site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SU'AAL KU WAJAHAN DHAMAAN CIDA AAMINSAN MANHAJKA SALAFK A....... ...

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): SU'AAL KU WAJAHAN DHAMAAN CIDA AAMINSAN MANHAJKA SALAFK A....... ...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Thursday, October 19, 2000 - 05:39 am
ASALAAMU CALAYKU...
Walaalayaal waxaan doonayaa in aan soo ban dhigo su'aal ku wajahan dhamaan cida aaminsan oo ku qanacsan manhajka salafkeena..
su'aashaas waxaan doonayaa si cilmiyeysan in la iiga jawaabo..madoonayo in ay tacasub iyo dood qayaxan ku dhisnaato....waa tan su'aashii.....
waxaan ka mid ahay ururka AL-ITIXAAD ee wadankeena ka jira si fiicana loo garanayo..
waxaan u joogaa MAKTABU DACWA.. oo aan anigu mas'uulka ahay meel kamid ah wadankeena...dadka ducaada ahee maktabka hoos yimaada waxa ay wada aamin sanyihiin caqiidada salafka dadkana khayr iyo diin ayaan u sheegnaa..dhamaan dadkaasi waa culumo..tawxiidka ayaa ahmiyada koowaad saarnaa...
ma o golin in aan manhajka salafka meel uga leexano..khalad hadii uu naga dhaco oo naloo sheego daliilna waan ka laabanaa..nidaam iyo kala dambeyn ayaan ku wada soconaa...
SU'AASHAYDU WAXA AY TAHAY...
in la igu yiri munkar ayaad wadaa hadii aad itixaad tahay ee hadii aad khayr sheegaysid ka bax itixaad oo bari kanoqo...marka maxaad igula talinaysaan...ma isaga tagaa meeshaan aan joogo oo ma dhahaa cid kale ku wareejiya...mise waan iska joogaa oo dacwada halkaas baan ka wadaa..
hadii ay jawaabtu tahay isaga tag..waxaan ahay nin doonaya in uu dacwada alle wadee...sidee wax u wadaa..
waxaan jecelahay in su'aashaas si fiican oo daacad nimo ah la iiga soo jawaabo....
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Thursday, October 19, 2000 - 07:21 am
asalaamu calaykum.

Waxaan ku waydiinayaa SALAFKII MA AHAAYEEN KUWO XIZBI KU JIRI JIRAY?
MARKII Rasuulku dardaarmayeyse muxuu yidhi?


Hadii xarakada IT-TIXAAD wax laga sheego sowka xanaaqi maysid?

Hadaad se bari katahay oo aad Salafi tahay waxaad Qiiroon doontaa uun marka Manhajkii Salafkii iyo shareecada dhamaan lagu xadgudbo.

Walaal inaad Dacwada ka qayb qaadato waa waajib kusaaran ood gudanaysid!
laakiin u gudo sicad oo aanad xizbina ka amar qaadan aan ahayn Shareecada oo aad dadka ugu yeedho CALAAL FAHMI SALAFI SALAX"

Waxaan kuugu naseexaynayaa inaad Dacwada sidaa u wado adigoo aan xarako ka shiidaal qaadan ee QURAANKA IYO SUNNAHA UUN KU BASE GARAYSAN..

LAAKIIN ISKA ILAALI INTA XARAKOOYINKA KULUGLEH OO DHAN!!!!!!!!!!

FIIRINA TAFSIIRKA SUURATUT-TAWBA AAYADA 100 KUWAAS AYAA LAGAA RABAA INAAD KUDAYATO,FIIRINA AAYADA 115 SUURATUN-NISAA OO KUWAANA KADIGTOONAW!

Walaal Ilaahay kubari qalbi xaadira inuu jidka saxa ah inagu hago.

Hadaba walaal Salafkii hadii aad cilmi uleedahay xarako iyo xisbi toona kumay jirin MANHAJKOODU WUXUU AHAA KII RASUULKU U JIDEEYEY.

WABIL-LAAHI TAWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-aasiyo

Thursday, October 19, 2000 - 09:47 am
asalaamu calaykum..
TO: umalkhair..
wlaal aad baad ugu mahad santahay taladaada...laakiin waxaan doonayaa in aan kaaga jawaabo su'aalo aad isoo weydiisey..
tan ugu horaysa ee aan ka jawaabayo waxa ay tahay...sow ka xanaaqi meysid hadii itixaad wax laga sheego...walaal sidaan horay hadalkayga u soo cadeeyey waxaan nahay dad hadii aykhaldamaan ka laabta khaladkooda hadii la saxo oo daliil lagu saxo.....itixaadka khalad uu galay hadii wax looga sheego taas ka xanaaqi maayo xaqa ayaan u xanaaqayaa....su aasha kale..SALAFKII MA AHAAYEEN KUWA XIZBI KU JIRI JIRAY...jawaabteedu waxa ay tahay,,,salafku xizbi maysan ahayn waxaan kaloo kuu sheegayaa al-itixaad in uu yahay shabaab isku yimid oo isku kaalmaysanaya siday diintaan u nashrin lahaayeen.sidaas daraadeed ayey waxa ay u noqdeen dadka isku xiran oo wasiilo ka dhigtay sidaan...XIZBINA Walaal wax fiican ma ahee waa jamaaco u is taagtay sidii ay u noqon lahayd kalimada alaah mid saraysa...XIZBI IN NALA DHAHANA MA OGOLIN...teeda kale walaal waqtigii salafka iyo waqtiga maanta la joogo waa labo waqti oo aad ukala fog,,maxaa yeelay waqtiyadaas waxaa jirtay khilaafa islaamiyah oo u taagan diintaan oo culumadeedii iyo aimadeediiba wadata...maanta waxaan jirin khilaafo islaami ah oo diintaan u taagan maanta yaa u maqan diintaan iyo nashrin teeda..sidaas daraadeed ayeysan u ahayn dad gooni ah oo magac leh..al-itixaad waxa ay doonaysaa in ay dacwada wado maadaama aysan jirin khilaafo islaami ah sidaan ayeyna wasiilo u arkeen..waxaan horay u sheegay in ay tahay jamaacada al-itixaad jamaaco salafi ah..aniguna caqiidada salafka ayaan aamin sanahay hadii aad tahay gabar salafiyad ah wax aan aniga iyo adigu ku kala duwnahay ma jirto...
walaal aad baad u mahad santahay
wasalaamu calaykum
abu-aasiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 19, 2000 - 09:51 am
HAMUD ABU ALI AL-ATHARI
noolow waligga because maxaad ku tala jirtaa sifa oo add ugu qaban kartiid dadka soomaliyeed oo dunsaan waana ku taagersanahay waad ku saax santahay waxaad sameyneysid oo haka daallin .

asalama aleykum .
abu usama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-usama

Thursday, October 19, 2000 - 09:54 am
HAMUD ABU ALI AL-ATHARI
noolow waligga because maxaad ku tala jirtaa sifa oo add ugu qaban kartiid dadka soomaliyeed oo dunsaan waana ku taagersanahay waad ku saax santahay waxaad sameyneysid oo haka daallin .

asalama aleykum .
abu usama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 19, 2000 - 02:58 pm
asalaamu calykum.

TO ABU USAMA!

WALAAL SUAAL AYAA MEESHA LAYSKU WAYDIINAYEE ADIGU MAXAAD KAHADLAYSAA???

XAAMUDKAAD TASHJIICINAYSO MEESHABA KUMA JIRO OO QORAAL UU LEEYAHAY XATAA KUMAAN ARAG.

MA SEEF LABOOD AYAAD TAHAY????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mamaydhe

Thursday, October 19, 2000 - 09:04 pm
Assalaamu calaykum
Abuu AAsiyo waxaan kugula taliyey sidan:

Inaad xubin kanoqoto urur lahubo islaanimadiisa iyo caqiidadiisa danbi ma'aha xaqiiqdii dadbaa baryahan wado olole ay ku diidayaan arrintaa.
Daliilse uma hayaan oo islaamku wuu ogolyahay inay dadka urur sammaystaan, waxaa kaliya oo laga rabaa inuu ururku buuxiyo laba shardi.
1- inuu kudhaqmo shareecada islaamka una adeego iyada.
2- inuusan sidoo kale mujtmaca dhibaato u keenin ama sababayn.

Ururkaada labadaba waa kanadiif, marka hakabixin ee waxaa kudadaashaa inaad shareecad ilaahay ilaaliso oodan kukadmin dano gaara ah oo ururku leeyahay, hana u tacasubin, hana hilmaamin hadafkaad ugu biirtay ururka oo ahaa xoogaynta diinta ilaahay, dadna haku colaadin magaca ururkaa. Hawshaadana wado khayrna allaha kusiiyo waxaad kamid tahay dad an diinta kujeclaaday, inkastoonan waligay kubiiran meel ay joogaanna cagdhigin haddana aadbaan u tixgaliyaa.
Haddaad rabto waraysi intaa kadheer iisoo dir e-mail. Waxaad kaheli e-mailkayga magaca mamaydhe ayaad leebka kumudi kadibna hoos ayuu kuugusoo qormi e-mailka.
Wasalaamu calaukum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/raxmaan

Thursday, October 19, 2000 - 11:47 pm
Asalaamu calaykum.
walaalkaa su'aasha na soo dhex dhigay waxaan ku oran lahaa marka hore jazaakallaahu khayran sida wanaagsan ee aad xaqa u dalbayso ee aad ula tashan walaalaha iyo sida aad u rabto in aad haddii khalad jiro khaladkaa aad u ogaato si aad uga hadho.

Intaa ka dib anigu waxaan kuugu naseexeen lahaa haddii mas'alo cilmi ahi kaa gasho mugdi siiba mid xasaasi ah oo tano kale waxaa kugu waajiba in aad dadka AHLULCILMIGA ah aad weydiiso arrintaana waa mid aad daliilkeed garanayso insha-Allaah oo gelimaayo.culimada tusaale sheekh shariif oo kale Allaah ha xafidee iyo culimada HAY'ATU KIBAAR AL CULIMAA..waxaana arrintaa kutub ka qoray shaykh ka mida hay'atul kibaar al culumaa waa fadiilatul shaykh BAKAR ABU-ZAYD-xafidahullaah-.
Fili maayo in aad tahay nin ku qanacsan arrintaas aadna soo weydiisay balse doonaya in uu qolada arrintaa cambaaraysa xujeeyo oo hab su'aaleed iyaga wax u tuso.
Al-KHULAASA cid diidi ma jirtaan filayaa xaraj iyo dhibna kuma sugna in dadka muslimka ah ee salafiga ah ay u wada shaqeeyaan si nidaamsan itqaan iyo quruxna leh oo sida diintu ina farayso ah, iyaga oo aan magac xisbi iyo mid jamaacotoona u sii bixin. Marka su'aashu waxaa weeye iyada oo la heli karo in loo wada shaqeeyo waxna loo wada qabto si waafaqsan kitaabka iyo sunnaha,shubho iyo shakina aan abuurayn maxaynu u fali uguna tacasubi wax haddii uu ugu fiican yahay ah shay mubaaxa, waa la baxa magaca itixaad oo kale e? inaga oo og in sunnada rasuulka(Sallallaahu caleyhi wasallam) ay ka mid tahay in laga tago wax sunna saxiix ah oo ajar iyo thawaab leh haddii laga baqi in ay abuurto tafaruq iyo is khilaaf u sabab noqon in lagu dhaco macaasi weyn oo ah in muslimiintu cirdigooda dhawaacan sida is xamasho,qadaf iyo cay,dhiigood ama naftood ay wax is gaadhsiiyaan?Miyaaynidaan dacwada sida aad hadda ugu shaqaynaysaan ugu shaqayn karin uguna dadaali karin idinka oo huwan magaca Asalafiyuun oo ah magac leh usuul sax ah tilmaamina qabsashada u gargaarka iyo jacaylka dariiqii Al-quruun Al-mufadal Alaa wa hiya thalaathatal quruun Allatii kaanat khayral quruuni calal idlaaq.

