site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"XERTA TIMA WAYNTA LA YIRAAHDO YAA WARKOODA OO SAX AH ISIIN KARA?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): "XERTA TIMA WAYNTA LA YIRAAHDO YAA WARKOODA OO SAX AH ISIIN KARA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maalin

Tuesday, September 26, 2000 - 09:03 am
ASALAAMU CALAYKUM
WALAALAYAAL WAXAAN DOONAYA INAAN WAR KA HELO RAGA TIMAHA WAYN EE XERTA AH EE AADKA U JOOGA NUGAAL IYO SOOL IYO NAWAAXIGEEDA MA CULIMAA MISE WAA...?
QOFKII IGU DHAAMA HA I SOO SIIYO INTA UU KA OGYAHY ISAGA OO AAD U MAHADSAN......

WASSALAAMU CALAYKUM ...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANWAR

Tuesday, September 26, 2000 - 05:08 pm
ASALAAMU CALAYKUM
walaal adiga ayaan dhowr su'aalod ku waydiinayaa
nimanka aad sheegayso horta iyaga oo salaad jumce ah tukanaya ma 'aragtay iyaga oo jamaacada dadka la tukanaya ma 'aragtay iyaga oo zako bixinaya
ma 'aragtay in ay dadka inta ay ka soo qaadaan iyagu cunaan ma ahee
iyaga oo xajinaya yaa soo sheegay oo ku arkay xaramka shiikhooda yaa ka maal badan maxaa u diiday in uu xajka alaah soo guto
tawxiidkii waxbay ku siyaadiyeen waxaanu naqaanay
anagu (LAA ILAAHA ILLA LAAHU MUXAMADA RASUULULAAHI) waxa ay yiraahdeen iyagu (LAA ILAAHA ILALAAHU MUXAMADA RASUULU LAAHI SHEYKH C/QAADIR SHAYLILAAH ...............)TAWXIIDKII
diinta lagu soo galayey xataa way siyaadiyeen,intooda waa weyn ma tukadaan waxayna caamada iyo dadka aan waxba garanayn ugu sheekeeyaan waxaan ku soo tukanay kacbada.
waxay adeegsadaan sixirka c/laahi yuusuf wuu u sixran yahay waxaa kaloo u sixran oo hada daaweyntiisa lagu jiraa ninka iska leh NETCO
ISMAACIIL XAAJI CABDI oo ay maalin walba ka soo saxiixaan JEEK lacag badan ku qorantahay
waxay cunaan xoolaha agoonta
waxay ka guursadaan kuwooda waaweyn sida shiikha iyo wasiiradiisuba JINIGA
GABDHAHA shiikhooda labada waaweyn waxaa qaba
JINIYO waana arimo aan qarsoonayn
waagii hore waxaa la oranjiray war wuxu gabdhihiisu ma guursadaan miyaa oo miyeysan ka baqayn in ay guumays noqdaan ilaa markii dambe ay soo baxday arintaani
intaas oo dhan waxaa ka sii daran waxay wax u qalaan oo ay baryaan oo ay u yeertaan oo talo saartaan oo ay nadar u bixiyaan wax alaah qayrkiis ah, waxay ku dhahaan dadka iska waaya
dhalmada wax qal oo wax samee jini hebel ama awliyo hebel(hadba kii afkooda ku soo hormara )
ayaan kuu baryeynaa isaga ayaa waxaad doonaysid ku siinaya.heerkaas ayey taagan yihiin
ANIGU WAXAAN U ARKAA INTOODA WAX KALA GARANAYSA
OO SHIRKIYAAD KAAS DADKA UGU YEERAYA OO DADKA TAWXIIDKA FAAFINAYA UMADA KA HOR ISTAAGAYA IN AY YIHIIN MUSHRIKIIN CAD OO GAALO AH OO AAN SHAKI KU JIRIN
KUWOODA YAR-YAR OO WAXBA KALA OGAYN MAGAALAYSIIN KARO LAAKIIN HADII UU XAQU U YIMAADO OO AY DIIDAAN KHATAR BAY KU SUGAN YIHIIN
W/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 08:51 am
Ninkaan wahaabi aheyni waa shirki soo mahaa? Waxaa iyaduna cad ninka laftaada ahi inuu ka sareero kuwa kale!
Anwar sheekadaas gaalnimada waa ka dheregnay ee wax kale keen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANWAR

