site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAHAABIYADA IYO WAR MAQABAYAASHU ISU WAR LA,

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): WAHAABIYADA IYO WAR MAQABAYAASHU ISU WAR LA,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bshiir Sunni

Friday, October 06, 2000 - 06:22 am
TO: DHAMMAAN

Akhristoow haddii aad nooshahay waxaad arkaysaa waxyaabo kaayaabiya oo mararka qaar kugu abuura naxdin iyo rajo xumo, yacni waxaa layiri (CIS RAJAB TARAA CAJABAA) waxaan ula jeedaa haddii aan nahay soomaali waligeen waxaan nahayn dad muslimiin ah oo aan ku islaamin wax seef ah amaba dirir iyo xoog, markii Asxaabta Nabigu SCW usoo hijroodeen ardul xabasha ayaa soomaaliya diintu soogaartay taas oo ah intii aan diintu gaarin Magaalad barakaysan ee Madiina Al-muna wara,

hadaba Akhristoow dadkii intaa islaamka soo ahaa waxaa u yimid qolooyin cusub oo wata magacyo iska soo horjeeda qaarkoodana aadba isleedahay waxaa isaga hantaacay dad aan aqligoodu miisaanayn sida SALAFIYA JADIIDA!!!!.

dad kii markii ay u yimaadeen waxay u sheegeen in ay dadkani islaamin cusub u baahan yihiin dadbadan ayaana arintaa dhab u qaatay oo yeelay is islaaminta cusub hadaba jawaab ma iga siin kartaa arinta ku kaliftay dadkan in ay nuglaadaan waxyaaba nuucaa ah?

haddii wax iga qaldamaan ha ila yaabin kolayu binu aadan ayaan ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu salman

Friday, October 06, 2000 - 07:21 am
To Bashiir
Bashiiroow salaan kadib shaki baa iigaga jira inaad soomaalia joogi jirtay maxaa yeelay waxaad iloowday wixii magacyo tirada kabatay oo jiray intii aanaan dhalan aniga iyo adigaba waxaana kamida Qaadiriya,Axmadiya,Saalixiya, Zayliciya Uwaysiya IWL. Hadaba kumalihi salafiya jadiida, islaax Al itixaad IWL ayaa banaan laakinn waxaad moodaa inaad kuwaa hore aad ka indha saabatah ama aad la tacaadufootay kuwan danbana seef u wadato.
Raali iga ahoow hadii aan boog ka taabtay.wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSCAB

Tuesday, October 10, 2000 - 06:54 pm
ASALAAMU CALAYKUM, TO; Bashir HADAY DHAGA KUU DALOOLAAN DHOWRJEER WAX LAGU YIRI, bashiirow wixii hore laguu yiri baan ku leeyahay bashirow ilaahay ka baq oo fur bog dadka anfaca ogowna wixii aad bilowdo shar iyo khayrba adunbaa leh e. RASUULKUNA SCW wuxuu yiri ama khayr ku hadal ama iska aamu, adiguna maantoodhan wax dadka iska horkeenaya baad wadaa ayad iyo xadiisna raacin maysid oo daliin ma wadid ee rayigaaga uun baad hadlay saa, hadaba nin yahaw waxaan ku dhihi lahaa intaan adiga lagu xisaabin is xisaabi, ARIMAHAN aad ku jirtana hadi ay khaldan yihiin iyo hadii kalaba culumada ayay u taalaa laakiin aniga iyo adiga oo xamaasad mooyee aan xalwadin uma taalo. hana lais cafiyo hana la isu soo duceeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waasuge

Wednesday, October 11, 2000 - 12:35 am
To Abu-Salman, Muscab
Walaalayaal waxaad ilowsan tihiin in Qaadiriyo,Saalixiya iyo Axmadiyo ay waddanka somaliya ka jireen muddo dheer ummadda somaliyeed ay ka ilaaliyeen kalana dagaalameen in la gaaleeyo waligoodna aan laga maqal qof muslim ah waa gaal Laakin qolooyinkaan cusub ee Wahaabiyah iyo Islaax qofkii aan raacin manhajkooda ku tilmaamay gaal maxaa xaalkooda yahay?
Waxaan la soconaa haddii aad tiraahdo qof muslim ah waa gaal uusan noqonna gaal in gaalnimada ay kugu soo laabaneyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waasuge