Allaah gebigeen xaqa ha inagu duwo hana inagau dilo dariiqii nebiga sallalaahu calayhi wasallam.
Akhuukum fillaah C/RAXMAAN.
asayid44@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, October 20, 2000 - 10:14 am
To Abu aasiya
assalaamu calaykum
walaal waad ku mahadsan tahay sida wanaaga aad u soo bandhigatay arintaada, walaal waxaan ku leeyahay hadalada ay ku tiri walaasheena umulkhayr waxaana kugu kordhinayaa in aad howshaada oo ah maktabka iyo dacwada islaamka aad uga tagin al-itixaad dartiisa maxaa yeelay nashrinta dacwada kuguma laha al-itixaad ee waxaa kugu leh allaha ku abuurtay, mida kale walaal hadafkaaga yay noqonin qof dacwada aan wadi karin xarako la'aan maxaa yeelay lagama aqoonin waqtigii rasuulka s.c.w. waxa la yiraahdo xarako muslimiinta waagaas way midaysnaayeen oo hal madax ayay lahaayeen oo ah amiirul mu'miniin, marka walaal waano waxaa nagu filan oraahda walaasheena umulkhayr.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, October 20, 2000 - 10:17 am
To Abu aasiya
assalaamu calaykum
walaal waad ku mahadsan tahay sida wanaaga aad u soo bandhigatay arintaada, walaal waxaan ku leeyahay hadalada ay ku tiri walaasheena umulkhayr waxaana kugu kordhinayaa in aad howshaada oo ah maktabka iyo dacwada islaamka aad uga tagin al-itixaad dartiisa maxaa yeelay nashrinta dacwada kuguma laha al-itixaad ee waxaa kugu leh allaha ku abuurtay, mida kale walaal hadafkaaga yay noqonin qof dacwada aan wadi karin xarako la'aan maxaa yeelay lagama aqoonin waqtigii rasuulka s.c.w. waxa la yiraahdo xarako muslimiinta waagaas way midaysnaayeen oo hal madax ayay lahaayeen oo ah amiirul mu'miniin, marka walaal waano waxaa nagu filan oraahda walaasheena umulkhayr.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Friday, October 20, 2000 - 11:24 am
Asalaamu Calykum

Horta salaata islaamka ayaan idinku salaami.Intaa kadib waxaan kula taklin walaalaha salafiyiinta ah ee maanta ku doodaya urur masamaysanaa mise urur diiniyi waa bidco waxaan kula talin lahaa in ay malaa ISLAAMKA SI FIICAN U BARTAAN.Waayo kuwa maanta ugu yeedhaya dadka in ururda islaamku ay bidca yihiin waxaan ka biqi in ay qayb ka qaadanyaan ISLAAMKA burburkiisa ay CADAWGIISU wadaan.Talo waxa iga ah walaalayaalow intaad dadka ISLAAMKA u shaqaynaya aad kala jajabib lahaydeen CILMIGA SAXA AH barta,markaa ka dib ka dooda xarakooyinka.

Salaamu Calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Saturday, October 21, 2000 - 12:00 am
asalaamu calaykum...
to:abu-asiyo...
walaalkiis waxaan kuugu nasteexaynayaa in aad u shaqaysid dacwada alaah meel akstoo aad joogtid iyo si kasta oo aad ku faafin kartid...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, October 21, 2000 - 01:02 am
asalamu calaykum


waxan rabaa inaan halkan nuqdaad ka ishaaro

1 walaalkeena su'aasha ina soo waydiiyay waxad kula taliseen inuu siiwado howsha maktabkaa ma'iswaydiiseen in hadii uu itixaad leeyahay maktabkaas, walaalkeena ina soo waydiiyay su'aashana uu cadaysto inuuna ku shaqaynayn ama ka raali ahayn xarakooyinka la caydhin doono

2 walalkeen wuxu sheegay inayna wax khilaafsan manhajka salafka samaynin itixaad kana noqonayaan hadii looga nasteexeeyo,walasheen baawaxay waydisay salafkii ma'ahaayeen kuwo ku jiray xizbi wuxu ku jawaabay maya hadaba hadayna salafkii xizbi ku jiri jirin halaka waxa ka cad inay kaleexdeen manhajka salafka hadaba su'aashu waxay tahay tolow maka tagayaan itixaad taxazubka hadaynu ogaanay inayna salafkii xizbi ku jiri jirin haday kanoqon wayaan kadib markay ucadatay inay manhajka salafka ku taagnayn waxa cad warkuu walaalkeen inoo sheegay oo ah inay hadii khaladkooda loo cadeeyo garqaatayaal yihiin kana noqonayaan ayna sax ahayn

waxana leeyahay warkuba halkan masoo gaadheen haday itixaad,ikhwaan islaax,tabliiq,tathaamun,wuxdah iwm
haday ogolyiin intay taxazubka iskaga tagaan ay daa'iradii waynayd ee islamkani kusoo dhaqmi jiray inaguna soo gaadhay usoo laaban lahayeen, waxad moodaa in layidhi islamku waxan xizbi ahayn kuma libaanayo waxan leenahay (shalaad dhalateene waa lashubi jiray)

3 walaalkeena su'aasha inawaydiiyay wuxu yidhi itixaadku waa shabaab isu tagay sidaana wasiilo ka dhigtay, su'aashu waxay tahay wasaa'ilka dacwadu ma
"atowqiifiyaa"mise ma'aha ? waxan ulajeedaa wasiilada qaayada loomarayo ma wax qofkastaa iska soo iqtiraaxan karayaa mise waa wax naska looga dayanayo
laashaka inay towqiifiya tahay sidaan culumada kabaranay halakaa waxad kafahmaysaa inayna ahayn wasa'ilka dacawiga ahi kuwii mulatariga oo kale oo kusalaysan "al-qaayah tubarírul wasiilah" oo ku salaysan wasiilo kasta oo aan ku gaadhayo hadafkayga waan umarayaa walow xaraanba ha'ahaatee

4 waxay tahay waa maxay micnaha manhaj si'aan u ogaano balcidaku taagan iyo cida kaleexatay

manhaj micnihiisu waa wado ama jid
hadaba aayada suratu nisaa ku jirta oo aan umalaynayo inay tahay tay walaasheen saa'ilka lambarkeeda utilmaantay ayaa kahadlaysa jidkaa cida kaleexata iyo khatarta ayku sugan yihiin

hadaba saa'ilka waxa kamuuqatay hadalkiisa inuu yidhi "salafka waqtigoodii iyo waqtigan aan manta ku jiro way kaladuwan yihiin "hadal sidaa lamid ah

walaal waxad ogaataa aayadaas suratu nisaa ku jirta marku alaah leeyahay "..oo raaca jidaan jidka mu'miniinta ahayn..." inuusan alle ku gooni yeelin aayada sanad,casri,saacad iyo wax lamid ah
bal aayadu waa caam waxa soogalaya sanadkasta kiisaxabada iyo kanaan maanta ku jirno labadaba ilaa qiyaamu saaca aayadu way khusaynaysaa cidkasta oo kaleexata jidka mu'miniinta

waxaynuna ognahay muquuladii dhaxal galka ahayd ee imaamu maalig(rxm) uu ku yidhi "laa yaslaxu aakhiru haathihil umah ilaa bimaa saluxat bihii awaluhaa).hadaba jidkan cusub ee taxazubka goormaa lasoo iqtiraaxay xasanul banna iyo ikhwaanul muslimiin kama horayn
midakale waxad ogataan inuu alle inooga digay tafaraaruqa,arinkan xarakaadkuna waa arin ka qaybqadana kala burbur ka umada iyo iskhilaafka
hadaba madaamuu yahay arin ikhtilaaf iyo bur bur umada muslimiinta ah u keenaya allena ina faray inaan halmid isku wada noqono ogow qofkii xarako ku jira ee isleh waxan isku kalmaysanaynaa khayr iskuma kalmaysanaysan khayr e waxad isku kalmay sanaysaan daa'irada khilaafka ood siwaasicisaan

waxa maanta khilaafka saaxada yaal siibalaadhiyayna waa raga xizbiyada oo marhore ayay soo afjarmi lahayd hadaysan jiri lahayn rag lugula shiro "min waraa'isitaar"waayo arinka waxa inay
baadil tahay-waa xizbiyada-cadeeyay culumada maanta casrigeenan ugu waa wayn sida alcalaamah albaani,rxm ibnu cutheymiin xf iyo qarkoodba waxadna arkaysaa sidaan wax kasoo qaad looga dhigayn
fatwadoodaas wali ma'iswaydiisa sababta

sababtu waxa weeye shabaabkii ragbaa "caqdi" kuwada xidhay sidii gabadh bikro ah marka habenkiibaa lala shiraa wax aliyaala wuxuu culumada salafka maanta kasoo maqlayna laga maydhaa ,inaa lilaahi wa'inaa ileyhirajicuun

waxan kula talinayaa shabaabka inay kaxoroobaan ragaa siyaasiyiinta ah fikirkooda kana xoroobaan gumaysiga dahsoon ee maskixiyanka ah
unasoo laabtaan ducaada salafiinta kana bartaan cilmiga sharciga ah

walal alle xaqa hayna tuso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Saturday, October 21, 2000 - 06:24 am
asalaamu calaykum...
TO: SALAFI...
aad baad ugu mahad san tahay hadalkaagii dheeraa...

