site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Habar Awal iyo Habar Jeclo VS. Garxajis and Somaliland..Gar Adag. Afeetaada dhiibo laakiin cay looma baahna adoo raali ah.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Habar Awal iyo Habar Jeclo VS. Garxajis and Somaliland..Gar Adag. Afeetaada dhiibo laakiin cay looma baahna adoo raali ah.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid Garxajis

Saturday, October 28, 2000 - 08:52 am
Salaan dhamaan,

Sheekdani waa sheeko dheer, oo socotay in badan. Isaaqaw waxan garan waayay waxad mar kaste Garxajis libinta uga diidaan. Cudrka la magac baxay Garxajis nacayb iyo xaasidnimo.

Taas ka soo bax waxan maduucan u furay waxa weeye dhibaatda soo socota kana ay masuulyihiin nimankaas Habar Awal iyo Habar Jeclo.

To: Habar Awal waar nimnayw ima adeer dalka waxad ka tahiin inta lacag haysata maanta, xukunkana haysata si kastaba ha ahaatee, xukunkna haysta lacagtiinana haysta. EE laakiin waxan garan waayay waxa idin ka siya.

Dalaakii SNM markii lagu jiray horta runtaa fiicanae maydin doonayn inaad dagaal gashaan. Ogaadeen oo idil iyo Garxajis markay isku haysteen Hawd iyo Caglibaax nin Habar Awal ah laga waa guluf. Waa sheeko dheer, markii ugu horaysay waxad odhan jirteen " Kuwan reer miyiga ah lacag iyo daaraba ma le ..ee anakay doonayaan inaan inaataa aanu haysano naga khasaareeyaan". Ilaa ay markii dambe gaadhay meel xun, ka dib ayaad lacagtii soo ban dhigteen.

Habar Yoonis runtaa fiicane ma jiro qabiil Isaaaq sheegta oo kana dhaawc badnaa kana dadaal badnaa. Hargaysa , H.Y way ka dagaalantay, Burco way ka dagaalameen, Ceerigaabo, Hawd, car waa qabiilka isaaaq sheegta ee yidhaahda meel kaste waan ka dagaalamay..ma jirto. Habar Jeclo iyo Ina Kaahin bari bay ka dagaalameen, Ciise Muuse iyo Sacad Muuse Berbara iyo Hargaysa may soo dhaafin, Arbana raaci. Maxamad Cali oo ah Cali Saciid oo reer Hawd ah wuxu ku dhintay Hargaysa.

Intaasi waa taariikhdii waagii dagaalka, ee aan soo gaadhisiiyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqay. Shirkii Burco waakuwii rag cadhaysani dalkii gooyay, sheekadu waxay ahayd sidatan. Ama intii Darrood meesha ka dagan ka aar gooso iyo Gedbusri ama ha kula goostaan. Dhulbhante waatii Buhoodle laga soo gubay ee ay u yaaceen Laas Caanood, kadibna garaadadoodii saxeexeeny go'aanka dib uga laabshaha soomaali weyn. Gedbursi sidii oo kale san dule ayaa lagaga dhigay ka dib markii Boorama dhulka lala simay.

Intii Aw meesha hayay ninka Cabdiraxmaan Tuur wax Gedbusri sheegta ama Dhulos sheegta oo hadla lama maqli jirin. Anigu run ahaan ma jecli ninkaas laakiin gaalna dil gartiisana sii weeye. Intaas ayuu kuu ficnaa cabdiraxmaan tuur.