Wednesday, October 11, 2000 - 01:11 am
To Abu-Salman, Muscab
Walaalayaal waxaad ilowsan tihiin in Qaadiriyo,Saalixiya iyo Axmadiyo ay waddanka somaliya ka jireen muddo dheer ummadda somaliyeed ay ka ilaaliyeen kalana dagaalameen in la gaaleeyo waligoodna aan laga maqal qof muslim ah waa gaal Laakin qolooyinkaan cusub ee Wahaabiyah iyo Islaax qofkii aan raacin manhajkooda ku tilmaamay gaal maxaa xaalkooda yahay?
Waxaan la soconaa haddii aad tiraahdo qof muslim ah waa gaal uusan noqonna gaal in gaalnimada ay kugu soo laabaneyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muscab

Wednesday, October 11, 2000 - 07:24 pm
waasuge alle ka cabso oo xisaabtan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Wednesday, October 11, 2000 - 10:37 pm
To Waasuge
assalaamu calaykum. Walaal su'aashadu ma ahayn maxay qabten maxayse kharibeen laakiin waxaan muu jinaayahay in magacyo umadaan islaamka dhedeeda ay jiri jireen oo aysan bilaabin kuwa uu sheegay saaxiibkaa ama adiguba qof uu yahayba kan pagka furan. Tan labaad 100% ayaan kugu raacsanahay in aan la gaalaysiin qof muslim ah nimanka aad carabka ku dhufatayna hadii ay sameeyeen bari baan ka ahay, laakiin xujo cad baa lagaa rabaa inay gaalaysiin dad islaam ah. Ogow hadaad qof muslim ah aad ku eedayso dad buu gaalaysiiyaa in xukun keedu la mid yahay midkaan hada kawada hadalnay oo ah in la gaalaysiiyo qof muslim ah.
Khayran insha allaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaliil

Saturday, October 14, 2000 - 04:52 pm
Abu Salman
ugu horayntii waad salaamantahay. Tan labaad waad ku saxantahay inaad tiraahdo beri baan ka'ahay kuwii wax gaalaysiinaya. Waxaad moodaa inaadan ogayn meesha aad wax ku waddo ama waad iska indha tiraysaa oo ma rabtid inaad aragto.Sida muslimiintu la socoto Wahaabiyadu waxay "Muwaxid" u yaqaaniin ninkii iyaga caqiidadooda raaca (maxamed c/wahab), taasna inay jirto iyo qofkii aan muwaxid ahayn waxay tahay adigaan kuu daayey.
Intaa kuma ay harin Wahaabiyadu, ninka muwaxidka ah waxaa laga rabaa in muslimiinta intooda kale uu gaalnimo ku xukumo. Bal adigu laftaadu dib isugu noqo oo miisaan arrimaha maalin walba aad kuwada hadashaan oo ay kamid yihiin dadkani ilaahay bay wax la caabudaan (miyaanay gaalaysiin ahayn), dadkani qabuurahay caabudaan(miyeyna gaalaysiin kale ahayn), dadkani ilahay ma waxidaan, (miyeysan sdioo kale ahayn). Mase adigu waxaad gaalnimada u taqaanaa si kale oo caqiidada kuma saabsana? Haddii aad xasuusato wahaabiyadu waxay muslimiinta ku haysataan waxaa ugu badan caqiidada. Haddii marka caqiiddo laysku haysto adigu soo sheeg cidda aan caqiidada saxda ah hasyan wahaabiyada ama muslimiinta inteeda kale.
To your knowledge.

