site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

FAMILY PROBLEMS(burburka qowyska

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): FAMILY PROBLEMS(burburka qowyska
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Sunday, October 15, 2000 - 01:09 pm
A.C.


BURBURKA QOYSKA

Guud ahaan burburkii guud ee aafiyey Soomaliya iyo Soomaalidaba, waxuu keeney in usrooyin badani u qaxaan meelo badan oo dunida ka mid ah, gaar ahaan dowladaha Galbeedka.
Qoysaskan waxaa kale oo qabsadey burbur kale oo ka daran kii hore, waana mid qoysaskaas ba'bi'iyey intooda badan.

Burburiyaasha qoysaskan waa:
WELFARE(CEYDHA)
TELEFOONKA
TV-KA
PARTY(baadhiyada)
IWM oo doqoni ma garato ah.
Haddii Alla Idmo mid mid baan uga hadli doonaa.
Inta ka horeysana bal ka sii fakaraa adinkuna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Monday, October 16, 2000 - 08:16 am
A.C.

WELFARE(CAYDHA)

Guud ahaan, Welfeerta ama caydho waa mid ka mid ah kaalmooyinka degdeg ah ee lagu daba qabto ama lagu soo dhaweeyo dadka dhibaatadu ku dhacdo, taas oo loogu talo galey muddo gaaban(meel ku gaar).

Sidaas darteed bey Soomaalidii soo qaxdey u muteysteen hilitaanka kaalmadaan, waxaase dhacdey intoodii badneyd iney caadeysteen ama joogteysteen ku noolaanshaha caydhaa(welfare), taasoo kadib doorweyn ka qaadatey burburka qoyska:
1- Weelfeer waxey qoyska ka dhigtaa agoon. Si aan reerka looga goyn caydha, waxaa hogaankiisa loo dhiibaa haweenka sida hooyada, ayeeyada ama abootada(dadka aan shaqada lagu xujeyn karin).
Arrimahani inta badan, waxay ku bilowdaan in lagu heshiiyo ama dagaal iyo dawo qoysku ku kala tago, taas oo dumisa xiriirkii iyo isku xirnaantii reeka, carruutana u keenta niyad jab iyo nolol agooneed, hooyadase u celisa caydha.
2- Weelfeer waxay qoyska kala dagaalantaa horumarka iyo diinta. Si aan Weelfeer loo goosan, hogaamiyaha qoysku waxuu ka hor istaagaa carruurta (inta shaqeyn karta) iney shaqeeyaan saacadu badan ama doontaan shaqo leh lacag badan, haddey dhacdana waa iney guuraan ama isku qorin cinwaanka(address) qoyska. Tani waxay keentaa niyad jab, is afgaranwaa, iyo kala danbeynta reerka oo lunta ama lagu kala tago. Dadkani waxay kaloo la dagaalamaan in gabdhaha qoysku guursadaan oo reer yeeshaan, haddii ey yeeshaana waxaa lagu qasbaa inay qariyaan guurkooda oo eysan sharci ka dhigin, ee yiraadaan waxaa iga dhalay saaxiib(boyfriend) ama yiraadan maaqan wax iga dhalay dhowr nin baan kulaney. Halkaas waxaa ka dhalata carruur ah agoon, agoon kale ku hoos nool. burburkan burburka lagu darey, waxuu siyaadiyaa reerkii oo niyad jab ka dareema xagga dhanqanka iyo diintaba, waxayna isku arkaan danbilayaal ku nool nolol xun, waxayna bilaan muran, is eedeyn iyo dagaal aan qoyska ka dhamaan marnaba.
3- Weelfeer waxay baabi'isaa naxariista qoyska.
Qofka hogaamiya qoyska ku nool weelfeerta, waxuu door bidaa inuu heysto dhibaatooyin gaar ah si uu san uga walwalin in la gooyo weelfeerta. Sidaas darteed haddii dhibaato ku timaado carruurtiisa, waxuu sii xisaabaa inta ku darmi doonta caydhiidsa ama kaalmada la siiyo. Waxaad arkeysaa hooyo ku cawryeysa ama uga maseyrsan qoys kale iney heystaan ama u joogaan hal iyo labo carruur ah oo dhibaateysan(disability), oo ku qaataan kaalmo badan. Arrintani waa mid naxariista guuri neysa, oo keeni kareysa in carruurta loo geysto dhibaatooyin ula kac ah, taas oo keeni kareysa burburka ugu weyn ee qoys iyo aadami ahaanba.