Wednesday, September 27, 2000 - 11:46 am
saaxiib ama diin ku hadal ama sfxumada meesha kala bax hadaad tahay nin wax isku falayana kama tagteen magacaaga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 06:28 pm
Magacaagu Anwar ma yahay run ahaan? dadku waagaalo intaan wahaabiyo iyo itixaad ahaynse ma diin baad mooday? nagala tag qabyaaladda waa la idin ogyahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Thursday, September 28, 2000 - 01:04 am
Waryaa annon, saaxiib ama nimanka lagahadlayo difaac adigoo caddayn keenayo ama taageer xummaanta lagasheegay.
Labo waa mid in nimanku siduu walaalkeen kusheegay yihiin ama inay kaduwan yihiin, sidaa awgeed wax cad la'immoow oo labada dhinac midraac dadka hakulasoo boodin xanuunka kuhayee. Una fiirso hadda wixii kadanbeeyo mawduuc walba cinwaan buu leeyahay, kanna cinwaankiisa waa ( Rabiiciyiin)
Armaad waxka'ogtahay nimankaas, haddaadan waxka'ogayn dawo raadso waad xanuunsanathayee.
Arrinta magacyada aad sheegtay usammee cinwaan aad uga hadasho qofkii xiisayn baa kaaga jawaabiyee.
Rafaadsane.
Axmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-C/raxmaan

Thursday, September 28, 2000 - 03:17 am
KU:anonymous.
Salaamu caleykum. Kadib alle waxa uu yiri dad ku faanayey qolooyin ama taageero dheh (tilka umad qadqalat :Macnuhu yahay kuwa aad ku doodaysaan waa umad tagtay waxayna leeyihiin waxay hormarsadeen idina waxad leedihiin waxad kasbateen.)Marka walaale muranka inta iska daysaan maxaad idinka samaysateen hebelbaa tima wayn iyo wahaabiyaa sidaa ah inta daysaan naftiina laydiin diraya dantiina raaca inta aan waqtigu dhamaan(Oo uu qof oran aloow i celi aan camal fican sameeyee.) Walaal wixii wanaag saaidinaya halaga hadlo timo weyna waxay fashaan bey leeyihiin wahaabiyana waxayfalaan beyleeyihiin. Qofna qof dambigiisa maqaadayo ayaa alle yiri wabilaahi altowfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANWAR

Thursday, September 28, 2000 - 03:54 am
asalaamu calaykum
dhamaan hadalkiinu waa wanaagsanyahay
marka laga reebo ninka magiccisa qariyey
dalillna aan la imaan meesha aan ahayn WAHAABIYIIN bal aan ku weydiiyee maxay tahay
WAHAABI?
MIDA KALE SIDAAN KA SHEEGAY NIMANKAAS MA YIHIIN MISE WAA KA DUWAN YIHIIN HADII AY YIHIIN XUKUN KOODU WUU CAD YAHAY.
HADII AYSAN AHAYN HALKAAS BAAD KU KHALDANTAY IDHEH
DALIIL LA IMOW AMA SAAXIIB ISKA AAMUS
MAGACAYGA RUNTA AHI WAA ANWAR SAAXIIB MAGACYO AAN LAHAYNA LAMA BAXO SIDAADA OO KALE
W/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Thursday, September 28, 2000 - 04:03 am
TO:Anwar
A/s/calaykum
salaanta islaamka ka bacdi walaal waxaad u geftey umad muslin ah ayaad ku sheegtey gaalo ee ilaahey utoobo keen,hadii aan mowduuca timo ween(rabiciyo) waxaan ku faahfaahin doona hoos anigoo xogigaal waloow aan gobaladaas ka imanin.

