site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAKA JOOJIN KARNAA DADKEENA MURAN DIINEEDKA SALKA KU HAYA FIRQOOYIN

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MAKA JOOJIN KARNAA DADKEENA MURAN DIINEEDKA SALKA KU HAYA FIRQOOYIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUMANE

Unrecorded Date
ASSALAAMU CALYKUM.

Walaalyall salaan kabacdi waxaan aad u jeclaystay in aan bal u soo bandhigo walaalahay arin run ahaantii aad aniga ii dhibtay taas oo ah is hays haysiga Dariiqooyin,Axsaab,iyo xitaa firaq. Marka bal aan adinkana aragtidiina eegee ilay aragtiyo uun baanu haynaaye ka warama sidee ayaan dadkeena ugu yaraan ugu joojin lahay muranka ay is haystaan ayadoo qof waliba uu ku qanacsan yahay sida uu Rabi u caabudayo oo aanu uga dhigi lahayn ku isku wada daya in dadkan qoloba ay in la sii socto ay waxka soo qabtaan "waxaan u jeedaa dowlaha qaybsaday dadkeenii"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Qumane firqooyin in la noqonayo nabigaa sheegay marka la noolaadkooda aynu ka shaqayno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abuyahya

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum,
Walaal Qumane sida uu sheegay 'Anon', Nebigu (SCW) wuxuu inoogu sheegay Xadiis saxeex ah in ay Ummadiisa (i.e Muslims)u qaybsami doonto saddex iyo todobaan (73)qayboob dhammaantoodna ay Naarta geleyaan mid mooyaanee. Ta badbaadaysa wuxuu Nebigu (SCW) inoogu sheegay inay tahay ta ku taagan sidii uu Nebiga iyo Asxaabtiisi ku taagnaayeen waqtigoodii.

Markaa waa arrin uu Nebigu (SCW) in kabadan 1400 sanadood inoo sii shaagay.
Haddaba ta laynaga doonayo inaguna waajibka ahi si aynu uga mid noqono 'koox'daa badbaaday waa in aynu Diinta u qaadana sidii uu Nebigu (SCW) u baray Asxaabtiisa, lagana tago Axsaabtan iyo Jamaacaadkan aan asal ku lahayn Diinteena. Sababtoo ah Asxaabtu ma ay u qaybsamin Axsaab iyo Jamaacooyin. Bal, Allah (SW) in ka badan aayad ayuu inooga digayaa in koox-kooxo loo qaybsamo.

"Diinta ha loo fahmo ha loona qaato sidii ay 'Salaf'-kii (i.e Asxaabtii iyo Taabiciintii) u fahmeen una qaateen".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TO: WALAALAHA ISLAAMKA AH
walaala yaal waxaan rabaa inaan wax ka deeqsiiyo wixii alle ibaray walaalahayga islaamka ah!!!

walaalayaal sida walaalahayba horay u sheegeen
nabiga(scsw) wuxuuyiri waxaa imaan doono(73)
firqood, marka rasuulku wuxuu yiri ninkee raba-
inuu mida saxda ka mid noqdo asxaabtii baa tiri-
Aniga aniga> wuxuu rasuulku yiri
sunadayda iyo kitaabka quraanka ah iyo
jidkii khulu faa u raashidiin ninkii raaca
ee goows danbeedka ku qabsada -
wuu ka bad baadayaa firqooyinkaas

wixii qaladana gaf iyo shaydaan bayka ahaatay
wixii wanaagana allaa iwaafajiyay(alxamdu lillaah)
WABILAAHI TAWFIIQ
WASALAAMU CALAYKUM
DEEQO2@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI

Unrecorded Date
To Qumane


Runtii waxaad meesha keentay su,aal muhiim,ah una baahan jawaabteeda inkasstoo aanan ahayn raggeedii oo la,iga cilmi badanyahay.

Midda koowaad aan kuhormaro dooda Suubane(scw) Wuxuu xaddiis saxiixa kuyiri qofkii dooddaiskaddaaya waloow hadduu xattaa ogyahay inuu xaq kutaaganyahay ilaahaybaa guri uga dhisa JANNDA......

