site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAA MAXAY AL ITIXAAD,ISLAAX, IKHWAAN IWM.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): WAA MAXAY AL ITIXAAD,ISLAAX, IKHWAAN IWM.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

B.gareen

Unrecorded Date
salaama caleykum.
waxaan ku wareeray oo aan fahmi waayey sababta shacabka soomaaliyeed ee islaamka ahi ay isu qayb qaybiyeen ururada aan magacyadooda kor ku xusay iyadoo diintu islaamku ay tahay mid keliya mase laga yaabaa in mustaqbalka ay ururadani noqdaan firqooyin iska horkeena umada islaamka ah ee soomaaliyeed?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIILKA

Unrecorded Date
WARAA B GAREEN,SAAXIIBOOW MAXAA LAFTEEYDA KA RABTAA,WAXA SOO GAABISAY BAH GAREEN YAAH.AR ADIGA.


AQWAAN WAA KUWO KA MID AH,KUWI BARI GUBAY..
NABADEEEY..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!
Walaal waa su'aal aad iyo aad u fiican una baahan in laga jawaabo balse cilmi uma lihi waxay iyagu yihiin laakiin waxaan ogahay hadey midoobi lahaayeen in shacabka Soomaaliyeed wax weyn iska badali lahaa. Sidaad ogtahay wacdigii nabiga (scw) waa mid run ah ummadaana inay 73 firqo yeelanayso ayna noqon doonto sidii uu nabiga u sheegay. Haddaba ma la oran karaa, ururadaas oo dhan waxay soo galaayaan "firqatu naajiyah" ileen waa ayada mid walba ay sheegato inay tahay ayadu tan toosan mise waxaanu niraahnaa shacabka soomaaliyeed fal urur ha raacaan oo ah midka saxda inuu yahay lagu tuhmayo? Runtii waxaan shacabka soomaaliyeed u sheegi lahaa hal wax oo ay kaga bixi karaan wareerka ay ururadaan noo keeneen. Qof walba xaqa iyo diinta ha baro asagaa ehelkiisa dhabta ah garan doona. Waa hadalkii oo dhamestiran ee diinta Islaamka say tahay u baro adiga ayaa ka kaaftoomaya dadka sheekadooda, baran doonana qofka runta diinta u qaatay iyo midka ay xarako ka tahay. WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AhmedQadar

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu?
Marka xigga waxaan u hanbalyeenayaa Ninka soo Jeediyey su'aashaan,kadib haddii aan u soo noqdo Aniga ahaan runtii waaba mid aan la fikirsanaa waayo haddii ay siyaasiyiintii isku sheega ahaa sidaan hadda wadankeenii ku sugan yahay nabadeen,kuwii culumo isku sheegana dhahayaan Al-islaax diin waxba kama oga Al-itaxaad kadaalika Ahlusunna Waljameeca sidoo kale.
Marka haddii aan nahay Maatada lasii dulmarayo lasoo dulmarayana Maxaan iskaga Qaban weynay ilaan kuwii diinta sheeganayena iyagaa midba midka kale farta ku fiiqayaa?
Hana la iga raali ahaado Su'aasha kor ku xusan ilaa aan ra'yi badan kaashado kama jawaabi karo,qofna waxii uu cilmi u lahayn kama jawaabi karo, waa daadsheyna looma baahna waayo wax dadka qancinkaro ayaa loo bahan yahay.
Waan salaamayaa intii saaxibul Caqliga.
BY:Ahmed Qadar Denmark.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIM

Unrecorded Date
B-G

Waxaad kahadashay oo aad meesha keentay su,aal loobaahanyahay........................

firqo nin iskumagacaaba oo sheegta sida alitaxaad, islaax,suufi, takthiir,xerow, dhexdhexaad,iyo wlm.

horta qofkaa diinmalaha maxaa yeelay alle wayne waxuu yiri (inna diina cindallaahil-islaaaam)

lama oran alitaxaad, suufi,xerow,ikhwaan iwl.

MARKA RAGGA CULUMADA ISKUHEEGAYA OO MISAAJIDDA WAX KA,AQRINAYA OO MAGAC FIRQO SHEEGANAYA OO MASKAXADOODII KABAXDAY ISLAAM ILLAA FIRQO MOOYEE HA OGAADEEN INAYSAN UMMADDA NASIIX UAHAYNE EE AY FIDMO UYIHIIN ILAAHOODNA HAKABAQEEN.

BARIBAA ANOO JOOGA BARIGA MARAYKANKA AYAA WAXAA NOO YIMID NIN LAGU TILMAAMAY CAALIM OO RUNTII AAD WAX UYAQAANAY OO ANIGA NAFTIRKAYGU AAN WAX KAQAATAY AYAA WAXAA UU KUSHEEKAYNAYAY MAGAALADAAN KA,IMID WAXAA DAGANAA NIMAN DHIB-BADAN OO LAYIRAAHDO ISLAAX.

BARINA WAXAAN TAGAY KANADA WAXAAN DHAGAYSTAY MUXAADARO WAXAA AQRINAYAY NIN CAALIMA WAXYAABAHUU DADKA UGUYEERAYAY WAXAA KAMIDA,AHAYD FIRQADA ISLAAXA OO WALIBA UU AAD UBUUN BUUNIYAYOO ILLAA MAWDUUCII OO DHAN UU KAGA BAXAY.

LABADAA NIN OO CULUMADA OO MIDIBA XISBIWATO, MIDNA UU LEEYAHAY WAA DAD DHIB-BADAN MIDNA UU AMMAANAYOO. MARKA TAASI WAA FIDMO WIXII JAAHILAH IYO KII AAN WAX KALA SAARIKARINOO DHAN WAA UU KULLUMAYA. MAWQIFKA AAN LABADAANIN KATAAGANAHAY WAXUU YAHAY INAY YIHIIN LABANIN OO WALAALAHAY AH MAADAAMA AY WATAAN KALIMADA LAA-ILAAHA ILL. WIXII CILMI,AH OO WAA FAQSAN DIINTA WAAN KAQAADANAYAA WIXII KALANE WAXAAN LEE YAHAY DIINTII WAY GARANAYAANE ALLAHA KU HANUUNIYO.....

KU: ISLAAMKA

QOF WALIBOW QAADO MAAGACA ALLAHA KUU DOO RAY OO AH ISLAAM WAXABA COLAAD HAKUNOQONNIN FIRQO ILAAHAY UBARI INUU TUSO MAGACA ISLAAM IYO KUDHAQANKIISA ADNA KU XAMDI ALLIHII KUTUSAY. WAXAANA OGAATAA NINKASTOO FIRQO DABA TAAGAN AMA ISKU TILMAAMAM INUU MAAMUL AMA MASUUL KAYAHAY INUU KUWATO DANA GAARA OO UU ASAGU LEEYAHAY MAXAA YEELAY ILAAHAY DARTIIS FIRQO LOOMA NOQDO EE WAXAA ILAAHAY DARTIIS LOO NOQDAA ISLAAM....

WAXAA KALOO AAN DADKA AAD UGADIGAYAA OO WALIBA LOO WADA HAYSTO INAY BANNAANTAHAY WAA WAXA LAYIRAAHDO QARANIMADA QOFKASTA WAXUU KULEEYAHAY SOOMAALIYA,SOOMALIYA , SOOMAALI BAAN AHAY , SIDEE XAL LOOGU HELAA SIDEE DAGAALKA LOOGA JOOJIYAA WAR WAXAAD OGAATA ADOO ISLAAM AH INAAD SHEEGATO SOOMAALII WAA ADOO FIRQO SHEEGTOO KALE AMA QABIIL SOOMAALIYA WAA DHUL ILAAHAY BAANA ISKALE LAAKIIN ADIGU ISLAAM BAAD TAHAYE OGOW WAXAAD ORANKARTAA HALKASAAN KUDHASHAY LAAKIIN WAAN AHAY WAA DIIN DARRO

RAALLI KA,AHAADA WAAN IDINKUBADIYEEEEE.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahir

Unrecorded Date
salaama caleykum.
ururada aad xusteen waxaa ka dameeya oo dhisay sacuudiga,masar,siiriya iyo wadamo kale oo carab ah waxayna adeegsadeen dadkii soomaaliyeed ee diinta ku bartay wadamadaas iyaga ah,hadaba sababta ay u dhiseen uraradaas waxa weeye iyadoo ay wadamadaas ka taliyaan dad diktatoro ah lana dagaalama jiritaanka islaamka ayay waxay u arkaan hadii uu samaysmo xisbi islaam ah oo midaysani uu halis ku yahay jiritaanka xukuumadahooda,sidaas darteed waxay ku dadaaleen kala qaybinta islaamka iyagoo samaynaya ururo muslim ah oo iska soo horjeeda meelaha ay aadka siyaasadoodu uga hirgashayna waxaa ka mid ah masar oo ay ka jiraan ururo badan oo muslim ahi,sacuudiga dhowr ayaa ka jira laakiin waxay hadda isugu biyo shubteen mujaahidiin kuwaasoo wacdaro ka muujiyey chechanya,afganistan, in lagu qiyaasay toban kuna waxay ku jiraan xabsiyada sacuudiga.soomaaliya waxaa la oran karaa waa meesha ay siyaasada diktatooradaasi ay aad uga hirgashay xitaa waxaa arkaysaa in maalaha qaarkood aan masaajidyada lagu wada tukan taasna waxaad ka garan kartaa inaan dadkeenu diinta aqoon fiican u lahayn.diintuna ma aha in quraanka oo keliya la xafido,garna lala baxo,dhargaagaabana la qaato, ee waa in lagu dhaqmaa diinta(almuslimu akhul muslim)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Unrecorded Date
beenaaaaale ogow ilaahay ayaa kula xisaabtamayee ............ilaahay ayaa qiyaame ku weydiin doona .......adigu waxaad is leedahay wax ka sheeg laakiin danbi ka wayn ayaa ku dhacday oo beena TO MAAHIR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IIDI

Unrecorded Date
WAA SAX SU,AASHAAS WAA LOO BAAHAN YAHAY LAAKIIN URURADAAS AAAD SHEEGTEEN MA DHICI KARTO IN LAGU TILMAAMO 73-DII FIRQO EE NABIGU SHEEGAYMAXAA YEELAY URURADA NOOCAAS AH EE DUNIDA ISLAAMKA KA JIRA TIRADOODU WAXAY GAAREEYSAA BOQOLLAAL.LAAKIIN SHAKI KUMA JIRO IN LAGA FIICAN YAHAY IN MAGACYO KALA DUWAN LALA KALA BAXO MAXAA JIRA ALLAH WUXUU YIRI(HUWA SAMMAAKUMUL MUSLIMIINA)al-haj ANYWAY HADA WAXAA JIRA WADAADO DADKA KA DHAADHICINAAYA IN KOOXAKOOXAHAASI AY QALAD YIHIIN OO DHAHAAYA AAN RAACNO JIDKII NABIGA,ASXAABTA IYO SALAFU SAALIX ANIGA KUWAAS AYAA ILA SAXSAN.
WAXAAN RAJAYNAAYAA IN JAWAABTAASSI AY IDIN QANCISO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
war iyo wareerba waxaad kudaysaan xadiiskii nabiga ee ahaa markaysabinu aakhirka yimaadaan firqooyinkaas raaca jidkii khulu'faau raashidiintii sunadaydana gosdan beedka ku qabsada siduu walaal kay <muslim> sheegayba diin ma aha al itaxaad iyo salaf iyo islaax baan ahay
ee allaha nagu sugo tan saxa ah dha maan teena
Aniguba firqo ayaan arkay isku sheegtay
<<suna waljameeca>> taasoo ay leeyihiin waa firqadii saxa ahayd ee uu nabigu sheegay!
maluhu waa qalad in la yiraahdo waxaan u'malaynayaa tii saxa ahayd amay iyada tahayba
marka midaan mala' ku jirin waa siduu na faray rasuulkeena<<n n k ha ahaatee>>
alaha inaga dhigo kuwa khayrka isu dar daarma
alaha inaga dhigo wadii alle raaliga ka ahaa ku wiimara <<aamiin>>
wabilaahi towfiiq
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO ALI

KAHADLAYA/ MAAHIR

WALAAL WAA MAXAY BEENTAAD KUHAYSATO MAAHIR MISE WAXAANAN ARKI-KARINBAAD ARAGTAY TANKALE DAKA LAMA CAAYO EE WAA LASAXAA HADDAY WAXJIRAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalax

Unrecorded Date
salaama caleykum.
shaki kuma jiro in dhibaato aad u weyn ay ururadaasi u keeneen umadda soomaaliyeed sababtoo ah meesha keliya ee maanta umadda laysugu keeni karo waa diinta islaamka,diintiina waxaa qiimaheedii ku dheelaya dad aan waxba fahmeyn ahna ururada walaalahay ay kor ku xuseen.hadaba si looga baxo dhibaatadaas weyn waxaan ku talinayaa in la wacdiyo dadka ururadaas ka tirsan loona sheego in diinta islaamku aanay lahayn ururo iyo wixii la mid ah ee uu islaamku mid yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duceysane

Unrecorded Date
Ku socota Dhammaan:

Urur kasta waa rag isu tegay oo damcay in uu dadka soomaaliyeed wax u qabto. Ee ha murminee wax isku daya in aad u qabataan dadka soomaaliyeed. Maxaadse uga hadliweydeen ururada qabiilkiina ka dhashay ee dad iyo dalba dabargooyey?. Dhammaan dugsiyada hoose/dhexe iyo meel kasta oo wax lagu dhigto waxaa gacanta ku haya oo intii dowladii ugu dambeysay dhacday caruurta soomaaliyeed waxbarayey ururada aad ka hadleysaan. Wey fiicantahay in ay midoobaan oo ku ayidimaayo sida ay yihiin, lakiin uqira in ay kafiicanyihiin ururadeena S-da kawada bilowda ee waxay dumiyaan mooye waxay dhiseen wali la arag
Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Duceysane,
Fiitna waadayaal diinta ku dhuumanaayo ayaa ku jiraa ururaadaas oo idil. Marka iin la iska indho tiro maaha. Islaamka waa mid. Ninkii wax damacsan uun baa firqo sameesta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Salaan Ilaahay Korkiina Ahaato

Waa kala qaynbin ummadda Muslimmiinta ah waa burburin magaca Islaamka waa qurun ka xun kan Qabiilka. Alla idin qabay!

Walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalif

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum. Qodobada ay taabteen dhamaan qorayaasha iga horeeyey waxay ubadan yihiin arimo run ah oo jira, Waxaanse jeclahay inaan ku daro ama aan wax kataabto dhibaatooyinkaas ay keeneen ururadaas sida:Tartan colaadeed oo dhex maray dhexdooda.Salaanta islaamka oo aan la iska qaadin. Sirta oo laga qarsado qofka aan ahayn ururkooda. Soo dhawayn la'aan magaalada ama guri aad marti ku tahay hadii aan lagu hubin ama laguu garto inaad tahay ururkale. Intaas iyo arimo kaleba waa ay dhaceen,mana aha wax waafaqsan Islaanimada iyo walaaltinimada islaamka. Talo ahaan waxaan ubaahanahay in shacabka Soomaaliyeed ay soo bandhigaan arimahaan oo kale kana qaadaan daaha.Waxaa dhacda inay ku sheekaystaan marmarka qaarkood "Yaan Caamada la maqashiin khilaafkan oo halaga qariyo" arintaas waxay sax noqon lahayd marka xal iyo wada hadalo jiro. Maah maah soomaaliyeed ayaa waxay ahayd: Wax laqariyo qurunba kujira. Waxaan ubaahanahay wadajir iyo walaaltinimo ISlaanimo. Wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmad

Unrecorded Date
ma wada akhrin waxa meesha ku qoran hase yeeshee hadaan warka soo gaabiyo itixaad ikhwaan iyo islaax dhamaan waa dad muslimiin ah oo walaalo ah wax colaada oo ka dhaxaysana ma jirto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAARAX

Unrecorded Date
waxaan doonayaa inaan idin dareensiiyo fikrad yahuudeed ku faafaysa umadaha islaamka ............waxaa jirta daraaso ay sameeyeen nimanka yahuuda ah waxaanay yidhaahdeen INTA UU JIRO URURO ISLAAMA oo ku baaqaya diinta islaamka kama guulaysan karno saxwadan , markaa waa inaan baabi,inaa ururadaa isku xidhaya shabaabka islaamka ee midaynaya maamulkana u samaynaya .
dabadeed waxay bilaabeen inay dagaal ku qaadaan ururadii islaamka ahaa ee u dadaalayay diinta waxanay u adeegsadeen dawlada badan oo islaama iyo ku badan oo lacag ka qaata dawladahaa oo ku gabanaya diinta iyo dacwada .......markaa waxaan idin leeyahay qaar badan oo idinka mida waxay xaanbarsan yihiin afkaartii yahuuda iyagoon is ogayn.....................ururadaasi waa ururo islaam in badana u dadaalay diinta islaamka hadana u dadaala .......mid kasta oo lacag ku qaata inuu hor istaagana ma guulaysan doono .............
mana aha inaan iska galno dagaal aynaan garanayn cida ina galisay ..........fikradani waa fikrad ka bilaabantay wadamada carabta markii hore ,laakiin hada ka soo zuushay dada badan oo ku baaqi jirayna way ka tanaasuleen ........yaan la idinku dirin dadka islaamka ah ......itixaad iyo islaaxba waa dad islaama wixii ay ku saxan yihiin waan ku taageeraynaa wixii ka khaldana ku taageeri mayno waanuna uga nasteexaynaynaa anagoon dagaal indhala ku qaadin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL-SALAFI

