site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ciidamadii Maxkamaduhu waxay Noqdeen Ciidamo Daacad u ah Madaxweynaha!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): Ciidamadii Maxkamaduhu waxay Noqdeen Ciidamo Daacad u ah Madaxweynaha!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fuaadkhadar

Friday, October 06, 2000 - 05:42 am
Assalaamu Calaykum

Waxa jirtay in Ciidamo ilaaliya Maxkamadaha laga sameeyey Meelo ka mid ah Gobolada koonfureed oo daku ku tuhmi jireen inay yihiin JABHADO cusub oo XUKUN raadis ah, laakiin taasi wax ay beenoowday markii ay Taageereen DAWLADA cusub, waxayna ahaayeen dad u taagnaa ilaalinta maatada sugayeyna in XAL la helo, weliba iyagoo u badan DAD wadaado ah bay waxay MURAN dheer ka dib ogolaadeen in ay ku biiraan CIIDAMADA la shaqaynaya AMNIGA DAWLADA CUSUB iyagoon aan jeclaysan in lagu dhex daro DAD aan diin shaqo ku lahayn oo laga soo ururiyey beelaha SOOMAALIYEED waxayna saas u yeeleen inaysana KHILAAF ku kicin DAWALADA.

walaalkiin
Fu'aad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnulislaam

Tuesday, October 10, 2000 - 01:08 am
Fu'aad walaal nimanku waxay yihiin waa la'ogaani mustaqbalka dhow oo way soo bixi ama dad diinta ilaahay u istaago ayey noqoni ama dawladda cusub ayey waardiye unoqon. Waxaan saa u idhi waxaan ogaaday hadduu qofku sheegto inuu islaam u taagan yahay waloow anigaba aan ahaado e waa loo yara sugaa kadib marka wakhti lajoogo duruufana yimaadaan ayaa la'ogaan qofku wuxuu ahaa iyo wuxuu rabay. Imtixaankooda wuxuu noqon kadib marka Cali Khaliif Gallaydh oon garnayo mabda'iisa soo rogo wareegtooyin kasoo horjeedo shareecada islaamka waxay sammayn maxkamaduhu, illeen waxay u taagnaayeen kalimtul xaqe.Mamucaaradayo maxkamadaha kamana soo horjeedo ee waxaan sidaydaba iska jeclaystay inaan ku'arko jinsiga soomaaliga dad u istaago kalimtulxaq oo haddana ku'adkaysto oon katanaazulin. Alla fara badanaa inta xaq sheegatay dadkeenna oo hadana markuu jiilaalku yimid kahaajirtay ilaahoow hanugu darin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fuaadkhadar

Tuesday, October 10, 2000 - 11:19 am
Assalaamu Calaykum

Walaal IbnulIslaam waad wanaajisay hadalka waynuna arki doonaa sida xaal noqdo, waxaanse anigu ogaaday in Al ITIXAAD ahaa dad xaq raadis ah anoo shaki badan ka qabi jirey laakiin waa taas CADOWGII oo kala ah AMXAARO iyo worlordskiiba Dawladii cusbayd ku tilmaamaya AlITIXAAD inay ka danbayso inagoo og inaan wax Jago la tilmaami karo wadaadada noocay doonaanba ha ahaadeene laga siin,
Taasi waxay markhaanti u tahay inay ururkaasi Xal Somali la rabeen laakiin aynu fahmi waynay.

Fu'aadkhadar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ad

Thursday, April 05, 2001 - 09:45 am
gdfsdgdsfgsdfgvdf

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.