ka dib Ina Cigaal ayaa qabsaday meesha. Markii ugu horaysay ayay Habar Yoonis diiday habku ina Cigaal u qabsaday meesha. Ina Cigaal oo khudbadaynaay ayaa wuxu yidhi " Afka kamay odhane ..futada..futada ayay ka yidhaahdeen xukunkaago nama qabto" isagoo la hadlaaya Isaaaqa kale. Waa loo qayilay arinta meesha waa lays yaqaan waligood Habar Awal dagaal weyn may galin barina iyo Togdheer lagama yaqaan. Habar Jeclo oo cuqdad qabta la yidhaahdo " Habar Yoonis" ayay Habar Awal hub iyo lacag siisay oo tidhi Saleemaan Gaalaw booliis ka samee Burco. Waakii tagay Burco intii Habar Jeclo ahayd ayuu dirays u xidhay hubkiina u dhiibay. Saleemaan gaal ayaa khudbadeeyay isagoo Habar Awal ciise muuse iyo Habar jeclo iyo Arab la hadlaaya . Wuxu yidhi "Ina Yar oo mucaarad ah ayaanu qabqabnaynaa..3 cisho in ku eeg" Isagoo u jeeda Habar Yoonis. Waatii dagaalku dhacay, "Maryo alool" iyo Habar Yoonis bari waakuwii dagaal galay. Intii ka dibna waakuwii Habar Jeclo dagaalkii ka baxeen, Habar Awlna oo markii hore H.J ku hoos dhuumanaysay waa kuwii ay is dhiibeen. Ina Cigaal oo sheegta Madaxweyne waati laga mamnuucay Burco iyo Togdheer inu cag soo dhigo ilaa 1999kii .

Sheekada waan ku dheeraaday ee Habar Awal maxaa la gudboon. Ina Cigaal intu wax kale ka fikiri lahaa arintiisu waxay noqotay Garxajis Habar Jeclo ku lug goo. Habar Awalna dhulka ha baadhato.Berbara inta haysata "Custome ka" ee cashuurta qaadaa waa Ciise Muuse. Hargaysa daanta Sacad Muuse ayuun baa ka dhisan, ta Garxajis wali dagaalkii 1994 iyo kii ka horeeyay ayaa wali ka muuqda. Sidaa kumoo aamusine wuxu doonayay sandakan lagu jiro 2000 inu Sheekh ka gooyo Togdheer aw sameeyo gobol la magac baxay SAAXIL..oo ah Berbara, Zaylac..siday Habar Awal isku helaan labada "custom" ka zaylac iyo ka Barbara oo sidaas lacagta u dhuuqaan.

Intii aw ku dhex jiray arimahaas waxa dhacay , Dhulbahnte wuu goostay Sool, Buhoodle iyo Widhwidh iyo meelahaa Togdheer waa laysku haystaa. Buhoodle oo ah Togdheer ayuu Cabdilaahi Yuusuf banki ka dhistay??? bal waxaas eega. Habar Awasha xukunka haysa meeshiiba waxay ka dhigeen maqaaxi oo dalkaba waxay u haystaan..Waqooyi Galbeed". Gedabursi sidii oo kale maanta ayay madax oo taageen, oo Awadl_land iyo Somaliweyn sheeganyaan. Macaa garaadkii Dhulbahate waad sii dayseen sabab Habar Awal ayaa dhashay???? markii aw ka dagay Laas Caanoodna waakii Somaliland soo caayay.

Garxajis badankiisu waa miyi , sonkar iyo bariis dakad kama soo dajiyaan, abaari haday dhacdo ayaga iyo Habar Jeclo ayaa ugu dhib badan. Maanta xooli waakuwaas Sacuudigii joojiyay, dhibaatadu dagaalku ka dhici doono waxa weeyaan. Nina Habar Awal waa qanacsato, xoolo ma dhoofiyo, bariiska iyo saliidana isagaa ka iibiya garxajis. Kii Garxajiska ahaa marka adhigii laga joojiyay, qasab ayay ku tahay inu sicirka doono aw ku iibsado bariiska Habar Awal. Kan Habar Awal adhi iyo ahi la'aanba mar kaste lacagtiisu wuu helayaa. Dhanka dooladana waa sidii oo kale. Ina Cigaalna basaboor iyo wax aan la garanayn ayuu ku daba jiraa.