Unrecorded Date
DIGNIIN. asalaamu calaykum walalayaal runtii maan qarin waxa meesha kuwada qoran laakiin qay ayaan aqriyay walaalayaal runtii Al-itaxaad iyo islaax oo akhwaanulmuslimiin ah waa laba jamaaco oo islaam ah in badan usuusha diiniga ah waa isaga waa faqsanyihiin waxayna ku kala leexdeen wadadaan ayaa ka dhaw islaamka iyo mayee tan aan umarno taasi waataa
Laakiin qof ku sheega waa Firqooyinkii nebigu Ka digay waxaan u DIGAYAA QOFKAAS MAXAA YEELAY NEBIGU WUXUU SHEEGAY INAY DHINACA CAQIIDADA ISKU KHILAAFSANYIHIIN FIRQOOYINKA FAARAX SIDUU SHEEGAYNA WAA RUN .WAXAAN KALOO AAMISANAHAY INAYSAN WDA SAXNAYN WAXAN KALOO AAMINSANAHAY INAY KHALAD LEEYIHIIN LAAKIIN WANAAGEEY UMADA U QABTEEN UU KABADAN YAHAY KHALADKOODU WASALAAMU CALYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Jisaaka Laah khayr Faarax ,walaal runtii arintu siday ahayd ayaad u sheegtay ,waayo ma jiro wax khilaaf ah oo la taaban karo oo u dhaxeeya walaalaha Itixaad iyo Islaax waxa la buunbuuninayana waa Sahyuuniyada fikradaheeda,iyaga iyo qaar badan oo walaalaha ka mid ah oo aan magac gaar ah lahaynba waxay had iyo goor ka shaqeeyaan sidii ummada soomaaliyeed xal Islaami ah loogu keeni lahaa,hadaan la inkirayna wax badan ayay qabteen oo ay ugu horayso wax barida iyo fidinta diinta islaamka,waa jirtaa inuu khalad ka dhacayo,waayo Ilaahay ayaan khaldamin,qofku markastana khaladkiisu wuxuu le'egyahay waxa uu qabto.
Hadaba walaalayaal aynu dhamaanteen aragno cadawgeena runta ah oo yaynaan kuu meeraysan meel soke .
Walaalkiin Abdalla(Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAYAAD

Unrecorded Date

Asalaamu Aleykum Waraxmatulaah...SOOMAALIEYE..

Farqiga u dhaxeeya ALITIXAAD iyo ALIKHWAAN

ALITIXAAD:..Waa GARDHEERE..Diinta adeyg ka dhigay sida kuwa Diinta sheegta inay ku dhaqamaan ee SAUDIA ARABIA...ALITIXAADna wax ba kama duwana kuwaas ALIIXAAD waa dad aaminsan inay wax walba xoog lagu maquuniyo YACNI..JIHAAD..fiiri waxyaabaha ay ka dhigeen BOOSAASO Diin miyaa in la dilo Dad ku abtirsada diinta..
ALitixaad waxey kaloo..yihiin kuwii GABDHAHEENA SOOMAALIYEED ee ku noolaaa Xeryaha QAXOOTIGA ee Kenya JUMLO JUMLO U AROOSAY ayagoo ku SHUKAANSADAY ..Diin baan ku barayaa ....kadib na raggaas markey yimaadaan dibadaha gaar ahaan NORTH AMERICA ..Gabdhihii..Telephone ayaa lagu furay waayo wax uu u haayo ma leh..asaaba tiisa haysataa. Gabdhiina ay dhib ku korinayaan xeryaha dhexdooda ILMIHII looga tagay..ALLA ILAAH HALAGA BAQO SOOMAALIYEED WAXAAS DIIN MIYAA???...
ALITIXAADOOW.....Soomaali dhibkaad u gaysateen Ma yara...WANAAGA AAD SAMEYSEENA...QABIIL buu ku kooban yahay...

ALIKHAWAAN...waa wixii ka soo hara..ALITIXAAD....runtii waa dad fahamsan macnaha Diinta isla markaana malaga yaabo in ay DHIB KU ABUURAAN..UMADDA...waana wadaado u diyaar ah inay dadka diinta baraan...Ayaga ma ku jiraan sheekadda JIHAAD iyo wax u dhigma...Alweys waa PEACE and TEACHING ...ayey ku mashquulsan yihiin.. Umadda Soomaali ayaa KALA XAQ SOORI KARTA...Wadaada Masalaxadda ugu jirto..

SIdaasa ayaan u arkaa Farqiga udhaxeeya...Labadaa FIRQADOOD..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Degel

Unrecorded Date
salaama caleykum.
walaalayaal ilaahay halaga baqo,cadowtinimada dhextaal ururada islaamiga ah ee soomaalida qof walbaa waa ogsoon yahay meesha ay gaarsiisan tahay waxaad la socotaan inaan masaajidyada lagu wada tukan,salaanta layska qaadin,midba kan kale kugu xamanayo,mararka qaarkood in gacan laysula tago weliba dhiig layskaga keeno masaajidyada dhexdooda qisooyinkaa badankooda shaahid baan usoo noqday.walaalayaal diinta islaamku ma aha mid firqo ee waa mid midnimo,dadka sida khaldan u isticmaalayowna umadda wado xun ha u horseedin.walaalayaal nebigu(scw)wuxuu yiri qofkii diinta wax cusub kusoo kordhiya waa bidco.walaalayaal diin shaki ku jiro ma aha diintu islaamku waa diin cad wax walbana sifaynaysa ninkii aan ku qanacsanaynow waxaan ku leeyahay umadda fidmada kala dhexbax(dhegihii ilaahay waanshaa waansan). dadka leh ururada kor kuxusan ayaa caruur wax bara maka fekerteen mustaqbalka caruurtaasi sida uu noqon doono marka ilmaha yar lagu barbaariyo nacayb walaalkiis muslim ah?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-salafi

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM .walalayaal runtii waan kaxumahay in jamacooyinkii islaamka ahaa habkii aad qabyaalada uga hadli jirteen looga hadlo.

walalyaal anigu waxaan kaimi wadankii mudo laga joogo asbuuc waxaan soomaray waqooyi galbeed oo dhan iyo waqooyi bari. walaalayaal dibada ayaad joogtaan xaqaaiqa wadankii kataagana war uma haysaan hadaba wadaadau waa dadka kaliya ee qumay waxbarida jiilka soo koraya iyagoo ufuiray madaaris nidaami ah halka kuwa dawladaha sheeganaya aanay waxba dhinacaa ka qaban . xataa waxay usoo dhameeyeen kuwo shahaadooyinkooda ay bixzinayso hay ado caalami ah sida al-banku al-islaami, al-muntadaal-isklaamiiyo weliba jaamcada oxver ee ingiriiska. caruurtu dawlad la,aan ayaa qabsatay waxaana waxbara waa ururrada aad sheegaysaan dadku waxay aaminaan waa dadkaa waana arin xaqiiq ah. hadaba maxaa loogu gabanayaa dagaal maalin Al-itaxaad qaaday qirteena inay ku qaldanaayeen.waxaa maanta wadankii ciroole iyo caruurba ka markhaanti kaceen wanaaga xarakooyinku u qabteen hadaan nidaam jirina waxba may qabteen . kuwa maanta diidayana waa kuwii ay soo rabeeyeen iygoon is ogayn ayayna u shaqaynayaan maasuuniyaTUL CAALAMI EE YUHUUDA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAALKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM
WAA MAWDUUC LA YAAB LEH, BALSE (QOFNA QOWLKIISUU HADLAA QORINA QIIQIISUU BAXAA) HA LA YAABIN HADAAD ARAGTO FIGRADAHA IYO FAHANKA KALA DUWAN, SU'AASHU WAXAY TAHAY INTIINA BADAN BAL WAXAAD QORTEEN DIB UGU NOQDA,
WAXAA JIRA (IKHTILAAF IYO IFTIRAAQ) CULUMADU WAXAY YIRAAHDEEN IKHTILAAFKU WAA BANAAN YAHAY DADKII SALAFKA AHAA EE WANAAGSANAANA MASAA'IL BADAN BAY ISKU KHILAAFEEN IYAGOO WALAALO AH.
BALSE IN LA FIRQOOBO OO IFTIRAAQ YIMAADO WA XAARAAN,WAANA KUWII NABIGA SCW UU KA DIGAY. MARKAA IS WAYDIINTU WAXAY TAHAY KOOXAHAANI MA IFTIRAAQ BAA MISE WAA IKHTILAAF??????
INTA AANAN KA JAWAABIN SU'AASH IN MAGAC KOOX LA BAXDO DIINTA MA KU BANAANTAHAY??
MISE MAGACOODA AANBA BANAANAYN??? WAXAA JIRAY WAQTIGII NABIGA SCW LABO JAMEECO OO DIINTA MARTAB WEYN SOO GAARSIIYAY, QURAANKA KALAAMKII RABU CAALAMIIYN AHANA LAGU XUSAY WAA( AL-MUHAAJIRIIN WAL ANSAAR) LABADAA MAGACNA WAY ISU KALA YAQAANEEN BAL XAALADAHA DAGAALKA IYO SI KASTA WAX KU QAYBSAN JIREEN.
MARKAA HADAYDNAAN DIINTA&EHELKEEDA WAX KA AQOON AFKIINA HA KU DAMBAABINA, OO YAAN KALMAD YAR OO CAYCAYAAR U TIRAAHDEEN NAARTA SANADO BADAN LA IDIINKU SII SHALWIN.
QOFKA MAWDUUCAAN SOO QORAY WAXUU U MUUQDA QOF XOOGA SI U WAREERSAN OO CILMI DOONA,WAXAANA CADAYNAYA MAGACYADA UU MEESHA KU SOO QORAY QAARKOOD WAA ISKU MID KALIYA,
BALSE KUWO BADAN OO DHEXDA UGA SOO DHACAY,AQOONA UMA LAHA FUDAYDNA WAA KA MUUQDA,WAXAADNA MOODA WAX HA LA II FAA'IIDEEYO INAY CEEB LA TAHAY, HADABA WALAALAYAAL HADAAD DOONAYSAAN INAAD KALA OGAATAAN,HADA HADALKAN KU DHEERAADAYE DIB BAAN IDIINKA SOO QORI DOONA INSHA ALAAH.
WASALAAMA CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deceysane