Burburka kaalmadaasi u keento qoyska wax la koobi karo maahan, ee bal adinkuna ila qeybsada figradiina ama waayo aragnimadiina.

Haddii Ilaah idmo, waxaan ka hadli doonaa telefoonka iyo burburka uu qoyska ku leeyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

um Mustafa

Tuesday, October 17, 2000 - 07:49 am
As-Salaamu calaykum.

Walaal waxaan kaaga mahad celinayaa mawduucan muhiimka ah ee aad noo furtay.

Ugu horayntii waxaan odhan karnaa laga soo bilaabo burburkii wadankeena kadhacay ilaa maanta burburka iyo dhibaatada baahday ee dadkeenii saamaysay waxaa aabo u ah Diinteenii oo aynu kafogaanay.

Sababta dhibaataduna waa mid ay wadaagaan labada jinsi rag iyo dumarba.

walaal Ilaahay iyo Rasuulkiisu waxay ina amreen in aynu marka horeba doorashada guurka hagaajino isku doorano DIIN iyo AKHLAAQ WANAAGSAN.

Marka sidaa doorashadii loo hagaajiyo ayay imaanayaan arimihii ALLAAH sheegay inuu guriga Muslimka ahi ku taagnaankaro..
1.XASILOONAAN
2.KALGACAYL(MAWADDO).
3.NAXARIIS.

sida runtu tahay inyar oo ALLAAH haleeshiiyey mooyaane waxaa lagu dhaqmaa arimahaa sadexda ah caksigooda.
waxaabay u samaysteen maah-maah ay yidhaahdaan
"NIN IYO NAAGTII COLNA MAAHA NABADNA MAAHA"

SUAASHU WAA MEEL AAN COL IYO NABAD TOONA AHAYN CARUUR MUSTAQBALKA UMMADA AH OO TOOSAN MALAGU KORINKARAA?????

Caruurta Soomaalidana markaad ufiirsato waa caruur SHIRKADI koriso.
sida ayeeyada, gabdhaha ciidanka ah jaarka, mucalimka, saaxiibka etc.

Waayo waxaa jirtay markii wadankii lajoogay inaanay caruurtu aabaha inta badan arki jirin.

Waxaa iyaduna qayb wayn kaqaadata burburka in ay yaraato HAYBADII uu aabuhu kulahaa xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Waxaanay kusoo noqonkartaa isagoo ku quudiya ama ay arkaan inuu dakhliga reerku kayimaado xaga AABAHA.


Waxaan raacinayaa oon odhankarnaa qayb weyn ayay kaqaataan burburka qoyska balwadaha aykamid yihiin QAADKA, SIGAARKA ETC.

Waxaa aad u yar inaad aragto zawj kaga cabanaya zawjkiisii kale inuu dayacay shareecadii sida SHIRKIGA OO LAGU DHACO,BIDCADA,SALAAD LA`AANTA ETC.

Arimaha burburku kabilaabmaan waa wax ku tacaluqa adduunyada,masuuliyadii oo ladayacay,labada qayboodba.Dhaawac iyo dhib lama ilaawaan ahina waxay soo gaadhayaan CARUURTA mustaqbalkoodana ay udarantahay.

Walaal arimaha la xidhiidha qoyska maaha wax aan halkan ku soo koobikarno.
Dhibaatadaa baahday waa insalka laga soo daweeyaa.
Dawaduna waxkale noqonmayso waa in loo noqdaa sidhabana loogu dhaqnaa QURAANKA IYO SUNNAHA.
khaladaadkii dhacayoo dhamina noqdaan tusaale.

wa bilal-LAAHI tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Wednesday, October 18, 2000 - 05:38 am
A. C.