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saykoolojist

Saturday, October 14, 2000 - 05:11 pm
salaama calaykum dhammaan
walaal khaliil arintu sida aad u fahamtay ma aha.
wahaabiyadu marka ay leeyihiin dadku waa gaalo waxay ka wadaan dadku ma waalna ee may waashaan. Urur dadkiisu wada waalanyahay waxaa looga mid noqon karaa waalli kaliya. Hadda adigu haddaad rabtid inaad wahaabiyo noqotid iskama noqon kartid xubinimadana lugu siin maayo intaad fiyawdahay ee waxaa lugula sugayaa itaad ka waalatid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaliil

Saturday, October 14, 2000 - 07:03 pm
saykoologist, wad mahadsantahay, waxaana marag ma doonto ah in wahaabiyada aanu ka mid noqon karin qof miyir qaba. Maxaa yeelay waxaad arkaysaa wahaabi aabihii xabad ku dhuftay, mid hooyadii dharbaaxay, mid walaallhii ku dilay masaajid dhexdii iyo kuwo ku jihaadaya macalimiintoodii iyo mashaa'ikhdii wax soo bartay. Kuwii dagaalka ka galay bari ayaa waxay sheegeen in ay salaaddii subax ku dukadeen suuratu ikhlaas si ay aga gaaraan oo ay u laayaan muslimiinta masaajidda ku dukanaysa oo suuradaha dhaadheer akhrinaysa. Markaas way cadahay in waaliyo meesha ku jirto, laakiin daawadeeda dhakhaatiirtaa laga rabaa????

wa bilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Br. Ali

Saturday, October 14, 2000 - 07:11 pm
Bashiir sunni
Su'aashaada jawaabteedu waxay u baahantahay oo keliya in dib loo raaco oo la akhriyo
1-Taariikhul Wahaabiyah
2-Bidcatu al-Najdi
waxaana la helayaa iyagoo afsomali ah

Ok

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, October 14, 2000 - 07:13 pm
To Khaliil
assalaamu calaykim. Walaal aad baad ugu mahad santahay qoraalkaaga iyo su'aalahaba. Marka hore hadii aad igu tuhunsantahay in aan ahay wahaabiya ma ihi. Allana ma jecla in aad qof muslim ah u bixisid magac uusan lahayn raalina uu san ka ahayn. Akhii kala saar in qof uu ku dhoco shirki iyo in la gaalaysiiyo. sida culimada islaamku ay kutubtooda ku bayaaniyeen; qofkii shay shirki ah layimaado waa loo naseexaynayaa in uu gacanta kala boxo shirkiga labarana xaqa hadii uu jaahil ka yahay. haddii qofku ku dhoco shirkiga una bareero isagoo ku qanacsan in ay ubanaantahay oo uu diido naseexada jaahilnimana aysan u gaynin sida abaa-jaahil iyo kuwii lamidka ahaa waxaan qabaa in xukunkiisu uu cadyahay.
Walaal waxyaabaha aad sheegtay in ay shirki yihiin ma shaki baa kaaga jira sida in labaryo alle gayrkiisa, Istigaada ligayrilaah ama nadar laga xirto axad aan alle ahayn ama qabuuraha aad sheegtay oo roob iyo awlaadba la waydiisto?
hadaad ka shaki santahay taas walaal inaad tawxiidka barato aad ubaahantahay ceebna ma'aha ee iga raali ahow. Laakiin sida aan aaminsanay(ahlu toxiid) culimaduna kutubta ku bayaaniyeen taas macneheedu maaha in saaxiibka samaynaya shirkigaas uu yahay mushrik ama gaal. sababtana waan kor ayaan kuugu soo sheegay.

To sykolajiiste
Walaal waa jiraa cudurka aad sheegtay wuxuuna ku dhacaa faruuryaha gaalada iyo bidcada waxayna ku dhahaan ahlul-xaqa qof lagu yiraahdana waxaa ugu horeeyay Suubanaheena(SCW) Quraanka ayaana kuu sheegay ee alle ha kaa daaweeyo cudurkaas hadaad qabto.
Khayran insha'allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waasuge