TO:Maalin
A/c/w/wabarakatumu

Walaal hadii aan kaga waramo xerta timo ween(rabiiciyo)(cida laahi)magacyadaas aan soo shegay oo dhan waxaa lagu yeraa.Xertaas oo aan aniga ka mid ahaan jiray waxaa jira waxyaalo farabadan oo ay ku wanaagsan yihiin iyo xunba marka aan kaga bilaabo taariikhdooda.

Tariikhada
Anigoo soo kobaya waa sidan waxaa aas aasay sheekh la yiraado MAXAMED RABIIC wuxayna u jedadiisa ahay in umada soomaliyeed ee muslimka ah ku abaabiyo barashada diinta islaamka ah sheekh waa qof muslim ah madhabtiisuna waa shaafici wuxuuna aaminsan yahay dariiqada la yiraado Qaadiriyo wuxuuna xirtiisii u qeybiyey labo nooc oo kale ah
1-timo ween oo ah xir u gogey barashada diinta islaamka(quraanka ,axadiista,axkaanta iyo digriga qadiriyada) FULTIME waxaana maqlay timo oo habkaa loo daysaa in laga soo gaarey axsaabtii(alaahu aclam)

2-timo yar oo ah kuwo ubadab reer magaal oo shageeysta oo aan waqi badan u hay barashada diinta laakiin isku daya in wartaan PART TIME.

Fa`iidooyinka xerta timo weeen
Qofkii ka mid xirtiisa wuxuu wax ka bartaa diinta islaamka gaar ahaan(quraan,axadiista,axkaanta,siirada,iyo dikriga qaadiriyada).

QASAROOYINKA

QOfkii ka mid nogdaa wuxuu qadaa caqiidooyinka suufiyiinta sida SHeekoow(sheik c/qaadir oo la tawo kalo IWM) taas oo ay dhamaan suufiyiinta iyo dhariigooyoinka Qaadiriyo,saalixiyo,Axmadiyo isla qabaan.

HAdaba war iyo dhamaantiis sheekh maxamed rabiic iyo xirtiisa waa dad aad ugu wanaagsan islaam nimada waxa laga shegaye jingi iyo waxaas waa waxba kama jiraan.

WAbilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonOne

Thursday, September 28, 2000 - 07:53 am
Nabadkunoolow, mar dhow ayaa lugu gaaleysiin doonaa sidaan ku aqaanay Wahaabiyada. waa dad narrow minded u badan oon kaba fiirsan waxay qoraan. waa dad ilaahay islaamka ku saliday, waa dad xumaan kaliya faafiya. waxaan ilaahay ugu mahadcelinayaa inaan idin aqaano.

Qofkii raba waxaabiyahada iyo baadilkooda soo fiiri dooda ka socota "LABAGARRE OO KU GEFAY ALBAANI"

Halkaas ayaan ku ogaaday inay nimanku burbur yihiin. culumada ayaa sheegtay walaahi.

by the way, there are two anons. I'm the first one not the second.
peace be apon whoever deserves it

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANWAR

Friday, September 29, 2000 - 05:19 pm
A/S/CAKAYKUM
SALAANTAAS KA DIB
WALAAL CIDNA MAAN GAALAYSIIN EE WAXAAN SHEEGAY WAX JIRA HADII AY SAN JIRIN II SHEEG HAKU CEL-CELIN MAANTAY OO DHAN DAD BAAD GAALAYSIISAY
WAXA AAN SHEEGAY MALAGU GAALOOBAA MISE MAYA?HADII LAGU GAALOOBO MA JIRAAN ARIMAHAANI MASE MA JIRAAN? WAXAA FIICAN SHEY WALBA IN LA CADEEYO.
WAXAAN ALLE KA MAGAN GALAYAA IN AAN QOF MUSLIM AH GAALAYSIIYO....
LAAKIIN IGA DHAADHICIN MAYSAAN XER BAA CULUMADII SOMALIYEED AH
WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdi

Sunday, October 01, 2000 - 04:15 pm
TO: Nabadkunool and Anwar
Ugu horantii ninka Anwar sheegtay wuxuu marar badan ku cel-celiyey haddii aan tima waynta qalad ka sheegay ha la iisheego waa qaadanayaaye, haddii waxa aan sheegay ay jiraanna waaba jiraanba. Anwar waxaan ku leeyahay haddii taasi ay dhab kaa ahayd waa luguu sheegay waxaad sheegtay inay been abuur ahaayeen ee ilaahay ka cabso oo muslimiinta nabad geli,oo halkan kusoo qor inaad geftay oo aad ka xuntahay, haddii kale waxaad la mid noqonaysaa ragii jihaadka ku qaaday gobolada Bari iyo Gedo, kuna laayey boqolaal qofood oo muslimiin ah oo ay ka mid ahaayeen macalimiin, caruur, haween iyo culumadii dadka cilmiga bari jirtay welina aan ka towbad keenin.

Nabadkulool waxaan ku leeyahay adigu inta aadan wax sheegin ama wax difaacin raac labad dhinac mid maxaa yeelay xaq iyo baadil iskuma darsoona. sidaas daraadeed cadee marka hore waxa adigu aad tahay, waxaan u jeedaa Wahaabi ama sunni, intaa wixii ka soo harana waa qof aan meelna haysan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANWAR

Sunday, October 01, 2000 - 11:14 pm
TO:CABDI
HORTA SAAXIIB WAXAAD TAHAY NIN AAN WAXBA IBILOWNAYN maxaa yeelay ilaa iyo hada la iigama jawaabin su'aasahydii ahayd hadii aysan jirin waxaan sheegay hala iiga jawaabo?mid walbaa sidaada oo kale ayuu af xun la soo galayaa meesha war waxaan ka hadlayno waa diine ama daliil ii keena ama ka baxa meesha
adigu hadaad tahay nin toobad dadka u sheegaya
beenta weyn maad iska daysid xagee lagu laayey culumo iyo macalimiin dugsi iyo maato
aniga ayaa u dhasahy PUNTLAND nimanka dagaalkaas qaadayna ma ahi waxaad sheegaysana waxba kama jiraan ee ale ka cabso oo daacad u hadal mise saaxiib XER baad tahay adigu ...
TIMO WEYN WAXAAN KA SHEEGAY RUN MIYAA MISE WAA BEEN?
HADII AAD I TIRAAHDAAN HALKAAS BAAD KU KHALDANTAHAY OO AAD SAX SAN TIHIIN WAAN KALAABANAYAA ALANA WAAN U TOOBAD KEENAYAA EE II SHEEGA WAAXAGAA? SI FIICAN IIGU SOO CADEEYA LAAKIIN ISKA HADAL MADOONAYAO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Monday, October 02, 2000 - 01:45 am
TO:Anwar
a/s/calaykum
Salaanta islaamka kabacdi hadii aan kaga jawaabo su`aalahagii.
1-xerta timo weyn(rabiici)Ashahada waxba kuma darin ee taasi waa beenta.
2-Gabdhaha sheekha jini wa gabo,laakiin xirta waxay dhawdaa jini IWM
3-xerta salada jimcaha iyo kuma kalaba waa tukadaan waxay ku tukudaan hoygooda madaama ay dad badan yihiin(+40)
4-sheekh maxamed rabacii iyo xirtiisa xajka waa ku wagibaa sida uu ugu waa gibo,laakiin madama xoolaha la wada le yahay ayaad maxaad modaa in uusan qof kaligii ku xajin karin(dhaqaali dari awgeed ayeysan inta badan u xajinin).