Walaal Um Mustafa, waxaad ka hadashey mowduuc aad iyo aad muhiim u ah oo anfac iyo towjiihin u leh, qofkii iyo qoyskii Ilaah ku toosiyo ama hanuun la doono, Ilaaheyna ha kaa abaal mariyo!

Insha Allaahu, waxaan soo dhameystirayaa qoys-burburyaasha aan soo xusey, ka dibna waxaan jeclahey in aan qeybsano wixii talo iyo tusaale ah ee lagu badbaadin karo qoyska(dhinac kasta).

Ilaahey ha naxafido dhammaanteen!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Friday, October 20, 2000 - 03:34 pm
A. C.

Telefoonka iyo burburka qoyska

In kastoo telefoonku leeyahay faa'idooyin badan, oo aan laga maarmin marnaba, haddana waxaa soo badanaya dhibaatooyinkiisa aadamiga iyo gaar ahaan qoyska.

Ku hadalka telefoonka oo sida caadiga dhowr daqiiqo ah, baa waayadan danbe noqotey mid aad uga dheer intii hore, gaareysana ilaa iyo inta u dhaxaysa 4-8 saacadood celcelis ahaan(24 hours). Waqtigaas dheeri waxuu keeney dhibaatooyin sida: (1)- In uu sababo shilalka baabuurta intooda badan, oo lagu waayo nafaf badan-telefoonka gacanta.
(2)- Waxuu la dagaalamey dhaqaalihii iyo waqtigii qofka ama qoyska. Waqtigaas dheeri waxuu dhaliyaa in lagu galo telefoonka qarash badan oo aan laga bixi karin mararka qaarkood. Waxaa dayacma waqtigii lagu shaqeysan lahaa ama wax lagu baran lahaa.
(3)- Waxuu la dagaalamaa caafimaadka. Dadka caadeystey iney ku hadlaan telefoonka saacado badan maalin kasta, waxay lumiyaan hurdada, waxaa ku dhaca cunto xumo, maskaxdaal, camal xumo, maqalkoo ku yaraada, sheegasho joogtaa oo sabab lahayn.
(4)- Waxuu keenaa dayaca reerka iyo carruuta. Waqtiyada lagu hadlayo telefoonka waxaa la halmaamaa salaada, daryeelka nafta, tii carruurta(qubeyskii, cuntadii,cayaarintii) iyo aqalka,sida: dabkoo shidan oo la halmaamo, kadibna keenta in cuntadii iyo weelashiiba gubtaan, marar badana aqalka iyo dadkaba.
(5)- Waxuu keenaa dambi. Markii hadalku ka dhammaado dadkan waxay bilaaban; been sheegid, xamansho, dad isku dirid iyo waliba ayagoo laynka(line) la iskugu xiro dadka, ama sheekada la dhageysiiyo dadka kale ee cadaawadu ama saaxibnimadu ka dhaxayso si dab looga dhex shido.
(6)- Waxuu bixiyaa sirta qoyska. Marka telefoonka lagu hadlayo waxaa dhuma kontaroolka, kadibna waxaa dhacda in lagu bixiyo sirta qoyska, qof qof, sida labadii is qabtey oo uga warama dadka kale sirtooda oo dhan, xataa siday u wada seexdaan sariirta iyo wax la mid ah, tanna waxaa u badan dumarka.

Dadkan waxay u bataan in kalsoonidu ka dhunto, oo noqdaan cuqdad ku nool, markasta ka baqaan in la xanto ama lagu sameeyo sixir iyo wax la mid ah.
Arrimahaas oo dhami waxay dhibkooda kula soo noqdaan qoyska dhexdiisa, oo u keenta inay ka gaabiyaan dhinac kasta sida bulshada oo ey ka haraan, diintoodii oo dayacanta, ceeb iyo burbur qoys oo cirib u noqota.
Ugu danbeyn, telefoonku waxuu noqdey mid musiibo u noqdey dad badan, waana xargaha iyo nidaamyada cusub ee sheydaanku ku dabto dadka iyo dunida maanta.

