site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somaliland iyo Kosovo maxay wadaagaan

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Somaliland iyo Kosovo maxay wadaagaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 05:36 am
OPINION:-Somaliland and Kosova Maxaay Wadaagaan?
OCT 24, 2000

by Jamhuriya Newspaper
Anigoo ah qof soomaaliya kana soo jeeda beesha aad ku sheegtay reer waqooyiga waxaan ahay nin jecel in soomaaliweyn is wada raacdo noqotona mid kaliya xitaa marka lagu daro saddexda meelood ee inaga maqan (NFD, Ogaden region, & Jabuuti). Markeygii horena waan ka soo herjeeday gooni isu taaga Somaliland (sababtaan uga soo horjeedayna way dhacdayba 1994) markaa nin qoyen biyo iskama dhowree waan ku raacay gooni isu taaga somaliland markaan arkey waxa ka soo baxay Shirkii Carte iyo sida xuquuqdii reer soomaaliland loo afduubay. Waanay nagu adkaatay aniga iyo dad badan oo ila mida inaan taageerno dawlad isku sheega Cusub ee lagu sameeyey Jabuuti.

Hadaba aan u soo noqdo su aashii ahayd Soomaaliland iyo Kosovo Maxay wadaagaan?.

Waxay wadaagan Saddex:

1. Mid labada dadba waa dad muslin ah

2. talabaadna waa xasuuqidii lagu daba jarayey dadkooda.

3.Ta saddexaadna waxay doonayaan inay Aayahooga ka taliyaan. (Self determination). Waa runtaa oo Soomaali waa isku diin iyo dhaqan balse ha ilaabin in taas oo qudhi aanay sameyn dal iyo dowlad. Tusaale: Jabuuti waa inala diin waana inala dhaqan dadkii Xornimadooda u dhintayna waxay ahaayeen soomaali siiba dadka aad ku sheegtay reer waqooyiga hase ahaatee Jabuuti maanta kali ayey taagan tahay iyadoo aan u dhigmin gobol qudha oo ka mida Somaliland. Jabuutina waxay kali isu taagtay Codeyntii la waydiiyey inay kali isu taagaan iyo inay Soomaali ku biiraan.

Halkii reer Somaliland markii aya xornimada qaateen 26 June 1960 ay markiiba ula soo carareen Xamar inay soomaali isku keenaan.

Hadaba hadii ay maalintaa kali isu taagi lahaayeen suaashanba may timaadeen isla markaana 300,000 (sedex boqol oo kuna oo qofna naftooda kumay waayeen intay magac weyn oo Soomaaliyeeed raadinayeen.

Wadan wuxuu sameysmaa marka dadku ay wax ku heshiiyan tiina la fuliyo.

Somaliland-na waxay gooni isu taagtay markay dagaal xoreyn dalkooda iyo dadkooda ah ku soo jiraan ilaa iyo 1961 markii inqilaabkii ugu horeeyey dhacay. Ragii inqilaabkaa ku guuleysan waayey waxay arkayeen sidaan heshiiskii lala galay umada reer Somaliland aan loo tixgalinay intaan Siyaad Bare “Afweynaba” aanu wadanka qabsan. Markii xigtay ee reer Somaliland dib u bilaabeen in ay xornimadoodii dib ugu dagaal galaan waxay ahayd markii la xirxiray wax garadkii damcay inay umadooda ay wax u soo barteen ay uga faaiideeyaan oo ay waxqabasho dhinackastaba ka bilaabeen magaalada hargeysa. Halkaasna waxa ka abuurmay ururkii la magac baxay “SNM”. Ilaa iyo maalintii uu ururkaasi sameysmay dhibaatada reer Somaliland loo gaystey iyo XASUUQIDII Soomaaloo idil u gaysatey halkan laguma soo koobi karo. Markii Afweyne dowladiisu dhacday reer Somaliland wax Xasuuqida oo ay ku bilaabeen dadkii la deganaa iyo kuwii isoo qaxay may jerin oo waxay ogaayeen dhibaatadii loo geystay in aan cidkale aaney u gaysan ee sidii dadku u wada noolaan lahaa ay ka shaqeeyaan. Maantana hadaad Somaliland aragtid dadka ku nool waxaad moodaa inaan dadkii u dhashey Somaliland ay yihiin dad aan waligood dhibaato aan loo geysan sidey dadka kale ee aan u dhalan goboladaa u soo dhaweeyaan. Waxaan sheekadan dheer u galay in reer Somaliland ay cidkasta la noolaan karaan oo xamar dadkii u dhashey ay wada laayeen wixii aan u dhalan goboladooda. Markii dambena ay iyagu isku soo jeesteen.