TO:Abdi iyo aqayaata kale
Aniga waxaan soo ahaan jiray wahaabiyo waan ka baxay oo waxaan galay xerta timo ween iyana waan ka baxay hada waxaan ahay suni dhab ah waxaana xog ogaal u ahay waxay ku qaldan yihiin labada suufiyiinta iyo waxaabiyiinta.
Hadii aaan si kooban idiinku sheego waxay ku qaldantiin waatan.
1-Suufiyiinta waa daad diinta aad u jacel laakiin waxay ku qaldanadeen tawakulka oo ah in la yiraado sheekh hebaloow tusaale ahaan sheekh c/qadiroow oo wax u dhimi karta xagiidadad hadii aad aaminto in uu sheekha ku kaalmey karo ilaahey ka sagoow.
2- wahaabiyiinta waa sidoo kale dad diinta jecel laakiin waxaad omodaa in waxyaabo badan iskaga qalgameen sida in aysan kale soocin xatiiska daciifka ah iyo midka saxiixa,waxay ka tegeen cilmiga la yiraadi fighi oo waxay yirahaadeen waxaan ku dhaqmeynaa kitaabka iyo axaadiista oo kaliya iyadaoo cilimi figiga uu yahay fasirada ay bifiyeen axsaabtii salafu salaxa (RC), waxaa kaloo ay isku qaldeen mahabtii afarta aheed shaafici ,axmedii,maliki,IYO xanaFI IYAGOO mid walba ka soo qadanaya wixii ka anfaca wixii kalana iska tuuraya, xaqiiqdii MAdbaha afarta ah kuligood waxaa la isku raacey culimada in ay sax yihiin laakiin qof waa in uu mid qataa ee usan isku barxin.


Wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBNUSNI

Monday, October 02, 2000 - 04:49 am
NABADKUNOOL.
JAHLIGIIBAA INTA KUQARIYAY DHAGIHII KALIYA KAASOO JEEDAAN MARKAASAAD WAXAADAN AQOON ULAHAYN DHEX DABAALANAYSAA, WAA CAJIIB?.

MATAQAAN MADAAHIB KALE OO AAN AFARTAAS AHAYN?.

HADII WAHAABIYADU( WAA SIDAAD HADALKA U DHIGTAYE) AYNAN KALA SOOCIN AXAADIISTA SAXIIXA IYO TAN DACIIFKA AH YAAKALA SOOCA BAL NOO SHEEG?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Monday, October 02, 2000 - 05:01 am
TO:ibnusni
af caytamey ninkiisuu ku yaal,ruux sidaa oo kale ahna uma jawaabo waayo wax ay ka anfacayso ayaanba jirin.
Ee marka hore soo baro si dadka lola hadalo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANWAR

Monday, October 02, 2000 - 06:31 am
to: NABAD KU NOOL
UGU HORAYN SAAXIIB WAXAAD TAHAY NIN GEESI AH
LAAKIIN XAGA FAHANKA AYAAD KA LIIDATAA...
WALAAL.SALAADA JAMAACADU WAA WAAJIB LOONA BAAHAN YAHAY IN LALA TUKADO DADKA muslimiinta ah.sidaad sheegtay hadii ay jamaacu tukadaan marka ay salaadu ku qabato banaanka maxay ula tukan waayeen dadka muslimiinta ah.mise saaxiib ku waas uguma baxdo salaadu?weli lama sheegin xer jimce tukanaysa hadaadan adigu ku riyoon jimcahana waxa ay u tahay feesto oo way qayilaan....mida kale hadaadba tiri TAWAKULKA AYEY KU XUN YIHIIN (WAA TAAN HORAY U SHEEGAYE)QOFKII TALO SAARTA CID AAN AHAYN RABBI MUXUU YAHAY XUKUNKIISU?TAAS ADIGAAN KU WEYDIINAYAA...
WALAAL MAD HABAHA AAD SHEEGTAY DHAMAANTOOD WEY SAX SAN YIHIIN OO CULUMADA AAD SHEEGATAY WAA AIMATUL MUSLIMIIN....SIDAAS DARAADEED WALAAL HA ILAAWIN IN CULUMADU AY YIHIIN BASHAR GAFNA KA DHICI KARO..ANIGU WAXAAN AHAY SHAAFICI.. HADII SHIIKHAYGA SHAAFICI MAS'ALO LOOGA XOOG BADNAADO OO SHIIKH SHAAFICI UU SI KALE U FAHMO MAS'ALADAAS WAXAAN QAADANAYAA ANIGU MEESHA UU DALIILKA SAXDA AHI YAHAY...MAXAA YEELAY QOFKA MUSLIMKA AH WAXAA WAAJIB KU AH IN UU XAQA KA QAATO QOF WALBAA..MAXAAD MOODAA CULUMADA WAAWEYN SIDA ABU-XANIFA IYO MAALIK IYO AXMED...HADII SHIIKHAYGA LOOGA SAX SANAADO MEEL WAXAAN RAACAYAA QOFKA KU SAXSAN MEESHAAS.WAANA SIDII UU NAGULA DARDAARMAY IMAAMU SHAAFICI(HADII UU HADALKAYGU KHILAAFO HADALKA RASUULKA TUURA HADALKAYGA )sidaas ayuu yiri shiikhu.dhamaan culumaduna sidaas ayey yiraahdeen
taas waan kaaga jawaabay saaxiib..mida kale arinka jiniga saaxiib anigaa la dagan mana aha wax qarsoon waa arin cad oo aan u baahnayn inkiraad..ashahaadada in ay wax ku siyaadiyeen horay baan kuugu sheegaye bal meel wax u qaad?
xajku waa jib ayuu ku yahay sheekha iyo wasiiradiisa waa raga maalka gacanta ku hayee.JAADKABA WEY KU CUNAANE MAXAA UDIIDAY IN AY KASOO XAJIYAAN?saaxiib ha is indho tirin ilaa iyo hada lama hayo xer lagu arkay XAJKA....
SI CADAALAD AYKU JIRTO AAN U WADA HADALNO
XERTU ANIGA GEEL IGAMA DHICIN SAA MABA LIHIYE..DAMBINA IGAMA GALIN ..LAAKIIN DIINTA AY KU CIYAARAYAAN AYAAN KU NACAY ILAAHAY DARTIISNA WAAN U NECBAYSTAY...
AXAADIISTA DACIIFINTEEDA IYO SAXIIXINTEEDUBA ANIGA IYO ADIGUBA MA AYNAAN GAARIN... LAAKIIN WAA CILMI LA BARTO SAAXIIB.WEYNUNA BARAN DOONAA HADII ALLE IDMO
IGA RAALI AHAADA HADALKII WAAN DHEEREEYEYE
WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Monday, October 02, 2000 - 08:53 am
NABADKUNOOL:
WAXAAN KU WAYDIINAYAA DHOWR SU'AALOOD:
1)walaal afsoomaaliga si fiican ma uqortaa?
2)maxaa la yiraahdaa wahaabiyiin?
3)waa kee suniga dhabta ah ee aad tahay?
4)waa maxay xadiithka daciifka ahi iyo midka saxiixa ahi,xageedse ka baratay kala saarista axaadiistaas noocaas ahi?
5)maxaad ka wadaa cilmiga figiga(waa saad u qortaye)ee ay bixiyeen axsaabtii salafu salaxa?
6)maxaad ka wadaa madaahibta 4ta ah ee laysku khalday,sideese laysugu qalday?
CAJABAN:FIIRI WAXAAD QORTAY
WAXAA LA ISKU RAACAY INAY CULIMADA 4TA AHI SAX YIHIIN(nacam)MAXAADSE KU XIJISAY,EE WAA INUU QOF WALBA MID QAATAA EE UUSAN ISKU BARXIN!!!!!!!!!!!!
ninyahow waxaa hadalkaaga ka muuqata inaadan weligaa aadan fariisan meel xitaa uu fadhiyo sheekh itqaaniyay oo yaqaan arbaciinu nawawi waa aragtidayda ha xanaaqin laakiin bal su,aalahaas si cilmiyaysan uga soo jawaab taasoo ay ka marantahay ALHAWAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Wednesday, October 04, 2000 - 02:57 am
TO:ANWAR
A/s/calaykum
SAlaanta islaamka ka bacdi hada ayuu hadalkaga wanaagsan yahey,waayo Waxaad yareysey aflagadada.
Hadii aan isoo nogdo mowduuca Aniga kama tirsini xerta tima ween mana difaacayo, laakiin waxaan sheegaya uu wuxii ilaahey ila og yahay ee aan ku arkey mudadii aan la nolaa xumaan iyo wanaagba,sidoo kale waxaa wanaagsan in ay doodeena ay noqato mid lagu kale faa`iideyto ee aysan nogon,mid lagu aflagadeeyo culimada iyo caamada soomaliyeed,hadii ay taasi dhacdo anigu ku sii lumin maayo waqtigayga meer aan qeer ka soo socon, waxaana fiican in la kala Ger qaato oo wixii xun ee ku jira Wahaabiyada iyo suuufiyiintaba la iska saxo oo aysan nogon is difaacid.
Hadii aan isoo nogdo ka jawaabida su`aalahaga
Salaada jimcaha hadii ay xirta la tukan wayaan umada kale waa qalad taas waan ku raacey ,waloow aan anugu arkin meel ay kula tukan wayeen.
Tankale arinta qaad waa runtaa qaad waa cunaan,laakiin qaad ma xaraanbaa? waayo culimo badan ayaa waxay qaad u arkaan karaahiyo.
Arinta madhabta uu yiri imaam shaafici (RC)(Hadii uuu hadalkeyga qilaafo hadal rasuul(S/W/calayhi)tuura hadalkeyga) taas macnaheedu maha in aad hadal sheekh kale yiri qaado ama aad madhabaha isu baraxdo.