Ilaah ha naga badbaadiyo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umMustafa

Friday, October 20, 2000 - 04:27 pm
Asalaamu calykum.

Walaal Aadan;

Waxaan aad uga helay xaqiiqada aad kaga faalootay dhibaatada uu leeyahay telephone-ku.

Waa tecnology fasaad badan noo keentay.

Caruuruhuna aad ayey u neceb yihiin.
Walaal Ilaahay ayaa inaga yaqaana wixii maslaxaadeenu ku jirto.

Wuxuu Allaah inoo sheegay inay quluubtu ku xasisho Dikriga Ilaahay.Hadaad ilaa 8saacadood Quraan akhriyayso maskaxdu iyo qalbigu inay kugu qaboobaan mooyee marnaba daali maayaan.
telephone-kuna waa caksiga oo 20minites ayaa kuugu filan daal iyo wakhti lumis.

Waxaan aqaanaa laba dumara oo wadaado ah oo dhaga culays kaqaaday xataa DURUUS DIINI AH oy phone-ka ku qaadan jireen.

Waxaan ku xasuusinayaa oo hubaala inuu ka khatarsanyahay phone-ka INTERNET-ku.

Walaal waxaan kaa codsanayaa inaad soo diyaariso dhibaatada ay tecnologygaas internetku leedahay.

waayo UMMADA WAXAA MARWALBA KA MAS`UULA INTA UGU AQOONTA IYO KHIBRADA, XIKMADA ROON gaar ahaan xaga Diinta.
halkaa kawad khayr fidinta waad ku LIIBAANIYE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Sunday, October 22, 2000 - 05:48 am
A. C.

Um Mustafa

Walaal aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay Kheyr jaceylkaaga, hannuunintaada iyo sida walaaltinimada ah, ee aad iigu dhiiri galisay in aan halkaas ka sii wado waxii dadaal ah.
Insha Allaahu intii la ii iftiinsho. Adinkana(adiga iyo walaalaha kalaba) waxaan idin ku dhiiri galinayaa sidoo kale.

Walaal waa run in INTERNET-ku yahay midka ugu dhibaatada iyo faa'ida badan TECHNOLOGY-yada cusub ee dunida maanta. Sidaa owgeyd waa muhiim in laga hadlaa.

Haddaba, in kastoo aanan waxba ka qabin in aan wax yar ka tilmaamo dhibaatooyinkiisa, ayaan waxaan jeclaan lahaa: in aad adigu ka hadashid Internet-ka, aniguna aan waxii dheeri ah ee aan garto soo raaciyo, Insha Allaahu!

Ilaahow na babbaadi dhammaanteed!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Monday, October 23, 2000 - 06:07 am
asalaamu calykum.


wlaalayaal aad ayaan ujeclaystay mawduucan aad kafaalooteen.

qoyskuna waa arinama ay ummaduhu isku taagaan sidaa darteed in lailaawo waa inoo burbur ama aan lasixin wixii keenaya burburka qoyska.

qoraaladiinii walaal iyo asluubwanaagiinii Diinta kusallaaa waan ladhacay.

ILAAHAY LABADIINA OO KALE IYO AMTHAASHOODA HAKU BADIYO MUJTAMACA MUSLIMIINTA AH.
walaashiin.

umalkhair@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Monday, October 23, 2000 - 09:12 am
A. C.

TV-GA IYO BURBURKA QOYSKA

TV(television)-ku waxuu ka mid yahay qalabka sidan daran u naafeeya qoyska. Wey jirtaa in uu leeyahay faa'idooyin sida kala socoshada aqbaarah(news), hawada(weather) iyo kaga faa'ideysiga programmada tacliimeed iyo ku daawashada cajaladaha waxtar ah.
Balse qasaarihiisaa ka badan faa'idadiisa dhinac kasta.