Marka qof cilmi anfaca eebba siiyo maddoodo ee waa iskadhaafaa....

Tanlabaad firqada. Ilaahay ayaa dadka asaga rumeeyay waxuu uddortay magac layiraahdo Islaam
kuwa hadda jooga iyo kwii naga horreeyaybawaana magac alle uu udoortay khalqigiisoo dhan kuwa asaga raacay. wixii kasoo harana firqooyin nooc nooc ah ayuu kutilmaamay sida inuu alla kusheegay mushrikiin, kaafiriin,majuusiin,yahuud, nasaaraa,
marka halkaa. markaa halkaa waxaa kaaga caddaaday inuu islaamku wax firqo lahayn wixii kasooharana ay firqa lee yihiin. marka qof ilaahay magac ubaxshay inuu magac kale kuuddarsadaa ama isku bixiyaa mawax qof islaamah kasuurtawdaa........

Walaal diintu waa wax cd oo loo jeedo qof ilaahay cilmi anfaca siiyay masheegto firqo,islaamkoo dhanna waa isugumid dadka sidaa sameeya oo xisbiyada isku magacaaba oo waliba xafiisyada usamaysta ayagoo aan kumacaabayn islaam oo kumagacaabaya firqo oo waliba iskudayaya inuu dagaal iskula taago firqa kale oo islaam, ah soona dhawaysto wixii firqadiisa raacsan sida maanta adduunyada kajidha illaa manrax.waxaad kagaranaysaa dadkaa sidaa yeela inaysan cilmilahayn ama cilmi anfac leh ilaahay baan kamagan-g.

Waxaa aydana lamida dadka qarannimada kudhaga ayagoo ilaahay kadhigay islaam oo soo dhawaysta wixii laqaranah fogeyana wixii aan laqaran ahayn.


waxaa lamida qabiilka....................

Ilaahaybaan kabaryaynaa in dadku fahmaan magaca ISLAAM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abuyahya

Unrecorded Date
Jazaaka-llaahu Xaaji

Allah haynaga dhigo Adoomo u qaata Diinta una fahma siday 'Asxaabtii' u fahmeen una qaateen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sayid

Unrecorded Date
To: Xaaji


Xaaji aad baan ula dhacay wacdigagii wax wayn ayaanna kafaa iidaystay dadbadan oo maanta fidmada firqada ay taabtay hadday wacdigaan arki lahaayeen waa ay kawaan toobi lahaayeenn

Waxaana ilaahay kabaryaynaa inuu ummaddiisa waa fajiyo hanuunka saxda,ah.qofka waxaa laga doonayaa inuu diinta siday tahay ufuliyo asagoo aan wax dana kalahayn illaa aad ugu dhawaati alle.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUMANE

Unrecorded Date
ASSALAMU CALAYKUM.

Walaalayaal waad mahadsantihiin aad ayayna ii cajebisay erayadiinii balse hadalku yuu ila tagine waxaan idinku biirin lahaa oo kale waa run oo in xadiis saxiix'e uu sheegay qeybsanka sidoo kale ayaad quraan ah ayaaba cadaysay in dadka loo abuuray kala tag waxayna tahay "Hadii ilaahay uu doono dadka wuxuu ka dhigi lahaa hal ummad oo diin kaliya haysata laakiin kama ay tegayaan inay is khilaafaan intii alle u xariistay mooyee taas ayaana loo abuuray hadalka eebena wuxuu ku ikaaday in aan Jahanabo ka buuxiyo Jini iyo Insiba dhamaantood(i.e waa wixii jidkiisa qilaafee)" HUD #118-119.