wabilaahi towfiig

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Wednesday, October 04, 2000 - 03:37 am
TO:Sunnah:
A/s/calykum
salaanta islaamka ka bacdi waxaan ku waydiiyey maxaa sidaa ku kululeyey ma waxaan taabtey boogtii,misa runta aan sheegay ayaad ka xanaagdey,taasi waa calamada lagu yagaano seef la boodyaasha, ee hadii aad aqoon korosi rabtid welcome hadii aad dood macno daro ah rabtid wuxuu boos kaga banaan yahey (LABAGARRE OO KU GEFAY ALBAANI) ee halkaa iska xadari.

Tankale hadii aan ku soo noqdo su`aalaha (likuli suàali lamaa jawaab) jawaabteeda wa tan
1-afsoomaliga ma aha afkeyga hooy ee maxaan ku barey iskoolka walaahi.
2-Wahaabiyo ama "aqwaanu muslimiin" waxaa aas asey sheekh reer siiriya ah ooo la yiraado sheekh maxamed c/waaahi wuxuuna u aas asey in uu muda islaamka ah waxaayaha bidcada ah ee ku soo biirey caalamka islaamka ah uga digo.
3-Suniga dhabta ah waa ruuxa muslimka ah ee ilaahisa iyo rasuulkiisa (s/w/calayhi) aaminsan xumaantana ka dhoorsoonada wanaagana ku dhaqmo,umada islaamka ahna aan kala soocsoocin.
4-Axaadiista daciifka ah iyo kuwa saxiixa ah sida uu noo shegay walaalkeen ANWAR waa cilmi la barto, hadii aan isku dayo inta aan ku dhaamo in kuu sharxo axaadiista saxiixa iyo daciifka
A-Axadiista saxiixa ah waxaa laga soo wariyey dad axsaabta ka mid ahaa oo la humo in ay yihiin dad run sheeg ah,daacad,qayaamo aqoon,aamin ah iwm oo kagu kalsoon yahey.
B-Axaadiista daciifka ah waxaa inta badan kagu kalsooney dadka kaga soo mariyey ama silsilada taxanaha ee uu xadiiska soo marey ayaa waxaa ku jira shagsiyaad aan la hubin daacadnimadooda ama run sheeg nimadooda.
5- cilmiga figiga waa dadaal iyo sharaxaad ay ka bixiyeen culimadii hore wasirada quraan kariim ah iyo axaadiista.
6-Madhaba la isku qaldey hadii aan wax kaga taabto waxaa ka mid ah xanafiga iyo shaafiga(hadii aan rabtid sharaxaad waxaan ku sharaxi doono waayo qormadan way dheraatey aqristayaashana ma jecla in ay aqriyaan qormo dheer)
Gebo gebo waxaan rajenayaa in aan su`aalahigii jawaab buudo ka siyey hadii aan qaldmo waxaan ahey bashar waad i sixi kartaa adigoon cidna aflagadeynin.