waxaan ka xumahay in aad wax yaalo badan si kale aad iiga fahan tay...ama si aan anigu u la jeedin...
si kastaba ha ahaatee..walaal waxaan soo darxiyey su'aal
waxaan doonayaa in la iiga jawaabo su'aashaas...walaal mowduucaan ah jamaacaadka iyo wax yaalaha la mid ka ah in looga doodo meeshaan
uma aanan furin ee waxaan doonayey in la ila taliyo...
su'aashaydii waxa ay aheyd...
***ma isaga tagaa meeshaan aan joogo oo cid kale ayaan dhahaa ku badala mise halkaas ayaan dacwada ka wadaa****
taas weeye su'aashaydu..
waxaan rajaynayaa hadal aan fahmayo in la iigu jawaabo...
waxaa dhib ah in uu qof maantay oo dhan hadal soo wado ka dibna aan fahmi waayo mowqifkiisa iyo waxa uu igula taliyey......
wasalaamu calaykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, October 21, 2000 - 07:59 am
to saciid
assalaamu calaykum
walaal saciid waxaan ku waydiinayaa waa maxay bidca? walaal waxaan u maleeynayaa wax alaale wixii lagu soo kordhiya diinta islaamka ka dib markii uu geeriyooday nabigeena s.c.w.
midda kale arinta xisbiyada ah allaheena miyaa nafaray? waa maya. ma rasuulkiisa miyaa ku dhaqmi jiray? waa maya. ma khulafaa u al-raashidiin miyaa ku dhaqmi jiray? waa maya. hadaba walaal diinteena yaan ka qaadanaynaa? waa alle iyo rasuulkiisa, hadaba wax alaale wixii aan laga soo guurinin alle iyo rasuulkiisa oo ku saabsan diinta waa bidca arinta xisbiyaduna waa arin aan laga soo guurinin hadaba waa in aan iska ilaalinaa maa daama aan alle uusan farin rasuulkiisana aan ku dhaqmin.
intaas waa iga nasteexo oo aan u soo jeediyay walaalahay muslimiinta ah meel walba ay joogaan.
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 21, 2000 - 11:09 am
Kombiyuutarkana waa BIDCI?, bal ka tagaa walaala yaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Saturday, October 21, 2000 - 07:49 pm
A/C/W/WABARAKAATUHU.
TO:ABU-ASIYO
walaal waxaan u arkaa inaadan weli helin su'aashaada jawaabteedii,waxaanan u nisbaynayaa inay dhacday su'aashaasu meel aan booskeedii ahayn
waayo?
1)ugu horayn anigu ma arko inaad su'aashaan aad fadwadeeda halkaan ka soo doonatid,sababtuna waxay tahay anigoo kale ayaa kasoo jawaabaya min waraa'i dulumaat,mana garanayssid inaan ahay jaahil ama caalim.
2)tan labaad miyaysan suurto gal ahayn agtaada inaad raadsatid culimada lagu kalsoonyahay cilmigooda,kuwaas oo mas'alada ka fiirinaya dhinac kasta ugu yaraan maslaxa walmafsada.
3)tan sadexaad maktabada aad joogtaa maxaway shaqadeedu tahay inay dadka ugu yeerto taxazubka,mise waxay ku socotaa ATTASFIYAH WA TARBIYAH CALAA FAHMI SALAFU SAALIX,anigu shaqsiyan waxaan ku waafaqsanahay walaalada doonaya in taxazubka faraha laga qaado loona daysto magaca allaah uu noo doortay MUSLIMIIN,laakiin su,aasha jawaabteeda maahan inuu qofkastaahi wadaantiisa utuurto!!!!
xasuusana xadiithkii nebiga s.c.w ee macnihiisu ahaa ALLAAH CILMIGA KAMA SAARO ADOOMADA(yacni laabtooda)LAAKIIN CILMIGA WUXUU LA OOFSADAA CULIMADII TAQAANAY,MARKII LAWAAYANA CAALIM DADKU AYSAMAYSTAAN NIMAN MADAX AH OO AAN WAXBA AQOONIN
OO MARKAASNA AY SU'AALIHII WAYDIIYAAN,OO KUWII JAWAABAYAYNA AY DHUMAAN KUWII AY UJAWAABAYEENA AY DHUMIYAAN.
ugu dambayntii waxaan qiyaasayaa inaad garanaysid sidaad yeeli lahayd xitaa markaad soo qoraysay su'aashaan haddaba ma fiicna inla furo mawaadiic aan laga helaynin JIDAAL CAQIIM AH maahane wax kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, October 21, 2000 - 08:47 pm
to Abu asiya
asalaamu calaykum
Akhii ma aanan wada akhrin dhamaan akhyaayrta jawaabtooda laakiin isha ayaan ku xaday waxaan oranlahaana daalibul-cilmi ayaa yiri. Walaal waxaan hubaa hadii waqtiga iyo juhdiga aad galisay halkaan aad culimada Islaamka ee waa wayn aad kula xiriiri lahayd kutubta marjica ahna aad daalacashadooda badsanlahayd saacadaan jawaab kaafi ah waad heli lahayd. Naseexadaydu waa culimada ifta karaadi meel walba ay joogaan.
Sida uu Daalibul cilmi sheegayba qofhalkaan jawaab kugu siiyay ictibaar maleh maxaa yeelay waa (majhuul)
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Saturday, October 21, 2000 - 11:00 pm
asalaamu calaykum...
TO:DHAMAAN WALAALAHA...
waxaa ii muuqata ilaa iyo hada in aanan helin jawaab wax isiiya ,,,waxaan arkayaa walaalaha qaarkood in ay mowduuc kale galayaan...ugalama jeedin markaan bogaan furayey in uu noqdo mid lagu niqaasho ama lagag hadlo waxyaalo kale..waxay ahayd ...ILA TALI WALAAL....
waxaan doonayaa in ay walaaluhu ila taliyaan,,taas ceeb ma aha meeshaan waxaa soo booqanaya dad badan oo diinta jecel waxna ka yaqaan.arinta aan anigu doonayeyna waa NASTEEXO..
WAANA xaq aan ku leeyahay qof kasto oo muslim ah,
maxaa yeelay xaqa uu muslimku walaalkiis ku leeyahay waxa aytahay,
****HADII UU NASTEEXO KAA DALBO U NASTEEXEE***
nasteexadaan waxaan u soo ban dhigay dhamaan cida khayrka jecel,,
aamin sana caqiidada salafka ..rdc...
****su'aashaydu waxa ay tahay meeshaan aan hada joogo ma is kaga tagaa,mise waan sii joogaa***
taas hala iga soo qanciyo walaalayaal...
waxaan jecelahay hadal cad oo aan darbi dushiis
ka soo boo dayn in la isiiyo.....
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 21, 2000 - 11:37 pm
Dee ma saan ayaa u dambeeysay shabaabkii salafka aminasana ay isgaracayan dhaxdooda. dee waa wax laga naxo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Sunday, October 22, 2000 - 01:27 am
to abu asiyo


walaal mowduuca dheer waxan ugalay adiga laftaadu su'aashadii maadan ku daysane waxad gashay inaad tabriiriso itixaad oo aad tidhi

waxan qadana nasteexada hadaan wax ku khaldanahay waxa kalo kamid aha hadaladaada waxanahay shabaab isu tagay sidaana wasiilo ka dhigtay iwm taasbaa igu qasabtay inaan galo sharax dheer si'aan u iftimiyo wasilo iyo manhaj waxay yihiin iyo inay towqiifiyo tahay iyo inkale lakiin cafwan hadaan galay wax maskaxdaada kawayn


aan usoo laabto su'aashaada mayskaga tagaa maktabka/maktabada labadan waan kala fahmi waayay midaad ula jeedo waayo waa labo kala duwan inkastoo adiga ay hadalkaaga kanuuqato magaca hore marka isoo cadee

walaal intaanan su'aashaada jawaabteeda ugudo galin waxan rabaa inaan ku waydiiyo su'aaal

maku qanacsan tahay marka hore inayna banaanayn waxa layidhaa xizbiyo ?

mase usheegtay nimanka maktabka/maktabada inaadan ku qanacsanayn manhajka taxazubka?

mase ku qanac santahay manhajka salafka oo kaliya in lagu wada modoobo?

markad sadex daa kasoo jawaabdid ayaan su'aashada jawabteeda ugudo galayaa

waayo nin wali ku qanacsan in xizbi lagu jiri karayo dee jawaab katag iyo haka tagin wax fa'iido ah ooy leedahay majirto marka soo faah faahi adiga mowqifkaaga xaga xixbiyada

wabilaahi towfiif

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Sunday, October 22, 2000 - 02:10 am
asalaamu calaykum...
to:salafi....
walaal su'aalo baad i weydiisay aniguna
talo ayaan idin weydiiyey ..
su'aalahaani ma aha booskoodii...
sababtu waxa ay tahay anigu wax kasta aan aamin sanaado waxaana kuu sheegay in aan
aamin sanahay manhajka salafka sida ka cad
ciwaanka boga ,,marka taladaada isii..
meeshuna waa ***maktabu dacwah*****
waxaan doonayaa nasteexadaada....
hadii aan ku iraahdo waan ku qanacsanahay.
waxaad furaysaa niqaash iyo dood dheer...
hadii aan iraahdo kuma qanacsani mid kalaa wuxuu dhahayaa waad khaldan tahay...
sidaas daraadeed ayaan doonayaa in aan
kulmiyo walaalaha nasteexooyinkooda..
sidaan rajaynayana cilmi dheer oo iga maqan ayaa ka soo baxaya halkaas...
alaahna waxaan ka baryayaa in uu na tuso jidka xaqa ah naguna arzuqo in aan raacno jidka salafka...
waxaan idinka doonayaa ALNASIIXAH....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, October 22, 2000 - 07:54 am
To walaalahay muslimka ah
assalaamu calaykum
walaalayaal waxaan idin soo jeedinaayaa nesteexo kama danbees ah oo ku wajahan dhamaan walaalaha muslimiinta meelwalba ay joogaan, maxaa yeelay wararka ayaa aad u badatay oo ilaa iyo hadana ninkii su'aasha watay oo uun helin jawaab kaafi ah, hadaba nasteexadu waa kan:-
1-walaalayaalow cilmiga diinta barta oo iyada ayaa maanta looga bixi karaa dhibaatada aan ku jirno oo ah in xarakooyinka oo uu cadaawo dhex maro iyo in masjid dartiisa labo xarako ay ku dagaalamaan iyo dhamaan dhibaatooyinka ku saabsan dhaqanka islaamka, cilmiga ayaa ku anfacaya aduun iyo aakhiroba.
2-walaalayaalow ilaahay ka cabsada meelwalba aad joogtaan maxaa yeelay alle ka cabsiga ayaa wax walba sahla sida uu alle ku cadeeyay qur'aankiisa kariimka ah, qofka muslimka ahna haka cadaalad falo oraahdiisa.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Sunday, October 22, 2000 - 11:26 am
To; ABU-AASIYO...ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI.
Walaal waxaad rumaysnayd in uu itixaadka uu yahay SALAFI , markaa haddii uu yahay sida uu sheeganaayo;
(1)- maxaa uu ka qabaa MANHAJKA SALAFKA in la sameeyo jamaaco si gaar ah u xiriirta oo uu ka dhaxeeyo xiriir sokeeye sida ITIXAADKA ?.
(2)-markii la aasaasay halkee ka qaatay daliilka lagu dhisay ITIXAADKA?.
Haddii aad hesho daliilka saxa ah adigaaba sii joogeen ,waayo waxaa iiga kaa muuqata xaq doon iyo inaad jeceshahay MANHAJKA SALAFU SAALAX.
WASALAAMU CALAYKUM .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU AXMED.

Sunday, October 22, 2000 - 06:11 pm
Asalaamu calaykum

dhamaantiin waxaan idiin soo jeedinayaa nasteexo. taasoo kasoo goday qalbi walaaltinimo dhamaantiinba. Ilaahay kaga baqa waxaad qoraysaan isla markaasna u noqda culumadiina iyo dadka aad cilmiga islaamiga ah aqoonta fiican u leh.
Asalna ka dhigta waxkasta oo aad sheegaysaan KITAABTA ALLE IYO SUNNADA NABIGA (s.a.w). Walaalkayga su'aasha soo jeediyay waxaan kula talinayaa Ilaahay ka baq Dacwadda aad wadidna Ilaahay dartiis ha ku salaysnaato kuna dadaal inay waafaqdo QURAANKA IYO SUNNADA NABIGA (S.A.W). JAZAAKUMULAAHU KHAYR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Monday, October 23, 2000 - 01:38 am
abu asiyo

walal awalan aan alle ka baqno dhamaan tanlabaad

waxad ogataa inay kafiicnayd su'aasha aad soo bandhigtay midkale oo ah

"waxan ka tirsanahay xizbiga itixaadka marka walaal maxad igula talinaysaan mayskaga baxaa ??"


maxan saa uleeyahay waxan ogahay inayna itixaad ama xizbiyada dhamaanba udhiiban maktabka dacwada nin aanka tirsanayn xizbigooda marka sheekh iskadaa xalinta arin farci ah oo waxad xalisaa aas aaska arinta oo ah xizbigii ood ku jirto. waxana kuu balan qaadayaa in hadii aad ku tidhaa itixaadka xizbigiina waan iskaga baxay oo ma'aaminsani wax taxazub ah waxana ku qanacsanahay manhajka salafka oo kaliya inaadan ubaahan su'aashan waayo waalagu eryidoonaa .


su'aashadiina halkaa baadka helaysaa adoon cidna waydii

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/raxmaan

Monday, October 23, 2000 - 07:54 am
Asalaamu calaykum.
walaalaha waxaan ku oraan lahaa dhamaan gaar ahaan walaalka su'aashan na weydiiyey:

1)Haddii aad jeceshahay hadal tiri iyo hadal dheerada waa wanaagsan ee hadal haan ma buuxshe aan wadno haddii kalese Fadlan si sahlan oo dhib lahayn uga doon arrinka mugdigu kaa galo meeshii rabbi ku amray oo ah kitaabka iyo sunnaha adiga oo u mari culimada maadaama aadan adigu kala soo bixi karin fiqhiga waxaa rabto labada marjic.

