site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAHAABIYAH VS MUSLIMS

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): WAHAABIYAH VS MUSLIMS
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Sunday, October 01, 2000 - 03:28 pm
Waxaa beryahan danbe soo dhex galay ummadda Islaamka cudurka loo yaqaano Wahaabiyada. Waxaa waajib ku ah dadka wax yaqaan markastaba inay dadka uga digaan bidcada. Halkaan ayaan uga hadli doonaa taariikhda wahaabiyada iyo bidcadooda inshaa Allaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 01, 2000 - 03:32 pm
Alaa ilehe wax bidcada wahaabiyada ka hadla waa loo baahnaa. maxaa yeelay waxaa badatay nag-nagtooda. saaxiib waad mahadsantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, October 02, 2000 - 05:49 am
Asalamu caleeykum.
Al- ashcari!, walaal waxaan rabaa in aan talo ku siiyo oo ah in aadan galin baabkaas oo dhib badan ka imaan doona, waa haddii aad iga qaadaneeyso.

Maad noo furtid wax nooga faaido badan arintaas, sida.

1. Galitaan jaamacado
2. dhismaha wadan keena
3. dacwada dhulalka reer galbeedka
4. Akhbaarta dunida muslimka
5. isku xirnaasho shucuubta soomaaliyeed

iyo wax yaalo badan oo aan soo koobi karin.

Maanta oo dhan haddii la daba taagnaano dad, dhinteen waa wareer sida aan u arko, ee aan ku dadaalno wax yaalo nacfi noo leh.

Sidaas iyo nabad galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/RAXMAAN.

Monday, October 02, 2000 - 06:36 am
Waa yaabe wali ma nool yihiin weli bidcooleydii ashcariyada ahayd ee soomaali lega iyo badhyaha ka dhameeyey ee ducufada baryootanta ahayd.

Waxaan ku oran lahaa bidciyoow is keen goobaha cilmiga iyo aqoonta ha lagaa maydho oo hurgufee qudhunka iyo wasakhda bidcinimada.

Wahaabiyo ma jirto ee waxaad ka dhigan tahay kuwii ku yiri nebigeeni subanaa S.C.W waa gabayaa,waayo xaq in uu sheegi way ogaayeen ha yeeshee aragii xaqay ka indha beeleen, ilaa ay magac aan asal iyo baar lahayn oo beena ku sheegeen suubanaha, si ay dadka maangaabka ah ay uga duufsadaan nuurka diinta.

marka waxba inta sunada qabsatay ha ku sheegin magac gaalo iyo gaal u eke bidci ahi sameeyee haddii aad wax hayso tag goobaha cilmiga oo ha la arko waxaad la soo shir tagto.
dariiq la raaco waxaa ugu hanuun badan kii nebigeenii suubanaa S.C.W.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Tuesday, October 03, 2000 - 03:41 am
To Dhamaan
waa mahadsantihiin ragiina sida wanaagsan u baxsiyey boggan, waxaana idinku boorinayaa inaad halkaas ka sii wadaan. Runtiina aad baan ugu farxay waxyaabaha ragga qaarkii qoreen sida C/raxmaan iyo iskandaneefiya. Mahadsanidiin 100%

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaldoon

Wednesday, October 04, 2000 - 06:26 am
Saaxibayaal
Wanaag hala sheego ama hala aamuso.waxba yaan la dhaamin muslimka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waasuge

Wednesday, October 04, 2000 - 06:50 am
To Al-Ashcari
Walaal Wahaabiyo xal malaha,ee yaaney ku daalin. Samman kastana weysoo jirtay.Nimankaan waxey ka soo jeedaan oo ay salka ku haayaan ninkii Nabiga (S.c.w.) ku yiri samee cadaalada.Nimanka xaqdoon maaha.waxaadna ku garan kartaa dardaaranka lagula dardaarmay oo ah,"Haddii aad la kulanto qofkaa cilmi badan oo kuu sheega wax aadan garaneynin waxaad ku tirahdaa igala tag gaalnimadaada xitaa haddi uu xaqqa sheegayo".Tan labaad xaggee lagu arkay nin sheekhii wax baray ku tilmaamay jaahil.walaal wahaabiyo yaaney ku daalin.
Ummadda aan uga doceyno,annagana aan ka doceysanno.Wa billaahi towfiiq.
Salaama caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xariir Xasan

Wednesday, October 04, 2000 - 01:35 pm
Asalaama Calaykum waraxmatullaah

Aniga waxay ila tahay haddii aan akhriyey waxyaaabaha ku qoran boggan wahaabiyada ka hadlaya inaan sidaa loogu degdegin wax aynaan cilmi badan u lahayna oo aynaan ka faaloonin. Sideedana diinta islaamku maaha wax qofkastaa ka hadli karo , arimaha ku saaban diintana laguma cabiri karo ra'yi iyo waxay ila tahay aniga. Qofka raba inuu ka hadlo waa inuu yahay qof cilmi iyo aqoon dheeraad ah u leh diinta. Tusaale ahaan
Marka la rabo in mawduuc laga hadlo inta aan la xukumin khalad iyo sax ka uu yahay waa in mawduucaa qof aqoon ulihi daraasaad ku sameeyaa dhinac kasta, haddii uu xaaraanyahay iyo haddii uu xalaal yahayba, ka dib ayaa xukunkiisu imanayaa cidda arinkaa ka hadli kartaana maaha dakeena caadiga ah ee laga yaabo inaanu aqoon taama u lahayn diinta. oo aan ka jawaabi karin waxyaabaha weysada jebiya , cidda ka hadli karta hadday u baahatana fatwo ka bixin karaa waa culimada ku xeesha dheer diinta. Hadaba waxaan kula talin lahaa dhalinyarada ka hadlaysa mawduucyada ka hadlaya diinta inay iska ilaaliyaan degdegga , wax cilmi aynaan u lahynna yaynaan ku dheerayn.

Tusaale yar, dhalinta ka hadlaysa Waahaabiya ma yaqaaniin wahaabiyada? meesha magaacaasi ka yimi iyo taariikhda uu soo baxay? ma la kulantay qof wahaabi sheegnaya? ma u malaynaysaa in erygani sax yahay eray ahaan (WAHAAB) oo ka mid ah magacyada Illaahay? ma u malaynaysaa in magacan gaalo u adeegsatay dad muslim ah oo la dagaalamayey?. Haddii aad u baahantahay jawaabaha su'aalahan iyo weliba cilmi kororsi intaa ka badan oo ku saabsan wahaabiyaha la xiriir MARKASKA AHLU SUNNA WAL JAMAACA ee ku yaalla magaalada GOTHENBURG ee wadanka Sweden (TEL 46-31 84 28 77 weydii tel.saxa ah) halkaa ayaa laga helayaa cajalado iyo kutob afsoomaali iyo carabi oo lagaga hadlayo wahaabiya iyo asalkeeda iyo ciddii ugu horeysey ee adeegsatay eraygan.