Dhibaatooyinka TV-gu uma sinna dadkoo dhan, oo waxaa jira dad badan oo ka badbaadey sida dadka leh: cilmiga, dhaqaalaha, dhaqanka iwm, oo intooda badani wey kontarooleen daawashadiisa ama aqaladoodaba ma yaalo oo waxay isticmaalaan badalkiisa raadiyaha ama joornaalada oo kala socdaan wararka iyo hawada. Waxayse daawashada TV-gu hafajisey dadka lagu tilmaamo dabaqadaha hoose ama danyarta ah.

Dadkeena oo u badan qaxooti waxay ka mid yihiin ama ka hooseeyaanba danyartaas u fadhiidey ama u ragaadey dhibaatooyinka daawashada TV-ga.

TV-gu waxuu leeyahay dhammaan inta dhibaato ee telefoonku leeyahay kuwaas oo aan ku soo xusney kor, "Telefoonka iyo burburka qoyska":
1- Sida telefoonka buu sababaa nafgooyo sida shilalka baabuurta. 2- Sida telefoonka iyo ka daran buu ula dagaalamaa waqtiga iyo dhaqaalaha qoyska. 3- Sidoo kale buu la dagaalamaa caafimaadka, waxuuna keena dhammaan cudurada uu telefoonku keeno, waxaase dheeri u ah dhibaatooyinka indhaha iyo korka sida kor burbur iyo lugahoo laga socon waayo marka danbe.
4- Waxuu kala geeyaa ama gaabiyaa wada xiriirka qoyska. waxuu keenaa in aan reerku marna ka sheekeysan xaaladda iyo arrimaha qoyska muddo dheer. Taasna waxey keenta inay abuuranto iska warqab la'aan iyo cuqdado ugu danbeynta qarxa, oo qoyska u keenta dagaal, dacwad, burbur iyo kala tag. 5- Waxuu la dagaalamaa diinta iyo dhaqanka. TV-yasha inta badan waxaa maamula oo iska leh dad ku fulsada danahooda, sidaas owgeed waxey u yeelaan qadad tiro badan, oo mid kastaa fidiyo ama qabto shaqo gaar ah sida, iidhehyada(commercial), filimada, caadooyinka xunxun iyo fidinta diimo kala duwan. Waxyaabahan oo dhan, qoysku waxuu u daawada si aan kala sooc laheyn: waaridkii, carruurtii(weyn iyo yar, gabar iyo wiil), qaraabo, xidid(sodog, sodoh, seedi iyo dumaashi) iyo martiba. In lagu kala xishoodo iska daaye, waxaa dhacda in qofka ama labada ugu fahamka rooni ey cod dheer ugu fasiraan ama ula socodsiiyaan inta kale macnaha iyo falfal ka socda meesha. Taasi waa midda keentay inay yaraato xushmaddii iyo xaqdhowrkii ka dhexeeyey qoysaskaas qurbaha ku nool.
6- Waxuu baai'iyaa dareenka iyo hawada qofka.
Waxaa dhacda, in qoysaska qaar caadeysteen inay soo deystaan ama kireystaan filimada macsida ah, kuwaas oo lagu daawado isutagga oo aan kala sooc la heyn sida rag, dumar, carruur iyo xoolaba.
Dadka waxyaalahan daawada waxaa ku dhaca cudurada ugu xunxun ee dadka ku dhaca, sida caqliga oo ka madoobaada, ka dibna uu sameeyo waxii indhahiisa ama dareenkiisa ku soo dhaca sida in uu wax u doonto(la galmoodo) carruurtii uu asagu dhalay iyo wax la mid ah. Cudurka guud, oo dhammaan ku dhaca dadkan waxaa ka mid ah, IN HAWADA AMA DAREENKA NINNIMO AMA NAAGNIMO KA GUURTO. In kastoo ey u muuqdaan in ka helaan dareen iyo baahi saa'ida, haddana markii ey la kulmaan dumarkooda ama raggooda, waxay la kumaan waxaysan fileyn oo u keenta niyad jab iyo inay waliba qarsadaan, kana cararaan roorkooda runta ah, oo naf bidaan meelaha dadka xunxun joogan siday uga dheefsadaan indhaha iyo korka oo kaliya.