2) (waxaad tiri waxaan u joogaa maktab dacwo Al-itixaad marka ma iskaga tag!!!!!!!)Yaa akhii dacwada iyo camal kasta oo khayr leh waxaa loo qabta LILLAAHI WAXDAH ikhlaas baana la raba marka haddii waxaa kugu xambaari u adeega dacwadu yahay magac xisbi iwm.. Fadlan sidii rasuulku yiri sallaallaahu caleyhhi wasallam(ISTAFTI QALBAKA WA IN AFTAAKANNAASU) u samee camalkaaga Allaah keli ah taas keli ahina ha kugu xambaarto sameynta khayrka

3) Haddii aad rabto xukunka jamaaco lala baxo iyo xisbi iwm. Fadlan culimo badan baa wax ka qortay oo ah culimo waaweyn saan hore u soo qoray marka u noqo kutubta culimada.
Hadalka oo koobana Magac Allaah baa inoo baxshay oo muslim,mu'miniin weeye magacenu manhajkeenuna waa kii nabiga S.C.W. oo ku salaysan fahamkii salafka markaa fadlan hadii laga tago magac hadii uu u u fiican yahay la bixisu mubaax yahay maxaa bi'i.ogoow is jeclaysiin iyo u tacasub wax aan salafkii lagu aqoon waa uun tacsub muqiit ah oo ku dhisan taqliid acmaa.

Fadlan aan noqono marka aan ka hadli mawaadiicdan dad macduuci ah.
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XXXXXXXXXXX

Monday, October 23, 2000 - 10:23 am
waa yahay waan ka baxay xizbi x, marka side ugu khidmeeya diintan. bal ila soo gaaraa fikradihiin. Dhinaca an ka bilaabayo iyo sida aan u wadaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Monday, October 23, 2000 - 07:02 pm
TO :Salafiyiinta Cusub

Marka hore asalaamu calykum.

Berigii hore jameecooyinka waxa soo geli jiray dhalin cilmi leh,laakiin markii uu cilmigii yaraaday ayaa waxa xarakooyinkii soo dhexgaly dad caamiyiin ah,kuwaa caamiyiinta ah waxaa haleelay cudur la yidhaa tacasub taasina waxa ay keentay khalal dhinaca xarakiga ah.Waxaa iyana soo baxayn qolooyin kale oo caami(caami ka ah fiqiga xarakiga ah) ah oo iyaguna aan cilmi lahayn oo iyana dadkii ugu yeedhi in xarakooyinkii laga cararo.Kuwani waxa ay moodi in ay Islaamka wax tari laakiin waxba ma dhaamaan kuwii tacasubay oo iyana waxa ay ka qaybqaadanayaan jaha wareerinta muslimiinta.

Waxaa iga tala ah walaalahan dooda dheer halkan galayoow(khaastan kuwan ku talinaya in jameecooyinka laga cararo) ilaahay uga baqa waxa aad ku hadlaysaan.
Diinta ilaahay soconmayso bilaa nidaam.Hadaad rabtaan in tacasubku yaraado dhexgala xarakooyinka jira oo isku daya hadii aad wax khaladaada ku aragtaan in aad saxdaan.Hadii kole ogaada idinkuba in aad xaraka cusub tihiin.Xarakadiinana waxaa la yidhaa "JAMOOCOOYIN DIID".Amiirana Waad leedihiin in kasta oo aanaydun qiranayan.Markaa intood Alle ka cabsataan dadka muslimiinta ah jahawareerka ka ilaasha.

Mahadsanidin
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Monday, October 23, 2000 - 08:52 pm
To saa'ilka
assalaamu calaykum
Akhii kala saar naseexo iyo cilmi doon hadii ay kaatahay naseexo waad ku gaftay maxaa yeelay sheey aad u baahantahay xalaashiisa iyo xaaraantiisa naseexo looma raadsho ee cilmigiisa ayaa la raadshaa. Hadaba Akhiiyoow mas'aladaan waa mid diineed oo aad u baahantahay in aad ogaatid in ay banaan tahay iyo in aysan banaanayn. hadaad adigu jawaabta taqaanid naga daa jidaalka waa laga dayriyaye. hadaadan aqoonina Alle(subxaanahu watacaalaa) waxa uu ina amray in aan way diino ahlul cilmiga(Fas'aluu ahla thikri in kuntum laa taclamuun).
Walaal hadaad mawduucaan ugu tala gashay dood ku saabsan itixaad iyo salafiya jadiida dad loo bixiyay daboolka ka qaad.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AbuCumar

Tuesday, October 24, 2000 - 06:46 am
Waxaa xaqiiq ah in uu caami dhaba yahay midkaan kala garan karin xaqiiqada iyo beenta.

Siciid waxaa uu yiri (kuwa xarakaadka diidoow alla ka baqa waayo diintu socon maayso bilaa nidaam).Wali ma arag hadalkaas mid ka qadhaadh!!!!!!! war subxaanallaahi e waa maxay ku gefka diinta rabbi iyo bidcadaan cusubi,yaa ku yiri xisbi diidku nidaam bay diideen? yaase ku yiri diintu nidaam ma lahayn ay ku shaqayso, muslimkuna diinta uu ugu adeego ka hor inta aan xisbi iyo xarako imaan?

waxaan ku leeyahay in wax walba oo la qaban la wanaajo diintaa ina fari,lana adeegsado wax walba uu mubaax ah oo wanaajinaya habsami u socodka u adeega diinta iayadoon magac lala baxayn bidci ah oo kala dili muslimka oo in uu khilaaf iyo tafaruq furo mooyee aan mideyneynin.

Marka su'aashu waxaa weeye maxaan uga baahnahay magac aan waxba ii kordhinayn anoo diintayda ugu adeegii sida saxsan ee wanaagsan ee sunnaha iyo dariiqa salafka waafaqsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Tuesday, October 24, 2000 - 07:44 am
To AbuCumar

Horta waxaan kugu salaamayaa salaanta Islaamaka Aslaamu Calykum. Waxaa iiga yara muuqata hadalkaagii in aad waxoogaa adigoo yara cadhaysan aad ka jawaabtay hadalkii aan halkan ku qoray.Waxaan doonayaa in aan kuwaydiiyow ma idinka dhabaa in aad aaminsantihiin in xarakooyinka Islaamka ee maanta caalamka Islaamka ka shaqaynayaa haba kala duwanaadeene ay yihiin Bidco.Hadii ay jawaabtaadu adiga iyo walaalaha kale ee aaminsan arinatan ay HAA noqoto.Laba arimood baa la idinka rabaa 1)in aad keentaan DALIIL cilmiyaysan.
2)In aad keentaan BADIIL.

Mida kale ma laga yaabaa waxan idinku xambaaraya(ladagaalanka)xarakooyinka Islaamaka in ay tahay tajribadiina xarakooynka,waxaan uga jeedaa in aad hore uga mid ahaan jirteen XARAKOOYINKAA dabadeedna aad is khilaafteen ama aad jeclaan waydeen sida ay wax u wadaan markii aad ka baxdeena aad cadhadii k

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIIKH

Tuesday, October 24, 2000 - 11:58 am
asalaamu calaykum...
SICIIDOW ANIGAA U JAWAABAYA INTUUSAN ISAGU HADLIN....
horta haba yaraatee wax daliil ah oo ay hayaan
ma jirto...tan kale magaca ay ka cararayaan waxa uu leeyahay
asal loo celiyo..waxaa jirtay saxaabadu in ay magacyo kala gadisan lahaayeen....
sida,,,,MUHAAJIRIIN....ANSAAR....QURRAA...ASXAABU SHAJARAH...iyo magacyo kale, oo allaah miyuusan ku magacaabin ISLAAM maxay yihiin magac yadaan kale..waa sida ay iyagu yiraahdaane...taas waxaa ka sii daran magacaan ah salafi xagee laga keenay..
ma diidani in lala bixi karo salafi,,,laakiin bal si cilmiyaysan ha u kala saaraan magacyadaan...
xadiith ama athar ha keenaan noo bixiyey salafi...
maan ku kaaftoono ,,,MUSLIMIIN...subxaanalaahi maa ajhalahum...
shiikh C/LE SABTI oo ah shiikh aad looga yaqaano
saaxada salafiyiinta ay waxa uu sheegay,SHIIKH AL-BAANI
in uu baneeyey magacyadaas qaarkood sida
ANSAARU SUNAH...waxa uu balan qaaday shiikh c/le
in uu dalabatul cilmi ku wazici doono cajaladaas..
marka cilmi la'aanta weyn ee haysa waxa ay ku darsadeen
iyagoo cilmiga ka qaata
waxa ay jecel yihiin,,
wixii kalena ka taga,,,
waxa ay kala garan la yihiin mowqif ay istaagaan..
mar magaca ayey ku dhegen yihiin marna waxyaalo kale oo aan jirin
ayey u nisbeeyaan jamaacaadka..
waxaa lagu yaqaanaa iyaga in ay meel walbaa la istaagaan jidaal iyo dood,
iyo in ay wax ka sheegaan
dadka dacwada wada,maxaa u diiday in ay dacwo wadaan iyagu...BAL EEG BAAB WALBAA OO AY KU JIRAAN DOOD BAY KU HAYAAN..
hal mid ah oo ka mid ah ma dhahayo war sidee dac wada u wadnaa
hadii aad weydiisidna kuu jawaabi maayaan
bal waxaa laga yaabaa in ay
ku af lagaadeeyaan..
waligaa tanoo kale ma aragtay
waa yaab iyo ama kaak..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, October 25, 2000 - 07:26 am
To XXXXXXXXXXX
assalaamu calaykum
walaal waad mahad san tahay sida wanaaga badan oo aad u tixraacdid waanada ee walaal waxaan kuu sheegayaa in aad u khidmaysid diinta islaamka inta ay nafta kugu jirto, habka aad u khidmaynaysid ha noqdo sida ay u khidmayn jireen nabigeena s.c.w. iyo saxaabadiisa.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Wednesday, October 25, 2000 - 08:36 am
Asalaamu caleeykum dhammaan.
Dhammaan Walaal, waxaan aad ula yaabay caqliyada Soomaaliyeed oo maanta qurbaha joogto, iyo sida ay u dhaqmeeyso iyo sida laga rabay.

Waxaan maanta oo dhan isku xag xaganeeynaa waxaan anaga naga weeyn oo xalkeeda ay kula tageen indher garadyadii diintaan ISLAAMKA.

War miyeeysan habooneeyn in aan wax kale ka sheekeeysano ama aan ku bixino JUHDIGEENA. Bal su´aal aan idin weeydiye miyeesan dadka Islaamka aaminsan ay isku waafaq saneeyn in ka badan 90%??, ma waxaan rabnaa in aan maskaxda banii aadamka aan ka dhigno MID kaliya.

Miyeeysan habooneeyn in aan dhinac isaga tuurno inta ka yar 10% oo aan isku diidanaha, oo aan ka sheekeeysano 90% kale. Walaalayaal aaway caqligeena????

War ma macquul miyaa in aan isku keeno culimada XARAKIGA taageersan iyo kuwa DIIDAN oo aan heshisiino????, war waxaan waa ijtihaad oo mar walba dhinac isku rogaayo oo waxaan sheegi karaa tobaneeyo qiso (ijtihaadyo)ka dhacday dunida, muslimka oo hadana CULIMADII ka noqotay oo mid kale qaadatay.

Kuwa xarakaatka diidan weey ka mid ahaayeen shaleeyto, marka intuu ka maray daliilka maanta ay la ordaayaan SHALEEYTO????????????????????

Ma waxaan rabnaa ama aan u hanqal taageeynaa DAWLAD ISLAAMI anagoo wali taagan ama aan isku haysano XARAKO ama garka intee in la´eg ayaa la gaabin karaa??. Ee aan kol u kacno.

Baraarugeena maanta wuu maraaya meeshii u mari jiray, walaalaheen carabta 1930 - 1940, marka aan la sheekeeysto jinsiyaadka carabta oo aan ugu sheekeey sida aan nahay, weey nagu qoslaan oo waxeey igu yiraahdeen "waxaas waan la kulanay wakhti hore, ka dib waan soo jiirnay"

Marka walaal hadalkii waan dheereeyay isagoo aan dhameenin ee wakhti haku lumininaa.