Haw qaadan inaan u doodayo wax la yiraahdo wahaabiya mana kamana mid ahi haddii ay jiraan dad meel isku urursaday oo sheegta magacaa.
Ugu danbayn waxaan ku waaninayaa walaalahay aniga oo ka bilaabaya naftayda cabsida alle ogow wakhtigu waa gaabanyahay meesha loo socdaana sahay suuban ayaa lagu nabad galaa. Hadalkaa wanaag mooyee xumaan ulama jeedo haddii aan khaldamayna diyaar baan u ahaya toosin(Qofka muslimka ahi qofka kale ee muslimka ah wuxuu uga dhiganyahay muraayad).
Waa walaalkiina islaamka Xariir Xasan / LONDON.
Wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir

Thursday, October 05, 2000 - 07:45 am
Assalaamu calaykum
Sunni

Ugu horayntii waad salaamantihiin intii ka soo qaybqaadatay bogan sigaarana waxaan u slaamayaa
Al-ashcari iyo Waasuge.

run ahaantii marka la eego dhibaatooyinka ay wahaabiyadu u gaysatay Ummada Islaamka ah guud ahaan gaar haanna haddii aanahay Soomaali waxay noogaysteen dhib dhinac walba ah haba u sii daraato tan diinta Islaamkuye. hadaba anagoo soo gaabinayno dhibaatooyinka ay noo gaysteen waxaa ka mid ah.

1. dhammaan dadka soo maaliyeed oo laga dhigay dad gaalo ah war isgaarsiinta aduunkana ay ka sheegeen in soomaaliya diintu soo gaartay muddo laga joogo 30sano.
2. ka qaybgal ay ka qaybqaateen dagaaldii ahliga ahaa ee ka socday Soomaaliya kaaga darane ay ku andacoodeen in ay tahay JIHAD FIISABIILILAAH.
EG. Dagaaladii ka dhacay BOOSAASO, BELEDXAAWO, oo ay la galeen Ciidamadii Cumar Haji Masale
iyo waliba ku wii ka dhacay Araare, Marka, iyo meelo badan.
3. Diintii Islaamka oo ay sheegteen in ay fududeeyeen kana dhigeen mid casri ah, sida iyagoo dumarkii caadada qabay gacanta u geliyay kitaabkii qur'aanka ahaa oo aan xitaa loo ogolayn qof aan wayso qabin in uu qaado.

4. sidoo kale waxay gaar ahaan gabdhihii soomaaliyeed ugaysteen waxyaabo aan lakoobi karin sida iyagoo marka hore ku soo xero geliya UKHTI NAFAA KU JECEL iyo hadalo la mid ah kadibna Maalmo gudood ku yiraahdo NAFTAA KU NACDAY taas oo aan dacaayad ahayn ee sitoo ah uga dhici jirtay meelihii ay ku badnaayeen.

5. ugu danbeyntiina waxay gaal u yaqaaniin ninkii aan [GARDHEERAYN, SURWEELKUNA GAABNAYN, CIMAAMAD GUDUUDANNA AAN WADAN, MADUXUNA UUSAN GURMUD AHAYN, (ALYACNII UUSAN XIIRNAYN)

WASALAAMU CALAA MANITABAC AL-HUDAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xariir/London

Thursday, October 05, 2000 - 12:27 pm
To Bashiir

Walaal marka hore iga gudoon salaanta islaamka
marka xigta waxaan u malaynayaa in aad isku khaldayso xarakaadka soomaaliya ka jira iyo magacan wahaabiyada oo waa hore soo baxay. Arimaha aad ku eedaynayso dadkaas qaar badan oo ka mid ahi waa wax sugan oo diinteena ka mid ah marka laga reebo arinta gaalaysiinta oo aan sideedaba u banaanayn in qof muslim ahi qof kale oo muslim ah gaalaysiiyo inta uu ku jira xaydaanka islaamnimada oo aanu la iman arimaha lagu gaaloobo, sida qofka oo diida qayb ka mid ah diinta ama aflagaadeeya diinta iyo ehelkeeda I.W.M taas oo weliba ay xukumi karaan dad aqoon sare u leh diinta. Arimaha kale ee aad tusaalaha u soo qaadatay sida garka oo lala baxo, surwaalka oo la gaabsado waa qayb diinta ka mid ah qofkii ku dhaqmaana kuma eedaysnna ee ajar ayuu ku leeyahay ilaahay aktiisa,tusaalaha dhinaca gabdhaha maan fahmin mana maqal dad sidaa ku dhaqmaya, soo duuduub oo dadka aad eedaynaysaa ma iyagaa sheegtay magaca wahaabiyada? yaase ka mid ah ileen waan wada naqaanaa dadka odayaasha u ah xarakaadka ka jira wadanka'e. Waayo sida aan la socdo qoraalkayga horena aan ku tilmaamay wahabiya wakhti hore iyo si kale ayay ku asaasantay mana ah magac muslimiini la baxday ee wuxuu ahaa magac loo adeegsaday dad la dagaalamyey gaalo. Markaa walaal aan kala faa'iidaysanee ciddee hadda soomaali ah oo aad u maqashay inay yihiin wahaabiya ama iyaguba sheegtay?.

Wasalaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Thursday, October 05, 2000 - 07:44 pm
KU: Xariir Xasan wad mahadsantahay sida quruxda badan ee u muuqata naseexada ee aad noogu soo gudbisay qoraalkaaga. Waa runtaa ma'ahan in dadka muslimiinta ahi ay ku deg-degaan xalaasha iyo xaaraanta, qof walbana isagaa laga rabaa inuu xalaasha iyo xaaraanta barto, haddii uusan aqoonina uu waydiiyo dadka aqoonta u leh. Intaa dabadeed, markii aan bogan furaynay uguma talo gelin in xalaal iyo xaaraan lugu kala barto ee cinwaankiisa ka muuqata waxaan ugu talo galnay in la barto waxa ay Wahaabiyo tahay, taas oo dhibaato badan ku haysa umadda muslimiinta ah sida uu noo faah-faahiyey walaalkeen Bashiir. Anigu khaasatan ma'ihi nin cilmi ama aqoon gaar ah sheeganaya, laakiin waxaan wax yar ka aqaanaa oo aan ku takhasusay xarakooyinka 80dii wadankeenna soo gaaray kuwaas oo ay ugu horayso kuwa loo yaqaanno Wahaabiyada.Aniga oo tixraacaya maqaalkaagii, waxaad tiri (kadib su'aalo badan oo aad is waydiisay) ninkii raba jawaabaha su'aalahan ha la xiriiro...... Horta ninyahow waxaa la yiri nin aad taqaan yaa tahay lama yiraa. Waxaa arintaa ka fiicnaan lahayd inaad tiraahdo "anigu wahaabi baan ahay, waxaan ku gambadaa magaca Ahlu sunna waljamaaca marka aan layslajoogin, halaag ayaan ku jiraa, ee ninkii rabaa hala soo xiriiro... Waxaa ilaahay mahaddii ah in maanta muslimiinta intooda badani ay fahamsanyiin waxa ay wahaabiya, takhfiir, islaax, tabliiq, ikhwaan, aalasheekh iwm ay yihiin. Lama joogo maarkii yaa akhii iyo ukhtii laysku sirayayey, waxa keliya oo maanta umadda qaarkeed ku haya bidcanimada waa batroolka sucuudiga, isaguna ilaahay idankii wuu dhamaan doonaa.Teeda kale waa la yaqaanna waxa uu WAHAAB yahay,waxaa kaloo layaqaannaa waxa ay wahaabiyah tahay.Haddii loo baahdana waxaan qoraynaa TAARIIKHUL WAHAABIYAH, laakiin waxay ila tahay inaan waqtigan xadirka ah wax xikmad ahi kujirin wax lawada yaqaanno(qof aan rabin inay ayadu aragto ma'ahee)inaan ku cel-celino. Sidaas daraadeed maktabada aad dadka u tilmaantay iyo adiguba xagay caqiidatu bacuulah maraysaa?
wabilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Thursday, October 05, 2000 - 07:56 pm
TO: wasuge
walaal waad ku mahadsantahay qoraalkaaga qaayahaiyo qiimaha leh. waan ogahay inaan wahaabiyo xal lahayn,waana ku talo jiraa inaan xadido la kulankooda iyo ka hadalkoodu. waxaana mar hore ii cadaatay, culumaduna ka hadleen inay qalbi madoobaad leeyihiin, khayrkuna wuxuu kujiraa in laga fogaado. Keliya waxaan isleenahay meesha culimo ma joogtee, gaarsiiya inta ay ka imaanayaan. Waxaan rajaynaynaa in raggii ay usoo uri jireen haddii ay xaafadda,masaajidda iyo guryaha soo galaan ay imaan doonaan, anagana madaxeennu xur noqon doono.