Sunday, October 15, 2000 - 09:36 pm
To Abu-Salman,Muscab
Walaalayaal ma waxaan idin moodney mise waxa aad noqoteen mise waxaan leydinku noqon doonin.
Waxaan idin moodney rag waxa uu ku hadlayo yaqaan
laakin sida ka muuqata qoraalkiina waxaad tihiin dad aysan u bilowneen ee macangag ah,waxaadse nagu noqoteen rag ka baqay xitaa waxa ay aaminsan yihiin in ay sheegtaan oo ah "Wahaabiyh" Waxaanse leydinku noqoneynin in waqti dambe leydinku dhumiyo. sababta aan u leeyahay waxey tahay qoraalku wuxuu xiiso leeyahay marka aad taqaan cidda aad la hadleysid, sida qoraalkeyna ku cad wuxuu ku wajahan yahay baadilka Wahaabiyada marka hddii aadan wahaabi aheyn, qoraalkaagu xaggee ku wajahan yahay .Marka wixiinu waa gacmo daalis.Walaalayaal haddaba talo yar aan idin siiyo noo fura bog cusub aan ku wada sheekeysano anagoo is naqaan. Soona sheega waxa aad aaminsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Sunday, October 15, 2000 - 10:31 pm
To waasuge
Muscab wuxuu had jeer kulahaa Alle kacabso haday kula noqotay inuu san aqoon waxa uu ku leeyahay halle ha kusoo hanuunsho ama ha kuu sahlo mid ku dhaha Alle hakacabsan.
Anna waxaan kaa rabaa inaad su'aalahaan aad iiga soo jawaabto
1. Waa maxay wahaabiyo?
2. Maxaa lagu gartaa wahaabiya?
3. Yaase la dhihi karaa wahaabi?

Walaal markaan qoraaladaada dib ugu noqday kuma aanan arag su'aalahaas jawaabahooda.
Hanuun baan alle kaaga baryayaa.

To MUscab
Walaal waxaan Alle hortiisa maraakhaati kaaga noqonayaa inaad ninkaas Alle kacabsi gaarsiisay oo uu kamadax adaygay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najiib

Monday, October 16, 2000 - 05:51 am
To waasuge
Salaamu calaykum dhamaantiin,waxaa waasuguw sheekada laguula wadi waayay Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ayaa na faray dadka jaahiliinta ah ee fidnoolayaasha ah sidaada oo kale iyo wixii kula mid ahba inaan wakhti lagu lumin,sababta oo ah wakhtigu waa qaali,laakiin waxaan kugu raacsanahay in wax dadka anfacaya laga wada hadlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Monday, October 16, 2000 - 08:37 am
asalaamu calaykum..
salaanta islaamka ka dib..
sideedaba qofku marka uu ka tago cabsida alaah ilaawana in uu ale arkayo markuu qorayo qoraalkaan.waxaa dhacda qofku wax walba in uu iska qoro..taas waxaan ula jeedaa qoraalo hore oo meeshaan lagu qoray..bal eega walaalayaaloow waxa uu ku hadlay ninka isku magacaabay khaliil..waxa uu yiri waxaa ka mid ah wahaabiyada waa siduu hadalka u dhigaye nin aabihiis xabad ku dhuftay iyo nin hooyadiis dharbaaxay iyi nin walaalihiis ku dilay masaajid dhexdiis iyo nin ku jihaaday mashaayikhdiisii qaarkoodna salaadii subax bay waxay ku tukadeen suuratul ikhlaas si ay u gaaraan oo ay u laayaan dadka ku tukanaya suuradaha dhaadheer....hadal uu sidaas micnihiisu yahay.taas qof walbaa oo caqli leh wuu dareemayaa sida ay tahay..waxaan kaliya oo ugu nasteexaynayaa walaalaha meesha ka hadlaya in alle laga cabsado maalin weyna in ay naga dambeyso in la xusuusnaado.qof walbana waxa uu qoro alle hortiis lugu weydiin doono...ma aha in aad xaqa uga tagtid adigoo difaacaya afkaartaada beentuna waa shay aad u xun qof weyn wax uu sameeyana ma aha..
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waasuge

Tuesday, October 17, 2000 - 01:13 am
To Abu Salman
Walaal su'aal laguma jawaabo su'aal.Marka waxaan ku leeyahay soo baro asluubta warka.
Adiga iyo saaxibkaa Muscad waxaad dhower jeer ku soo celceliseen Alle ka cabso,Alle ka cabsi waa leydinka badan yahay bal taasi marka hore laabta ha idiin gasho. Hadise aad rabtaan in aan idin raaco arrimaha uu idinka sheegay walaalkey Khaliil
waa habeenkii xalay ahaa ee tegay.Walaal su'aalaha
raqiiska ah ee aad i soo weydiisay jawaabtooda waxaa ku siiyey saaxiibkey Khaliil ee soo aqriso
qoraalkiisii taariikhdu markey aheyd October 14,2000.Qofkii intaas laga helaa waa Wahaabi.
Talo:Inta aadan wax qorin aqri dadka kale waxey qoreen, si loo helo waqti badan oo laga faa'iideysto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Tuesday, October 17, 2000 - 07:35 pm
To waa suge
Waa suge Aniga iyo adiga halkaas noogu jooji.

