site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

The great poet and thinker Maxamad Cabdi Cilmi said this about us Somalis and Africans...... But the question is was he right?? Please read his poem called AFRICA and share your views with the Community!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): The great poet and thinker Maxamad Cabdi Cilmi said this about us Somalis and Africans...... But the question is was he right?? Please read his poem called AFRICA and share your views with the Community!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOKER

Wednesday, October 25, 2000 - 07:31 am
Salamaa Caleikum!!

This website is full of ignorant Somalis, who are of no benefit to our poor, uneducated , unemployed, hopeless brothers in Somalia or Africa for that matter. So i have copied a poem which is excellent for the one who listen or reads carefully and understands the message.

Maxamad Cabdi Cilmi-AFRICA

1. Xalay uurkutaaliyo
2. umal saw lamaan kicin
3. saw qiiro aadiyo
4. urugiyo ladh soo kacay
5. ma ilmaynin xasanow
6. hadba eel damqanayiyo
7. intaan iimo soo fadhay
8. kama oogsan hurdadii
9. waxaan idhi aslhuumada
10. aynfaadka haystiyo
11. belaayada agjoogtaa
12. afrikada muxuu yahay
13. waa qaran ayaan daran
14. eex iyo qabiil jecel
15. itaal iyo is raac gabay
16. waa umad danbaysoo
17. weli aan indhaha furan
18. bilawgii ugaadhiyo
19. noloshii addoomaha
20. boodhkiyo awaarii
21. weli awrki may raran
22. maxaa saymo iyop omos
23. ibtilooyin lagu rogay
24. mar awoodda reer yurub
25. afka ay ku ridatiyo
26. mar adoonsi lagu rogo
27. dadka nool la iibsado
28. mar gumaysi eebiyo
29. u afaysto awlaxa
30. isticmaarku qaybsado
31. mar iyada garaadkliyo
32. laga xado aqoontoo
33. inta laysku soo diro
34. naxli uurka loodhigo
35. markaan aafo iyo wadhi
36. olol waarso dasmiyee
37. reer galbeed eryaabaa
38. yuusufow ammuuraha
39. belo oofgsataayoo
40. orgob maata dooxiyo
41. boqor aabihii kuday
42. inta godob sokeeyiyo
43. ka shaqaysa eedaha
44. afrikaay nini madaxoo
45. abtirsiin yaqaaniyo
46. afmiishaar ku heeriyo
47. abris dhiiga kaa jaqa
48. keli talis agnaaniyo
49. abu jahal ma waydide
50. haddii aar dabooliyo
51. axmaq aan sinnaan rabin
52. uurkiyo ishaba daba
53. tabihii iblays iyo
54. irbad suna mid haystoo
55. umad wada jirkeediyo
56. israaceeda kala jara
57. hadba inan ammur iyo
58. arrin meel; uyaaloo
59. wuxuu uurka geeyiyo
60. af muggii la ciilani
61. dhaxalkaaga afrikaay
62. hadba edeg ugooyoo
63. hadba iimo kugu reeb
64. intaad eexda baas iyo
65. abtirsiinta iyo qolo
66. oday oday ukala taal
67. afrikaay filkaaguiyo
68. aynigaa ku dhaafyoo
69. naanaysta adigaa
70. inta badan u yeedhee
71. goormaad adduunyada
72. afrikaay laberatami
73. ubadkaagu goormuu
74. asaagii la qayb noqon
75. maxaa olole duulaan
76. dirir lays ataashiyo
77. guluf lagu idlaadiyo
78. qayliyo or joogta ah
79. ahe faraqa kuu sudhay
80. afrikaay isdaba qabo
81. aayahaaga meelee
82. indhaa hoos u jeediyo
83. fiirada agtaada ah
84. adduunyada ku kala qaad
85. halka aadmio gaadhiyo
86. halka oogta laga shioday
87. bal astee sifaa jira
88. dawarsiga la ururshiyo
89. yaqyaqsiga anfaaciga
90. malaa baaho afrikaay 91. oon kaama bi'isoo
92. adduun kuuma noqotee
93. aadmi wuxuu ku siiyiyo
94. ummad kale yaboohdeed
95. illows kaalmadeedoo
96. ku itaal wax soo saar
97. afrikaay ogsoonow
98. asal raaca noloshiyo
99. ikhtiraaca maalmahan
100. ashqaraarka loo goay
101. waxan aalad socotiyo
102. ammuraha la yaabkale
103. cilmibaa odorosoo
104. isagaa iftiinehe
105. afrikaay aqoon baro
106. ilbaxnimada weeligeed
107. aabeheedu waa qalin
108. agabkiisa noolee
109. aayaha ka tala geli
110. jahli baa alhuumiyo
111. aafada ku haysiyo
112. eedaadka dhaliyee
113. bal adeegso garashadas
114. khayraadka afrikaay
115. arligaaga buuxshee
116. uurkiisa hoosiyo
117. oogadiisa sare wadhan
118. adna aad qadoodiga
