site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxad ku caawinkartaa walaaladeena "Falastiin" IYO "masjidka Allaah Alqudus"?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): Maxad ku caawinkartaa walaaladeena "Falastiin" IYO "masjidka Allaah Alqudus"?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslima13

Tuesday, October 10, 2000 - 06:29 am
Asalamu Caleeykum...................
Walal waxaad iga gudoontaan salaan qaali ah.
Inta kabacdii walalayaal waxaan ka xumaday lana murugooday masjidkii Illaahay uu dhiigii muslimiintii wanwanaagsaneeyd ku dhamadey isda Salaxu Diin iyo ku wii lamidahaaba in aay manta Yahuud xumi haaysato.............kaaga darantana dad Islam isu sheegaya......u ictiraafsanyihiin in eey Yahuudu leedahay.
Walaalayaal waxaan nafteeyda iyo idinkuba idinku waaninayaa in aad waxaad ku taageeri kartaan Masjidkaas Illaahay aad ku taageertaa ama naftiina ha ahaato ama maalkiina.
Waxaa murugo kale ah in eey madaxdii muslimiintoo idil ka wada jeedsadeen...............ee yaa masjidkii Illaahay u gar gaaraaya..............dhiiguna danqanayaa oo kanaxaya ciyaalka yaryarka ah ee malinkasta lagumaadaayo........yaa kadanqanaya?????????????????????
asalamu aleikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Tuesday, October 10, 2000 - 09:13 am
asalaamu calaykum

walaalyaal aan ku caawino walaalaheen ducada oo aan u ducayno markaan ilaahay hor taaganay inuu ilahay yahuub cirib tiro o halna u kasoo reebin alaaaaaaahu axsihim cada waqtul hum badada walaa tubqi minhum axaaaaaa walaalyaal walaalaheen naf iyo maalba aan ugu gargaarno ilaahay waxuu leeyahay ha u malaynina ku jihaad lagu dilay inay dhinteen ee way noolyihiin ilaa aqril ayah walaalyaal ducada yeeynaan ka ilaawin jisaakumu lahu khayraa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Tuesday, October 10, 2000 - 09:15 am
asalaamu calaykum

walaalyaal aan ku caawino walaalaheen ducada oo aan u ducayno markaan ilaahay hor taaganay inuu ilahay yahuub cirib tiro o halna u kasoo reebin alaaaaaaahu axsihim cada waqtul hum badada walaa tubqi minhum axaaaaaa walaalyaal walaalaheen naf iyo maalba aan ugu gargaarno ilaahay waxuu leeyahay ha u malaynina ku jihaad lagu dilay inay dhinteen ee way noolyihiin ilaa aqril ayah walaalyaal ducada yeeynaan ka ilaawin jisaakumu lahu khayraa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, October 10, 2000 - 11:04 am
Asalaamu caleeykum.

Waad ku mahadsantahay walaal muslima sida sharafta badan oo aad noogu soo gudbisay akhbaaraadka walaalaheen Falastiin.

Wax kale kuma daraayo oo kaliya DUCO badan iyo wixii jeebkeena ka go´o aan bixino.

Mahad baa idin sugnaatay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Saturday, October 14, 2000 - 12:18 pm
ASalaamu caleeykum.

Waxaan aad iyo aad ugu FARXAY in la ii sheegay walaala heen reer ABU DABI, in ay u aruuriyeen, walaala heen reer FALASTIN, lacag gaareeysaa
35 000 000 (malyan) oo DOOLARKA Mareeykanka ah.

Sidoo kale in YURUB, aad looga aruuriyay dhaqaalo badan. Intaas ayaan idinku kor dhin lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaali

Tuesday, October 17, 2000 - 04:30 am
Waligeedba somaalidu waxay isku mashquulisaa waxan danteed ahayn.Idinkiibaa liita oo lasheegay in aad tihiin dadka aduunka ugu faqiirsan,somaalibadan ayaana gaajo u dhimata, qaarkaalan reeraha aad ka dhalateen ayaa ku gumaysta oo nolosha ku dulaysta.
Maxaad ugu ooyaysaa reer Falastiin tiisaba daryeela walalkiina tiirsha.
Carabtu kaa lacgbadan,waana dalal jira oo aduun ilaahay u dhamaeeyay.Waykaraan in ay siiyaan waxii ay u baahanyihiin.
Muslinimo hadii aad eegaysaan miyaanu muslin ahayn ninka walaalkaa ah ee kugu ag bakhtiyaya.

Lacagaha aad ururinaysan SOMAALIDA ayaa idink baahan ee waxugu qabta Ilaahayna idinku caddbi maayo hadii aad walaaladiin wax siisaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mad Mullah

Tuesday, October 17, 2000 - 04:41 am
War soomaali waxa lagahadlayo maadan fahmin saaxiib.
Mesha diinbaa looga hadlayaa iyadana waa diintee nafartay inaan taageerro walaal kasta oo dhibban oon diin wadaagno. Arrinta soomaalida dhibban ninyahow maad kaalmaysid adaa waddani ahee annagu waxaan kumashquulsannahay carabtee.
Nabadeey waddani

Mad Mullah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQSAA

Tuesday, October 17, 2000 - 06:05 am
!! Bi ruux Bi dam nufdiika yaa AQSAA !!

