aayaha dambe ka dilaya. Waxay ila tahay (waana fikrad xumaan karaa) inay haboon tahay in raga iyo dumarka intaysan hadal iyo is dhexgal bilaabin ay ayagoo kala gooni ah ay intensive course qaataan si ay u arkaan muhimada guurka iyo qofka ku haboon inaad noloshaada ku aamintid oo aad naftaada gacanta u galisid. Waanu wada ognahay in guurku yahay diinta nuskeeda sida suubanaha inoo sheegay ee maxeynu u sharaf tirnay oo meeshuu naga mudnaa u gaarsiin la'nahay. Dhalinyaro waxaan soo jeedin lahaa in qof walba oo guurka ka fakaro uuna saacad walba ka fakaro ciduu guursan lahaa kalana tashado dadka uu dhab ahaan dadnimadooda jecelyahay doonayona inuu ku daydo, waxaan ka wadaa ragaad ama dumarka aad rabtid bari in lagugu xisaabsho oo aad tamanineysid inaad aakhiro isku meel ku hoyataan. Guurku waa wax qaali ah oo once kaa farxiya noloshaada oo dhana wax ka badala, good predictmentina u noqda waxey noloshaada iyo ubadkaada ku dambeyn doonaan. Course-ooyinka waxay noqon karaan waxyaalo yar yar (Cajalado ama Kutubo) oo aad ku baraneysid sida aad ula xaajoon doontid your future wife iyo meelihii aad wax ka bilaabi laheyd iyo wiliba sidii aad u dhisi laheyd guri ka soo baxa ilmo la oran karo aakhiray waalidkood anfacayaan aduunkana muslimiinta ay u noqonayaan iftiinka aduunka(waa hadey kugu jirto hamigaas Allena aad weydiisatid). Waan ku dheeraaday ee iga raali ahaada afkaartiinana aad ayaan u xiisaynayaa inaan maqlo.

Cid walba way u furan tahay laakiin aanu is ixtiraamno xishoodkana yeynaan ka tagin.

WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Monday, September 25, 2000 - 11:07 am
asalaamu caaklykum

jisaakalahu khayra barakalahu fik ilaahay wax faradnimada ha kuu siyaadiyo walaalhi waa runtaa ina laga fakaro inbadan mustaqbalka aduun iyo akhiraba.waana wax loo bahanyahay in lagu baraarugo. gabdhaha ay noqdaan sawjooyin wan waanagsan oo kuu RUSUUKA SWC SHEEGAY OO KALE KU ADEECa MACRUUF NIMAN KOODA WAAN WADA OGNAHAY XADIIS KUU RASUULAKA SCW YIRI HADAY GABADHA TUKATO 5 SALAADOOD BISHA RAMADAAN SOONTO NINKEEDANA ADEECDO WAXAY GALAYSAA ABAALKEEY RABTO EE KA MID AH ALBAABADA JANADA MARKA WAA CIBAADO FUDU CIDUU ILAAHAY U FUDUDEEYO . WALAALYAAL ILAAHAY IGA BARYA INUU IGA MID dhigo gabdhahas .

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.