site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DAWLADDA CARTE MA HOTEEL JOOGA MISE WAA MID DADKA U SHAQEYSA WARLORDSBA MA AHAN HOTELJOOG

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): DAWLADDA CARTE MA HOTEEL JOOGA MISE WAA MID DADKA U SHAQEYSA WARLORDSBA MA AHAN HOTELJOOG
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhursuge

Thursday, October 26, 2000 - 04:07 pm
Tan iyo maki ay curatay dowladani hoteel kama
bixi ee goormey dadka u adeegi doonta mise
iyada aloo adeega wayaabe yaaya xaytahay kuwan
kuwo kheyr soo wada uma eka sowma aha sidas?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yarre

Thursday, October 26, 2000 - 09:42 pm
dhursuge ma waxaad rabtay in ay dagaal iyo xoog wax ku maquuniso. wax walba waxay u baahan yihiin tartiib iyo daganaan.dawlada waxay u dhismaysaa taako taako. cidwalbana waxaa looga dhaadhicinayaa tartiib iyo is fahan. sida aad aragtid wax garadkii soomaaliyeed waxay dagan yihiin hotelada xamar kuna seexdaan 25us dollar habiinkii. ma ahan inay u joogaan macaan iyo nabad ee waa in la abuuro soocelintii calankeena.
marka bal samar oo tartiibtaas ilaahay wax hanoogu toosiyo. aniga figrad ahaan way ila saxan tahay ayadoon qori dhicin in wax walba hadal lagu xaliyo. waxaan ilaahay ka baryeynaa in intii nabad neceb uu naga qabto.in intii horumarka neceb uu naga qabto. intii isku dirka jecel uu naga qabto. guul iyo horumar nagaarsiiyo.calan iyo wadan nasiiyo. aamiin aamiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 08:47 am
walaal maxaad ku falaysaa in la isdilo ilayn sababt ay dagaal u qaadi waayeen waa in lalafa guro wixii dhacay dobankii sano ee la islaayay
insha alaah waa dhismasaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, October 27, 2000 - 08:56 am
Dhursuge,

Ninkii awal ka dhursugayey bay dhib ku haysaa. Kooxda Arta oo hoteelada xamar daggan, oo u badan dadkii somalidu 10 sano ka hor nacday, ha ku sugin in somaali dhexdeed ay wax ka wanaajiyaan, waxay kharibaan maahee.

Inta hoteelada dadkii lahaa ka saarayaan, meeshooda ha joogeen, markii laga saarana allow maqan. Ciday xukumaanna ha sheegin inay dhacdo saa cidina ma doorane.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.