Aniga waxay ila tahay sidatan ayay ku dhamaanaysaa Somaliland waxa la magac baxay. Labadii Suldaan ayaa soo laabanaaya, Ina Cigaal oon sii fiican u aqaanaana wuu xidhi, taasi dhib ma le, way ku istaahilaan. laakiin Garxajisna xidh Dhulbahante Faqashna sii daaa..gar ma aha. Dagaalka halkaas ayuu ka bilaabmi. Imika mid maalin dhawyed ka yimi Togdheer iyo Bari, wiig ka hor wuxu yidhi miyaga Habar Yoonis iyo H.J way ku kacsanyiin Habar Awal.Waydun arki doontaan..Ina Cigaal nimankaas hadii aw xidho..waa dhamaad sheekadu. Meeshii sharafteedii wax ku ciyaaray Habar Awal aan cadawna garanayn tolna garanayn.. anigu waan ka quustay..nimankaa aano wada nahay tol..

To: Habar Jeclo waxay ila tahay cid idin fahmi karta ayaan ba jirin. Sabab idinkii ayaaba is fahmi waayay. Laba mid soo gala ama dhulka qabasada ama lu gooynta Garxajis iyo dabadhilifnimda Habar Awal joojiya. walaahi cay igama ah, ee laakiin sida laydin siyaasadeeyay ayaan la yaabay. Dagaalkii waad ku dhimateen, Habar Yoonisna kamaydin macaashin..maxaad ka macaashi lahaydeen waa niman aan waxba ayaguba laftooda hayne.. doqoniimo ayaa noola dagaalanteen. Habar Awalna nagama xigtaan, Ina Cigaalna xukun ka qaadi kari maysaan.. waad arki doontaan, hadii aanu Galaydh Buhoodle ka soo dagin kabahaaga wax iigu rid, oo aw Caynaba lagugu kaa iman.Isa soo cadeeya nimanyaw..maxaa idiin dan ah, maxaa kuu diiday qayb libaax ood sadqo nin kaa liita oo dan kaa lahayn u aqbashay. Ina Cigaal ayaa H.J ku yidhi ka dib dagaalkii Burco.." Hargaysana qaxoonti baad ku tihiin..Burcna sidii oo kale.. markaas aad xukun rabtaan.

Doodan Habar Awal ninkii ahaw..soo dood..Habar Jecloona sidii oo kale..iyo Garxajis..runta hallaysu sheego..been iyo tolnimo khiyaama ah lagu daal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 28, 2000 - 10:39 am
Waaryaa ninkaagani shaydaan baa sharkataliyee meesha isaga fariiso.
Waxaan ahay nin reer waqooyi ah balse ku soo barbaaray koonfur. Kasoo qaad inay waxan aad sheegaysaayi wax ka jiraan, anigoonan kugu raaci karayn waayo xaqiiqdaanan hayn, balse sidan aad u hadlaysaasi waa shar ka talis. Shar ta iyo wixii wadana waa laga cuudibilaystaa.

Taariikhda qof beeniyi karaa majirto, qof wax ka badeli karaana majirto, laakiin waxa fiican in laga cimri qaato wixii ina soo maray si looga tabaabushaysto mustaqbalka.

Anigu waxa aan ka maqlayo xaga waqooyiga waa wax lagu farxo nin walba ee reer waqooyi ahi. Balse waxaad ogaataa "You can't please all the people all the time" wax walba oo wanaagsan aad samaysana dad uun baa intaasi meeli bugtaa.

Saxiib markaa waxaan ku leeyahan u soo ducee dalkaagii hooyo, waanan arkaa inaad waxyaabo badan ka tabanayso maamulka dalka ka taliya ee dhinaca wanaagsan uun wax ka fiiri.

Anigu intaa baan uga baxay,

Salaama,


Long live Somaliland,

Tareenka qabso, dawladii socotee
Tareenka qabso, daacadnimaa jirtee
Tareenka qabso,Tareenka qabso
Yaan lagaa taginee, hurdow toos