To Khaliil
Oct.15dii(12:13am) ayaan kaaga jawaabay qoraalkaas uu sheegaayo kan sugaayo waxa uu hormarsaday. Waxaana ku soo waydiiyay su'aalo waxaan kaasugayaa jawaabtooda. Waxaan jeclaanlahaa in laga hadlo mowduuca cilmina lagu hadlo alle kacabsina lagu daro wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaliil

Wednesday, October 25, 2000 - 08:51 pm
Waasuge. Walaal waad mahadsantahay sida wanagsan ee aad ugu caqli celisay walaalaheena somaliyeed. Waxaase ayaan darro ah in walaalaheen (sida adiguba aad horay u tibaaxday)somaliyeed ilaa hadda laga la'yahay nin fahmi kara mowduuca laga hadlayo. waxayna dhibaato wayn ku qabaan laba arrimood=-
1- Waxay moodaan oo loogu sheekeeyey in iyaga qudh ahi ay muwaxidiin yihiin, oo cid kale ilaahay (SW) ka cabsanin iyaga mooyaane. Markaas ayay waxay lasoo boodayaan, ilaahay kacabso, waan kuu nasteexeeynayaa, iyo waxyaabo lamid ah.
2- waa sida aad sheegtaye, iyaga oo aan sheegan karin waxa ay aaminsanyhiin.

Jawaabta arinta hore, waxan wahaabiyada ku leenahay waxaa ilaahay nabaray, mashaa'ikhdeenina aan kasoo guurinay,(oo aad ogaataan) waxa sharcigu ka qabo, iyo sida loola dhaqmo, marka mubtadiciinta sidiina oo kale ahi hadlaan oo sheegtaan inay xaq sheegaan. Marka ogaada halkan ma joogaan dadkii xaq baan sheegaynaa loogu dhumanjiray. Arinta labaadna adigaa dhameeyey oo lama yaqaanno si loola hadlo jinni iyo insi wax u dhexeeya.Marka waxaan sugaynaa intay ka sheegtaan labaas mid.

Ilahow bidcatu najdi umadda garb mari (AAMIIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaliil

Wednesday, October 25, 2000 - 09:11 pm
ABUU SALMAAN, walaal qoraalkaaga dambe ma cada waxa aad u jeedo. Mida kale waxaa wanaagsanayn lahayd inaad ogaataan in bogan dadka wax ku qora ee aan wahaabiydada ahyni ay muslimiin yihiin. Marka hadii aad moodaan inaysan ilahay ka cabsan,way kacabsadaan, mubtadic warkiina way yaqaanaan fiqhi ahaan sida loola dhaqmo. Marka ha isdaalina oo Alla ka cabsi arrinta halugu darada aad ku celcelinaysaan amaad adinku gaar marsanthiin.


ABU CUMAYR, ugu horayntii waad mahadsantahay. Walaal hadii aad moodid in aanu iska qorayno wax aan jirin, waad khaldantahay. Ugu horayntii bal adigu iska hayso nasteexada aad sheegayso. Ma filaayo nasteexo adiga kaa maqan inaad qof kale gaarsiin karto. Tan labaad, hadii aad wax ku miisaanto caqligii wahaabiyada, ha ku noogin bogan lama socon kartide.
Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Thursday, October 26, 2000 - 01:16 pm
TO: waasuge iyo khaliil
walaalayaal aad baad u mahadsan tihiin sidaad u
difaacdeen diinta. jazaakumu laahu khayran.
wasalaamu caleeykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Thursday, October 26, 2000 - 07:48 pm
To Khaliil
Hadaad diiday Alle kabaq hadaba ku caasi Alle(WAMaA BACDAL XAQI ILLADALAAL)

