site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waa Maxay farqiga u dhexeeya SUNADA iyo BIDCADA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): Waa Maxay farqiga u dhexeeya SUNADA iyo BIDCADA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Wednesday, October 11, 2000 - 11:00 pm
Assalaamu calaykum.
walaalayaal waxaa maanta badatay in lakala aqoon waayay sunada iyo bidcada. Hadaba waxaan rabaa in si cilmiyaysan loo soo bandhigo waxay ku kala duwan yihiin sunada iyo bidcada ama macnaha sunada iyo bicadaba si'aan sunada u doorano mugdi la'aan bi'idnilaah.
Wajazaakumulaahu khayran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, October 12, 2000 - 06:27 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ilaahay Boqorkayna Maran Deeqdiisu Ayaa Mudan Mahad iyo Ammaan Intuu Ka Raali Noqdo. Waxaan qirayaa Isaga Mooyee In Uusan Jiran Ilaah Kale oo Xaq lagu caabudo. Ma Laha Ilaahay Shirkad Wax La Ah, Isagaa Leh Boqortooyada, Isagaa Mudan Mahadda Wuxuu Doonana Isagaa Fuliya oo Awoodeeda Leh.

Waxaan qirayaa in Maxamed Bin Cabdillahi yahay Rasuulkii Ilaahay iyo Nebigiisii Callayhi Salaatu Wa-Salaamu. In uu gutay waajibkiisii oo gaarsiiyay caalamka risaaladii Ilaahay oo uu ka run sheegay Ilaahay.

Diinta ISLAAMKA waxaa leh oo dhawraya oo daryeelaya Ilaahay oo sidaa Ballan Qaaday. Nebigeenii Suubanaana Sallalaahu Calayhi Wasalim wuxuu geeriyooday qarniyo badan hortood. Geeridiisanu waxay soo af jartay risaalo dambe oo bedesha wuxuu isagu ka tagay.

Ilaahayna wuxuu Quraankiisa Noo Sheegayaa haddii aan leenahay dhago wax maqla iyo qalbi wax garta:

"Maanta ayay ka quusteen Diintiina kuwa aan Ilaahay rumayn; hadaba ha baqina kuwa aan iimaanka lahayn, ee ANIGA iga baqa! Maanta ayaan idiin idleeyay DIINTIINA waxaan idiin siiyay NIMCADAYDA, waxaanna idiin dooray ISLAAM in uu noqdo diintiina." Al-Maa'idaha (5:3)

MAANTA AYAA IDIIN DHAMEEYAY DIINTIINA WAXAANA IDIIN DOOAY ISLAAM IN UU NOQDO DIINTIINA.

Mar haddii aan la murmayan oo waxay ila tahay iyo malo awaal laga saaro mas'alada soo wixii markhaati leh iyo marin cad in hadalku ku haro ma aha?

Hadaba hadalku ha ku haro in Nebigeenii Suubaan Calayhi Salaatu WaSalaam gutay waajibkii saarnaa ee ahaa in uu na soo gaarsiiyo RISAALADA Ilaahay oo ah WAR ILAAHAY KA BAQA OO ISAGA MOOYEE CID KALE HA CAABUDINA.

Qofkii sheegta in uu hayo wax sii qurxinaya oo sii fiicnaynaya diinta Ilaahay waa qof na leh anaa og oo Nebi Maxamed ma gudan waajibkiisii oo wax buu ka tagay isla markaasna Ilaahay baa ka aqoon badnahay oo weli ma dhamaystirna diintiyoo waxay u baahan tahay in la naash naasho oo cusbo iyo xawaaj lagu daro.

Markaas ayaa ibtilo timid iyo wadiiqadii cadaabta loo marayay iyo BIDCO.

Bidco macnaheedu waa hal abuur, fikrad curin, mar soo bax iyo wixii cusub caalamkaa jecel.

Sunaduna waa tii Ilaahayow cid bedeli kartaa ma jirto.

Amay qolo tiraahdaa Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaam diyaarad ma raacin, gaari giraantii ma qaban, qalin ma kuma xariiqin, saacad ma xiran, haa isbarmuutana ma cabin marka qofkii intaa sameeya waa BIDCI.

Adeeroow sidaa ma ahan ee is qabooji.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Thursday, October 12, 2000 - 07:59 pm
To walaalkiin
assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
walaal aad baad ugu mahadsantahay sida marag madoontada ah oo aad u kala fogaysa sunada iyo bidcada ama xaqa iyo baadilka. waan arkaa ahlu suada hadalkooda waxaan umaqayaa siday ahlulbidca wax u naash naashi doonaan.
Wasalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.