Marka walaalayaal anagoo sidaa u og waan garanayaa in hal ummad ah meel halaysugu keeno aanay dhacayn eebal waxaan is oran lahaa ummadaha kale ayaagoo kala aaminsan waxaan aan kala aaminsanahay iyo wax ka sii fog ayay hadana isla nool yihiin (i.e Hindida) marka walaalayaalow dib inta laysgu noqdo aanu kasaarno meesha waxaayabaha yar ee xerada laysga saarayo. Waxaysa aniga ila tahay in hadii ladadaalo dadka wax atleast wax laga badilo karo qaab nololeedkooda hadii qaab fakarkooda wax laga badalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
Walaalayaal intii wax ka tiri iyo ninkii arintan soo jeediyayba Ilahay khayr haydinka siiyo.
Laakiin waxaan aniga sida ninkaa arinta soo jeediyay i dhibayey nudo badana aan islahaa sidee xal loogu heli karaa dad iyagu kuwada abtirsanaya sunada Nabiga (S.C.W) oo aanu jirin farqi u dhaxeeya oo xaga caqiidada ah ama acmaasha kaleba laakiin isaga cadaawo badan gaalada .
Xaqiiqdii waa arin murugo leh ,waayo soomaaliya dhawr sano ka hor dacwada islaamku si fiican ayay u socatay oo dhalinyaradu mid u ahaayeen ,laakiin waxaa hada soo baxay khilaafyo iyo inay dhalinyaradii xarako u tacasubaan ama ay jeclaystaan ,shiikh kaliyana ay wax ka dhegaystaan oo culumadii soomaaliyeed laka fadilo ama loo gaysto aflagaadooyin xunxun.
Hadaba aynu is waydiinee maxaa arintan keenay maxayse raad oo inagu reebi kartaa ?
Anigu waxaan aaminsanahay inay tahay arimo ay abaabuleen cadawga islaamku oo ay yuhuudu ugu horayso,waxaa sii fududeeyey bisayl laáanta soomalida ah waayo waxaynu hadaynu soomaali nahay waxaa inala fudud in qofka hadii aan tiisa la raacin aanu cid kale dhagaysan cid kasta oo fikirkiisa mid ka duwan qabtana uu dhaleeceeyo,marka walaalayaal waxaa inaga maqan bisayl iyo garasho aynu garano danta guud ee ummadeena iyo dadkeena waana arinta keentay inaanay soomaaliya mudo intaa le'egi dawlad ka dhalan waydo.
Waxaa kale oo iyana jira in khilaafka culimada u dhaxeeya aanay ku xalin wada hadal iyo inay wax iska dhaadhiciyaan laakiin ay bilaabaan muxaadarooyin ay isku radinayaan ,taasoo dhalinyarada jahwareer ku rida keentana inaanay xaqa fiirinine uu mid waliba shiikhiisa difaaco.
Maxaa raad ah oo ay inagu reebi kartaa ? .
Waxay inagu reebi kartaa raad dhow iyo mid fog labada ,waxaa jirta inaan magaalooyin badan oo yurub ah ku aragnay in dacwadu sidii waagii hore aanay u socon,waxaanay keeni inaan ilawno yoolkeenii ahaa inaan helo dawlad islaam ah oo caadil ah .
Waxaan ka baqayaa inay isu soo haraan dhawr sheekh oo is radiya ,dadkiina gacmahooda lagala baxay.
Maxaa xal ah:
Waxay ila tahay in dhibaato kasta oo dhacda ay xal leedahay hadii si sax ah loo raadiyo waxaynuna samayn karaa talaabooyinkan soo socda waa siday ila tahaye:
1) in qof waliba ku dadaalo barashada diinta islaamka si ay markaa ugu cadaato dhinaca xaqu jiro .
2)Baryo Ilaahay la baryo inuu xaqa kugu toosiyo.
3) In la isku dayo sidii culumada looga dhaadhicin lahaa inay khilaafkooda ay dhexdooda ka dhamaystaan,ee aanay dhalinyarada kusoo dhex tuurin.
4) In qofka walaalkaa ah ee aad khalad ku aragto aad isku daydo inaad si waanagsan u saxdo .
5) In laga fogaado waxyaalaha khilaafka keena oo laysku dayo in laga wada shaqeeyo intii laysku raacsan yahay.
Wixii aan ku gafay waxay ka ahaadeen naftayda iyo shaydaan ,wixii aan saxayna Ilaahay ayay mahadi ugu sugnaatay.
Raali ahaada maqaalkan waan dheereeyey waayo arinta ayaa i gubaysa.
qofkii doonaya inaan ka wada shaqayno sidii wax looga qaban lahaa arintan fadlan ha ila soo xiriiro.
Walaalkiin abdalla_199@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saahid maxamed