Unrecorded Date
WAR NINKAAN UGU DAMBEEYEY EE FARTA WAAWEYN WAX KUQORAY BAAN LADHACAY.DAMIIN FARWAAWEYN BAA WAX LOOGU DHIGAAYE. WALAAL SI FIICAN USOO QOR WIXII AAD TIRI DIB BAAN IDIINKA SOO QORI DOONAA.

XAQ iyo BAADIL isuma eka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abris

Unrecorded Date
salaama caleykum.
walaalayaal sida aan mowduucan u fahmey ujeedadiisu waa midnimo iyo inlayska dhaafo ku kala qaybsanaanta diinta islaamka iyadoo lala baxayo magacyo kala duwan,iyadoo qofkii wax garad ahi uu dareemayo cawaaqibxumada ka imaan karta mustaqbalka ururada noocaas ah,ururadu hadii ay caruur wax baraan waa waajib saaran mana aha inay ku faanaan,waxaan kula talinayaa ururadaas inay ka tanaasulaan wixii khilaaf ah ee ka dhexeeya waayo umadu maanta meesha keliya ee laysugu keeni karo waa islaamiisam,waxa keliya oo hortaaganina waa ururadaas oo ay ka maqan tahay habka macaamilka bulshada,karti xumo iyo hogaamiye xumo,iyo iyadoo ay ururadaasi aysan waxba ka duwanayn kuwa qabaa,iliga ah ee wadankii ka jira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAACAD

Unrecorded Date
TO:XAYAAT
HORTA DIINTA ISLAAMKA WAA SIDII AKHYAARTU AY U SHARXEEN LAAKIIN MIDKAAN LA BAXAY (XAYAAT) WUXUU KU HADLAY WAA WAX AAN DAliil HAYSAN KUWAN AKHWAAN LA BAXAY OO AAD KU SHEEGTAY INAY DIIN FAHAMSAN YIHIIN WAA KUWO UU ABUURAY ISTICMAARKU OO LOOGU TALA GALAY INAY DADKA U JABIYAAN GAALADA WAXYAABAHA DIINTA AAN RAADKA KU LAHAYN EE LA YIMAADEEN WAXAA KA MID AH:
1.INAY GABDHAHA KA DHIGEEN XUJAABKII SIDII UU KU MUXAADAREEYAY SHEEKHOODA UGU WAYN EE..!!!!
2.WAXAY DHAHEEN HEESAHA IYO MUUSIGU WAA BANAAN YIHIIN !!!!
3.WAX KASTA OO REER GALBEEDKU LA YIMAADO WAXAY ISKU DAYAAN INAY ISLAAMKA WAAFAJIYAAN!!!
4.WAXKASTA OO ISLAAMKU XAARAANTIMEEYAY WAXAY DHAHEEN SI WAAQICA LOOLA SOCDA WAA IN LA BANNEEYO SIDA HILIBKA DOOFAARKA IIBINTIISA IYO KHAMRADA!!!
5.WAXAY DHAHEEN RAGGA IYO DUMARKU WAA ISLA MATALI KARAAN RIWAAYADAHA!!!
6.MAR KASTA OOLAGA DHAADHICIYO DADKA SIDII AY DIINTA UGU DHAQMI LAHAAYEEN WAXAY DHAHAAN HANAGU ADKEEYNINA DIINTU WAA FUDEEYDE MA RABNO MACANGAGNIMO IYO AFKAARAT ITIXAADKEE
BAL WALAALAYAAL MALA DHIHI KARAA DADKA DIINTII SIDAAS U BADALAY WAA DAD FAHAMSAN MACNAHA DIINTA!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: XAYAAT
WALAAL SALAAN KADIB
walaal horta waxaan filayaa hadal inuusan kuu yarayn mawada'aqrin dhamaan laakiin (to: xayaat)da meesha ku qoran ma'yara
walaal islaamka sharaftiisu waa(JIHAAD)
cisiga islaamkana waa seeftooda hooskeeda siduu sheegay suubane nabigeena(n n k)ha ahaatee
dhamaan dadkaad kala tafilaysana waa muslimiin waxayna ku wada abtirsadaa islaam


TO: DHAMAAN WALAALAHA ISLAAMKA AH EE WAX KU QORA BOGAN,

walaalayaal qofwalba runtii waxaan waa'aduun
waqtiga la'haystana waa wax iska yar
marka xadiisyadan farabadan ama sheekooyin kan fara badan eed keenaysaan waxaan idan kula talin lahaa inaad iska daysaan hadiidna daynayn aad yaraysaan waayo qofwalba oo islaam neceb ba waxuu ku mar marsiyoonayaa all itaxaad iyo alikhwaan marka hadii ay idan fareen in munkarka aad iska daysaan
jaadka aad iska daysaan
sigaarka
heesaha
salaada waa'inaad tukataa
iyo waxayaaba badan oon halkaan ku soo koobi karin, ikhwaan iyo islaax idan ma'farine alaa idan faray mana aha wax lagu nabcaysto, waayo qofka islaamka haduu ku yiraahdo ninyahoow wadadaan ha marin ama waxaan waa danbiye ha'samayn waa inaad ugu abaal gudaa jazaakalaah ma aha inaad tiraahdaa gardheerihii saasuu yiri inbeeshe allaa yiri isagu ma'dhihine
raalina ahaada hadaan idan ku dheeraaday ama
aan meel idan kaga dhacay
salaamu calaykum
walaashiin deeqa dagan(sweden)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAN

Unrecorded Date
TO:DHAMAAN WALAALAHA SOOMAALIYEED EE XAQ DOONKA AH
WALAALAYAAL DIINTA ISLAAMKA EE SAXDA AH WAA TII NABIGA WAAGIISII IYO ASXAABTA LAGU DHAQMI JIRAY DIINTUNA WAXAY SHEEGTAY IN WAXYAABA CUSUB OO AAN WAAGAAS DIIN AHYN DIINTA LAGU SOO DARI DOONO WAXYAABAHAASNA WAA IN LAGU FOGAADO HADA AKHWAANKA DADKAAN LA BAXAY WAXAY DIINTOO DHAN KA AMBA QAADAAN WWAA IN CASRIGA LALA SOCDO WAXAY DHAHEEN:
1. MUUSIGU WAA BANAAN YAHAY AYAGOO ISKA INDHA TIRAYA AXAADIITHTA SAXIIXA AH EE LAGU XAARAANTIMEEYAY.
2.WAXAY YIRAAHDEEN XIJAABKU WAA CAADO CARBEED.
3.WAXAY DHAHEEN JIHAADKU WAA IS DIFAAC KALIYA MANA BANNAANA IN GAALO MEEL DAGGAN OO AWOOD LEH LAGU DUULO XATAA HADII AY ISLAAMKA DIIDAAN AYAGOO IXTIRAAMAYA QAWAANIINTA QARAMADA MIDOOBAY.
4.WAXAY DACAAYAD MEEL WALBA ULA JOOGSADEEN CALAAMADAIHII LAGU GARANAAYAY GABADHA IYO WIILKA MUSLIMKA AH SIDA GARKA, SURWAALKA OO LA GAABIYO ,CADAY LA QAATO,XIJAABKA ECT.
MARKA WAXAA ANIGA TALO IGA AH AYADOON MAGAC LA FIIRINEYN IN DIIN LAGA DHIGTO WIXII WAAGA NABIGA DIIN AHAA GAALADANA LA NECBAADO OO AAN LAGU DAYAN.
BY:ISMAHAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAALKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM
To: Daacad. Deeqa & Ismahaan.
Walaalayaal ilaahay ajar ha idinka siiyo waanadiina quruxda badan,waxaad tahiin saan u arko dad wadaado ah oo ilaahay karaamo siiyay sharafna ku leh diintooda, waxaan alah idiinka baryayaa inuu diinta idinku nooleeyo idinkuna dilo.
intaa ka dib waxaan anigu qoray mowduuca idinka koreeya, waxaana damacsanaa inaan sii wado oo dadka ka jaahil bixiyo balse waan iska daayay. anigoo ka baqay dad badan oo halkan aqrista diinta iyo ehelkeedana aan aqoon u lahayn inay ku fidnooban.
walaalayaal waxaan idinkula dardaarmaya markaad cid la doodaysaan inaad tan wanaagsan kula doodaan haday jaahiliin yahiina aad iskaga aamustan oo ka tagtaan.
walaalkay ducaysanow waxaan soo qori lahaa waan joojiyay ee iga raali ahow 100% my dear brother.
waa walaakiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAYAAD

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum Walaalayaal...

TO DEEQA and others...

Deeqa adiga waxaad ka hadleysaa wax qof ISlaam oo Soomaaliyeed xilligaan waajib ku aheyn(JIHAAD)..waxaad wadaa SHAQADII..ALITIXAAD..

Aniga ALITIXAAD uma arko qolo Raad ku leh WANAAGSA ISLAAMKA...ALITIXAAD waa kuwii dilay ehelkeyga ayagoo ku gabanaya ISlaam iyo jIHAAD..

Waxaan idin weydiiyey MA JIHAAD BAA in lala dagaalamo Ummad Muslimiin ah oo Soomaaliyeed mase REER BOOSAAO waa gaalo in lala jihaado xaq tahay..
Come'on guys..alla ka baqa..Aniga dadkeyga ayaa ku dhamaaday dagaaladda ay Ilitixaad ku qaadeen BOOSAASO ..weyna adag tahay sidaan ku hilmaamo aanadaas..Ee alla ayaa ah kii XAQA IYO BAADHILKA kala hagga..Alitixaadna Alla ayaa ku deynay ...

WALAALAYAAL suaal aan idiin weydiiyee SIDEE U ARGATAAN DAGAALKA AY ALITIXAAD UGU YEERTAY JIHAAD OO AY KU QAADEEN BOOSAASO MAATI AAN WAXBA GALABSANINA AYKU DHAMAADEEN...
Wasalaamu Aleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar aden

Unrecorded Date
Bismilah
Suaashaadu aad bay muhiim utahay aniguna aqoontayda oo gaban darteed sidaan baan uga jawaabayaaa sidaad ogtahay ilaahya meelo badan ooquraanka kamida wuxuu kuamaanay waxdada iyo in muslimiintu iskhilaafin hadaba waxaa keenay in group yo lookalabaxo waxaa lagatagay sunadii nabiga (saw) waxaana laraacay dariiqyada gaalada oo alle nooga digay ilaahay wuxuu yiri (walaa takuunu kaladina tafaraquu) ha lamaid noqonina kuwa gaalada ah ee kalatagay ee ishaysta idinkoo dhaman xarga aale haysta
hada jaamacooyinkaan aan kalaqaadno Islaax waa akhwaan uu sameeyay nin suufiya oo layiraahdo Hassan albanaa. wax waqtigii rasuulka jirayna maaha taas daaqada ayuu kabaxy, oo aqwaan iyo islaax xaqiiqdii waa iskumid just magaca kaduwan kuwa masar jooga ayay isticmaalayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
To Hayat and other muslims
Asalamu alaykum
Waxaa xaqiiqa in muslimiintu dagal isga horyimaadan waa wax aan waafaqsanayn diinta islaamka ah ee saafigaa magac aale magacydoonaan hawateen ama Itihaad mama Islaah ama USC haday dhiigdadiyaan ururadaas waa wax ayubanaysay hawadooda ilaahay barii ayuu kayahay muhamadna (Scw) barii bukayahay
laakinn wallalay waxaad oogataa in ayqirteen qaladkaas culimada uguwaawayn itihaadka oo kamud yahay C/qaadir Nuur faarah (hafida hulaah) waxaa dagaalka watayna niman xammasaysan oo ducaad ah ayay ahaayeen lalma ogayn dagaalka,
hadaba waxaan adiga walaalaha kalaba leeyahay diintaada saafigaa yaan lagaa fogayn aqoon uyeelo diintaada si aan siyar laguu dagin laxiriir culimada lagu ogyahay cilmiga iyo kheyrka sida Ibni Cuthaymiin salax salax alfawasaan Muqbil ibnihaadi al-waadici iyo culimada lamidkaa
wabilaahi tawfiiq
wasalamu alykum
ilaahay aniga idinkaba hakudhwro diinta islamka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
To Hayaat Asalamu alakum sister
Waxbaa kajira waxyaabaha aad itihadka kasheegtay arntii xeryaha qaxootiga gabdhaha muslimiinta ah ee lagu cayaarayo lafurayo tdobaad gudihiis fadexadaas waa wax dhacday oo jirta ilaahay wuu laxisabtamayaa dadkii waxaas kudhaqaaqay laakin waxad oo gaata Itihaadka waxaa kamida rag illahy kacabsada oo habeenkii oodhan salaad iyo qu'aan ay akhrinayaan kusejeeda daka diinta baraya ayagoo gaajaysan hadaba nin itihad ah qalad uu sameeyay ha uqaban ilaahay dartii wa uwada tas waa qaladka guurka itihaadka waxa kamida hawenkooda sidii ilaahay ugutalagay u dhaqda hadaba wiilyar wuxuu nayroobi kusameeya ha uqaban hada tusaale ahhanSoomaliya dana waligood dil iyo burburin wadanka kamaqayb qaadan mooryaantuna wax walba mawaxxd leedahay Soomaali oo dhan waa Mooryaan laa waxaas haq maaha waxaad Kaloo aad daafacday ISLAAHA taasi waxay iicadaynaysaa inaadan cadaalad aadan lahayn adigiibaa HISBI AH hisbi kale bad wax kasheegaysaa (kulu hisbin bimaa ladayhim farixuun)Islaah waan naqaan markii Itihaadka llo fiirayo laysma dhaafsadeen waxbadana Itihaadka ayaa xaqa udhow iyi dariiqii SALAFKA iyo saxaabada iyo taabiciinta islaxu waa suufiyiin xukun kaliya raadinaya anyway neccesary hadaba ilahay u toobadkeen walaalay kasoobax hisbigaga baadilka kusocda yuusan jahanama kugayne ilaahay diintisa u soonoqo ayaday badbadau ku jirtaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAYAAT

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum Walaalayaal...

Marka hore waa ku mahadsantihiin Commentska aad soo qorteen laakiin Aniga qalad ha iga fahmina ..aniga XISBINA ma la jiro laakiin waxaan la jiraa amaba aan raacsanahay Cid Alle cidii Wanaag u wada Umaddeena Soomaaliya waxaan ka soo horjeeda cidii u horseedeysa Dagaal iyo RAFAAD...
Marka ALISLAAX ilaa iyo hadda waxey qabteen waa wax wanaag ah oo la taaban karo waa Dhalinyardii waqtigooda u hurtay in ay ilmaha Soomaaliyeed wax baraan ..meesha ALITIXAAD ay Dagaal iyo Jihaad oo raad ku laheyn ISLAAMKA ku mashquulsan yihiin..Marka XAQA IYO BAADHILKA isku mid ma aha..
Anigna sidaa ayaan u arkaa..DHABCAN...Yacni mana jecli inaan Teeda idin marsiiyo ama tiina qaato ee aan meel arinka isugu shubno..oo qirta labadaas qolo Taariiqda ay ku reebeyn SHACABKA SOOMAALIYEED.

ILAA iyo hadda qof runta taabtay waxaa ka jira ADAM oo isaga atleast runta ka sheegay Arintii fadeexadda aheyd ee ALITIXAAD ka sameeyey XERYAHA QAXOOTIGA ..waloow uu ADAM yiri waa dhalinyaro yar oo magaca ALITIXAAD wadatay ..taasna waa macquul..iyo Arintii uu QIRTAY SHIIQA ALITIXAAD..ABDULQAADIR NUUR FARAX..

Marka walaalayaal IDINKA YEYSAN CAADHIFO IDIN QAADIN EE RUNTA HALA TAABTO...
JAZAAKA LAAHUMA QEYRAN

Mahadsanidiin..