To SICIID.
Walaakiis wax yaalaha aad soo qortay, waxaan ka dhageeystay muxaadaro ka dhacday LONDON 98:kii, oo tabtaas u sharxaayey muxaadirka. Waan kugu raac sanahay arimahaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Wednesday, October 25, 2000 - 08:45 am
Walaalka aan ku raac sanahay waa SHIIKH ee ma ahan SICIID. Ee iga raali ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Wednesday, October 25, 2000 - 10:05 am
AAWW
Waxaa wax laga murugooda ah in dadka halkan ku doodayaa ay yihiin dad ku nool Yurub iyo USA.
Waxaa jirta halkii ay ka doodi lahaayeen badbaadada jaaliyada soomaaliyeed ee dibada joogta ee maalinba maalinta ka danbaysa sii lumaysa in ay ka doodaan Xarako ma jiri kartaa mise maba jiri karto.U malayn maayo dadka doodaha noocan ah soo dhigayaa in ay wacyi wayn u leeyihiin dhibaatooyinka soo foodsaartay umada muslimka guud ahaan gaarahaana tan Somaalida (dibad iyo gudaba).Hadii ay wacyi u leeyihiina u malayn maayo in kuwan yihiin kuwii xal laga sugi lahaa.

Waxaan odhan lahaa walaalayaalow(qoladan Salafiyiinta sheeganaysa) ha ku been ubuuranina salafkii umadan.Salafkii umadani hadii ay ahaan lahaayeen qaar u fakirya sida ay fakarayaan walaalahan maanta sheeganaya SALAFIYADA
islaamku beri hore ayuu burburi lahaa.

Hadii aad tahay qof baaxisa oo baadhaya Xarakooyinka Islaamka iyo waxa ay taariikhda umadan tareen waxa aad arki in ay ahaayeen kuwii umadan Ilaahay u soo diray in uu ku badbaadiyo.Markaaa qolooyinkan dadka kula talinaya in ay Xarakooyinka ka cararaan waxaan kula talin lahaa walaalayaalow intaad iska dhaaftaan Afrta Cajaladood ee UU duubay Sh.Albaani iyo xertiisu hadii ay idinka daacad tahay in aad Islaamka wax tartaan wacyi weyn yeesha oo indha furn iyo cagli furan ku eega dhamaan waxa laga qoray mawduucan.Hadii kale ku mashquulsanaada sidii aad muslimiinta dacwada Alle u shaqaynaysa uun aad wax uga sheeg sheegi lahaydeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Wednesday, October 25, 2000 - 02:36 pm
To Siciid
Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
su'aal
Yaa muhiimsan ma diinta islaamka difaaceeda mise badbaadinta jaaliyada soomaaliyeed.
Taas macnaheeda ulamajeedo in jaaliyada soomaaliyeed aysan muhiim ahayn. Laakiin su'aashaydu waxay ka dhalatay qoraalkaaga. Jawaab ayaan kaasugayaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Wednesday, October 25, 2000 - 03:26 pm
To Abu Salman

Asalaamu Calykum Waraxmatullahi

Walaal marka hore Salaantaa Islaamka gudoon.

Marka xigta anigu horta waxaan u arkaa badbaadada jaaliyda Islaamka oo ay Soomaalidu ka midtahay in ay tahay qayb ka mida difaaca Isaamka.

In la badbaadiyo dadka muslimka ah ee diintoodu ku burburayso galbeedka hadii aanad u arag difaac iyo Jihaad diinta Ilaahay--- talow maxaa kale oo uu yahay difaaca Islaamka ee dadka loogu yeedhi!!!

Hadii ay dadka qaar u arkaan difaac in la weeraro xarakooyinka islaamka ee ah kuwa maanta umada diinteeda iyo xadaaradeeda difaacaya, ANIGU taas baanan u arag difaac Islaam.Waxa aan u arkaa burburin la burburinayo dacwada Islaamka waana mid u adeegi cadowga Islaamka.Waxaanan dhibsan in dadkii la doonayay in ay AQALKA ISLAAMKA difaacaan ay noqdaan qaar ku fakari burburintiisa haba u keento jaahilnimo.

Hadii dadka qaar ay arkaan dad xarakooyinka ku jira oo tacasub la imanaya taas micnaheedu ma aha in ay xarakooyinku yihiin bidco ama sida walaalaha qaarkood ay yidhaahdeen Xaraan laakiin waxa ay ahayd in aan masa'alada tacasubka gooni loo eego oon lagu khaldin sharcinimada xarakooyinka Islaamka. Sharcinimada Xarakooyinka Islaamku waa mid ay isku raacsanyihiin inta badan ee culimada muslimiinta ahi, haba ku kala duwanaadaan aragtiyaha camalka islaamka ee ay aaminsanyihiin.Hadii aad akhridaan buugaagta laga qoray mawduucana waxa aad arki lahaydeen in mawduucani aanu ahayn mawduuc aan asal lahayn ee uu yahay mawduuc tasiilsan.

Ugu danbayntii waxaan ku talin lahaa in aan lagu degdegin bidcaynta iyo xaaraamaynta Xarakooyinka Islaamka.Waayo waa mawduuc Culis oonay ahayn in qofkastaba wax ka yidhaahdo ee loo dhaafo dadka takhasuska ku leh.


Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIIKH

Wednesday, October 25, 2000 - 05:30 pm
asalaamu calaykum ...
awalan waxaan aad ugu bogay qoraalada uu qoro
walaalkay siciid oo aan u arko in uu yahay nin
wax u kala baxsan yihiin xaqiiqadana dareemaya
waxaan aad ula yaabay su aasshii uu abu-salman
wey diiyey siciid....arin uu abu-salman kaligiis ku yahay ma ahee waa arin
ay ragaan hada soo baxay adeegsadaan had iyo goor
hadii aad tiraahdid war doodaan inaga daaya
oo aan wax ina anfaca ka hadalno waxaa
laguugu jawaabaya****ma waxaad diidaysaa in xaqa la sheego***
subxaanalaahi war goormay noqotay dadka dacwada wada dacnintoodu xaq difaacid?
war miyaan la arag jawaanibta kale oo ay dacwadu ka bur-burtay...
maxaa mowduucaan xarakooyinka ah ka dhigay
mowduuc ay ka bilaabaan doodooda iyo jidaalkoodu,,,
intii ay ku mashquulsanaayeen xarakooyinkii
iyo jamaacaadkii ayaa waxaa wdankii xoog ku soo
yeeshay SUUFIYADII IYO KHURAAFAADKIIBA.
bal eega hada qoraalada ay ku soo qoreen halkaan
sida wahaabiyo ashcariyo iyo wax yaala kale..
mid ka mid ah iyaga waxaa hadalkiisa ka mid ahaa
war hada ka hor ma aanan baran wahaabiyada
ileyn iyagaa dadka isugu neceb
in ay baadil wadaana waxaan ka gartay ayuu yiri
bogaan ah LABOGARE OO ALBAANI KU GAFTAY....
sidaas ayuu u hadlay...intaad joojisaan dooda iyo qayla
diyaar ma u tihiin sidaad diintaan ugu shaqayn la haydeen*****

SICIID
saaxiib ma fiicnayn in aad tiraahdid
***inta aad iska dhaaftaan afartaan cajiladood
uu duubay sh.albaani iyo xertiisu***
hadalkaan waxaad moodaa walaal in uu
xoogaa qalafsan yahay maxaa yeelay
lagama maarmo kutubta iyo cajaladaha sh.albaani
maxaa yeelay imaamada casrigaan ayuu ku jiaray
xarakooyinkana meel buu ka taagnaa oo waaruntaa...
laakiin waxa ay ka aheyd shiikha alaah ha u nxariitee.IJTIHAADKIISA ''''
TALADA UU NASIIYEY WALAALKEEN
ISKAANDANEEFIYANA
HALAGU DHAQMO
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Wednesday, October 25, 2000 - 08:58 pm
To Shiikh
Akhii su'aal baan waydiiyay siciid ee xarakooyinka bur burkooda iyo difaacooda midna kama hadlin. Walaal qoraalada siciid hadaad akhriso waad fahmaysaa in aysan cadaalad ku dhisnayn. Tan labaad aniga khalad baad iga fahantay ee dib u akhri qoraaladayda(oct 22 2000 -01:47am iyo Oct 24 2000 _01:52)Waad arki doontaa sida aanan ujeclayn dood nuucan oo kale ah.

Waxaan kugu waafaqsanahay in suufiyo ka faaiidysatay dadkii inta lagu mashquulsanaa arimo sikale lagu xalinkaro.

To siciid
Akhii arinta jaaliyada soomaaliyeed waan kugu taageersanay sida aad u aragto ayaana u arkaa laakiin doodaado waxay ku salaysantahay xarako difaac taasna kuguma waafaqsani inkastoon aanan doodaas waqti kudhuminayn.
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIIKH

Thursday, October 26, 2000 - 12:28 am
asalaamu calaykum....
TO: ABU-SALMAN..

walaal aad baan uga xumahay in aan
magacaaga halkaan ku soo qoray..
waxaan ku leeyahay raali ahow..
si baan u fahmay qoraalkaagee..
WA JAZZAAKA LAAHU KHAYRAN...
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 26, 2000 - 02:28 am
waxan layaabanahay nimankan boqolaalka qoraal iska soo dabo daabacay oo ayku difaacayaan xarakaadka culumadana ayku xag xaganayaan oo aywaliba yihiin nimanka furay bogan iyo boga salafiya jadiida waxay ku magacaabeen lagu caayayo

hadana iska dhigaya inayna iyagu ahayn kuwo dood dhalinaya ama dad xag xaganaya laa xawla walaa quwata ilaa bilaaah


bal ufiir sada bogaan waxan iyaga ahayn iskuma mashquulin waa iyagii oo kaliya waxay ku gaab sadeen nimankii kale qoraalo hore sida ninka labaxay "salafi"

ninbaa waxa kamid ahayd hadalkiisa iska daaya doodan oo arinkan aan udayno culumada waawayn
hadana isagii iskama dayn

1 dood oo waad arkaysa halkan suu ugu difaacayo xizbiyada
2 culumadii wawaynayd ee kafatwootay inayna banaanayn xizbiyadu umayna dayne waakan halkanay isku taagayaan culumo wawayn

waxa kamid ahayd hadaladooda,albaani oo kale waxay yirahdeen wuu ijtihaaday macnaha way ogyihiin inuu sheekhu raximahulaah cadeeyay inayna banaanayn xizbiyadu lakiin waxay isku dayaayaan inay kadhigaan wuxu ku gafay

waxa kaloy sheegeen inay culumada intooda badani banaysay xizbiyada
tolow waa kuwee culumadaasi mawaxay kawadaan culumo

cardaaawi

ashayijii

c/raxman c/khaliq

mise waxay kawadaan

al-baani raximahulaah

ibnu baaz raximahulaah

ibnu cuthemiin xafidahulaah

waxan shaki ku jirin inay waxa baneeyay xizbiyo ay'yihiin kuwa kore.

amaa culumadeenan ajilada ah sida al-baani raximahulaah, ibnu baaz raximahulaah, ibnu cuthemiin xafidahulaah, dhamaan way ka digeen
taxazubka iyo tafaruqa iyo tacasubka maqiitka ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Thursday, October 26, 2000 - 02:48 am
Asalaamu Calykum

To Abu Salman:
Walaal waxaad tidhi:
--" Walaal qoraalada siciid hadaad akhriso waad fahmaysaa in aysan cadaalad ku dhisnayn"--
Walaal waxa aynu ka doodaynaa waa mawduuc cilmiya markaa hadii aanad meel waafaqsanayn ama aad u aragto in aanay sax ahayn waxa fiican in aad arintaa aad ka hadasho ee aanad cadaalada qofka waxba ka sheegin waayo taasi waxa ay luminaysaaa ruuxa walaaltinimada waxa aanay dooda ka dhigaysaa jadal iyo tuhum.Sidaa daraadeed waxa aan naftayda iyo walaalahaba kula dardaarmi lahaa in marka la doodayo meesha laga dhaafo in la tuhmo diinta ama cadaalada qofka kale.Waad aaminsanaan kartaa in waxa uu qofka kale ku doodayaa ay khalad tahay laakiin taa micnaheedu ma aha in cadaalada ama diinta qofka la tuhmo.
Amaa hadaanad waafaqsanayan mawduuca xarakooyinka dhibaato ma laha mana ku lihi waafaq laakin waxa uun aan kaa rabaa dadka waafaqsan in aan la tuhmin ama aan loo arag in ay BIDCO ku jiraan ama ay samaynayaan arin XAARAAN ah.