Hadaad ka jawaabi waydeen oo aadaadnaan aqoon wahaabi, in aad soo naqlisaan kitaabu tawxiidna aadnaan rabin Hadaba noo fura baabu-suufiya asaga ayaad taqaaniine anaguna aan diyaar u nahay in khuraafaadkiina aan soo naqlino oo dibada soo dhigno wax aan bani aadanku maqli karin.
Alle hana soo hanuuniyo dhamaanteen(AMIIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaliil

Friday, October 27, 2000 - 07:24 pm
Abu Salman, intaa aanan kuu soo naqlin waxa wahaabi ama wahaabiyo tahay adigu daawadii ma dhamaysatay oo miyir ma leedahay. Marka wahaabiyanida aad cirka kula guurayso kaa yaraato, waxaan diyaar u ahay inaan wahaabi kuu sharxo, laakiin qof aan miyir qabin xataa salaadi kuma waajibto, in wax labaro iska dhaafe.

Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Br. Ali

Wednesday, November 08, 2000 - 10:03 pm
WAHABIYAH (ism)

Wahaabiyada waxaa aasaasay looguna magac daray Maxammed Cabd-ul Wahab Ibnu Sulaymaan oo u dhashay reer Tamiim, isla markaana ah reer Najdi.[Najdi waa meeshii Nebiga (CSW)uu 3 jeer diiday inuu u duceeyo].Wuxuu ninkaasi dhashay sanadkii 1111-tii Hijriyada. Qur'aanka iyo fiqhiga wuxuu ka bartay kana akhristay Aabihii C/wahab oo ahaa sheekh wayn oo la yaqaan. Ka dibna xajka ayuu aaday, isaga oo uga sii gudbay Madina halkaas oo uu joogay laba bilood. Dabadeedna wuxu ku soo laabtay magaaladii aabihii joogay ee Al-Cuyayna, hlkaas oo uu kaga tixmay dersigii uu aabihii akhrinayey. Wuxuu halakaas ka sii aaday Ciraaq isagoo doonayey inuu cilmiga u xeraysto. Magaalada Basra wuxuu kula kulmay sheekhyaal uu ka mid ahaa Sheikh Muxammad Al-Majmuuci. Halkaas Maxammed C/wahab wuxuu ka muujiyey figradiisii waxaana ku kacay oo ka horyimid culumadii halkaa joogtay iyadoo eed loo qabsaday cidii uu xerta u ahaa. Waxaana lugu qasbay Maxammed C/wahab inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uga boxo magaalada, wuxuuna u cararay tuulada Azzubayr isagoo uga sii gudbay mandiqada Al-Axsaa, halkaas oo uu culumadii kula dooday arrimo ku saabsan caqiidada. Meeshana waa laga eryey, wuxuuna soo aaday dhanka aabihii oo markaa joogay magaalada Xureymala taariikhdu markay ahayd 1140-kii Hijriyada oo ku aadan 1720 miilaadiyada.

***Si aan uga jawaabo, "Waa maxay Wahaabiyo? ayaan u soo qaatay horu dhacan oo aan sii wadi doono, dabadeedna jawaabtu iyadaa halkaa ka cadaan doonto.
***Maqaaladan waxaad ka heli kartaa kutubada wahaabiyadu qortay ee ay ka mid yihiin
1-Cinwaan-un-najdi Aliife Ibn-ul-Bishri An-najdiyi
2-Taariikhul-ul-Najdi, Allife Xuseen Ibnu Qanaa
3-Caqiidatu Muxammad Ibni-Cabd-il Wahab Assalafi, Allife Dr. Alwahab
iyo kuwa kale oo badan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 05:41 pm
Assalaamu caleeykum
TO:ali
walaal Jazaakalaahu khayran qoraal kaagii wanaagsanaa.waana sugaynaa inaad sii wadid.
Wassalaamu caleeykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIIKH

Saturday, November 11, 2000 - 04:43 am
NAJDIGUU RASUULKU UDUCAYN WAAYEY WAA NAJDIDA CIRAAQ

NIKAANA WAXAA KA MUUQATA IN UU JAAHIL KA YAHAY
SIIRADA SHIIKHUL ISLAAM MAXAMED IBNU C/WAHAAB
SIDAAS DARAADEED AYAANAN DOONAYN IN AAN LA SII WADO CADOWTINIMO KALE AYAA MEESHA KU JIRTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 11, 2000 - 06:24 am
war ka kacooy gaalaa meesh joogta soomaali qorat