Muxuu yiri sheekh yuusuf Nabhani(khayr allaha siiyee- "Ulaa'ika wahaabiyatun lalla sacyuhum......".

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu salman

Thursday, October 05, 2000 - 09:06 pm
assalaamu calaykum dhamaantiin. Taladay waxaa weeye qofkii raba inuu ogaado wahaabiyo marka hore ha ogaado inuu yahay qof loo tiirinaayo nisbadaas Sh. Maxamed c/wahaab, taas markaad ogaatid kadibna si dhib yar u akhriso kitaabkiisa (Atowxiid) markaad dhamaysid waad ogaandoontaa waxa uu yahay ee waqtiga noo dhaqaaleeya.
khayran in sha'allaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

a.m./

Friday, October 06, 2000 - 06:06 am
Waxaan wax ka codsanayaa dhamaan Badawda halkaan wax kaga sheegay waxa layi raahdo wahaabiyo
waxaan leeyahay yaa ii macnayn kara erayga
( ALWAHAAB )
Waxaan idin ka sugi jawaab BADAWEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xariir/London

Friday, October 06, 2000 - 12:07 pm
Ku Al-ashcari
ASalaama Calaykum waraxmatullaah
Walaal marka hore aad baad ugu mahadsantahay sida degan ee aad iigu soo jawaabtay.
su'aalo aad i weydiisey hadaan kaaga jawaabo marka hore anigu kuma odhan wahaabiyaan ahay ama ashcariyaan ahaytoona, haddaad doonayso caqiidadayna anigu waxaan caqiidada ka qaatay labada asalayn ee Allaah inoo soo dejiyey (kitaabka & sunnada nebiga scw). Maktabadda aan idiin sheegayna intaadan waxba ka sheegin ama aanad cidla ka didin marka hore la xiriir, oo ogow inay ku anfacdo iyo in kale.

dhinaca kale waxaad u muqataan adiga iyo qolada ku safaninba niman mintida iyadoo laga yaabo in wax badan ay idinkaga saxsanyihiin qolada aad madaxa isla dhacaysaan, taasina waxay dhalin kartaa in inta xaqa laguu sheego aad qaadan weydo adigoo is difaacaya, khatarteeda iyo denbigeeda ayay leedahay iyana.

ugu danbayntii waxaan kula talinayaa naftayda iyo dadka meeshan wax ku qora oo u muuqda dad aan lahayn aqoon ku filan oo diimeed inaan wax baranno (diinta) inta ka horeysana aan iska ilaalino muranka, khilaafka iyo xataa fatwooyinka aan dhiibaynno iyadoo laga yaabo in qaar badan oo aan kamid ahay aanay lahay aqoon sidaa u badan ama gaadhi karta ilaa heer is gaalaysiinno ama aan wax ka sheegno dad culimo ah oo laga yaabo inta ay diinta u qabteen rubuceed ama wax ka sii yarba inaynaan u qabanin.
Walaal aan wax barano oo yaan laydiin kala waramin adiga iyo kitaabka Alle, wakhtiguna waa qaaliye halaga faa'iidaysto.
Anigu hadda waxaan bilaabay waxbarsho iyo shaqo waxaana lagaa yaabaa inaanan wakhti danbe halkan u helin sidaas awgeed weedhani waa iga dardaaran iyo waano dadka muslimiinta ahina way isku leeyihiin ee aan isu ducayno in Allaah ina waafajiyo manhajka saxa aha iyo sida danteenu ku jirto if iyo aakhiraba.

Wasalaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saykoolojist

Friday, October 06, 2000 - 09:21 pm
Ku: a.m/
Asalaamu calaykum
Walaal a.m/ erayga Al-Wahaab wuxuu ku macneeyay Al-xaafid abu sulaymaan Al-Kataabi oo dhintay 388 Hijriyah sidatan: Deeq badanaha wax bixintiisu ay joogtada taahay, wuxuu intaas raaciyay in dadku ay mar may wax bixiyaan sidaas awgeedna aan WAHAAB lagu magacaabi karin ee WAAHIB la oran karo.Maxaa yeelay dadku ma bixiyaan caafimaad, ilmo, hanuun iwm. ee Ilaahay ayaa bixiya oo deeqdiisa iyo raxmaddiisu khalqiga kala gaartay.
Walaal waxaan intaas kuu raacinayaa macnaha erayga
WAHAABIYA oo halkaan looga hadlay. Wahaabiyo waxaa weeye cudur dadka xagga maskaxda kaga dhaca dad fara badan oo Soomaali ahna ay hadda la waalanyihiin. Markii ugu horraysay cudurkaani wuxuu ku dhacay caalimkii waynaa ee Maxamad C/wahab 250 ka hor,isla markiiba wuxuu bilaabay inuu yiraahdo dadka qofkii aan cudurkaas waallida ah qabin ha ladilo maxaa yeelay waa gaalo. Khalaafadii Cusmaaniyiinta ayaa isku dayday inay dabar goyso cudurkaas. Markii hore way ku guulaysteen laakiin dawladdii Islaamku markii ay dhacday ayuu haddana soo laabtay. Dhulka Soomaalida wuxuu cudurkani soo gaaray lixdameeyadii kadib markii uu Sacuudiga ka yimid sh. Nuur Cali Coloow isagoo markaas aad ay
u hayso waalida wahaabiyadu. Dalka Soomaaliya dhakhaatiir wahaabiyada daawaysaa ma joogin maxaa yeelay horay looma aqoon, sideetameeyadii ayuu haddana aad u sii faafay cudurkii markii ay soo laabteen dhalinyaradii u dhooftay Sacuudiga waxayna la bexeen Al-itixaad. Waad ogtihiin dagaalada ay ku qaadeen Bari iyo Gedo iyo dadkoodii inay laayeen, sidoo kale waad ogtihiin akhlaaqdoodu siday tahay... waxaasoo dhan xumaan kama wadaan ee wanaag ayay ka wadaan.
Cudurka wahaabiyada waxaa u daawo ah Qur'aanka kariimka ah maxaa yeelay wuxuu ka yimaadaa shaydaanka sida ay dhakhaatiirtu sheegeen. ku aqriya Qu'aan wahaabiyada hana la dagaalina waa dad walaalihiin ah oo jirane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaqdoon

Saturday, October 07, 2000 - 09:45 am
Saykoolojist
assalamu calayum, salaan kadib
nimankaan aad leedahay way waalanyihiin anigu waan la joogi jiray, haba yaraatee wax waalli ahna kumaan arag. hadalkaaguna wuxuu u egyahay jees jees iyo ciyaar. anigu hadda raggaas lama dhacsani laakiin adiga waxaan ku oran lahaa dulmiga iska daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shirki diid