TO Shiikh

Walaal waa laga yaabaa in hadalkaygu sidaan u idhi uu yara adkaa laakiin arinta ah in walaalaha ka soo horjeeda mawduucan xarakooyinka ay ku ta'asureen Sh.Albaani(Alle ha u naxariisto) iyo ardaydiisa waa arin sugan waana in la xusaa marka laga doodayo mawduucan.Hadii la xusana tani wax ba u dhimi mayso sheekha.

Waad Mahadsantihiin
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIIKH

Thursday, October 26, 2000 - 03:42 am
asalaamu calaykum...
waxaan la yaabay ninka magaciisa qariyey sida uu
u hadlay waxa uu u eg yahay nin dood raadis ah
sidaan sheegay taas anagu diyaar u ma nihin
shuyuukhda uu kor ku sheegay hadii ay isaga
u kala saaran yihiin anaga dhamaantood waxaanu irsanahay
in ayculumu wada yihiin
sida c/raxmaan a/khaaliq
aad moodid in uu aabahood laayey
diinta waxa uu u qabtay uma aydan qaban idinku
umana qaban kartaan
dhamaan waa culumo hadii ay is khalaafaana
taas macnaheedu ma aha in ay salafnimadii ka
baxeen hada ka horna a imadii ayaa is khilaafi
jirtay walaaltinimadoodana wax uma gaysan jirin
shiikh al-baani isaga ayaa sheegay in uu c/raxmaan c/khaaliq salafi yahay
marka ma idinkaa ka saari kara salafnimada?
mise waa tiin-bare aad gacanta ku haysaan idinku

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Thursday, October 26, 2000 - 03:59 am
To:Anonymous
Asalaamu calykum

walaal waxaa kaa muuqata in aad tahay nin ama gabadh xamaasad hayso umana malaynayo in aad malaa daraasad ku samaysay mawaaqifta culimada aad maqaalkaaga ku xustay.

Waxaan ku odhan lahaa malaa waxaad u baahantahay
inta aanad sheegin culimada iyo mawaaqifta ay kala leeyihiin in aad daraasad ku samayso.

waxa kale oo talo iga ah mar labaad in aad kala saarto TAXASAUB Iyo XARAKO AMA JAMAACAD waayo waxa aan arkaa in ay arimahaasi iskaga kaa qasan yihiin.

Musiibada wayn ee ina haysata waxa weeye in qof uu ka hadlo mawduuc aanu daraasad cilmiyaysan ku samayn ama uu ka arkay daraf qudha.

Hadii aad akhrin lahayd aqwaaysha culimadaa aad sheegtay ee salafiyiinta ahna malaa waxaad ogaan lahayd in intooda badni aanay waafaqsanayn aragtida aad soo bandhigaysaan ee ah in XARAKOOYINKU ay BIDCO yihiin.Markaa mar labaad waxaa talo iga ah in aad mawduucan daraf qudha ka eegin ee aad dhinacyadiisa ka luwan daraasaysaan.

mahadsanid
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnucali

Thursday, October 26, 2000 - 05:39 am
Waa!!!!!!!!! yaab!!!!!!! yaab!!!!! yaaab!!!!!!In miskiin laga yaabo haddii la weydiiyo in uu ka jawaabo waxyaalaha muhiimka ah sida furuudaha salaada,sharuudeeda,waajibaadkeeda iwm.aan garanayn in uu halkan ka cambaareeyo sh.Albaani waa nooca culimadu u bixisay XUDATHAA'UL ASNAAN

Waxaa idiin roon in aad waqtigiina iyo juhdigiina ku lumisaan wax idiin anfaci oo xasiila cilmi ah inta aydiinaan faraha la gelin kubaaral masaa'il.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Thursday, October 26, 2000 - 08:05 pm
To siciid
Akhii filaah dib ugu noqo qoraaladaadii hore si aad u aragto khaladaadkaagii

Cadaalad darada aan kugu sheegay ulama jeedo in aan tuhmay diintaada ama aan ka soo horjeedo sida aad mas'alo u arki karto laakiin waxa aan xusay khalad aad gashay waana laguugu sheegi karaa sida aad adiguba aad sh.Albaani oga jawaabtay marka uu sheekh kaaga naseexeeyay. Dooda ku saabsan xizbiyada ama xarakooyinka hadaan ka qaybqaato hadal danbe ha ila sii wadin. Ina cafi hadii hadalkaygaas aad u fahamtay in aan diintaada duhmay.Baarakallaahu fiika.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Thursday, October 26, 2000 - 08:17 pm
To shiikh
waan aqbalay raali galintaada si buuxda.
Alle ha kaa abaal mariy.
wasalamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, October 27, 2000 - 12:37 am
To all brothers
assalaamu calaykum
walaalayaalow ilaahay ka cabsada oo dooda macna darida iska dhaafa oo qof walba ha u soo jeesto si uu ku baran lahaa habka uu u gutto waajibaadka saaran oo berito lagula xisaabtamaayo, ilaahay aan ka cabsano oo qiyaamaha nalama waydiinaayo xarakadee ka tirsaneed ee waxaa lagu waydiinaayaa (maxaad ku kasbatay aduunka gudihiisa).
walaalahaygiyoow intaas waa iga nasteexo.
wassalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 11:39 am
asalamu calayka yaa akhil islaam.
itaxaad waa dad muslim ah waxayna ka mid ahaayeen dadkii dacwada ka bilaabay somaliya markaa itaxaad kormu noqday wax laga cararo ma'idoobiya loo maqlayaa su'aashaadi hadaan u soonoqdo lashaqee itaxaad iyo cidkasta oo diinda ilaahay si xaqah u gudanaysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Monday, October 30, 2000 - 07:13 am
asalaamu calaykum....
dhamaantiin waxaan idinku salaamayaa
salaanta islaamka ee kor ku xusan...
intaa ka dib walaalayaal waxaad moodaa...
su'aashii aan soo weydiiyey walaalaha...
in yar ma ahane intii kale in ay howl kale...
galeen dadkii waxa ay u qaybsameen dhowr qaybood..
qayb aniga i hujuumtay.....
qaar kale oo mowduucyo kale galay oo aad moodid
in ay iga qasayaan mawduucayga...
qaar talo isiiyey haba kala duwanaato taladaasiye.
waxa uu noqday bogaani mid looga doodo jamaacaadka
islaamiga ah...walaalayaal waxaa jira bogag kale
oo ka hadlaya mowduucaas ninkii doonaya in uu doodahaas
ka qayb qaato ha aado bogagaas kale..
waxaan doonayaa walaaluhu in ay si cilmiyeysan u hadlaan..
waxaan kaloo doonayaa talada ka dib in aan ka
wada tashano sidee bay suura gal ku tahay in aan
inaga oo gacmaha is haysana oo ah hal saf oo kaliya
oo uusan jirin wax caloosha la isugu hayo u wadi karnaa dacwada
ACDAAUL ISLAAM waxay u midoobeen sidii ay diintaan iyo ahalkeedaba u tir-tiri lahaayeen
marka maxaa inoo talo ah...sidee isugu keeni
wax wada qabsiga ducaada,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Monday, October 30, 2000 - 12:39 pm
salaamu caleykum
to: abu asiyo
walaal waxaan kuu sheegayaa inaad horta ka qanacdo in aad xizbi ku jirto ama jamaaco ka soocan jamaacadii weynayd aad ka mid noqoto , markaa ka dib ayaan ka hadli karnaa in gacmo lays qabsado laakiin intaad adiga & kuwa kaleba ay islaamka kala qeybintiisa kusii indha adagyihiin waa mustaxiil ( mid aan suuroobayn ) .
Itixaad kadib limaadaa Ictisaam ? berrina cajiib maahan tamasuk markaa magacyadaan la kala badalanaayo waa qayaanooyinka xarakooyinka .
salaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Monday, October 30, 2000 - 05:45 pm
asalaamu calaykum.....
waxaan aad u la yaabay hadalka uu yiri...
walaalkay abu-dujana alaha u dambi dhaafee...
horta walal waxaa wanaagsan marka aad hadal...
qoraysid bal marka hore in aad hadaladii hore..
ee walaaluhu qoreen in aad soo aqridid..
oo bal fahantid hadaladooda ma ahan akhrin oo...
kaliya, waxaa iiga kaa muuqata in aad tahay..
dadka fahamka yar doodana jecel..
taas waxaan ku iri hadalkii weynaa ee aad ku... hadashay...
waxaa laga yaabaa in uu adiga agtaada ka yaryahay.
horta walaal ninkii u sacyiya in uu islaamka...
kala qaybiyo ma ahan nin muslim ah..waa hadal weyne ogow..
waana sifaadkii lagu yaqaanay munaafiqiinta iyo..
yahuuda iyo gaalada dhamaantoodba...
waxa uu ale ku yiri suuratul-nisaa...
markii uu ka hadlayey gaalada***wa yuriiduuna an. yufarriquu bayna laahi warusulih,,,
wayaquuluuna nu'minu bibacdin wa nakfuru bibacdin***
<<<waxaan ka cudur daaranayaa in aan qur'aankii..
ku qoray somali ayaada ayaanan lambarkeeda... haynin>>>>>
marka walaal taas la soco...
walaalahaana hadalkaas oo kale ha ku oranin...
mida kale waxaad sheegtay in aan anigu ku...
indho adkahay islaamka kala qaybintiisa..
walaal bal inta aad dib ugu laabatid qoraaladii..
aan soo qoray bal ka soo saar mid aan arintaan..
aad iinisbaysay kaga hadlayo....
bimujarad aan iri jamaacada al-itixaad baan ka.. mid ahay miyaan ku kala qaybiyey islaam?....
miyaanse adiga talo ku weydiin?....
maxaa kuu diiday sidaad khayr u arkaysid in aad..
itustid walaalkaa baan ahaye?......
walaal sidaad u hadashay waa si khadiir ah ee...
iska ilaali walaalhaa in aad tuhunto....

abu-dujaanoow hadaladaada ayaa u dhow mid...
islaamka kala fogayn kara....

abu-asiyo

asalaamu calaykumasiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Tuesday, October 31, 2000 - 02:28 am
abu-asiyo

walaal fatwadii sheekheena waatane qaado oo kuleh waxan kulatilin lahaa inuu qofkii xizbi ku jiraayi iskaga baxo ilaahayna utoobadkeen

waa sheekh cumar faaruuq

dhagayso halkan
http://troid.org/new/audio/sumaalee/sjxisbiyaA.ram

http://troid.org/new/audio/sumaalee/sjxisbiyaB.ram

waa A iyo B labada linki marka isla su'aashaada oo kalaa lawaydiinayaa e sifiican una weelee kuna dhaqan

wallahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Tuesday, October 31, 2000 - 06:54 am
asalaamu calaykum.....

TO; SALAFI...

WALAAL AAD BAAD UGU MAHADSANTAHAY JAWAABTAADA
QAYIMKA AH
WASALAAMU CALAYKUM...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Thursday, November 02, 2000 - 06:25 am
TO; ABU AASIYA. ASALAAMU CALAYKUM .
Walaal waxaan ku waydiiye su,aalo laba ah 22/10/2000 , Mana aad ka jawaabin , ee waxaan kaa codsanaayaa in aad iiga jawabto si loo helo jawaabtii aad dalabtay iyada oo loo noqonaayo kutubtii asalka ahaa .
Waxaan ka codsanaaya mar kale in aad iiga soo jawaabto .
WABILAAHI TOWFIIQ .
WAA WALAALKAA SHIHAABU DIIN AL-ATHARI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Saturday, November 04, 2000 - 05:13 am
asalaamu calaykum

TO:SHIHAABU DIIN...

