site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA HOGAAMINAYA UMMADDA

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): YAA HOGAAMINAYA UMMADDA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

juri juri.

Sunday, October 22, 2000 - 08:53 am
marwo iyo mudane,.
haddii aad ruug caddaa tahay iyo haddii kaleba,waxaa ku sugaysa in aad jawaab u hesho su aashan, oo ah, yaa hoggaaminaya ummada,ummadduse yeey u hoggaansantahay?.
waxaa marag-madoonto ah in ummaddu u baahi qabto halyeey hoggaamiya iyo rag garbihiisa ah, oo daacad iyo waddani nimo kula shaqeeya.markii wanaagooda la`arko, oo shacabka la tuso, lana taabsiiyo, hal shey oo ka dhexeeya, loona simanyahay, lana kala xigin, oo nalka loogu ifiyo meel kasta oo mugdi ugu jirey,ummada markaas ayaa laga dharsugi karaa rabitaankooda dhabta ah,iyo in ay u hoggaansato halyeeyadooda hoggaanka haya. waxaa cidina diidanayn in maanta hamuunta doowlad loo qabaahi karaar- dhaaftay,muhiimna waxaa ah in laga faa`iidaysto waqtigaan cayiman,haddii tasi suuroobi-weeyso waxaa hubaal ah, in afka carrada loo gelin-doono kuwa wanaaga,nabadda iyo midnimada daneeya. waxaana halkaas ka faa`issi- doona qowleeysatada iyo daba-dhilifka shisheeyaha.waxaana cakirmi-doona isku-soo hilow walaalnimo iyo jacayl waddan.
waxaan iyana meesha ka marnayn ,in meel kasta oo arrin lagu go`aansado,nabad ha noqoto ama dagaal midba,ay jirto koox dhan isu leexisa,ama muran ka muujisa arinka la gorfeeyey.laakiin ma`ahan in kuwaasi baajiyaan waxa bulsho-weeyntu u taagantahay.
waxaan hadalkeeyga ku nikaxayaa ama ku xoojinayaa tixdan gabay oo si gooni ah iftiin ugu daaraysa waxa laga rabo ama laga doonayo kuwa waddanka u istaaga ama u dhiidhiya.,
oo yaa tiriyey tixdan?
waa gabyaa,xaaji aadan af-qalooc.
oo muxuu ina faray xaaji aadan af-qalooc?
( Ninna kuma aflaxo hadal
dadkale kuu aqrinayaaye.
Aayaha dalkiyo dantaa lagu iloowaaye
haddaan dhaqanka layskaga ekayn
laysma aamino`e.
Afar-qof oo walaalo ah hadduu
ruuxba meel aado .
mid waliba aqlaaq gooniyuu
kala yimaadaaye
Arrin kuma heshiiyan oo
wey kala irdhoobaane).
( shaki ayaa beryahanjira ee waxaan allaha-weeyn kuugu dhaaranayaa,in aanana garanayn qabiilka ,X.Aadan afqalooc.soomaali-nimmo ayaan u sooo qaatay,iyo arrinkan oo soomaali quseeya. soomaaliya ha noolaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 22, 2000 - 08:55 am
mudane.juri juri,waxaad tahay nin hufan,ee ilaaheey ha kuu saa`idiyo.ummadena wa in ay waxa fiican isfaraan.
thank you for your clean view.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mowliid

Sunday, October 22, 2000 - 08:57 am
soomaaliyeey daya, midnimaanta fiiriya,
muraadkeenaa helaanee hooy midoobaay.
spoomaaliya ha noolaato. cadawga soomaaliya,fardihii sayidka cagta ha mariyeen,.aamin/.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Sunday, October 22, 2000 - 10:00 am
Juri juri,
waa ku mahadsantahay qoraalka wanaagsan ee aad noo soo qortey.

Rug cadaa ma ahi, laakiin nolosha adag ee ummadda Soomaliyeed ku soo habsatay baa wax badan i bartey.
Aniga, qof ahaan waxaan qabaa in ummadda Soomaaliyeed ey u baahantay " Dastuur" kala HAGA oo qof mas`uul ah iyo qof kaleba waajib ka saaran yahay in uu ka danbeeyo.
Wixii "Dastuur"-ka jabshanna marka ey ku cadaato ee haya`dii u xil saarneyd ku cadeeyso ciqaabteeda lagu qaado.

ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Monday, October 23, 2000 - 10:02 am
ummadda waxaa hoggaaminaya kuwii hore dhabarka
uga jebiyey ilaa kuwaas meesha ka tagaana waxba
kala hagaagi maayaan saaxiib, waa haddii run
la doonayo iyo daacadnino.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.