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 28, 2000 - 10:51 am
marka hore salaamu calaykum
waxaan kuu sheegaya waa runtaa isaaq oo dhanbaa idinla dagaalmay khalad bay ahayd waxaanan anigu kamid ahaa oo igu walaahay ah kuwii habar jeclo ahaa ee didanaa dagaalka ka dhexsocda isaaq dhexdiisa daasu waa iga qodob.
dalabaad ingu waxaan ka dhashay habar jeclo waliba maxamed abokor waxyaalihii igu galifay in aan ka soo baxo somaliland taasay aheed hadeerna waxaan uga baxay somaliland ina cigaal oo iyo mamulkiisa oo ka dhamaan waayay iska horgeenka isaaq meshii uu agoomihii isaaq iskuulo u furi lahaa sidaa owgeed waxaan goostay in an ka noqdo aminsanaanda somaliland maxaa yeelay sababtii loo jaray somaliland waxay aheed in wax loo qabdo dadwaynaha reer somaliland lagiin arinkii wuxuu noqday boqordooyo reer subayr awal ah marakaa waxaba isku dalin somaliland ee cidkasda oo kuu ogol jiridaangaaga laqabso mawaaxaad u malaynaysaa ina buuba iyo cabdiraxmaan tuuriyo jamac yare iyo ina wadaad diid iyo qalinle iyo cusmaan kaluun iyo xuseen salax iyo suldaan maxaed cabdi qaadir iyo suldaan galaal iyo jiir iyo in afdhanle iyo nimankaa isaaq in ay la carareen xumaan kidigood maya waa qalad in la yidhaahdo sidaa walaahay isaaq baan ahay walaa waxbaynu kala faa'iidaysanaynaa margaad akhridid ila soo xidhiidh macasalaama saxiib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ex-somalilander

Saturday, October 28, 2000 - 11:42 am
TO:SACIID GARXAJIS IYO ANONYMOUS

WALAHII RUN AYAAD SHEEGTEEN NIN EE ABTI AH AYA YEDHI BARINA NIN ISAAQ AYAAN AHAY AYAN KU FANEY JIREY MAANTANA WAN KA FAANA ISAAQ.

WALAHII WAA CAJIIB NIMANKII REER SHIEKH ISAAQ WAXA MAANTA SIDA KA DHIGAY;DAB BA DHAMBAS DHALA;HABR WALNA WALAHII IYO BILAAHII HADAAN EE JOOJIN SHEEKADAN ZUBEER AWAL MEEL XUN OON BAY KU DAMBEEN DOONAAN MAYEY MAREEXAAN MAANTA?XAGO MAREEXAAN KU DHANBEEYAY?

WAAR MA NIMANKA RAGA WALAALAHA AH EE ISKU SNM IYO ISKU DAD AHAA WALIGOOD BA ISKU DERAY WAAMAXAY KALGACALKA AAY HABR WAL OO HAYSA ISAAQA KALE?

HABR JECLANA WALE WAA RAG EE TALAXUMO AYA HAYSATA ANIGA OO NIN HABR YOONIS AH NIN HABR JECLA AH WAAN ISKU AAMINA MAR AAN DAGAAL TAGAYO OO AAN CADOW LADAGAALAMAYO LAKIN NIN HABR AWAL AH XAGO IGA XEGO DABAYEL IYO NAAG BA IGA XIGTA CAAYNA IGA MA AH EE WAA RUNTA IYO WAX AAN LABADA INDHOOD KU ARKAY HABR JECLA WAAY KULA DAGAALAMTA WAAYNA KUU DAGAALAMTA EE NASIIB DARO MAANTA HABR AWAL AYA CAQLIGA KA XADAY OO RIWAAYAD SOMALILAND AH(HABRAWALLAND)DAAWAYDSEESA.........
1991 SOMALILAND WAAN AAMINSANA LAKIN SOMALILANDTAN MAANTA MAAMINSANE WAAYO NIMANKA HABR AWAL IYO CIGAAL AYA KU XAARAY OO RAGEE ISKU DAD IYO EHIL ISKU DIRAY OO IS LEH MEESHA IDINKOON HAYSTA OO HABR JECLO IYO HABR YONIS POWERKOODA DOMEYA TAASONA WAAY JIRTA MAANTA THANKS TO HBR JECLO IYO REER SHIEKH ISAAQA KALE EE QABA XANOOKAA HABR YOONIS..........WAAR NIMANYOOW GOORMAAD WAX GARATAAN?

MA MARKAY HABR AWAL DHULKA EEBSATO OO AAY BOQOR HABR AWAL AH SAMAYSTAAN!