AWALAN waxaan kugu salaamayaa salaanta islaamka
intaa kadib,
waxaad isoo wetdiisay labo su,aalood.
ma jecli in aan kaaga jawaabo maxaa yeeley
waxa ay u eg yihiin su'aalo doodi ka dhalan karto
anigu sidaan horey kuugu sheegay ma jecli
doodaha in aan ka qayb qaato,
su,aalahaan hadii aan kaaga jawaabo
sidaan anigu ufahansanahay waxaad ileedahay waxaad
tahay XIZBI ama bidcaad ku jirtaa,
hadii aan si kale uga jawaabana dee waxaad
leedahay maxaad u keentay su,aashaan.
si kastaba ha ahaatee maadaama aad igu soo
cel-celisay waxaan ku o ranayaa dhowr
kalimadood...

1:su'aashii hore*****maxaa uu ka qabaa
manhajka salafku in la sameeyo jamaaco si gaar ah
u xiriirta oo uu ka dhaxeeyo xiriir sokeeye
sida itixaad****

su,aashaani aad bay u khaldan tahay...
sababtu waxa ay tahay
waxaad tiri jamaaco si gaar ah u xiriirta oo
ka dhaxeeyo xiriir sokeeye sida itixaadka,,

walaal su'aasha hadii la xumeeyo jawaab xun baa
ka dhalata al-itixaad anigu waan ka mid ahay
muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waxa ay
ii yihiin hal mid....

ma jiro xiriir gooni ah oo ka dhxeeya al-itixaad
ka ligood oo muslimiinta kale banaanka ay ka
yihiin aan ka ahayn midka camalka jamaaciga ah
waxaa naga dhaxeeya hadii aan nahay AL-ITIXAAD-
AL-ISLAAM,XIRIIR wada shaqayneed oo ku saabsan
***LITAKUUN KALIMATULLAAHI HIYAL CULYAA***
iyo in uu koon kaan ka taliyo kitaabka alaah
taas wuxuu u furan yahay dhamaan walaalaha
jecel in ay ka qayb qaataan arinkaas
anagoon u arkayn in qayrkeen aysan arintaas
u sacyineyn oo aysan dooneyn..
waxaan taas ahayn nagama dhaxeeyaan allaah
dartiis baa na isku kaaya keentay iyadaana
ka indilaaqaynaa...xiriir kale oo aan kaas
ahayn nagama dhaxeeyo sokeeye kalena ma lihin
aan ahayn ALLAAH IYO RASUULKIISA s.c.w IYO
DHAMAAN MU'MINIINTA....

TAAS BAAN RAJAYNAYAA IN AAD KU QANCI DOONTID...

2:HADII aan soo koobo daliilika lagu dhisay
jamaacada AL-ITIXAAD waa,,,,,

*****AL-KITAAB WA SUNAH CALAA FAHMI
SALAFI SAALIX****

taas weeye meesha aan ka in dilaaqno....

malihi al-itixaad ma khaldamo waa ka qayrihim
way khaldami karaan
marka ay khaldamaan waxa ay uga baahan yihiin
walaalahood in ay toosiyaan oo ay wadada xaqa ah
tusaan.taas weeye mida lagu liibaani karo,,

waxaana muslimiinta meel kasta oo ay joogaan
ugu yeeraynaa in ay quluubtoodu noqoto mid kaliya
oo ay cadowgooda hal meel uga soo wada jeestaan..

HADALKAYGII IN TAAS AYAAN KU SOO KOOBAYAA.
WIXII AAN KU KHALDAMAY WAA MIN NAFSII WA MINA
SHAYDAAN OO ALAAH IYO RASUULKIISU BARI AYEY KA
YIHIIN....

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Monday, November 06, 2000 - 10:22 am
TO;ABU-ASIYO.
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI .
Walaal waan ka xumahay in aad qalad u fahamtay su,aalahayga oo tiri; (WAXAAD I LEEDAHAY WAXAAD TAHAY ZISBI AMA BIDCAAD KU JIRTAA ).
Waxaad ogaataa in ITIXAADKA iyo wixii la mid ah oo XARAKO ku jira ay ugu sokeeyaan dadka kale , una tacasubaan , waa dhici kartaa in la helo dad yar oo ka mid ah XISBIYIINTA in ay u tacasubayn , waana naadir.
Waxaad ka jawaabtay su,aasha 2aad oo tiri:O DALIILKA LAGU DHISAY JAMAACADA AL-ITIXAAD ****** AL-KITAAB WA SUNAH CALAA FAHMI SALAFI SAALIX****) .
tas weeye meesha aan ka indilaaqno.
Walaal waad fiican tahay ee ma ii sheegi kartaa daliilkaas si aan u soo galno ?.
waxaan kaa sugaba waa jawaab saxa ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Tuesday, November 07, 2000 - 04:30 pm
ASALAAMU CALAYKUM...

TO SHIHAABUDIIN

WALAAL SU'AASHAADII MA AANAN FAHMIN.
WAXAAD TIRI ..

walaal waad fiican tahay ma ii sheegi kartaa si
aan usoo galno....

maxaan kuu sheegaa oo aad i weydiisay su'aashaada ma aanan fahmin..

MANHAJKA al-itiaad waa AL-KITAAB WASUNAH
CALAA FAHMI SALAFI HADIHIL UMAH...

TAAS AYAAN KUU SHEEGAY ANIGU IN LAGU DHISAY MANHAJKA AL-ITIXAAD...

su'aasha ii soo waadixi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHABU DIIN AL-ATHARI

Wednesday, November 08, 2000 - 10:18 am
TO; ABU-ASIYO..ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU.
Walaal haddii aan kuu cadeeyo su,aashayda waa;
Markii aad qortay maqaalkaada 4/11/2000 ayaad tiri;
[...(2)- Haddii aan soo koobo daliilka lagu dhisay jamaacada AL-ITIXAAD waa AL-KITAAB WA SUNNAH CALAA FAHMI SALAF SAALIX....] .
Su,aashayda waa haddii lagu dhisay jamaacada AL-ITIXAAD al-kitaab wa sunnah calaa fahmi salaf al-saalix sida aad hadalka u qortay .
Waxaan kaa rabaa daliil ah QU,RAANKA AMA SUNNAHA CALAA FAHMI SALAF SAALIX oo lagu dhisay jamaacada AL-ITIXAAD .
Oo haddii aad ii keento daliilkaas waan soo galaayaa .
Waxa aan u baahanahay waa daliilka iyo sida ay ku fasireen SALAFU SAALIX.
WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Sunday, November 12, 2000 - 10:40 am
TO; ABU ASIYO.
ÇáÓáÇã Úáíßã æÑÍãÉ Çááå æÈÑßÇÊå.
WALAAL ILAA IYO HADA KAMA AADAN SOO JAWAABIN EE AAWAY DALIILKII LAGU DHISAY AL-ITIXAAD EE AHAA QU,RAANKA IYO SUNNAHA CALAA FAHMI SALAF AL-SAALIX ?
WAXAAN KA SUGAA JAWAAB EE WAAN KU DHARARSADAY , AAWAY WAXAAD KU CELCELINAYSAY , HADII AAD KA SOO JAWAABI WAYSO ILAA 16/11/2000 ANIGA AYAA KUU SOO JAWAABAYA HADII ILAAH KA RAALI NOQDO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-asiyo

Sunday, November 12, 2000 - 10:00 pm
asalaamu calaykum..

SU'AASHAADII JAWAABTEEDII OO KOOBAN IGA HOO,,,,,

AL-ITIXAAD sidaan sheegay waa jamaaco salafi ah laguna dhisay manhajka kitaabka iyo sunada calaa fahmi salafi saaalix,,,
waxa ay ku dhaqmaan kitaabka iyo sunada iyaga oo qaadanaya fahamka salafka saalixa shakina kuma jiro taas
xaga caqiidadooda waa caqiidatu ahlu sumah waljamaaca ama daa'ifatul mansuurah ama ahlul xadiith waxa ay ku taagan yihiin dariiqii uu sheegay nabigu s.c.w markii uu ka hadlayey firqooyinka oo uu yiri firqada badbaadaysa waa tan ku taagan dariiqa aan aniga iyo saxaabadayduba aan ku taagan nahay,,dariiqaas ayey ku taagan yihiin al-itixaad,,

daliilkana waxay ka qaataan aniha oo ku celinaya KITAABKA IYO SUNADA FAHAMKA SALAFKA SAALIXA EE MACRUUFKA AH..

FG..

Horay waxaan u sheegay markii aan maqaalkaa ama bogaan furayey in aan ka tirsanahay jamaacada al-itixaad waana cadeeyey su'aal ayaan weydiiyey cidkasta oo aamin san manhajka salafka in ay iiga jawaabaan su'aashaas sida ciwaanka ku cad

waxaan ka afayftay dood qayaxan iyo tacasub sidaan horey ugu sheegay maqaalkaygii ugu horeeyey..

sidas daraadeed itixaad waan ka mid ahay waana garanayaa manhajkooda iyo suluugooda iyo akhlaaqiyaadkooda iyo caqiidada ay aaminsan tahay
mana aha shihaabudiinow mid aad adigu maanta i baraysid
sidaas daraadeed taxliilin itixaad maanta uma baahni ee hadii aad haysid jawaab ku saabsan su'aashii aan soo bandhigay ka dhiibo hadii kale
taas diyaar uma ahi
su'aashayduna ma ahayn xagee itixaad ka qaatay daliilka

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Monday, November 13, 2000 - 02:51 am
abu asiya


walaal maxaa kugu dhacay waxan moodayay inaad masalada tazubka kaqanacday markaan kusoo qoray fatwada sheekh cumar faruuq e ?!!!!!!!!!!!

walaal waxad usoo jawaabtay sidii adoo aad ula dhacsan fatwada sheekha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Tuesday, November 14, 2000 - 04:34 am
TO; ABU ASIYO.
ASLAAMU CALAYKUM .
Walaal su,aashda ma aad fahmin oo kuma aan dhihin maxay haystaan , waxaan ku iri ;
MAXAA LAGU DHISAY AL-ITIXAAD OO DALIIL AH ?
...JAWAAB...
Walaal ITIXAADKA waxaa lagu dhisay CAADIFAD IYO DALIIL aan munasab ku ahayn sida AXAADIISTA BEECADA ka hadlaysa , [ QOFKII DHINTA OO BEECO KU JIRIN WAXAA UU KU DHINTAY JAAHILNIMO ].
1-Markii hore waxay ahayd jamaaco IKHWAANI ah oo la aasaasay 1979 , ka dib markii ay TAKFIIRKII gaar u istaageen , ayaa la aasaasay.
2- Markii xigay waxaa la soo daaye SHEEKH MAXAMAD MACALIM ALAHA U NAXARIISTO 2/1982 oo waxaa dhacay iska horimaad waana ay kala jabeen , iyaga oo sidaa u taagan oo ay jiraan rag ku baaqaya MANHAJKA SALAFKA dad badana ay ku qanceen MANHAJKA SALAFKA JUMLATAN , laakiin aqoon looma lahayn ,waxayna ku baaqi jireen halhayska ah MOWQIF AL-MUSTAFIID ,oo ah qola kasta waan ka faa,iidaysanaynaa ama tandiimka IKHWAANKA KA QAADANAYNAA , CAQIIDADNA WAXAAN KA QAADANAYNAA SALAFKA .
3-Waxaa xigay in ay midoobeen WAXDADII woqooyiga oo la baxeen AL-ITIXAAD AL ISLAAMI 1983.
Waxaa yaab leh sida ay ku noqdeen ITIXAADKA salafiyiin ?
Waa sax in ay kutubta ka soo guuriyeen manhaj waafaqsan SALAFKA ka dibna ay sheegtaan SALFIYIIN oo ay ku dhagraan dadka qaarkiis ,iyo iyada oo somaliya ka jirin salfi saxiix ah oo aqoon u leh MANHAJKA SALAFKA .
Walaal ABU ASIYO asaaskii hore waa khaldanaa waxaa daliil u ah ;
XADIISKA UU KA WERIYE RASUULKA ALLE XUDAYFA IBNU AL-YAMAANI ILAAH HA KA RALI NOQDO OO AH ;