Saturday, October 07, 2000 - 10:03 am
Mujrimka labaxay Saykoolojist oo waalan!
ma ogtahay inaadan lahayn dadnimo aad waxaasoo kale shabaabka hortooda ku tiraahdid. ka baq Ilaaha ku uuntay oo ha is oran lugu arki mahayo
daalim yohow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, October 07, 2000 - 07:32 pm
Assalamu calaykum.
To saykolajiist.
Dunida ma dhicin nin saykoolajiista oo diin ka hadlaya isoo ku dabaqaya saykolajiistinimadiisa taa lafteeda ayaa waali ah. Horay waan u soo sheegay hadana waan ku celinayaa hadaad rabtaan in eray English ah aad ogaato macnihiisa waxa ugu horeeua ee aad samaysaa waa inaad digshinari aad raadsato hadaba raadi kitaabka uu qoray Sh.Maxamed C/wahaab(raxmatullaahi caleyhi) kadib waxaad ogaan doontaa inuu Quraan iyo axaadiiis soo naqliyay iyo inuu Khuraafaad waali wata uu qoray.
To Shitki diid iyo xaqdoon Allaah ha idinka abaalmariyo qoraalkiina. Walaalayaal ha laga hadlo mas alooyin yaan laga hadlin culimada.
Khayran Insha'Allaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, October 07, 2000 - 07:44 pm
Assalaamu calaykum.
To Al-ashcari.
Walaal magaca aad wadato haduu yahay magac ay waalidkaa kuu bixiyen hada waa in aan ixtiraamaa. hadii aad labaxday adigu adoo ula jeeda meesha ay kasoojeedo iska badal intaadan dhiman kana toobo keen toobadu way kuu forantahay hada.
Dacaayada iska daa oo xaqa Alle kabari inuu ku waafajiyo warka aad ka sheegaysid culimada aad u bixisay waa dacaayaddii kacaantii oo kale jaalenimo ayuu diiday oo sidaas qof sharaf leh daaqada loogfa tuuri jiray adna tii ookale ayaa raadinaysaa. Nasiib daro waxaan ku jirnaa qarni ay dadku wax walba akhrin karaan oo baari karaan waana laga soo gudbay waqtigii la oran jiray bidco ayaa ii soo uraysa ee meelahan ka raadiya qof bidci ah.
Khayran inshallaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waasuge

Saturday, October 07, 2000 - 08:30 pm
To Abu-Salman
Walaal haddii uu war dad daweeyo Mr. Saykoologist waa uu ku daaweeyey waxna waa kuu sheegay laakin dad ayaan laga eed baxin.Wahaabiyo in ay cudur tahay taas ayaa daliil cad u ah.Cudurna waxaa ugu xun midka ku haayo oo la inkiro ama daawadiisa aan la qaadan.Wahaabiyo ayadaa lagu ogaa seef la bood nimo,Muslim gaal ku tilman iyo muslim ku jihaad.Beryahaan dambe waa la wada bartey.waxaana ku haray kuwo macangag ah oo keliya .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saykoolojist

Sunday, October 08, 2000 - 03:29 am
Waa salaamantihiin dhammaan
Walaalayaal waxaan ka digayaa in lala dagaalamo daka jirran oo waalidu hayso. waana inaan wahaabiyada lugu oran waa waalantihiin haddii ay suura gal tahay maxaa yeelay waalidii ayaa ku sii kordhaysa sida ay dhakhaatiirta cilmi nafsigu sheegeen. Waxaa kaloo jira oo loo baahan yahay inaad la socotaan qafka qaba waalida wahaabiyadu dhawr marxaladood ayuu maraa marxaladda ugu horaysa waxaa ku dhaca wax la yiraahdo
SHIRKI-PHOIA waa midda uu hadda ku jiro walaalkeen shikidiid. wuxuu qofku u malaynayaa wax kasta inay yihiin shirki, gacantuna waa ka soo horaysaa marka uu qofku xaaladdaas ku sugan yahay.SHIRKI-PHOBIA waa xaaladda uu Sh. Maxamed C/wahaab ku sugnaa marka uu alifay kitaabkiisa al-tawxiid, laakiin saykoolojistayaashu ay ku sheegeen kitabu-shirki. marxaladaha kale oo waalida wahabiyadu marto waxaa ka mid ah BIDCO-PHOBIA, SUUFIYA-PHOBIA, ZIYAARO-PHOBIA iyo qaybo kaloo farabadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Monday, October 09, 2000 - 04:26 pm
To Waasuge iyo Saykolajiiste.
Iga raali ahaada waxaan idin mooday niman diin yaqaana oo xaqdoonimo idin ku jirto laakiin waxaa ii cad inaad olole kale aad ku jirtaan anna waqti uma hayo ee Alle ha idin soo hanuunuiyo. (AAMIIN)
Hadaanan ka baqaynin in la iyiraaho waa uu la tirsaday waxaan idin dhihi adinka laftirkiina ayaa cudur idin hayaa oo Towxiidka Alle phopia ka qaba. Maxaa idin ka hortaagan inaad akhrisataan Kitaabu-towxiid oo aad u leedihiin culimadu waxay ku tilmaameen kitaabu shirki eesh-haadaa? wa waadnaan reer magaal ahayn? maad indhihiina ku akhrisataan? hadii aadnaan akhrisankarinin uu gaysta qof akhrin kara. Marnaba ha ku aaminina cid kale wax hortaada yaala hadii aad diideen muslimka ilaaheey ha lu goynina ee iska dhaafa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Monday, October 09, 2000 - 08:17 pm
Abdu salman
Kitaabu towxiid waxaa ku taalla in
1-asaxaabada inteeda badani aanay aqoonin micanha laa'ilaaha ilalaah
2-in Nebi cise (CS) uu qabri ku jiro
3-in Maxamed c/wahaab uu gaaray meel aan cid kale gaarin xataa Nabig(SCW) ba allaha ka dhigee,iyo waxyaabo kale. Haddii aadan ku arag oo ay phobiyadu ku dhaafsiisay ii soo sheeg anigaa tirada bogga kuu soo sheegayee. Inta kitaabu towxiid ka hartayna waa caay iyo shirki. Marka xagee kitaabu caqiiduhu joogaa? Ilaaheeyow noo naxariiso (aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Tuesday, October 10, 2000 - 01:56 am
al-ashcari.

Walaal waan hayaa kitaabka towxiidka. Haddaad heli karto halka ay ku qoran tahay iisoo sheeg si aan u arko inshallaah. walalkaa caabbi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Tuesday, October 10, 2000 - 06:28 am
Asalamu Calaykum.

Ku: Al-ashcari .

Walaal waxaan kaa sugnaa meesha arinkan ku taal(beyjka), sida walaalkey Caabi kaa dalbadayba.


Ku: Waasuge iyo Saykoolojist.

Nibanyahow waxaad u egtihiin rag madaxa laga heysto weli, maxaa yeelay adinkoo wax daliil ah sheegin, kitaabka towxiidna aadnaan oran waan aqrinay, ayaad waxaad bilowdeen waa saas iyo waa qaldan yahay, haduu qaldan yahay sheega meesha uu ka qaldan yahay, hadii uu saxsan yahayna qirta. Hadal idiima noqoneysa waxakanee. Hadii kale ogolaada oo dhaha waxaa nala yiri ha aqrin hadii kale waad bidcobeysaa, markaasna waxaad tahay nin madaxa laga heysto oo aan xor aheyn, wixii qalada hala i cafiyo.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSCAB

Tuesday, October 10, 2000 - 07:14 am
ASALamu calaykum, TO ASHCARi walal ilaahay kacabso ogowna qofkii sunna xun jideeya in uu danbigeeda leeyahay, markii aad furtay bogan waxaad noo sheegtay in aad sheegi doonto taariikhda wahaabiyada hadana XARIIRXASAN baad lasoo baxday adoo taarikh ku sheegaya hadana WAASUGe markii ugu danbaysayna SAYKOLAJIISTE ayaad labaxday, markaa ninyahaw ilaahay kabaq umada ha wareerin dadkana wax anfacaya u fur. dadkuna sadaxbay ukala baxaan 1-qof alle kacabsanaya cilmina leh oo aan furin wax umada iska horkeenaya 2-qof haduu furo ama xumaan sameeyo marka laxasuusiyo ka noqda 3-iyo qof marka horana aan garan marka laxasuusiyana ku adkaysta xumaan, markaa walal walalahay kalana waakuu soo naseexeeyeene ka joog arintaa hadii kale maalin aan maanta ahayn baa ogaan doontaa. waxaan dhihilahaa ha la is cafiyo hana laisu soo duceeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Wednesday, October 11, 2000 - 06:10 pm
KU: Muscab, Walaal raali noqo haddan kula noqday dhagac 3shimbir ku dile. Anigu isma moodayn inaan heerkaas gaarsiisanahay laakiin adigaa i gaarsiisay oo iga dhigay 3 ama 4 qofood oo anan midkood gaarin.Arrinta aad sheegtay rag baa lagu yaqaanaa aniguna kama mid ahi haddii aad akhrisay boggan haba yaraatee. Marka waxaan ku leeyahay ha isku khaldin wahaabiyada iyo muslimiinta kale. Haddii aad weli joogto meeshii laysku khaldaayey wax kasta, waa wixii saykoolojistuhu sheegay oo waxaad u baahantahay in umul qur'aan lugu saaro.
Wa bilahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Wednesday, October 11, 2000 - 07:00 pm
F.G. abu salman
ninyohow waadfiicantahay maxaa yeelay waxaad ii siyaadisay in kutubada waabiyadu markiiba daabeceen in magaca aan labaxay uu u baahanayahay toowbad keen, waxaana ku jiraa raadintinta meesha aad ku qorteen.Laakiin waxaan weli caawinaad uga baahanahay inaad ii soo kala sheegto ma kitaabada aad kharibteen ayaad ku dhex lifaaqdeen oo aayada ayaa isheegtay (sida saawiga), mise xadiis. (sida Riyaalu saalixiinka oo aad ka cunteen in kabadan 200 oo xadiis? -bal hadduu wax yaqaano muu kutubo cusub alifto maxaa u geeyey umadda kutubadeeda. (ummada lugugu dir anagu waxaan u niqiin habaar, laakin wahaabiyadu waa isigu duceeyaan).

Allahuma ajirnaa minal wahaabiyah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSCAB

Wednesday, October 11, 2000 - 07:34 pm
ASAlaamu calaykum, TO. ashcari cashcariyow alle ka cabsigii aan kuu soo jeediyey iyo waanadii igamaadan qaadan sadexdii qolo ee aan kuu kala sheegay mid uun baad ku sugnaatay ISKA HADHAYAE AAKHIRABA WAA LAMA HURAANTIIYE!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Wednesday, October 11, 2000 - 07:53 pm
Muscab
saykooligistaha ayaan balan kaaga sameeyey si luguu daaweeyo berito haddii alla yiraa. fadlan diyaar soo noqo ilayn qur'aan wahaabiya qaban maayee haddii aan qur'aan ku saari lahayn.

mahadsanid


To saykoologist
Please make an appointment for Muscab tomorrow insha'alah. He is clearly very-very sick. I guess his problem is "Shirki Phopia".

Thanks a lot

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Wednesday, October 11, 2000 - 10:07 pm
To al-ashcari
Salaamu calaykum. Walaal aad iyo aad baad iigu khaldantay anigu ma'ahi wahaabi mana ku sheegin qoraaladayda wax muu jinaya inaan wahaabi ahay. Hadayse kula noqotay inaan wahaabi ahay sababtuna ay tahay inaan towxiidka aamin sanahay waxaan ku leeyahay sidii Imaamu Shaafici (raxmatullaahi calayhi) markii la arkay inuu aala baytka jecelyahay laguna yiri waxaad tahay sheeco ayuu tiriyahay gabay macnihiisu ahaa (HADII AALA-BAYTKA OO LAJECLAADAA AY TAHAY SHEECANIMO HA KA MARAQAATI NOQDAAN JINI IYO INSI INAAN AHAY RAAFIDHI)ana waxaan ku leeyahay Alle subxaanahu watacaalaa oo lawaxidaa hadii ay tahay wahaabinimo jini iyo insiba haka maraqaati noqdaan inaan ahay wahaabiga ugu wayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Wednesday, October 11, 2000 - 10:25 pm
To al-ashcari
Hadii warkaas aad sheegtay uu ku qoranyahay kitaabkaas waxaan ka dhahayaa sidii alle noo sheegay fii (suuratu zumur) isagoo la hadlaya Nabiga (SCW)ku dheh gaalada hadii alle wiil leeyahay aniga ayaa ah kan ugu horeeya ee caabuda wiilkaas. ana waxaan ahay qofka ugu horeeya ee qashinka ku rida kitaabkaas. laakiin hadii aad nin raga tahay oo hooyo dhashay sheeg meesha uu ku qoran yahay.

To Saykolajiiste.
Diinta islaamku waxay leedahay cuduro ku dhaca oo laba nuuc ah ee ogoow madaxa kuma dhacaan iyo lugahaba ee waxay ku dhacaan Qalbiga waxaana lakala yiraahdaa SHUBHA IYO SHAHWA.
hadaad rabto in aan kuu sii sharxana isoo waydii ama walaalaha kale sida caabi,muscab iyo gayrkoodaba. Hadaad jaahil katahayna ha xishoon bilaash ayaa laguu faa iidaynayaa. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa akhriya kutubta aad jahliga ka xoroowdaane adiga iyo ashcariba ninka garan waayay magaca uu watoh cukayskiisa iyo danbigiisa.Bilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Thursday, October 12, 2000 - 09:19 am
Asalamu Calaykum.

Ku: Al-Ashcari iyo Saykolajiste.

sheega nibanyahow meesha uu kitaabka uga yaal arinkaas, hadii kale hebel ayaa yiri saas, iyo sheekhena ayaa yiri ha fiirin kitaabkaas saas ayaa ku qoran horaan uga daalnee naga dhaafa. waxaan ula jeedaa waan xorownay oo sanadu waa 2000.

Hadii kale daliil keena ama meesha isaga taga.


Asalamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Friday, October 13, 2000 - 07:36 pm
To dhamaan
Bidcadadii way sheegi waayeen meesha ay kaga taalo kitaabu towxiid khuraafaadka ay u saariyeen Shiikha. (XAQII BAA YIMID BAADILKIINA WAA ZUULAY) Dib dambe warkooda loo heli maayo maxaa yeelay awalba caqiido kale oo aan ogahay ayay faa finayeen.