Ta aad leedahay markii Somaliland la dhisayey mabey filayn ama cabsiba mey qabin in dowlad kale ka dhalato oon ahayn ta Somaliland.

WAAd ku khaldan tahay meelna waad kaga dhacaysaa waxgaradka reer Somaliland. Sababtoo ah soomlida ayaa tidhaahda intaanad gar meel la tagin waa la sii garnaqsadaa. Markaa reer Somaliland way ogaayeen in dowlad soomaali isku sheegi ay mar uun iman doonto. Waanay ka sii fakareen wixii ay kula dhaqmi lahaayeen xitaa hadii dagaal lagu qaado. “TII AFWEYNABA WAXBA KA QAADIWEYDAY EE MIDKALE ISKA ILOW”.

Xukuumadii hore ayaa ina laysay waana Somali muslin bay ahaayeena Maskax ma galeyso. Waxaan u malaynayaa inaanad aad u fahmin waxa ay reer Somaliland gooni isu taag u doonayso ee bal raadi sababta. Laakiin halkaa kaaga tagi maayo oo u maleyn maayo inaad adiga iyo inta kula fahanka ahiba fahmeysaan ee aan laba qodob kuu taabto intakalana bal Odayaasha aad meel la joogto weydii. Ta koowaad. Somaliland waxa ay ku doodaysaa in umadooda iyo dalkoodaba (Gobolodoodaba) dambiyo fara badan laga galay heshiiskii la isku raacay (1960) in dowlad lagu wada samaysteyna la jabiyey. Hadaad hadalka kor ku qoron xusuusantahay dowladi waxay abuurantaa marka la oofiyo axdiga la wada dhigto. Markaa hadii axdigii la dhigtay la jabiyey dowlada taagani maxay tahay? Ta labaad. Marka Umadi gooni u goosanayso sida East Timor ama Kosovo waxa jira sharci ka mid ah sharciyada bini-aadnimaga oo oranaya dad ka mid ah dowlad ay ku yaryihiin isla markaana xuquuqdoodii bini-aadmi la duudsiyey xaq bay u leeyihiin in ay gooni isku taagaan hadii ay shuruudaha u yaala sharcigaa ka soo baxaan. Waxaan filayaa hadii aad raadised shuruudaha sharcigaa in ay reer Somaliland ka bixi karaan iyadoon aanay ku yareen dad waxbartay oo raadinkara taa markaa bal intaanad waxyaabaha qaarkood “analysis” ku sameyn bal ka fiirso.

Arinta Somaliland maxaa iska badaley markii la doortay C/qaasin?

Aniga oo shaqsi ah arimaha guud ee reer Somaliland iyo ta soomaaliyeedna la socda waxaan u arkaa in Wax iska bedal oo ku dhacay arinta Somaliland aaney jiren. Ta aad ledahay ilahii hore u saacidi jirey way xirmeen. Hadana waad ku khaldan tahay sababtoo ah hal hay’ad ah samafal oo Somaliland ka baxday ama kababa baxaysaa ma jirto. Tusaale: Ururka isutaga ee Yurub wuxuu yidhi Waanu taageeraynaa wadanka meelihiisa nabada leh iyaguna waa kuwa qudha ee dhaqaale fiican ilaa iyo hada Somaliland galiyey. Wadamada xiriirka la lahaayeen? Waxan filayaa inaad itoobiya sheegaysid itoobiyana iyada ayaa dan ku qabta Somaliland. Sababtoo aha Raashinka deeqda ah ayaa berbera u soo mara Somaliland-na cashuur ayey ka heshaa. Bank of Somaliland heshiis ayaabu la galay central bank of itoobiya. Markaa ta xaga xoolaha la joojiyeyna soomaali ayey wax la qabaan.

Hadaba Gooni isu taaga Somaliland waxa uu ku Xidhan yahay dadka ugubadan reer Somaliland siday isku meel wax uga arki lahaayeen, wixii la kulmana iskaga taageeri lahaayeen Xitaa hadii ay noqoto in ay marlabaad dowlad soomaaliweyn ah ka midnoqdaan.

Qore: Inj: Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Cabdi Wiiwaa) 24 October 2000 USA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.