site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

maxaan ka faa,iidney qurbaha

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): maxaan ka faa,iidney qurbaha
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

B.gareen

Unrecorded Date
Tan iyo intii shacbiga soomaaliyeed usoo qaxeen qurbaha siiba intii ka dameysey 1990 ayaa waxaa la caadeystey dhaqano aad u xunxun oo aan hore laynooku aqoon waxaana ka mid ah in qofku isku dhiibo magac uusan lahayn,in ragu xaas ahaan ku keenaan gabdhaha walaalahood ah iyo hooyooyinkoodba,gabdhuhuna sidoo kale,in la keeno caruur aan la dhalin markii la hayn kari waayana gaalo gacanta loo geliyo,in dadka isqabaa ay kala galaan saparetion caruurna sidaa ku kala dhalaan,waxyaalahaas aan kor kusoo xusay oo dhami waa waxyaabo ka mamnuuc ah inuu sameeyo qof islaam ahi.calaakuli xaal waxaan ku talinayaa in laga kaaftoomo waxyaalahaas oo dhan ilaahayna loo noqdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr Who

Unrecorded Date
Salamu Alaikum

Dear Bah Gareen,

Walaal Qurbe guud waa meel qaxar iyo hoog badan, laakiin waxaa sii dhib badan wadan gaalo joogideeda.

Wadan gaalo waxaan kafaa'iidney diin La'aan Cilmaaninimo, Akhlaaq xumo, iyo wax kasta oo xumaan ah oo maskaxda bini Aaadamka kusoo dhici kara.

Salamu alaikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalamu calaykum waraxmatulahi

To:B.gareen

Walaal Allaha kaa abaalmariyo mowduuca wanaagsan eed dooratay. Waana sida aad sheegteen adiga iyo Dr Who in aan wax aan faaiidno daayee aan khasaarnay.

Waxaana raacsiin lahaa in bahdeena ku nool Waqooyiga Yurub aan rikoorkii akhlaaq xumada jabinay oo maalin dhawayd waxaa la isugu yimid shir uu booliiska magaalada dadweynaha uu isugu yeeray oo la leeyahay soomaaliyeey ilmihiina bara akhlaaqda wanaagsan maxaa ka xun in gaal khamrada istaaga ku cabaayo uu kaa cawdo. Walaal waxaas iyo wax ka badan ayaa jira, ee Alaah ayaan weydiisanaynaa nasri khayr qaba.

Walaashiin Deggan

Asalaamulaahi calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SALAD

Unrecorded Date
TO; BAH GAREEN IYO DR WHO
SAXIIBAYAAL HADII AAD KUQASAAR TEEN DOBADA OO
DHIB IYO QASAARO INDIN SOOGAARTAY DAD BAAKAFAA IIDAY. DHAN WALBABA WAX BARASHO IYO WAX QABSIBA
IDINKANA ILAAHAY HAA IDIIN GARGAARO [AAMIIN]

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Roraye

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin.
to.salaad
waxa laga yaabaa b.gareen iyo dr who inay kaaga horeeyaan dhan walba aqoon iyo dhaqaaleba marka waxaan adiga kugula talinayaa inaad figradaada mowduucan ka dhiibatid ee aadan iyaga farta ku fiiqin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shacni

Friday, June 30, 2000 - 01:13 pm
Walaal salaanta islaamka ka dib run ilaahey sheegu ,yidhiye qurbe khasaarihiis waxa ugu fudud oo laga faaiideey Singlemother,separate,iyo RIBO etc.Ilaahay baynu nasri kheyrqaba ka baryeynaa iyo inuu Wadankeena Dawlad Islaamiya Nooga dhiso Aamiin, Aamiin Inshallaah.Beenmaaha in qasaaruhu,dad badan sameeyeyna inta aanu saameyna ay iska noolyihiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.