To Al-ashcari
Walaal ayaad liyaarho saawi ma jirto ee adigu quraanka ha badalin waxna ha ku lifaaqin. Kitaabkaas aad sheegtayna khuraafaadka ka buuxa adba waad ogtahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waay Arag

Saturday, October 14, 2000 - 01:44 pm
Salaamun Caleykum dhamaan indheergaratada;
Marka hore waxaan Ilaah ku mahadiyay iney jiraan dad ka hadli kara wexey la tahay oo isku qanci kara aqoonta iyo waaya aragnimada si cilmi ah, sababtoo ah waxaa Soomaalidi laga waayay dad u bisil iney ayagoon is xagxagan aqoonta iyo waaya aragnimada si cilmi ah u qeybsadaan. Waa Ilaah raxmadiis, mar dambaana la soo kulmay qoraallada qiimaha leh ee aqoonyhaynnadu is dhaafsadeen inkastoo maqaallada qaar ay ka muuqato iney qoreen dad bilow ku ah arrimahaan, waase bilow wanaagsan sababtooo ah qofna lama dhalan. Wexey ila tahay waxaan soo qori doonaa markaan waqti u helo laakiin intaan waxaan ugu tala galay inaa akhyaarta salaamo, taasoon la sugi waayay intaan bal wax ka dhoho murtidiinna qiimaha leh waana mahadsantihiin dhamaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaqdoon

Saturday, October 14, 2000 - 03:33 pm
waay arag
Salaamu calaykum waad mahadsantahay, hadalkaagana waxaa ka muuqata deganaasho iyo waayo aragnimo.
walaal meeshaan ragbaa isku haysta, Ilaahay baana og cidda xaqa ku taagan. ma fiicna midi-middi ku taag ee waxaa wanaagsan in aan kuligeeyo aanu wada raadino sidaan xaqa u heli lahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, October 14, 2000 - 07:47 pm
To skolajiiste, Al-ashcari
Assalaamu calaykum.
Malaha kitaabkaba waligiin ma aad naan arag akhris iska daaye.
Wali waxaan idin ka sugnaa boggee? baabkee?
Hadaad aniga isoo warsataan waxaan iidin sheegaya warkaas la taxriifiyay siduu ugu yaalo kitaabka laakiin waxaan hubaa in uu adinka xujo idin ku noqon dono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aqbu-C/raxmaan

Sunday, October 15, 2000 - 04:32 am
Ku:saykooljist.

Bismilaah.
Niyohow qof meel u cadahay baadtahay waase kuu digaa ee ilaahbaa yiri :Udig rasuuul alow dadka illen digidu muuminka ayey anficiye.Waxaan ku oranayaa waali baad ku sheegtay soo ma ah in qofkii diidan in ilaah qayrkii la baryo, waliba adoo og in alle yiri(Inahu man yushrik billaahi faqad xarama allahu calayhi aljanata wamawaahu alnaar---) marka jees jeeska iska daa sh.nuur c coloowna dadka waxa uu ugu yeeri jiray in ilaahay cid aan ahayn labaryin haday taasi waali tahay waad ogaan doontaa----wabilaahi altowfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Monday, October 16, 2000 - 05:52 pm
TO Xashawiyada dhaman;
Ilaa iyo hadda waxaa la idinka la'yahay qof jawaab waafi ah ka bixiya waxyaabaha laga sheegay inay ku qoran yihiin fool xuma jiidka. Arrintu ma'aha in laysku haysto in fool xuma jiidka ay ku qoranyihiin arrimahaasi, ee waxaa laysku haystaa waxaa weeye xashawiyadu maxay u fahmi la'yihiin waxyaabaha kutubadooda ku qoran.Taasi waxay keeni lahayd in aad ahaataan rag haba yaraatee ka war qaba meesha loo wado oo islaamkii laga waday og inay naar ku socdaan. laakiin khayr alah siiyee saykoologistaha ayaa wax badan ii faa'iideeyey.
Haddii halkan lugu soo taxo bogga iyo sadarada ay ku qoran yihiin arrimaha aan kor kusoo sheegay wax xikmad ahi kuma sugna, maxaa yeelay muslimiintu way ogyihiin wayna yaqaanaan, laakiin raggiinan aan qabin indhihii wax laga arki lahaa (waa qalbigee), haddii laydiin sheego faajirnimo uun bay idiin faa'idaynaysaa. In ay taasi run tahay waxaa ku kala ogaanaynaa waxaan sheegaynaa mid ka mid ah waxyaabahaas ee car hala arko wahaabi ilaahiis u toobad keena.
Bogga 30aad, sadarka 15aad waxaa ku taala (ana haadihil mas'alah laa yacrifuhaa aktharu saxaabah)
intii kale ee aan soo sheegnayna sidaas oo kale ayey ugu qoran yihiin. Marka haddii saxaabada badankoodu aysan oqoonin, maxamed c/wahaab ayaa yaqaana miyaa. -Bal adigu isku daawee marka-
Rabiyow wahaabiyo soo hanuuni (aamiin)**** Aniga Rabbi iyo Allah waa isugu kay mid.
Wa bilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Monday, October 16, 2000 - 06:59 pm
To Al-ashcari
waxaan marakhaati kahay in aad reer magaal siyaasi ah tahay oo aad taqaan sida been loo iibiyo.(xikmad kuma jirto) eesh haadal kalaam yaa ash-cari.
Walaal aad baan ujeclaystay in dhamaan dadka akhriyay hadalkaagaan ay jaahilnamadaadu u cataatay dib danbana aysan kaaga sugayn jawaab. Jahliga ka wayn waa maxay warka aad soo naqlisay iyo kaad kor kusoo sheegtay bishan 10 keedii qodobka koowaad oo aad tiri kitaabkaas waxaa ku qoran in saxaabada inteeda badani aynan aqoonin macnaha (LAA ILAAHA ILA LAAHU) hadana waxaad leedahay (ANNA HAADIHIL MAS'ALAH......) walaal ma waxaad caawa garan waysay macanah Anna haadihi. Aan kuu faaiideeyee Anna waa xaraf, haadaa ismu ishaarah.cilmigee ku keentay in aad u fasirto Laa ilaalaha ilalaahu aleeysa haadaa jahlun murakabun. waxaan kaarabaa in ismu ishaaradaas warka uu ku xirnaa aad soo naqliso hadii kale macna yeelan mayso kaligeed. Walaalaha muslimiinta ah oo ahlu sunnada ah ka harkaan cajaa'ibtaan qofkii ka hadla wax uusan aqoon ulahayn cajaa ibtan mid kaban ka filo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Tuesday, October 17, 2000 - 07:52 pm
Ka: Jaahil, Ku: caalimka wahaabiyada/abu salman
war ninyohow haddii aadan xitaa refensiga fahmi karin ma garanwayday inaad iska aamusto. Ahlu sunuhu isuma quuraan inay qabaa'ixa foolxumajiidka ku yaala halkan ku soo taxaan. wahaabiyadaa lagu yaqaanaa in kutub dhan halkan kusoo guuriyaan ilayn xoogiyaa ka batoo shaydaan ayaa ku shaqaysanayee. Horay ayaan u sheegay in qabaa'ixaas muslimiintu taqaanno oo ayan u baahanayn in halkan lugu soo guuriyo, laakiin wahaabiyada iska sidata ayaan ugu talo galnay bal inay haddii ay fahmi karaan aan farta ugu fiiqno, laakiin taa la'idinka sugi maayo oo haray ayaa la'idinka waayey. Anigu uma quuro inaan akhrista yaasha qiimaha leh tusiyo wax ka wayn "asxaabta badankoodu mas'aladan ma'aqoonin". Ee adigan ku waydiinayaaye maxay tahay mas'alada ayana asxaabtu aqoonin oo Wahaabiyadu taqaan. Ogowna inaad tiri soo sheeg wixii ka horeeyey haddii kale micna yeelan mayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KULMIYE