[ DADKA WAXAA AY WAYDIINAYEEN RASUULKA ILAAHAY- (SALALAAHU CALAYHI WASALAM)-KHAYRKA ,ANIGANA WAXAAN WAYDIINAAYE SHARTA XAGEEDA CABSI AAN KA QABO IN AY I HALAYSHO ,WAXAAN KU IRI;
RASUULKII ILAAHAY WAXAAN AHAAN JIRNAY JAAHILIYAD IYO SHAR , WAXAA ILAAH NOOLA YIMID KHAYRKAN ,OO KHAYRKAN SHAR MA KA DAMBAYN DOONTAA ?
WAXAA UU YIRI RASUULKA ;
HAA , MARKAA AYAAN IRI ; SHARTAA KA DIB KHAYR MA IMAAN DOONAA ?WAXAA UU YIRI RASUULKA ;
HAA , OO WAXAA AHAADAY DAQAN (XAQDI) WAXAAN IRI ;MUXUU YAHAY DAQANKIISU? WAXAA UU YIRI RASUULKA ;
WAA QOLQ KU SOCDA HANUUNKAGA MID AAN AHAYN , WAXNA AAD KA GARANAYSID CAMALKOODA QAARNA AAD KU INKIRAYSID , WAXAAN IRI KHAYRKAA KA DIB SHAR MA AHAAN DOONTAA ? WAXAA UU YIRI RASUULKA ;
HAA , DUCAAD TAAGAN AL-BAABADA JAHANAMA , RUUXII AJIIBANA WAXAY KU TUURAAYAN JAHANAMO, WAXAAN IRI RASUULKII ALLE NOO SIFEE , WAXAA UU YIRI RASUULKA ;
WAA QOMMKEENA , KUNA HADLAYA AFKEENA ,WAXAAN IRI ; MAXAAD I AMRAYSAA RASUULKII ALLE HADDII UU I HALEELO ARRINKAAS ? WAXAA UU YIRI RASUULKA ALLE ;
WAXAAD LAZIMTAA JAMAACADA MUSLIMIINTA IYO IMAAMKEEDA , WAXAAN IRI ;HADDII AY LAHAYN MUSLIMIINTA JAMAACA IYO IMAAM ? WAXAA UU YIRI RASUULKA ;
( FACTAZIL TILKA AL-FIRAQ ) KA FAGOW FIRAQDAAS DHAMAANTOODA WALOO AAD KU QABSATO GOOS DAMBEEDKA GEED ASALKIISA ILAA UU KAA HALEELAYO MAYDKA ]. SAXIIXU AL-BUKHAARI NO:O 7084 )
WAXAA UU KU WERIYE BUKHAARI KITAABU AL FITAN , BAABKA 11aad BAABU KAYFA AL AMRU IDAA LAM TAKUN JAMAACAH?
Oo macnaheedu yahay ; arrinta waa sidee haddii aysan jirin jamaacada muslimiinta .
Waa tan hada haysat muslimiinta ,

......TAFSIIRKA XADIISKA ......
Waxaa uu IMAAM IBNU XAJAR soo daliilsaday sharaxii IMAAMU AL-DABARI oo yiri;
[ XADIISKA WAXAA UU CADAYNAAYAA HADDII AY DADKA AYSAN LAHAYN IMAAM , OO AY ISKU KHILAAFAAN AXSAAB INUUSAN RAACIN QOFNA FIRAQDAAS , WAANA KA FOGAANAYAA FIRAQDAAS HADDII UU AWOODO , CABSI LAGA QABO AAWADEED INUU KU DHACO.
( FATXU AL-BAARI 13/37 = JUZKA 13 BOGGA 37 ).
Waxaa uu ku sheegay SHEEKH AL BAANI kitaabkiisa SILSILADA AXAADIISI AL-SAXIIXA NO; ( 2739 )MUJALADA ( 6 ) BOGGA ( 539 ) ;
[ FIRAQ IYO AXSAAB KUMA JIRAAN ISLAAMKA EE WAA JAMAACO KALIYA IYO KHALIIF, WAXAANA UU SOO GUURIYE HADALKII IMAAM AL-DABARI.

Waxaan kaa sugaa ABU ASIYO waa daliilkii lagu dhisay .
Ogow in la waydiiye IMAAM ABU BAKAR IBNU CIYAASH ; [ YAA SUNNI AH ? WAXAA UU KU JAWAABAY ;
WAA QOFA AAN U TACASUBAYN HAWOOYINKAAS =BIDCADA AH ]SHARXU USUULU ICTIQAADI AHLI SUNNAH LI-LAKAA,I.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Saturday, November 18, 2000 - 02:14 pm
To:Shihaabudiin

Akhri maqaalka hoos ku qoran oo aan hore ugu qoray dood meel kale ka socotay.

************************************************

In cadawga Islaamku la dagaalamo Xarakooyinka Islaamka waa mid aan filanayno waayo waa cadaow cad oo aan naga qarsoonayn waxa uu doonayaa,laakiin dadka la dagaalamaya xarakooyinka Islaamku marka ay noqdaan dadkii Islaamka fidinayay qaar ka mida, taas weeye musiibadu. Anigu Waxaanan ka shakisnayan in qaar ka mida walaalaha la dagaalamaya Xarakooyinku ay doonayaan in ay wax hagaajiyaan, laakiin camalkoodu ma aha mid u khidmaynaya dacawada Islaamka iyo soo celinta Khilaafadii muslimiinta sida aan aaminsanahay.Maqaalkan waxa aan isku dayi doonaa in aan wax ka idhaahdo adilada ay ku doodaan qolooyinka cusub ee saaxada dacwada ku fidinaya in aan loo baahnayn Jamaacooyin amaba xarakooyinku ay yihiin BIDCO.


DALIISHA KOWAAD: Waxa ay ku andacoonayaan Xarakooyinku yihiin firqooyinkii uu nabigu uu sii sheegay loona baahanayahay in laga fogaado.
Daliilna (marka aad akhrido qoraaladooda iyo kutubtooda) waxa u ah labada xadiis ee mid uu nabigu ku sheegay in umadan ay u qaybsamayso 73 firqo oo 72 ay naar galayaan qola qudhina ay janada galayaan.Xadiiska kalena waxa weeye xadiiska uu Xudayfa(RC) soo wariyay,sida xadiisku uu sheegayo Xudayfa ayaa waydiiyay Nabiga (CSW)marka ay fidnadu dhacdo sida looga badbaadayo nabigu (CSW) waxa uu ugu jawaabay in uu iltisaamo Jamaacada Muslimiintai yo Imaamkooda. Xudayfa wuxa uu ku yidhi rasuulka sida Xadiisku sheegayo :”Rasuulkii Ilaahayow bal ka waran hadii aanay Jirin Jameecad muslimiina Iyo Imaam Muslim Ahi”.Waxa uu ugu jawaabay rasuulku “Ka Fagow Firqooyinkaa kuligood”.
Daliisha kowaad ee ay keeenaan waa tan.Jawaabna waxa u aha sidan soo socota:


1)Xarakooyinka maanta jira lama odhan karo waa firqooyin sabatuna waxa weeye kama aanay bixin usuul ay ku midaysanyihiin Alhlu-Sunna-Waljamaaca..Qofkii akhriyay kutubtooda ay maraajicda ka dhigtaan Xarakooyinku maanta caalmka ka jira waxa uu arki karaa in ayna xarakooyinkani ka bixin Kuliyaadka ay Ahlu-Sunuhu isku raaceen(marka laga reebo xarakada takfiirka).Kitaabka Al-Ictisaam ee uu leeyahay Imam Shaatibi waxa uu ku sheegay in ay kooxi firqo ku noqonayso laba arimood midkood:
a)In ay ahlu sunaha ku khilaafaan umuur-Kuliya oo diinta ah
b)ama in ay la yimaadaa jusiyaaad farabadan oo ay iagu ikhtiraaceen

waxa kale oo uu sheegay "hadii Koox ka mida
ahlu-sunuhu ay qalad yar ku dhacaan in aan kaasi ka saarayn Ahlusanaha dariiqoodii kana dhigayn firqo.(eeg kitaabka Al-ictisaam majaladiisa 2aad safxada 200-201)

2)Lagama faa’idyasanayo Xadiiska(Xudayfa) in hadii iimaam muslim iyo Jamaacadii Muslimiinta la waayo cid kasta oo dhulka joogtaa ay yihiin firqooyin.Waxa laga faa’idaysanayaan in laga fogaado kuwa uu nabigu ku sheegay xadiiska xudayfa laftigiisa, kuwaas oo ah sida uu nabigu sheegay “Ducaad taagan Albaababada Jahanama oo qofkii raacaba kuu tuuri JAHANAMA”(Ducaatun calaa Abwaabi Jahanama man ajaabahum qadafuuhu Fiihaa).Imaam Nawawi waxa uu yidhi isagoo sharxaya xadiiskan: “culimadu waxa ay yidhaahdeen waxa weeyaan madax dadka ugu yeedhaya bidco iyo dariiq lunsan sida Khawaarijta, Qaraamidah iyo kuwa la midka ah”(Akhri saxiixa muslimka sharaxa nawawi 12/27).Kuwa noocaas ah ee uu sheegay Imaam Nawawi weeye firqooyinka uu nabigu uga digay in uu Xudayfa raaco.Xarakooyinka Muslimiinta ee maanta jirtaa ma’aha qaar dadka ugu yeedhaya Jahanama.Intooda badan waa dad aynu ku naqaano in ay dadka musliminta ah ugu yeedhayaan ilaahay diintiisa.

3)Culimada maanta joogta( marka laga reebo qoladan dhawaan soo baxday ee diidan Xarakooyinka) Cid ku sheegtay xarakooyinka firqooyin ma jirto.Culimada masar kuwa shaam kuwa Indiya iyo Pakistan iyo culimada soomaalida intooda bdan iyo Xitaa culimada Salafiyada kuwooda waawayn sida Sheikh Ibnu Baas(Ilaaahay ha u naxariisto ) ma aysan odhan xarakooyinku waa firqooyin.Hadaad rabtid fatwada Ibnu Baas, akhri Fatwada ay soo saartay Lajnada Culimada Iyo Buxuusta ee wadanka Sucuudiga.Waxa aad akhridaa fatwada numberkeedu yahay 1674.

Sadexdaa arimood ayaan kaga bixi naqdinta daliisha kowaad ee ay kooxahani soo bandhigaan marka ay bidcaynayaan Xarakooyinka Islaamka.Maqaalkayaga Kale ayaan ku eegi doonaa Daliil kale oo ka mida daliilaha ay adeegsanayaan.

Waad Mahadsantihiin

Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIN AL ATHARI

Monday, November 20, 2000 - 08:35 am
TO; SACIID
ASALAAMU CALAYKUM.
WAXAAN KUUGU SOO JAWAABAY MEESHA AAD UGA HADLAYSO XARAKAATKA EE KA FIIRSO JAWAABTAYDA .
WA SALAAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shafici

Sunday, December 03, 2000 - 09:58 pm
To abu-asiyo

Salaamu calayku

Walaal Towbadu waa furantahay ilaa naftu isugu timaado hunguriga ama qoraxdu ka soo baxdo meeshii ay u dhi ci jirtay Allah caza wajalahh na waa ka towbad aqbalaa adoomadii sa hadii towbada shuruudeheeda la kamilo ee waxaan ku dhi hi lahaa wa marka horee al itixaad iyo waxa hada loogu yeeray salafiya midkoodna diin xaq ah ku ma taagna ee in ta aad wali noo shahay oon camalkaagu go'in ka toobad kee Allah na bari in uu ku tusiyo xaqa oo ogow Illah s.w in uu ug yahay waxa quluubtaada ku jira ee mar ka hore sifee qalbigaaga dabadeedna waxaa xaqiiqa ah in aan Illah ku hoo jin doonin . Intaad u shaqaynay sid Alitixaad waxaad o gaataa in aad kashaqaynaysid burburinta diinta islamka .

Xaqa illah hana wada tusiyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.