Waa shicaarka walaalaheena falastiin ay maanta xambaarsan yihiin weligoodna xambaarsanaayeen.

Allow adigaa ina abuuray walaalaheena falastiina abuuray mas'uuliyad gaar ahna u dhiibay in ay naftooda iyo dhiigooda ugu huraan masjidkaaga seddexaad ee aad agagaarkiisa barakeysay. Allow dulmiga yahuuda ka qabo, dhagaxa aytuuraana awood geli caqiidadoodana sug. Amin

Waxaan aad uga xumahay in muslimiin badan maanta aysan la soconin waxa meesha leysku haysto gaar ahaana soomaalida, ma dhul baa laysku haystaa? ma masjid baa laysku haystaa? Ma caqiidaa laysku haystaa? Mise falastiin ayaa gardaran sida reergalbeedkaba ay qireen.

Soomaaliyey maanta doorweyn ayaa lagaa sugaayey, islaambaa laguugu tiriyaa carabna waa ka tirsan tahay, laakiin adigaa isku mashquulay qabiilna diinta ka soo hormariyey, booska aad islaamka kaga beegneydna adigaa ka gabay Allow hurdada naga kici. Amin.

Hadaba walaalayaal, haddii aadan naf huri karin maalna gacanta kuugu jirin waxa ugu yar ee aad qaban karto waa in aad walaalahaaga arrintan la soconin fahamsiisid waxa meesha leysku haysto waxa ay tahay kaasina waa iymaanka meeshiisa ugu hooseyso.

!! Bi ruux Bi dam nufdiika yaa AQSAA !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mumina

Thursday, November 23, 2000 - 03:33 am
wasalaamu calaykum dhamaantiin.
waxaan aad uga xumahay inaynu ka dahalo oo kaliya dhibka jira ee aan waxba laga qabanin, waxaan ku talin lahaa in la jihaad oo nafta loo huro Alle dartii loona gargaaro masjidka barakaysan waana mauuliyad qofwalba oo muslim ah guudka kasaaran lanawaydiin doono, mana jiro nin maanta aan awood ulahayn balse aduun jacayl ayaa ina mashquuliyay, waxaadse ogaataa inaytahay dariiqa ugu fudud ee janada loo maro, hadaba muslinow hurdada ka kac oo ubaratama janada,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afrikan

Saturday, November 25, 2000 - 07:20 am
Carab u naagayska maalla dhaafo? maxaa Falastiin nooga jira? Soomaali maa caawisaan? Masaajid maa masaajid ka roon? Arbac rukun iyo ugu yaraan laba boqol oo masjid oo kale aa burbursan Soomaaliya. Kuwaa maa dhisatid, mase waxaad u malayn Ilaahay inuu masaajidda carabta ka dhisan ka jecelyahay kuwa soomaliya ka dhisan?

Joojiya carab isku dhejintaan. Hadday rabaan masaajid inay difaacdan ama dhistaan ayagaa isku filan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

checker.

Saturday, November 25, 2000 - 04:19 pm
African.

Muslimiin yaan u aragnaa innaga adiga haddaad carab u aragto. Waadna jirran tahay ee ilaahey haku caafiyo. Galool ma aragtey midka la dhaho?. Kaasaad isku hadal egtihiin ee meesha ka daneyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afrikan

Sunday, November 26, 2000 - 01:46 am
Checker
Galool gal waaye, ani gaal ma ahi. Carab u naageyskaan necbanahay aan micne lahayn. Ma ogtahay Hindiya in la burriyay u yaraan Soddon Masjid, lana dilay 12,000 kun oo muslim ah tobankii sano ee u dambeeyay? Lacagtaan aad arurinaysid, kuwaasaa carab uga baahne maa u dirtid? Carab 180 milyan ah oo lacag ka buuxdaa maa adi wax kaaga baahan?

Taas makuu caddaysay inaysan muslinnimo ahayn ee ay carab daba orod kaa tahay? Barkee haddi ay muslinnimo ahaan lahayd dadka kuwa u liita aad taageeri lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

checker.

Sunday, November 26, 2000 - 01:57 am
African.

Assalaamu caleykum.

