site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Salaada Subax

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): Salaada Subax
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geele

Saturday, September 30, 2000 - 03:10 am
SWW
Soomaliyeey salaada subax ayaa dhib igu ah inaan u tukado ee maxaa ku jaban in markaan soo koco aan tukado ileen salaadu hurdo waa kaaga tagi kartaae. Hadaa i kaalmeynayso waxay ila tahay iyo saas waaye ha i oran adigoo aan ii shiigeyn sababta ay khaasab ku tahay inaan koco. I mean daliil.

Mahadsanid SWW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Net2000

Saturday, September 30, 2000 - 11:26 am
Asalaamu Caleykum

Walaal marka hore Allaan weydiisanayaa inuu adiga iyo anigaba nagu hanuuniyo inaan Salaada waqtigeed ilaalino; inoona sahlo sidii aan salaada subax u toosi laheyn.

Bal aan jawaabta labo u kala qaado; hadey su'aashaadu tahay salaada ma daahin karaa, hadaad KAS u daahisid dambigeedaad leedahay laakiin hadaad maalin iyo labo kaa daahdo Alle waa naxariis badane daalacanaya quluubta adoomadiisa. Ma laga yaabaa inaan maalin walba ka daahdo shaqada, schoolka, cuntada, guriga, biilka ma daahisaa maalin walba, ma se ka soo daahdaa xaaskaada habeen walba? Hadaba see isugu dayda kii kuligood abuuray inaad qadarin weydo oo intii yareed uu kugu adoonsaday aad ka ZAAGZAAGTID? Bal ka fakar......is this OK?

Salaada oo waqtigeed laga daahiyo dambi weyn ayey leedahay. marka hore quraanka waxaa ku sugan in WAADI NAAREED ay u sugntaayay kuwa salaaadooda hilmaansan (culumada waxey ku fasireen kuwa salaada fududeystay oo waqtigeeda ka tagaya, naar gali mayo qofka salaada dhexdeeda kala hilmaansan oo rakcooyinka kala ilaawaya ee waa midka waqtiga hilmaansan oo kas u daahinaya)

Salaadu waxey tahay waxyaalaha dhibta aduunka kuu sahla laguna tala galay in mashquulnimnadii aad ku jirtay in yar aad ka firaaqootid Allena aad xusuusatid. Salaada oo on time lagu tukado waxaa laga helaa AJAR badan, Qalbigaaga oo diinta iyo nuurka u furma, Maalinta qiyaamaha oo aad ku badbaadid, Balankii Alle aad la gashay oo dhamesytirma, wiliba salaada subax ayadu intaas wey ka xag jirtaa, waxey ayadu dheer tahay in malaai'gta xaadirto, in XURDADII ilaahey aad ku jirtid, aad JANO ku cirib dambeysid iyo inay dambi dhaaf kuu noqoto. Marka guntinka u xiro ee ha ka caajisin yaadan noqon kuwii mudada ku dheeraatay oo qabliga madoobaaday Ilaahey hilmaamay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umm-soomaal

Saturday, September 30, 2000 - 11:32 am
As-salaamu calaykum.

walaal Ilaahay ha inaga dhigo kuwa salaada xafida,ku khushuuca,una tukada habkii uu Rasuulku(scw)utukaday(aamiiin)

sidaad lasocoto salaada subax waa waajib siday salaadaha kaleba u yihiin waajib(khamsa salawaat)

khasab iyo waajib ayey inagu tahay inaan u kacno wakhtigeeda ilaa inagoo hurdo inala tagto mooyeene.
arintaa waxaa u daliila laba shay,
1-Ilaahay kor ahaaye wuxuu Quraanka suuratul baqara ku sheegay inay salaada Mu` miniinta dushooda waajib ku tahay leedahayna wakhti go`an.

2-salaad waliba waxay leedahay wakhti ay soo gasho iyo wakhti ay baxdo.
markaa hadaad wakhtigeeda kadib dhigtid iyadoo aanad haysan cudurdaar ah hurdo ama nisyaan waa arin aad looga digo khatarna ah.

mar Rasuulka (scw) la waydiiyey camal ILaahay loogu dhawaado keebaa ugu khayrbadan wuxuu yidhi"as-salaatu liwaqtihaa"
oo macnaheedu yahay salaada oo wakhtigeeda lagu tukado.

hadaba waxaad i waydiisaa adigaa og sababtay kaagaga tagtaa waa maxay?
haday tahay inaanad digtoonaantii qaadanin aad u baahnayd waxay u badantahay inay kaa tagto.

waxaan ku soo gaabinayaa qoraalkayga sidan.
1-hurdada habeenkii seexo wakhtiga ugu horeeya eed shaqadaada muhiimka ah dhamaysato.
maaha inaad ku soo jeedid sida T.V iwm.
xataa hadaad ku soo jeeday khayr sida Quraan akhris ood seexato markay salaadii dhawayd kaaa deeqimayso kaseexashada salaada subax.

2-samayso saacada dadka kicisa alarm clock.
hadad ku nooshahay wadan laga eedaamo oo Muslim ahna waa khayr.hadaad mid ku kici waydo samayso ilaa intaad ku kici karto 10 hanoqdaane.

3-hadii cidi kula degentahay sida xaaskaaga iyo wixii lamida kubalanso inay ku toosiyaan.

4-habeenkii markaad seexanayso niyada gasho inhadii mid dhawaaqayaa kuu dhawaaqo oo ku yiraa salaada fajarka kadib naftaa lagaa qabanayaa inaanad hurdo aad salaada u kici waydo seexanayn.

5-ugu dambayntii walaal khayr badan Ilaahay haku siiyo e ALLAAH kabari markasta inuu ku waafajiyo u kicitaanka salaada subax iyo dhamaan salaadaha.
ducaduna waa saacidaad weyn.

waxaan rajaynaa inay culimo soo booqdaan bogan oo noogu deeqaan wixii Alle baray.
wa bil-LAAHI tawfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.