Unrecorded Date
AL-salaamu calaykum:
waxaa la yiri gadaal ka gaar goob dumis-alle nagama dhigo-waxaan jeclaystay in aan wax yar ka iraahdo maqaal taariikhdiisu horaysay oo ku aadanaa bishii JUUN,1999.Kaas oo ku saabsanaa khilaafka u dhaxeeya xarakaadka islaamka ee waqtigan xaadirka ah kaas oo wallaalo badani ka hadleen,waxaanse ku dari lahaa qodobadan:
1)Ugu horeyntii khilaafka waa nalala qabaa oo anaga oo kali ah ma nagu koobna ee caalamka islaamka oo dhan ayey ka jirtaa khilaafka u dhaxeeya xarakaadka.
Sida lawada hubana waxaa ka dambeeya cadawga islaamka oo markii ay rideen khilaafaddii cusmaaniyiinta 1918kii,oo u dhiibteen caalamkii islaamka kooxo ay wax ku soo bareen wadamadooda oo
gaalo raac ah,ayey is yiraahdeen aleelehe islaamkii maanta ayaad geliseen siriqdii aad la rabteen.
Ayaa si lama filaan ah rabi u bixiyey SHIIKH XASAN AL-BAN'NAA oo aasaasay AL-AKHWAANUL MUSLIMIIN EE dalka MASAR 1928.Mar uun bay ku baraarugeen DHAKHAATIIR,INJINEERO,JOURNALIST,IWM
doonaaya in islaamkii loo noqdo markaas ayey fideen xarakaadka aad maanta ku aragteen caalamka islaamka.Maalintaas ayey gaalo bilawday in siyaasadeeda ay bedesho oo khilaafaadka muslimiinta buunbuuniso xarakaadkana ay dhexdooda ka shaqeeyaan sida uu qirtay JaaJuuskii MARAYKANKA
RICHARD B.MICHELLE u fadhiyey BARIGA DHEXE WARQADDIISII UU U QORAY(CIA)1979 WAXAADNA WARQADDAAS KA HELI KARTAA AYADDOO CARABI KU TARJUMAN KITAABKA LA YIRAAHDO (AL-DARIIQ ILAA JAMAACATUL AL-MUSLIMIIN).
2)Maanta Jamaacaad islaamka ee iskhlaafsan,muxuu
yahay khilaafkoodu ma mid asal ah baa mise mid farac ah?midka asalka ahi waa kan la isku khilaafo
shay asal ah sida caqiidada waana kan ka dhaxeeya AHLU-SUNNAHA IYO SHIICADA OO KALE.Midka faraca ah
waa kan la isku khilaafo shay aan caqiido ahayn sida khilaafka madaahibta oo kale.Haddaba khilaafka islaamiyiinu waa mid farac ah oon gaarsiisnayn asal,mana banaana in lagu kalo tago khilaaf farci ah.
3)Wuxuu ku yiri macalinkaygii SHIIKH SALAAX AL-SAAWI KITAABKIIA QIIMAHA WEYN LEH EE (TARSHIID AL-CAMAL AL-ISLAAMI):[MA KA DHIGNAA KHILAAFAADKA KU DHEX JIRA XARAKAADKA ISLAAMIGA AH MID AAN UGA QIYAAS QAADANO KHILAAFAADKII MADAAHIBTA FIQHIGA AH
EE CULUMADII HORE]MARKAAS AYUU KU JAWAABAY:NACAM!!
HADDABA SIDAAS AYAA NAGU HABOON HADDAAN NAHAY ISLAAMIYIINTA IN AAN WALLAALKEENA NAGU KHILAAFSAN
XAGGA ARAGTIDA 15%AAN KU XARIIRINO 80%AAN ISKU WAAFAQSA NAHAY.

WA BILAAHI AL-TOWFIIQ

waa wallaalkiin :saahid maxamed yusuf
TORONTO,CANADA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.