Carab dabanaageys haddaan ahay carab baan sheegan lahaa laakiin waan ku qanacsanahay inaan ahay nin madoow oo carab aan farac u gelin. Diintaa na mideysa annaga iyo qowmiyadaha kalee muslimka markii lagu daro carabta. Dhibkoodana waa dhibkeenna. Madaxda carabta ha u maleynin iney la wadaagaan dhibaatada muslimiinta ku hoos nool ee la dhashey waa tuugo is urursatey oo ku qaraabta islaamka iyo carabnimada kana ganacsada dhulalka muslimka marba kis sidey u iibiinaayeen yaa waxba soo harin. Xukunkoodey ilaashadaan ee daraaddood looma nici karo muslimiinta. Ka raalli noqo sidaan kuugu gefey markii hore. Waan ka xumahay run ahantii. Liiska meelha aan rabo inaan booqdo iiguma jiro waddan carab ah marka laga reebo laba magaalo oo islaamka dartii aan u aadi lahaa MAKKA IYO MADIINA markaan danah cibaada dhammeystana durbaba waan kasoo carari lahaa. Ka baxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afrikan

Sunday, November 26, 2000 - 03:15 am
Checker
Ani waxaan tegay siddeed dal oo carab ah, isugeynna toban iyo kow sano aan ku noolaa dalalka carabta. Walaalnimadaan muslinnimo aday kugu jirtaa ee ayaga kuma jirto. Waxaad tahay addoon ajnabi ah. Aswad, Asmarani, kaxloush(dhuxulow) aa lagu leeyahay. Dadka carabta ahi adi iyo gaalka cad gaal caddey boqol jeer kaa ixtiraamayaan.

Muslim haddii u booynayso maa u bowdid shanta boqol oo Afrikaanka ah oo bil ka hor lagu gowracay Liibiya. Denbigooda? Madow!

Halla joojiyo carab u naageyska. Carab = Muslim miyaa ? ani waxaan qabaa maya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

checker.

Sunday, November 26, 2000 - 03:29 pm
African.

Walaal waxaadan fahamsaneyn in qofka wuxuu sameeyo daraaddeed loo nicin islaamka wuxuu qabo. Haddii dadka carabta ay u badan yihiin dad madowga neceb taa ma keeneyso in islaamka dartood loo naco ama laga tallabsado islaamka walaaltinnimada uu faro. Sidey ninka madoow u arkaan u arkaan iyagey jirtaa. Anigaba waan ka warqabaa iney ixtiraamaan gaalada caddaanka in ka badan ixtiraamka ninka madoow ee muslimka. KALIGOODNA MAAHAN. XUSUUSO HADDAAN SOOMAALI NAHAY INTAAN IMMANIN WADDAMADAN KA HOR SIDAAN UGU HEYSANNEY GAAL WALBA INUU AQOON LEEYAHAY OO YAHAY PROFFESSOR OF SOMEKIND. Qudheenna waa nagu jiraa madow neceebka. Addoon innagaba waan niraahnaa dadka jareerta ahaa ee soomaaliya joogey. MIDGAANKANA KA WARRAN SOOMAALIGA DHALADKA AH EE LAGA INKIREY QABIILKIISII?. GABADHANA AAN LAGU DARSANEYN ISAGOO ISLAAM AH KANA QURUXSAN SOOMAALIDA BARKEED?. WALAAL CEEBTEENNA AAN KU MASHQUULNO INTAAN TAN CARABKA ISKA DHAAFNO. INNAGABA WAXBAA INOO AASAN. WAAN IS NECEB NAHAY OO ISMA GUURSANNO. UMMAD WADA BIAS AH BAAN NAHAY EE MARKA HORE AAN ISA SAXNO. CARABTANA markaan tago af carabi kuma hadli doono si ay ii ixtiraamaan. Paasportka americanka yaan indhaha kaga seyrin doonaa. Ha u sujuudeen ama ha iska daayeen. Islaannimada ka raaco wexey doonaan ha ahaadeen. Soomaalida carabta sheegata yaa niyad jabka ku dhacayaa aniga madoowgeygaas yan jannada rabbina ku heli doonaa ilaahey agtiisana sharaf kaga leeyahay haddaan noqdo addoon wanaagsan. Adiga cunsuriyadda iska dhaaf. Gabadhaada ku dar midgaan ama walashaa hadduu kaa soo doonto haddaad run sheegeyso oo aad ceeb ka saliim tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afrikaan

Monday, November 27, 2000 - 11:22 am
Checker
Ma liidatid. Carab aan nacno anigu marna ma oran. Dad bani aadam ahi ani ma necbi. Waxaaan leeyahay carabi isku filan. Waan been cad Muslinnimo keliya aa Carab looga daba ordayaa. Kow, Falastiin gaalo iyo Muslin ay isugu jirtaa. Gaalada Falastiinta ahi dagaalka halganka falstiin
weligood qayb weyn bay kaga jiraan. (sida George Xabash oo PFLP haystay)

Laba 90% Falastiinta halgantaa sida Fatax waa ururo hantiwadaag ah, ma aha ururo muslin ah.
Saddex, dad Falastiin ah oo gaajo qabaa ma jiraan, dacdarro ha iska qabeen kuwa xeryaha qaxootiga degganiye.

Waxaan ku siiyay mitaal. Haddii caadifadan la muujiyay ay tahay mid Islaannimo keli ahi keentay maxaa looga qaylin waayay muslimiinta Hindiya ee masaajidooda marka la rabo la burriyo, ayagana la laayo sannad kasta? Taas oo aan falastiinta marna ku dhicin.

Carab u daba dhilifayn ay weligeed Soomaaliyi qabtay ayaad waddaan ee joojiya. Haddaad cid wax u qabanaysaan dadkiinna yaa idiinka baahan.

Salaam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.