Dhibaatooyinka TV-gu ku hayo qoyska iyo dadkaba, maahan wax laga sheekeyn karo ama looga hadli karo halmeel iyo wax la mid.

Ugu danbeyn, haddii ey jiraan dad wanaagsan oo isku arkey ama ku arkey xaaskiisa qaar ka mid ah cuduradaas sida kan ku saabsan dareenka, yaan loo sababin inay keentay daawashada TV-ga oo kaliya, waxaase jirta siyaabo kale oo uu ku yimaado, inta badanna waa laga daawoobaa, in kastoo marar qaarkood qaadato muddo ah wiigaga ilaa hal sano.

Illaahey ha naga badbaadiyo dhibaatooyinkaas iyo waxii keenaba!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Tuesday, October 24, 2000 - 07:17 am
Umalkhair

Asalaamu Caleykum

Walaal waad ku mahadsan tahay ducada iyo dhiirigalintaada walaaltinimo.

Sidaad u sheegteyba qoysku waa jiritaankeena, la'aantiisa ummadi ma jirto, sidaas owgeyd waa in aan ka qeybqaadanaa sidii ugu yaraan loo tilmaami lahaa waxa dhibka u keenaya.

Marka waxaan ka rajenayaa dadka Ilaahey wax fahamsiiyey, inay ka qeybqaataan arrimahan oo kale.
Waxaan kaloo idin ka codsanayaa, in aad saxdaan, su'aal ka dhiibataan, ama aad naqdisaan qoraaladeyda, waayo haddaan ka xishoono in aan wax isku sheegno, waxaa yaraaneysa daawadii laga lahaa qoraalada.

Ilaahey hana hannuunsho dhammaanteen!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Sunday, October 29, 2000 - 03:55 pm
A. C.

BAADHIYADA(parties) IYO BURBURKA QOYSKA

Baadhiga oo ah xaflad ama kulan madadaalo ah inta badanna muusik raacsan yahay, taas oo dhaqan iyo caado soo jireen ah u ah wadamada reer galbeedka, yaa waqtiyadaan danbe sacabka u garaaceysa Soomaali badan oo u ku nool wadamadaas reer garbeedka.
Guud ahaan dhaqanka Soomaalida ayaa ah mid ku saleysan ama xiriir la leh dhaqanka iyo diinta islaamka, sidaas darteed, yaa dhankeedu uu ku yaraa xafladaha leh muuskida iyo qoobabka cayaarka wiilasha iyo qabdhuhu qebysadaan. Balse imaashahoodii dibada, waxey ka dhaxleen cidlo iyo go'doomid oo ku dhalisey hilow iyo iney weheshadaan ama ku barxamaan dhaqamo kale sida baadhiyada, ayagoo aan dareensaneyn.

Baadhiyada ama madadaalada Soomaalidu sameeyso ama ka qeybqaadato waa kuwo tiro badan waxaana ka mid:
Xafladaha nikaaxa iyo aroosyada, Kuwa soo dhaweyta magaalayinka( welcome to ...), kuwa ambabixinta(leaving party), Kuwa dhalashada ama sannad guurada, kuwa furniinka(bye-bye ...), kuwa tumida kooxaha ama heesaha fannaanka, kuwa loogu magacdaro qof, iyo kuwa kale sida kuwa lagu magcaabo baadhi.

HADABA SU'AASU WAXEY TAHAY SIDEE BAADHIYADAASI UGA QEYBQAATAAN BURBURKA QOYSASKAAS SOOMAALIIYEED?