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Br. Ali

Wednesday, November 15, 2000 - 07:56 pm
WAHAABIYADA QAYBTII 2-AAD

---Intaa uu la joogay aabihii wuu qarsanayay figradihiisa sababay inay ka horyimaadaan caalimiintii islaamku, taasoo kalliftay in laga soo eryo meelo badan oo uu doonayey inuu cilmi ka barto. Waayo, aabihii wuxuu ahaa nin caalim ah, qaalina ka ahaa magaalada Xureymala, ee uu Muxammad C/wahaab markaa joogay. Waxay in badan taariikhda kutubta wahaabiyadu sheegtay in uu Maxammad C/wahab meeshaa figrigiisii ku muujiyey. Isagoo ka faa'iidaysanaya dhimashadii aabihii oo ku aadanayd 1153-dii Hijriyada (1733 miilaadiyada),ayuu alifay kitaab uu waxaan figrigiisii raacin kula gaalnimo xukminayo, kitaabkaas oo uu ugu magac daray Kitaabkii Towxiidka. Wuxuu ku cadeeyey in aan dadku Tawxiid aqoonin. Taasina waxay sababtay in ay muslimiintii reer Xureymala xoog isaga saaraan ninkaas gaalada ku sheegay, kuna dul allifay Towxiidka ka gedisan kii Islaamka oo ay yaqaaneen. Wuxuu la kulmay Amiirkii magaalada Al-Cuyayna, muddo ka dibna wuxuu la kulmay Amiirkii magaalada Al-Cuyayna, taariikhdu markay ahayd 1157-kii Hijriyada kuna aadanayd 1744-kii Miilaadiyada. Amiirkaas oo la oranjiray Cuthmaan Ibnu Naasir Ibnu Mucamir wuxuu Muxammad C/wahab u ogolaaday inuu faafiyo figrigiisii wahaabiyada ee horay muslimiinta kale iyo caalimiintoodu u diideen.

*****Intaa maanta ha inuu joogto.

***Maqaaladan waxaad ka heli kartaa kutubada wahaabiyadu qortay ee ay ka mid yihiin
1-Cinwaan-un-najdi Aliife Ibn-ul-Bishri An-najdiyi
2-Taariikhul-ul-Najdi, Allife Xuseen Ibnu Qanaa
3-Caqiidatu Muxammad Ibni-Cabd-il Wahab Assalafi, Allife Dr. Alwahab
iyo kuwa kale oo badan

Wa bilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Trauntlabgirl

Wednesday, November 15, 2000 - 08:36 pm
Asalaamu alaikum,
Interesting topic....Unfortunately, I have difficutly reading and writing Somali :-( Is there any chance we could switch to English?

salaams,
TLG

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 16, 2000 - 05:03 am
Asalaamu caleeykum
To Br Ali
walaal waa wax muhiima in dadka looga digo baadilkii Maxamad C/wahaab. sidaan la wada socono
wuxuu yiri aniga kahor cid Laa Ilaaha Ilaa Laah
taqaanay malaha asaga oo aan kareebin Nabigii(csw) iyo saxaabadii(rc). waa qof cid wax soo bartay aysan jirir oo asagu iskii u socda.
Maxamed C/wahaab iyo waxii raacsan oo dadka muslimiinta ah gaalaysiinaya in laga digo oo taariiqdooda lasheego waa waajib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Br. Ali

Friday, November 17, 2000 - 05:57 pm
Trauntlabgirl

"Interesting topic....Unfortunately, I have difficulty reading and writing Somali :-( Is there any chance we could switch to English?"

Thanks for your question. As I understand, there are several people who have difficulty reading and writing Somali and you are one of them. Yes there is chance to switch to english but, I am afraid the fast majority of the people who participate this page prefer Somali. I think we can solve this problem by creating another page which English will be the only language used. Or, I can give you the names of English books for this topic.

BR. Ali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Trauntlabgirl

Saturday, November 18, 2000 - 11:52 am
salaam,
Br. Ali, yes, please do so.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.