Wabilaahi towfiig

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUNNAH

Wednesday, October 04, 2000 - 08:23 pm
TO:NABADKUNOOL
A/C/W/WABARAKAATUHU
walaal ma xanaaqin hadalkayga ugu dambeeyana waa
aragtidayda aan ka qaatay qoraalkaaga,waana arin wanaagsan in naseexada la kala qaato,laysna saxo
laakiin jawaabtaadu waxay u egyahay mathalkii ahaa (ZIIDU DHIINA BILLA),kumana qanacsani jawaabahaagii labo maahane mida koobaad iyo mida sadexaad inta soo hartay laguma waafajin.
2)NIMANKA AAD UGU YEERAYSO WAHAABIYO ANIGU UMA AQAAN LAAKIIN HADII AAN KUU RAACO ORAAHDAADA IYO KUWA AAD LEEDAHAY IKHWAANUL MUSLIMIIN WAXAA U DHEXEEYA FARQI WEYN,TAASINA WAXAY CADAYNAYSAA WALAAL INAADAN CIDNA AADAN GELIN KANA BIXIN ILEEN MABA KALA TAQAANIDE!!!!!!
4)TACRIIFKAAGA AAD KA BIXISAY DACIIFKA IYO SAXIIXA KU LAABO KUTUBTA MUSDHALIXA,MAXAA YEELAY
WAXAAD KU DHACDAY KHALAD FAAXISH AH WAXAAD TIRI BAL MARLABAAD AKHRI:
waxaad tiri [AXAADIISTA SAXIIXA AH WAXAA LAGA SOO
WARIYAY DAD AXSAABTA KA MID AHAA OO LA HUBO INAY YIHIIN DAD RUN SHEEG AH,DAACAD YAQAAMO,AQOON AAMIN.IWM...
WALAAL ASXAABTA MAR QAAR BAA BEEN SHEEGI JIRAY SOWSE MA OGID CAQIIDADA AHLU SUNAH INAY TAHAY
IN ASXAABTA DHAMAANTOOD AY CUDUUL RUNSHEEG AH AHAAYEEN SIDIIBA UU ILAAHAY UGA RAALI NOQDAY SIDUU KU SHEEGAY KITAABKIISA.
JAWAABAHA INTOODA KALANA WAA KUWAAS KUWO LA MIDA
WALAAL WAXAAN RABAA INAAN KU XASUUSIYO XADIITHKII NEBIGA S.C.W EE AHAA:
[AL-BUTASHABIC BIMAA LAM YUCDHA KA LAABISIN THOWBAYIN ZUURIN]OO MACNUHU YAHAY ruuxii iska raadiya waxaan la siinin(waxaa ka mida cilmi uu sheegto}wuxuu la mid yahay nin xiran labo maro oo been been ah.
ADIGOO KALE OO NABAD DOON AH WAA LOO BAAHAN YAHAY DADKANA DHEXDHEXAADIYA LAAKIIN WAA INAAD CILMI KU DHEXDHEXAADISAA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.