Hadaba si aan wax uga ogaanno aan tusaale u soo qaadano mid ka mid ah, sida xafladaha nikaaxa iyo aroosyada loogu baadhiyeeyo. In kastoo xafladaha nikaaxa iyo aroosyada bannaan yihiin markii la raaco nidaamka ama dariiqa Islaamigaa, ayaa loo rogey si kale, waxaa loo soo kireeyaa meelo ama hoteelo qaali ah, kooxo muusik, fannaanii(heesaha ama buraanburka), gabdho iyo wiilaal lagu soo xuley qoobab ka cayaarkooda, waxaa laga duubaa caamarooyin(video cameras) kadibna loo kala safriyaa(diraa) gudaha dalkaas iyo dalalka kalaba. Arrintani dambigeeda ka sokow waxey dhalisey:
(1) Ayadoo dadka dhiganayaa ku galaan qarash fara badan iyo deyn muddo ka dib reerkaas kala kaxeysa.
(2) Ayadoo lagu qorsheeyo in gabdhuhu soo muujiyaan quruxdooda timaha iyo jirkooda say u raali galiyaan dadka daawanaya iyo kuwa daawan doonaba. Tani waxey inta badan iska horkeentaa dadka guurku ka dhaxeeyo sida wiilasha iyo gabdhaha ama ayaga iyo waalidiinta. Sidaas ayaa aroosyo badan isla waqtigaasba kurbeetooyinku ugu qoyaan(ku kala tagaan).
(3) Arrimahaas waxey niyad jab iyo caqabooyin ku noqdeen kuwii isku hanweynaa ee danyarta u badannaa. Waxaa jira gabdho iyo hooyooyinkood badan oo door bidey inay qaadacaan guurkooda, mar haddeysan ayaga iyo wiilasha guur doonkaaba awood iyo tabar u heyn qarashka xafladdaha ama baadhiyadaas.
(4) Waxay kaloo dumiyaan aqalo horey u dhisnaa. Inta dhalinyarada iyo waayeel dhalinta ahi, waxey ku gaaraan baadhiyeynta hameynkii ilaa iyo goor danbe, marmarna waabarigii, ayagoo iska duubaya sida la iskula cayaarayo. Daahidaas ama dhixidaas iyo cayaaraha gabdhahaas ama haweenka la qabaa waxey ka careysiisa rag badan, oo kaga jawaaba siyaabo badan, taasoo dumisa aqaladooda.
(5) Xitaa waxey dhalisey in lagu tartamo qiimaha nikaaxaha, oo la isku nikaaxsadu lacago iyo hanti aan la goyn karin. Tani waxey adkeysey sidii loogu bariiri lahaa nikaaxa gabdhaha. Dadka qaarkiis baaba sheegaya in labada isguursaneysaa iidheh ahaan u istimaalaan iyo si looga sheekeeyo oo kaliya, ee in la isku cafiyaa la socoto. Taasna haddey jirto waa dambi iyo guur aan ansaxeyn labada.
(6) Dad badan baa dhowr goor dhiga ama qabto baadhigiyada aroosyadooda. Ayagoo raadinaya inay helaan midkii kalsoon ka heli lahaayeen.
(7) Waxay dad badan ku dhalisey aamin darro keentey inay ku yaraato riyadii guurka, oo hadalkoodu noqdey, "Gabdho la guursado maa jira!" iyo "Rag la guursadaaba iska yar!" iwm.
(8) Dad ka faa'ideysta ama ha jelaadeen ama qarash ha ka soo galee, waxey intooda badan ka shaqeeyaan sidii kuwa aqalada dhisani u soo dumi lahaayeen, say u soo buuxiyaan mar kale suuqa iyo baadhiyada danbe. Sidaa owgeed waxaad arkeysa dad badan oo dhowr jeer soo mara suuqa baadhiyada kana sii baxa.

Haddaba mar haddii aan aragney sida iyo meeshay mareyso xafladii arooska ee la baneeyey, ka warama intii kale ee aan banaaneyn, ee looga deydey ama laga keeney dhaqamada ummaddaha aan islaamka aheyn. Runtii waan jeclaan lahaa in aan midmid oga hadlo baadhiyada kalana, balse waxaan xannuun aheyn idiima kordhineyso.

Insha Allahu waan sii wadeynaa tilmaamida iyo cadeynta waxyaalaha burburka u keena qoyska si dad badan ugu baraarugaan, oo isku daba qabtaan.

Wixii su'aalo iyo ra'yi ah ee ku saabsan arrimaha waa noo furan yihiin.

ILLAAHOW NA BADBAADI!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.