Wasalaamu Aleykum Waraxmatulaah..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Bismilaahi raxmani raxiim.
Asalaamu calaykum walaal xayaad waxaan u arkaa inaadan xaqdoon ahayn cadaaladna hadalkaaga ka muuqan.Intaa kadib, walaal markii wax dhianac lagaaga cadeeyay ayaad isrogtay oo waxaad ku noqotay wadadaadi hore ,Nebigu wuxuu yiri qofkasta oo ibnu aadam ah waa gafayaa waxaana ugu khayar badan kooda soo noqda,laakiin gefyar oo rag yari galeen intaad aragtay inaad ilawdo dulmiga soomaali lagu sameeyay waa wax laga naxo mideeeda kale horta ma,ogtahay manhajka asxaabadii gefka lagaa galaa inuu yahay mid aad u daran oo qatliga kadaran, miyaadan ogayn in nebiga safiihnimo lagu tilmamay dadka aad sheegayso qaarkood oo layiri axaadiistana ma beeninkarno caqlina maaha nebiga ayaa 9jir guursaday waxaa maqlay inay ahayd 17jir marka saasaan udaysanaynaa muxuu yahay denbiga ka wayni, miyaadan maqal in labaneeyay xoriyatul adyaan oo layiri qofku diintuu doono ayuu qaadan karaa waar ninyahaw xaqa ha garab marin xaqiiqda udeg iska dhaaf xayaysiiska wasalaamu cxalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAAFI

Unrecorded Date
tto:qofkaan la baxay xayaat
horta akhyaarta qaarkood baa ku mooday qof xaq doonaya markaasay kuu cadeeyeen sida xaqu yahay waxay kuu sheegeen in:
1.itixaadku ay qalad galeen oo ay qirteenin dagaalkii dhacay inuusan dhicin halkii loo baahnaa inkastoo waxyaabo badan oo dhicidiisa keenay ay jiraan.
2.islaax inay waxay qabtaan daaye dadkii salafiyadu soo tarbiyeysay ka dhigeen XIJAABKII!!u baneeyeen MUUSIGGII!!khilaafeen umadii oodhan oo yiraahdeen DIYADA HAWEENTU waxay la mid tahay tan ragga!!
marka XAYAADEEY waxaa cadaatay inaadan xaq doon ahayn ee aad u bareertay inaad aflagaadeyso culimada SALAAFIYADA ee u horseeday dadbadan inay diinta u fahmaan sidii ay u fahmeen SAKAFU SAALIX
NAQDIN:midan aad tiri waxay tarbiyeyaan caruurta soomaaliyeed!!waa arin aad loola yaabo caruurtii waxay ku mashquuliyeen wax lagu magacaabo NASHIIDOOYIN lagu amaanaayo IKHWAAN iyo dadaan rabin in diinta loo fahmo sidii SALAFKII
TO:DHAMAAN DADKA ISKU DAYAY INAY XAQA U CADEEYAAN xayaat
waxaa hada idiin cadaatay in XAYAAT meeli u cadahay si walba oo xaqa loogu cadeeyana aysan qaadaneeyn marka waxay ila tahay inaan waqtiga layskaga dhumin ee loo soo DUCEEYO (ilaahow xaqa tus oo jecleeysii SALAFKII iyo dadka wadadii salafka haya
AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dada

Unrecorded Date
salaama caleykum.
walaalayaal mowduucu ma aha mid layskaga horkeenayo ururada kor ku xusan ee waa mid la rabo in umada islaamka ah ee soomaaliyeed laysugu keeno waana sida aan anigu u fahmey marka adinkoon isxagxagan xal ma inoo tahay inaan isu qaybino ururo iska soo horjeeda,taasi waa maya,marka aan isfahano oo ha layska daayo isneceybka iyo khilaafka,aana noqono dad ku walaalooba diinta islaamka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
asalamu Alaykum
To all my follow muslims.
Busmilaah
waxaa jirta athar ka sugnaday nabi ciise (c.s)oo oranaya nabi ciise wuxuu kuyiri xawaariyiintiisa waan idinkatagayaa yacni ilaahay baa kor iiqaadaya hadaan idinkatago waxaa la iidiin soodirayaa rasuul(messaya) markasay waxay waydiiyeen maxaanu kugaran doonaa yacni ku aqoon sanaynayna wuxuu kuyiri (waxaad arkidoontaan thimaarta dacwadiisa) mirha dacwadiisa hadaba hadaan rabno inaan u cadaladsabayno Itihad iyo Islaah mirahooda aan fiirino baarkalahu fiikum ISLAAH maxay tahay miisanka ay kuleeyihiin dacwada baraysan ee dacwada salafiyada ee soomaliya? iskadaa inay wax baraan dadka soomaliyeed caqabo ayay kunoqdeen dacwadii iskaa waxkale nabi Mohamed (scw) ayay islaahu aflagaadeeyen xagee anagu joognaa waliba meelxun ayay kamareen nabiga dhinac an soomaalidu iyo daka diinta aysan iska marin waa in lagaa maro dhinaca xaaskaaga wuxuu yiri DUSUUQI OOKAMIDA ISLAAHA CULIMO KUSHEEGOODA i'm qouting aniga dooqayga imasiiyeen in aan guursado sagal jir YACNI NABI MUHAMAD (SCW)WAA DOOQ LIITAY INUU CAASHO GUURSADO laa illaha ilalaahu waxaas baa iskusheegaya du'caad ayu ducaad haa ulaai? wallahi caamada soomalida ee aan diinta aqoon baa caqiida dhaanta dusuuqi maxaa yeelay nabiga guurkiisa iyo haweenkiisa wax kama sheegaan bal wa ixtaamaan marka islaaxow diintee haysataan diin alle diintaad haysataan noo sheega.

continue insh aalah
wallahu mustacaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BY AXMED FROM FINLAND

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM. WALAALAYAL SOMALIYEEY NINKII&GABADHII DIIN DOONAYSA DIINTEENA WAA MILLA WAAXID HADAAD MAGACYA BADAN UKALA YEESHAAN OO IIDANKUDHAQMIN MILATA SAXA AH"INADIINA CINDALAAHI-ALISLAM.WAXA IIDIIN DAMBEYSA CIRIB-XUN
OO AKHIRA AYAAD LAIDIN KUABAAL MARIN.NINKII CAQIIDA SAX RABA WAXAA KU FILAN ISAGOO RAACA SUNADII NABIGEENII (C.S.W)IYO ASXAABTIISA.
WABILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xirsi

Unrecorded Date
ASlaax waxaa la dhahaa dadka raacay waddada iqwaanka oo doonaya inay dowlad islaam ah dhisaan. Ceebtoooda waxaa waaye waa dad Masar fadhiga aqwaanka laga xukumo iyo iyaga oo cilmigu ku yar yahay. Qabiil dan ku gaarna waa iska leeyihiin oo Sheeqaalkoodu Hawiyinnada waa ku dheer tahay sida danaha xusbigooda u hirgalo. Waanaag waa leeyihiino waa dad islaamkii fidinaya.


Ataxaad: waa niman cilmi ilaahay siiyay oo waddankii isbeddel cilmiyeed ka riday. Belose waxay ku dhigeen waa niman aan adkaysi leheen oo marka hora qoriga rida hadhowna carara ama uga baxa kuwa la mida dagaalka. Waxaa loo aaneeyaa isdaba markooda madaxdooda oo daacad ah la'aan ah. Waxay ku ammaanan yihiin diinta ka run sheeg iyo iyagoo dibad ku xirneen.waxaa kale oo lagu ammmanay inay doonayaan in dawlad islaami dhisaan meesha saaxiibkooda islaax carab shaxaad ku mashquultay.

intooda kale marka takfiirka laga reebo waa kooxo qaraartay sidiinna oo kale oo cilmi la'aan caytamaya ama been sheegaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Unrecorded Date
Salaama caleykum!

Waxaan u arkaa iney ugu fikrad fiican yihiin

MUSLIM IYO DEGEL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Unrecorded Date
Salaama caleykum!

Waxaan jecleystay innuu meeshaan ka hadlo CABDIKHALIQ oo aan u arkay nin diinta ku fiican
markii aan akhriyey waanooyinkiisii hore.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Unrecorded Date
SALAAMA CALEYKUM!

FIKRAD:

WALAALAYAAL WAXAA WANAAGSAN INAAN ISKU DEYNO INAAN QORNO WAX LA FAHMAAYO. WAAN JECLAHAY INNAAN AQRIYO DOODAHAN CILMIGA KU DHISAN, LAAKIIN WAREERKA WUXUU YAHAY, WAXAA JIRO DAD BADAN OO AAN LA FAHMEYNIN WAXAY QOREEN.

MIDKA AF SOOMAALIGA KU FIICANNA, WUXUU ISDABA DHIGAAYAA LABAATAN SADAR OO XIRIIR AH OO EYNAN U DHAXEYNIN MEEL BANNAAN.