119. oonkiyo haraadiyo
120. macaluul ildarantahay
121. adoo baahi tiri kara
122. badda aayaheediyo
123. anfaceeda heli kara
124. isma geyo midhkaasiye
125. u bislaw garaadkoo
126. afrikaay aqoon baro
127. afrikaay ogsoonow
128. awood sheegashiyo xoog
129. af wuxuu dhamayn karo
130. qori loo adeegsaday
131. aslax inaanu dhalin karin
132. koll aaya noqon karin
133. afrikaay ogsoonow
134. afkaar laysku diidiyo
135. arrin layska tuuraa
136. inuu oof wareen yahay
137. urugiyo shallay dhigo
138. dhibta aabaheed yahay
139. afrikaay ogsoonow
140. jeeraa israacdaan
141. midnimada adkaysaan
142. jeeraa ul iyo diir
143. idilkiin ahaataan
144. qabyo inaan la awdayn
145. qaran cidi ahaanayn
146. xalku maaha afrikaay
147. adaa inan gumeediyo
148. anigaa adkaan jiray
149. awawgay adoogaa
150. isagaa u talin jiray
151. xalku maaha afrikaay
152. ree habel afwaajiya
153. reer hebel ugaadhsada
154. amar beena iyo faan
155. isla wayni aan jirin
156. xalku maaha afrikaay
157. eebiyo halgaad iyo
158. usha tooja lala dhaco
159. qarqarsigu adoomaha
160. abidkiiba muu dhiqin
161. xalku maaha afrikaay
162. hadaba inan u jeel qaba
163. isir go'a xasuuqiyo
164. ummad haadda loo wadho
165. xalku maaha afrikaay
166. arintaad filaysiyo
167. meeshaad adeegsiga
168. anbaqaadka weligaa
169. awrta aad u raratee
170. afrikaay ka diga rogo
171. gegidiyo awaaraha
172. adigays gumaadoo
173. arxanli;i dadkaagaa
174. axankooda daaqee
175. afrikaay is waydii
176. bal ayaamahaa madaw
177. intaad aano beri hore
178. utun laysu tiriyiyo
179. wixii hoday awawgeen
180. afka weli ku haysaan 181. dulmiguna agtiiniyo
182. ubucdiina weli yaal
183. afrikaay garsoorkiyo
184. xaq haddayska awdaan
185. cadli oodda loo jaro
186. urugaan hadhaynoo
187. ibtilaan damaynine
188. udubkii sinnaantiyo
189. istareexa nabadiyo
190. sinnaan waarta abidkeed
191. afrikaay iswaydii
192. afrikaay is waydii
193. imtixaanka kugu dhacay
194. afrikaay iswaydii
195. orta qayladaadiyo
196. ubadkaaga baaba'ay
197. afrikaay iswaydii
198. ooryaha baroortiyo
199. arradkiyo dayaca qaba
200. afrikaay is waydii
201. habqankiyo isdhaafkiyo
202. orodkiyo qaxootiga
203. hadba umad kudaashiyo
204. ambashada dadkaagiyo
205. beelahan adduunyada
206. idilkood u maganta ah
207. afrikaay iswaydii
208. dabka oogan waxa shiday
209. eelkiyo dilkana baday
210. abtigiyo walaalaha
211. afrikaay iswaydii
212. aayahaaga baaqdiyo
213. waxa aafo kugu taal
214. allahayow afeeftani
215. odhaahdiyo tilmaantani
216. ooftay ku mudantahay
217. eraygani halkuu geyo
218. abbshirtiisa yaa tusa
219. dad waxaan ogsoonayn
220. weligay alhuumiyo
221. abris bay jaqaayoo
222. mugdi baan alluubnaa
223. tolow mee ilayskii
224. albaabkiisii yaa xidhay
225. maxaa oodda ii rogay
226. birta aan afeeyaba
227. maxaa oofahaygiyo
228. ku shiraba unuunkay
229. ma ujeedadaydiyo
230. illinkaan u marayaa
231. kala jooga abataqan
232. dhego maqal ilaawiyo
233. sidii ruux indhoolas ash
234. maw abbaaray meel kale
235. kaysaw af kala qaad
236. arrintani ma joogtaa
237. iilka laysu jeexiyo
238. uubatawga baxayaa
239. caloolyow ma oogaa
240. ma ishaara beeniyo
241. af gobaadsi guudbaan
242. runta ugu abtiriyaa
243. ma ayaan xumaadiyo
244. amintiyo xidigahaan
245. idilkood wax saaraa
246. maatada nin oonshiyo
247. nin agooma soo dhacay
248. ehelkii nin soo cunay
249. ummaddiisa badhi furay
250. kun ardaa ninkii gubay
251. kun awaw ninkii shiday
252. aabaha baroortiyo
253. ilmadiyomasiibada
254. afrikaay ninkaa baas
255. axadkaa tilmaanta leh
256. adigaysu jebiyoo
257. isu looga haadee
258. dayawgiyo asqada jaan
259. sgwww
260. aadmigu dhibaabaha
261. waqtigii adkaadiyo
262. ammuurtii cuslaataba
263. aqoon buu ka dheefaa
264. wacyigaa arimiyoo
265. albaab nolosha laga galo
266. aadmiga u sheegee
267. miyaan adiga waayuhu
268. afrikaay wax kuu dhigin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.