Tuesday, October 17, 2000 - 08:44 pm
To AL-ashcari

Walal waa kusalaamy salaamta muslimiintu is kusalaamto .Waxaana rabaa in aan ku waydiiyo dhowr su'aalood oo ku saabsan WAHAABIYADA maxaa yeelay waxaa ii ga kaa muuqata in aad tahay nin leh aqoon uu ku jawaabi karo.
1 Wahaabiyiintu waxay lee yihiin 3 Tawxiid sida kitaabadooda ku taal , mawaxay ula jeedaan sadex ilaah in ay jirto ?
2 Kuwooda af carbeed ka ku hadla mar kay la hadlayaan qof ay xurmaynayaan waxay ugu yeedhaan "Sayidii" Nabigeenii suubanaa(CSW)uma ogola ee ma waxy qabaan ruux ka qiimo badan ayaa ilaahay ifka u soo saary ?
3 Kutbta axkaamta ah majecla oo ma bartaan dad kana waxay ugu sheekeeyaan in ayaga kahor aan wax labaran jirin ee sidee bay Qasliga & Xaydhka is ka ga daahiriyaan ?
4 Qaarkood oo kamid ahaa askartii siyaad bare oo jeelasha dadka ku ciqaabi jiray ayaa madhkii aad waydiiso oo tiraahdid ma ka toobad keentay dunuubtii wuxuu ku leeyahay waa gaas gaal ayaan ahaa, goormaa towxiidka looqabtay ? mise hadii la rabo in wahaabiyo lagalo looma baahna twxiidkii nabigeena suuban(SCW) uu nabaray

See xaalku yahay yaabay anigu ye? EEBOW NOO NAXARIISO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suni sistar

Wednesday, October 18, 2000 - 12:02 pm
salaamu caleyku
bal aan idinka dhex galee. magaca "WAHAABIYA" halkuu kayimid. wahaabiyahuse ma ogyahy ninka ay raacsan yihiin waxa uu ahaa iyo nabigeenii caleyhu salaatu wa salaam waxa uu ka sheegay.
dadkeygow waan idiin naxsanahy gaar haan akhwaanka,wahaabiya,itixaad.
waan idin baryayaa diinta khaladka aad u fasiraneysaan iska ilaaliya,si fiican wax u baara.
nabigu caleyhu salaatu wasalaam wuxuu yir.
"umadey waxaa idka soo dhex bixi doona dad idinka mid ha,oo idinka cilmi fiican,idinka salaad badan,waxooda oo dhana labada xalaqoo aan dhaafsiisneen" waa wax alaale iyo wixii raacay WAHAABI.
wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raabaca

Wednesday, October 18, 2000 - 05:43 pm
assalaamu caleeykum
TO dhamaan ahlu sunada halkaan isugu timid.
walaalayaal waxaan aad ugu farxay sidaad wahaabiyada u radiseen dhamaan tiinba.
jazaaka laahu khayran.

waxaan jeclaan lahaa haday ii suurta gasho in aan bogaan ku soo qoro daayari uu leeyahay nin gaala oo tiftif ah muslimna sheegtay oo maxamad c/wahaab
la'aabaabulay arinta uu layimid waxaana ku qori doonaa hadii ilaahay idmo ingiriis intiisa badan
sababtoo ah buugaan hayo baa ingiriis ah
waqtigayguna aad buu ciriiri u yahay laakiin insha alaah waa isku dayayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Thursday, October 19, 2000 - 06:20 pm
RAABACA
Walaal waa ku salaamay, salaanta muslimka. Sida aad aragtidna bogan waxaa isugu yimid ahlu-suna badan adigana waan kugu soo dhowaynaynaa. Walal runtii aad baan ugu farxay markii aad tiri waxaan halkan kusoo qorayaa "daayari uu leeyahay nin gaala oo tiftif ah muslimna sheegtay oo maxamad c/wahaab la'aabaabulay arinta uu layimid". Anigu waan akhriyay buuga aad ayaana ugu bogay,waana la yaabay. Waxaan sugi la'ahay inaan mar labaad ahlu sunaha halkan kula akhristo.
Jazaaka Allahu khayran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Thursday, October 19, 2000 - 06:51 pm
KULMIYE
Walaal waad mahadsantahay, aad ayaadna iiga qosolsiisay markii aan akhriyay qoraalkaagii qiimaha badnaa ee xambaarsanaa xaqiiqada wahaabyada. Rag iyo dumar badan oo ahlu suna ah oo aniga aqoon badan ayaa halkan akhrista, iyagaana nooga soo jawaabi doona insha'alaah. Hal su'aal ayaan aniguna ku darsanyaa oo aan rabaa inaad adigu nooga soo jawaabto, waxayna tahay; sida la'ogyahay nimankan waxaa magacyahooda ka mid ah "reer duca diid". Haddi jamaaca lugu dukado, (masaajid, ama meel kale)ee imaamku duceeyo, nimankani ma'ogola, oo mid kasta isaga oo aad u qabto in ceego lugu hayo ayuu istaagayaa. Ma'iisheegi kartaa waxay ducada ku deedeen. Mar aan sheekh waydiiyey, wuxuu yiri, markii imaamku yiraahdo (cadowga muslimka alaha qabto, muslimka alaha kor ka dhigo, gaalada alaha jebiyo i.w.m.) intaasi iyaga ayay kasoo horjeedaa, marka siday AAMIIN u dhihi karaan?.
2- iyo mas'alatul rilaacul kabiir

Aniguna yaabaye bal jawaab isii!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, October 21, 2000 - 08:51 pm
To al-ascari
Alle qaba, Alle kacabso, allihii cirka iyo dhulka abuuray kacabso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KULMIYE

Sunday, October 22, 2000 - 07:57 pm
To: Al-ashcari
Marlabaad ayaan ku salaamay Allah subxaanahu watacaal waxaan ka baryaynaa in uu u naxariisto Muslimiinta dhamaantood mid dhintay iyo mid noolba anaga na na ga yeelo ku wii maxabada nabiga (scw)qalbigooda daa'iman ay ku jirto aamiin

Walaal macalim kii dugsiga qur'aanka ilaah ha ka raali noqdee ayaa wuxuu ku ducayn jiray mar kuu arko dad hilmaan san Macbuudka " ilaahow ummadaa hadii hanuun uqoran yahayna soo hanuuni oo xaqa tusi hadii uu san hanuun uqornayna shartooda naga xijaab " mar ka waxaan umalaynayaa in aan hadal kale uu san mee shaan kafurnay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waasuge

Wednesday, October 25, 2000 - 06:55 am
To Kulmiye
Walaal waan ku salaamay,Ilaahey raali hakaa noqdo
adiga iyo wixii wax ku soo baray,Dadaalka riddinta Wahaabiyada halkaa ka sii wad.
wa salaama caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Wednesday, October 25, 2000 - 08:12 pm
Kulmiye iyo waasuge
waxan dinku salaamay salaanta islaamka. walaalayaal waxaad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad u redinaysaan xashawiyada iyo sida aad ugu gargaaraysaan diinta islaamka ee xaqa ah oo ay somalidu waligeed haysatay. Waana sidii lugu qiqiin ahlu xaqa oo waligood diintan usoo gar-gaari jiray. Walaalayaal waad aragtaan tabar darida bidcada, goormaa nin bidci ah ugu dambaysay bogan. Taasna waa Ilaahay mahaddii.

Wabilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kulmiye

Wednesday, October 25, 2000 - 08:12 pm
To : Waasuge

Waaasuge waa ku salaamay naxariista ilaahay na alaha nagu wada camimo anaga iyo dhamaan ummada muslimiinta ah kuwii hore iyo kuwa hadda noolba aaamiin. Walaal waasuge mamaqashay "dhagax taabasho iyo tuu tuu jin waa iskagamid" waxaan ula jeedaa wahaabiyadu waa cudur ku dhaca qalbiga daawadiisuna waa jazaha ilaahay , marka allaha naga koriyo.Waxaad ugtahay ana aan ogahay Wahaabiyiintuna ogyihiin in Nabigeenii suubanaa(SCW) uu nooga sii digay wahaabiyo iyo kuw kale oo lamid ah ,waa na lasoconaa in aysan saacada qiyaamuhu dhacayn ilaa la'arko 73dii firqo oo in aan hubo in aanay waxbaba ka dhimanay maanta .Waxaan ku soo gabagabaynayaa Allah subaxaanahu watacaalaa asaga un baa awoodlehe hanaga badbaadsho caqiidada xumada iyo cudurkay wadatab ,qoladaas wahaabiyoodayna hatuso waxa xaqu yahay, marka walaal Waasuge waxaa il haboon markii xaqa loo sheego kadibna in loo duceeyo waxaa laga yaabaa in ilaah u aqbalo walow wahaabiyo duco aqoon in ay ummada muslimiinta ah ku gaalnimo xukumaan mooyee.