WAXAAD ISLEEDAHAY MEESHA MA WAXAA ISUGU YIMID DAD
AANAN WAXBADAN SOO DHIGAN DUGSI.

AHMED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKHALIQ

Unrecorded Date
to mahad
asalaamu calaykum.walaal kolay kheyr baad ii daniday inkastoo aanan aqoon badan lahayn.
salaan ka dib walaal runtii waan akhrinayay maqaaladan inkasta oo aanan ka qayb qaadan sababtoo ah walaal waxaad moodaa inay arintii ka tagtay aqoon is waydaarsi ee ay isu badashay af lagaado iyo wixii la hal maala.
waxaanse walaalahay kula talinayaa inay wakhtigooda kaga faaiideystaan wax aakhiradooda anfacaya, iskana daayaan khilaafka iyo cayda .
ogow qof walowba wixii aad qorto ilaah baa kaala xisaabtamaya .
walaal aan ku mashquulno wax aakhiradeena anfaca.
walaal mahad waxaad moodaa in wax badan laga hadlayo sidaad daraadeed waxaan jeclaan lahaa in su aasha aad ii qeexdo sababtoo ah wax badan ayaa isku dhex jira ama aad moodaa in laga hadlayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAAXIIBKAA

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
C/KHAALAQ MA NINKII JOOGAY CAASIMADAA?????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikhaaliq

Unrecorded Date
to saaxiibkaa
walaal iga soo xidhiidh emailka abdikhali@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Unrecorded Date
Salaama caleykum!

To: Cabdikhaaliq, walaal waad mahadsan tahay, waan helay jawaabtii aan doonaayey, weyna ila fool xumaatay, innaan ku dhibo anigoo helay jawaabtii.

JASAAKALLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikhaaliq

Unrecorded Date
to: mahad
asalaamu calaykum walaal aad baad u mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum


Jawaabta su'aasha moowduucaan waxaan filayaa inay tahay Al-itixaad, Al-islaax, Akhwaan iyo wixii soo raacaba waa magacyo, Islaamnimaduna waa wax kale oo baxsan magacyadaas.

Sida aan diinta ku soo baranay ISLAAMnimadu waa:

- qiritaanka kelinimada EEBBE iyo nebi MUXAMAD NNK inuu yahay rasuulkii ugu danbeeyey.
- oogidda SALAADDA
- bixinta SAKADA
- soomidda bisha RAMADAAN
- iyo inaad XAJKA gudato haddaad awoodo.

Bulshada intaa ku astaysan waxaa lagu tilmaanaa MUSLIMIIN, waxayna sitaan mabda'a diini ah lana yiraahdo ISLAAM, wixii ka soo hara sal kuma laha.

Diintu qolo-qolo ma leh, daneysi ma leh, magac aan ISLAAM ahayna ma leh.

WALLAAHU CALAA MAA AQUULU WAKIIL.


NABAD iyo CAANO


Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arday

Unrecorded Date
Salaan ka dib, waxaa ii muuqata in aysan weli dadka soomaaliyeed ka dhammaan xammaasadda iyo ka fiirsi la,aanta.

Waxaan la yaabay qofkii isku magacaabay "XAYAAT" oo sheegtay in "ITIXAADKU" ka fog yihiin diinta, sababtoo ah dagaalladii ay oogeen ayaa waxaa ku le'day dad ay qaraabo yihiin "XAYAAT". Ilaahay ha u naxariistu ayaan leeyahay, balse waxaa iga su'aal ah : Dambigaas ma la wada saari karaa "xarakada" dhammaanteed? Ma waxaa la oranayaa waa khalad ay sameeyeen xarakada itixaad, mise waxaa la oranayaa xarakada itixaad way ka fog tahay diinta ?
Anigan hadlaya ayay dad qaraabaday ahi ku dhinteen dagaalladaas, umana arko in itixaad diinta ka fog tahay (aniguna ma ihi itixaad, mana noqon doono ?)

Sidoo kale islaax dadka wax ka sheegaya iyaguna waxay ka fog yihiin caddaaladda , miyuusan Alle oran (Wa idaa qultum facdiluu ? )haddaa wax sheegaysaan ka run sheega...?

Haddaba marka aad leedihiin nin ka mid ah islaax ayaa yiri hadal, isla markaana hadalkaas waa ila qaldan yahay, sidaas daraadeed maadaama uu ninkaas ka tirsan yahay islaax, islaaxna waxay la qabtaa aragtidaas, oo wax wanaag ah malaha ????

Anigu ra'yi ahaan lama qabo ninkaas aad magacawdeen, laakiin isaga iyo xarakada al-islaax manahajkeeda waa ii kala soocan yihiin . Sida dhiigdaadinta itixaad iyo manhajka itixaad iigu kala soocan yahay. (islaaxna ma ahi)

Sidaa la adligeed, in la buunbuuniyo ma aha waxyaalaha qaarkood. Tusaale waxaan dhagaystay hadalka wadaad radinayay Dusuqi, waxaan la yaabay heerka uu gaarsiiyay hadalkiisa,oo runtii muujinaysay wax ka fog islaamnimada , sida isaga oo bulshada ugu baaqayay in la dilo wadaadkaas?
ma khawaarijbaa ka dhalatay soomaaliya ?
isagoo ku eedeeyay inuu asxaabta iyo Nebigaba uu caayay? Balse waxaa cajaa'ib leh inuu isla asaga uu ahaa mid cambaaraynayay Asxaabta , gaar ahaan kuwii madiina degenaa, oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen "Wax Daciif ah")? Haddaba xaggee ayay daciif ka ahayeen ? Cilmiga ? oo markaas asagaa ka aqoon badnaa asxaabtii nebiga ? Dabcan isaguba dhankaa uma jeedo , ee waxaa kaliya ee la oran karaa waa iyagoo daciif ka ahaa "dhanka dadnimada iyo damiirka shaqsiyadeed? Haddaba maxay ka qabtaa diintu in asxaab (oo ay caa'isho )ku jirto la caayo, lana xaqiro dadnimadooda ?
Hadalkan uma soo qaadan inaan aniguna dib u eedeeyo wadaadgaas (hebel Aweys), laakiin waxaan doonayay inay hadalka la buunbuunin karo , dhankii la rabana loo jiidi karo. Laakiin waxaa hubaal in fal walbaa iyo hadal walbaa "motive"leeyahay, laakiin la isku soo qarin karo difaaca diinta iwm .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M

Unrecorded Date
Ilaahay Jalla Wa Calaa ka cabso...
Ilaahay Jalla Wa Calaa ka cabso...
Ilaahay Jalla Wa Calaa ka cabso...
Ilaahay Jalla Wa Calaa ka cabso...
Ilaahay Jalla Wa Calaa ka cabso...
Ilaahay Jalla Wa Calaa ka cabso...

Waxaad ku hadlayso ka fiirso.....Arday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Unrecorded Date
BISMILLAHI RAHMANI RAHIIM.
KOLKII BAYJKAN AAN SOO BOOQDAY CILMI AYAAN SOO DOONTAY IMMINKAN WAXAAN FARIINTAN QORAYAA ANIGOO OOYAAYA KANA OOYAYA DADKAYGII SIDA AY UGU KALA QAYBSANYIHIIN DIINTIINA IYO SIDA CADOWGOODU UGA FAAIIDAYSANAYAAN, SIDA QAYAXAAN EE DEGDEGA AH EE LA ISU GAALAYNAAYO. NABIGA (NNKHA) XADIIS MACNIHIISU AHAA: QOFKA QOF KALE KU YIDHAADA WAA GAAL HADII AANU QOFKAASEY AHEYN KII YIDHI AYEY KU NOQOTAA. SHARIIF CABDINUUR WUXUU LEEYAHAY MUXAADARO SHAN CAJALADOODA OO MAGACEEDU YAHAY: WAAR ISKA DAAYA QOF KASTA OO LAA ILAAHA ILLALLAAHU YIDHI. WALAAL TAARIIKHDA DIB UGU NOQDA KHAWAARIJTII CALI DISHEY WAXAY KA DOONAYEEN INAY XAQA U HIILIYAAN OO WAXAY KA CADHOODEEN MAXAY BUU CALI ULA DAGAALLAMI WAAYEY MUCAAWIYE IWM. TAKALE SHAYDAANKU QOFBA DHINAC BUU KA GALAA WADAADADA DIINTU KA GALAA SHEEKHAAGA AYAA SHEEKHAAGA KA AFDHEER AMA KA TAQISAN XARAKADAADA AYA TA KALE SALAFNIMADA KAGA DHOW IWM. HALKU DADKA KALENA MEELO KALE KA GALO KII NAAGAHA KA HELA NAAGAHA KA GALO. KOLKAAS WALAALAYAAL DADKEENAN QURBAHA JOOGOW ILAAHEY AAN KA CABSANNO YAANU SHAYDAANKU WAX INOO TALBIISINNIN.TALBIISUL IBLIIS KITAAB LA YIDHAA AYAA JIRA EE WADAADOW AKHRISTA. MARKA AAD WAX RADIYAYSAN AMABA XARAKO AAD TAAGERAYSAAN ILLAHEY WUU IDIN WAYDIINAYA MAXAAD KU TAAGERTEY MAXAAD SE KU CAMBAAREYNAYSAA?
ILAA INTAAN AKHRIYAAYE SADEX QOLO AYAAN ARKEY:QOLO DHEXDHEXAAD IYO LABA QOLO OO ISKA SOO HORJEEDA OO XITAA ISGAALEYNAAYA. ILLAHEY AAN KA BAQANNO AAN ISWEYDIINNO MAXAAN U DIYAARSANEY MAALINTA (YAWMA LAATAMLIKU NAFSUN LINAFSIN SHAY AA
WAL AMRU YAWMA IDINLILLAH). PROBLEM IYO MASHAAKIL YAALLA XAMAR AMAB BOOSAASANA MAAHA INAAN USOO RARN EUROPE AMABA N/AMERICA AMA N/SCANDANIVIA. TAA WAXAAN UGA SOCDAA MARKAYNU SOO RARNEY DHIBAATADII EE SI FITNO KICINA U SOO RARNEY EE MUXAADAROOYIN LA ISGAALEYNAYO FIDINAY LABAA LOO KALA JABAY MUXAAFID IYO MUCAARID DHIIG AYAA KA DAATEY COPENHAGEN MASAAJIDADII ILAAHEY.YAA KA MASUULA WAXAA DHACEY MA DUSUUQI MA AWAYS MA KUWA FIDIYEY CAJALADAHA?ILAAHEY AYAA MAALIN AAN MAANTA AHEYN HORTIISA LAGU KALA BAXAYAA. WAXAAN KU SOO GAABINAYA HADALKA DASUUQI SIDAAN U FAHMAY ANIGU: WAXAAN U FAHMAY NABIGEENII SHARIIFKA WUU IGA DOOQWANAAGSANAA. WADAADA QAYLINAAYOOW BILLAHI CALEYKUM WAA KUMA NINKA MAANTA GABADH SOMALIYEED OO SAGAAL JIRAA U GEED FADHIISANAYAA?!!!!! WAA YAR YAHAY TAA MACNAHEEDU MA AHA NABIGEENNII SHARIIFKA LAHAA WUU QALDANAA. ILAAHEY BAA SAXAAYEY LA SOCDAY LAXDO KASTA IYO MINIT KASTA. KOLKAAS WAQTIGII WUU ISBADALEY DADKIINA WAY ISBADALEEN. SOMALIDU WAXAY KU MAAHMAAHDAA HADALKU WAA MARGI KOLKA WAA SIDII LOO QALOOCIYO NINXUMAAN RABAANA SIDUU WAX U XUMEEYO MA WAAYO.ILAAHEY AAN KA BAQANNO CULIMADEENNANA YEYNAAN DEGDEG UGU AFDHEERAANIN. DADKA IMMINKA DIFAACAAYA NABIGOW EE WALIBA HADAL AAN CADDEYN DADKA KU GAALEYNAYOW MAXAAD UGA HADLI WAYDIIN DADKA SIDA QAYAXAN U ODHANAAYA:NABIGAAGA AMBA DIINTAA WAXAA KU SAME).MAXAAD JARAAID UGA QORI WAYDEEN. AFWEYNE MARKUU FAGAARE KA LAHAA: HADII NABI MUHAMMED JOOGI AHLAHAA SAYBEERIYA KHAMRIGUU CABBI LAHAA AMABA DOOFAARKA AYUU CUNI LAHAA!!!SUBXAANALAAH KOLKAAS XAGEE LA JIREY ISLAAMKU MA OOLLIN MIYAA?!!! DIINTA MAYNU HAYSAN MIYAA? GADH MAYNU LAHEYN MIYAA? 1975 MARKII SHUHADADA LA ISKU XIDHAY EE QURAANKA LA BEENIYAY XAGEYNU JIRNEY?!!
SOMALAAY SIIBA CULIMADAAY ILLAAHEY KA BAQDA : (WA IDAA QULTUM FACDILUU).(WALAA YAJRIMANNAKUM SHANAANU QAWMIN CALA ALLAA TACDILUU)
WALLAAHU CALAAMAA AQUULU WAKIIL
WASALAAMUCALEYKUM WARRAHMA WABARAKKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
TO abdi
asalmu alaykum

carabta waxa ku maah maadaa waqti kasta rageedaa jooga anga siyaad iyo wax yaabaha kale aad tirinaysid waa laga hadlay culimadii waqtigaa joogatay ayaa si rasmi ah uga hadashay waan laa laayay

anga hada waxaa sidii siyaad diinta aflagadeyey sheekhaaga dusuuqi oo nabu mohamed scw caayaay
waliba mell aan qofka cadigaa laga marin kamaray waa dumarkeee
asagoo oranaya nabigu waa dooq humaa markuu gabar sagaal jir ah guursaday waa caasho eh
marka ninka gaalnimadaas ku hadlAY
hadaan nahay daka muslimiinta ah ee qurbaha ku noll waan inan kuladagalana ayi wasiila een kuladagaalami karno ilaa intii ilaahay kahallagayo

adigana hadysan gaaalnimo kula ahayn waxa ay ku hadleen
diintada dib ugu laabo
wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to:dhamaan xaqdoonayaasha

ugu horayntii waxaan salaamayaa walaalihii raga iyo dumarka ahaa ee rayigooda dhiibtay.
hadii aan tayda ku darsado ; iima muuqato shakhsi
khalad uugalay in jamaaco loo saaro sida khaladaadka ay sameeyeen disuuqi iyo khudubi looma saari karo islaaxa oo dhan maadaama ay jiraan shakhsiyaad aan arartidaa ku raacsanayn . aragtiyaha
a waxaa ka mid mowqifka uu xijaa taagnaa qudubi iyo hadalkii gafka ahaa ee uu guurka nabiga
ka yiri disuuqi"dooqaygu i siin maayo in aan sagaal jir guursado" hadii aan taa danbe wax ka iraahdo ma jirto cid nabi maxamad "naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee" ka dookh fiican waxaa kaloo intaa sii dheer wakhtigii nabiga ilaa iyo maanta
dumarka qaarbaa ku qaangaara sagaaljir mana arko wax diidaya
gabar sagaaljir ku bislaatay in laguursado nabimuxamadna wuxuu yiri guursada kuma yaryar ee dhalayo ee loojeceel badan yahay.wadamada galbeedka iyo carabtaba gabdhaha qaarbaa sideed jir caadada ku hela una muuqda in ay dhowr iyo tobanjir yihiin.markaa ma garanayo wadaadka ma caafimaadkiisa ninimo baa wax ka khaldan yihiin.
waxaan ku soo gagabaynayaa dadku illahay ha kacabsadaano nabi muxamad iyo dumarkiisaba yaan meel looga dhicin xijaabka iyo shacaairul islaamkana yaan gabdhaha laga nahyin si aan loogu
sifoobin kuwa alle ku yiri "manaacin lil khayri muctadin athiiminin".

walaalkiin habaysane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
to;dhammaan walaalaha xaqdoonka ah
waxaa jirta in dad badan oo xaq raadinaaya ama is leh islaam kor uqaada ay garab marayaan waddadii lagu gaari lahaa xaqa haddaba cid kasta oo sheeganeysa inay islaam u gargaarayso ma aha sax kumana taagna waddo toosan.qof walba oo aqoon gaaban u leh islaamka gaar ahaan taariikhda islaamka wuxuu ogyahay in ay jireen firqooyin badan oo dhamaantood wada sheegan jiray inay iyagu saxsan yihiin xaqana ay ku taagan yihiinkuwaas waxaan ka xusi karaa Khawaarij,Qadariyah,MUctazilah iwm.Marka cid walba oo sheegata inay islaam u gargaarayso ma saxsana waana qalad in la yiraahdo yaan waxba laga sheegin koox hebla maadaama ay islaam u gargaareyso.
Haddaba sidee lagu kala garan karaa cida saxsan iyo cidda qaldan waxaa lagu kala garan karaa in la fiiriyo MANHAJKA ay ku socoto koox walba arrintan (QADIYATUL-MANHAJ) waa arrinta lagu kala baxay sidaa awgeed maadaama aan ahay nin bartay asalka diinta islaamka waxaan jeclahay maalmaha soo socda inaan idiin soo gudbiyo war ku saabsan (qadiyatul-manhaj)inshaa-allah si aad u garataan inayan dadka islaamiyiinta lagu tilmaamo ayan wada saxnayn.
wassalaamu calaikum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.