Khayr iyo naxariis eebe yaan kuu rajaynayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kulmiye

Wednesday, October 25, 2000 - 08:17 pm
To: Al-ashcari

Salaam korkaaga ha ahaato

Waxaan u malaynayaa in aanu is ku mar soo galnay bogaan caawa ee waa kuu soo jawaabi lahaaye waa daalanahay ee hanoo ahaato mar kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Thursday, October 26, 2000 - 08:27 pm
to al-ashcari
gaaladii joogtay xiligii nabi maxamed(CSW) waxay bidci dhihi jereen nabiga (CSW) iyo saxaabadiisa. Bidcada maanta joogtana waxay bidci u yaqaaniin cidii xaqa ku dhagta qofkii baadilka aqbalana waxay u yaqaaniin ahlu sunna waljamaaca.
Hadaad rabto in dood cilmiyeed lagula wado kahadal mowduuca kana jawaab su'aalaha lagu waydiiyo warka aad sheegtana raaci mazdarkiisa hadaadan mowduuucaan aadan wadi karina fur midka aad jeceshahay.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Friday, October 27, 2000 - 07:52 pm
Abu salman
Buug la yiraahdo Kashfu shubhad oo uu qoray nin la yiraa al-Tamiimi, ayaa waxaa ku qoran (markuu aayad soo daliiliyay ka dib)"Halkaana waxaa kaaga muuqanaya, aayadduna ka marag kacday in waddada Alle cadowyo badani fadhiyaan; cadawyo af maal ah oo cilmi leh, xujooyinna haysta; TAAS OO WAAJIBINAYSA INAAD DIINTA ALLE KA BARATID WAX AAD KULA DIRIRTID SHAYDAAMADAAS...."
waxaan ugu danleeyahay tarbiyadiinna tan ugu fiican ayaa tan ah, marka sideed ku kala fahmaysaa keebaa bidci ah keese ahlu-sunna wal-jamaaca ah. Dadka maanta joogaa waligood waa joogeen ilaa nabi Muxamad (CSW) laga gaarayo, bidcaduna sida adinkoo kale ayay imaan jireen baa'bi'ina jireen. Bidcadu cilmi iyo kutubo waxba kuma qaataan, taariikhdaana taa marqaati ka ah, oo haddii maantoo dhan xaq luguugu adimo qaadan maysid. Waana wax fiican, maxaa yeelay haddii bidcadu diinta xaqa ah qaadato yaa bidco noqonaya?
Wa bilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Saturday, October 28, 2000 - 06:11 pm
TO:ASHCARI
waana wax fiican,maxaa yeelay hadii bidcadu diinta xaqa ah qaadato yaa bidco noqonaya?
ma waxaad ka wadaa waa iraada sharciyah oo allaa doonaya inay dadka qaarkii bidco noqdaan,ileen waa wax fiican baad tiriye,mise waa iraada kowniyah oo allaa qadaray ayaad leedahay,hadii aad midan dambe ula jeedid ha oran waa wax fiican,maxaa yeelay wax kasta oo qadarka allaah ku dhacaahi maahan wuxuu jecel yahay,ee waxyaabaha qaarkood alle ma jecla laakiin wuxuu uqadaraa lixikmatin laa yaclamuhaa illaa huwa,ha ka kibrine ka faa'iidayso midaan waxaa laga yaabaa inaadan ka helin meel kalee,waxaad wadataahi ileen waa talqiinaade,mida kale
sida adiguba aad ka soo guurisay tamiimi waanu baranay waxaan isaga dhicino afmaalada adiga wqax kuusoo akhriyay iyo jaahil adiga oo kale ah,waxaadse isugu yeeraysaan walaal bogaano waa kii ahlu-sunaha,MASAAKIIN
KULUN YADACII WASLAN BILAYLAA WALAYLAA LAATUQIRU LAHUM BIDAAKAA
hadiiba adinkaas wixii naftiina ku soo dhaca oo hawo ah oo uu shaydaan idiin qurxiyay ka diin dhiganaya aad tihiin ahlu sunnah iyo dhaa'ifadii mansuurada ahayd waa hadaan alle uusan lahayn dhaa'ifo xaqa ku taagan.
ABU SALMAN
walaal waan ka xumahay inuu shaqayn waayay e-mailkii ee kan fiiri
ustaad@freedom.usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Saturday, October 28, 2000 - 06:28 pm
abu-salman
hadii kale sharifnassir@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farxaan

Saturday, October 28, 2000 - 08:28 pm
Asalaamu calaykum
KU:Al-ashcari
Walaal waad mahadsantahay.waxaad intaas ugu dartaa wahaabiyada, inuu sheekhooda Maxamed C/wahaab yiri "Anigu waxaan idinkaga khabrayaa naftayda,ilaahay uusan ilaah kale jirin baan ku dhaartaye, cilmi baan dalbay markaasay waxay ii citiqaadiyeen dadkii aniga igaranaayay(waa dadkii raacaye)aqoon inay ii sugnaatay waqtigaasna ma aqoon micnaha laa ilaaha illa-laah, diinta islaamkana ma aqoon khayrkaan Ilaahay igu manaystay ka hor[oo wahaabiyonimada ah,tolow ma nabinimuu sheeganayay xaggee khayrku uga yimid?] Waxaa sidoo kale ahaa mashaaikhdayda, qofkii yiraahda micnaha laa ilaaha illa-laah baan aqaanay ama micnaha diinta islaamka waqtigaan ka hor[ xataa nabigii scw] ama sheekhiisa kasheega inuu yaqaanay been buu sheegay naftiisana waa amaanay" ayadoo carabi ahna waa tan "Wa'ana ukhbirukum can nafsii, wallaahil-ladii laa ilaaha illaa huwa laqad dalabtu al-cilma wactaqada man carafanii anna lii macrifah, wa'ana daalika al-waqta maa acrifu macnaa laa ilaaha illal-laah walaa acrifu diinal-islaam qabla haadal-khayri alladii mannallaahu bihi, wakadaalika mashaaikhii maa mihum rajulun carafa, faman zacama min culamaail-caalam annahu carafa macnaa laa ilaaha ill-laah aw carafa macnal-islaam qabla haadal-waqti[xataa Nabiga csw iyo saxaabadii kama uu reebin] aw zacama can mashaaikhihi anna axadan carafa daalika faqad kaddaba waftaraa walabbasa calan-naasi wamadaxa nafsahu bimaa laysa fiihi" ka eeg arintaas Taariikh al-najdi risaalada 10aad, juska 2aad, bogga (137)uu qoray Xusayn bin Gannaam oo ahaa ardaygii Maxamad C/wahaab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-ashcari

Tuesday, November 07, 2000 - 06:42 pm
TO: Farxaan, walaal waad ku mahaddsantahay sida la yaabka leh ee aad noogu dheegtay xaqiiqada dhambta ah ee wahaabiyada. Waxaan sugaynaa wahaabi yiraahada waa jirtaa iyo ma jirto arintan.

wabilahi towfiiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.