WAX XUMAAN MOOYAAN EE WAX WANAAG AH ANIGO KAMAAN ARKIN NIMANKA..SOMALILANDNA NIMANKII OO SO HALGAMAY HADAY NALA JOOGE LAHAAYEEN MAANTA WALE IN AANO NIN DHAGAALAMIN OO AANO XABAD RIDIN.MUXO LIXLE OO DHINTAY MAXAMED CALI IYO INA KOOSAAR.....................IYO RAG KALO BADAN MA IN AAY HABR AWAL WADANKA KU XAARTO MISA IN AAYNO ISXURAAYNO?
WAAR NINKII DHULBAHANTE ,WARSANGALII IYO GUDEBEERSIGII SHALAY ILA DAGAALAMAYEY EE ILA DAGANA HADANA DADKAYGA LAYNAYEY HADAAN KA LA HESHEENAY OO AAY HARGIESA CLUB KA SHEEKAYNAYAAN MAXAAN KU DEEDAY HAWIYE DABA MADOOBE OO JEELAHAYAGU AANO IS GAYEN???

WALAALKA HADANO DANTA GUUD KULA FAHMAYEN OO ISKU KA DIRAYO ADIGA IYO WALAALKA KALE KASO WALAAL MAHA EE WAA CADOW.

WAAR NIMANYOOW WAXAAN LAHADLAYA INTA REER SHIEKH ISAAQA EE WAX GARADKA AH NIMANYOOW AAYNO SIDAN ISU DHAANO OO ANO WAX KA BIDILNO SIYAASAD XUMA INA HAYSATA OO AAYNO DADKAA SOMALIYEED EE KALE AAYNO CADKEENA KA GOOSANO OO AAYNO WAX LA QABSANO.

SALAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nin wax garad ah

Saturday, October 28, 2000 - 02:29 pm
nimankan habr awal xuma'an muuyane wanaag ma wadaan ii isaaqoow u fiirsada xukunaa ina cigaal iyo tolkiisa.

sidaas ayaan kaga baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED NIN ALLE WAX BARAY

Saturday, October 28, 2000 - 05:26 pm
WAR ASALAMU-CALAYKUM!
"AFKIIN YUUNA IDIN GABIN".WAR MAXAAD SHISHEEYE ISKAGA DHIGAYSIIN...WAR SOMALILAND MIYA LA IDIINKAXIIGA...SACIID GARXAJIS IYO NIMANKII Anonymous (door biday) WAXAAN LEEYAHAY CIGAAL WU ISKA'TAGAYAAYE DHAWAAN EE MUSTAQBALKA DALKA FIROO GAR'RA HANU U YEELANO.WAR FIKRADA'AH HABAR'AWAL BA U TASHATAY ISAAQA INTIISA KALE MAQABO;ISSAQ BA U TASHADAY HABAR AWALNA SIDO KALE MA QABO.ANIGU NIN HABAR AWALA BAAN-AHAY .NIMAN TOLAH BAYNUNAHAY EE DELQAFKU MAWANAGSANA.TAARIKH SNM IYO TII KA HORAYSAYBA WAXBA KU NOQONMAAYO EE WAXAAN LEE YAHAY NACAYBKAAD AFUUFAYSIIN KA WAAN TOOBA.MAMULKA CIIGAL KUMA QANACSANI DAAL-DALOOLA BADAN WU LEEYA HAY.WAXAAN DOORBIDAYA IN 'AAN WAX WALBA GUDAHEENA KU FALANQAYNO.YAANA LA BURBURIN WAX YAALAHA U QABSOOMAY DAADKEENA BARI IYO GALBEEDBA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARFA

Saturday, October 28, 2000 - 05:38 pm
WAR WAX MAAN IDIIN SHEEGA!!!!!
WAR DAD WAX SALUUGAY WAY JIRAAN EE SALFUDAYKA HA LA ISKADHAAFO.CIID KA HOR ISTAAGI KARTA GARXAJIS XAQGIISA MAJIRTO...EE INAGA DHAFA HADALADAN JILICDASAN .SOMALILAND WAA DALKEENI BURCANA WAA LAGA-GA DHAWAAQAY!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nin wax garad ah

Sunday, October 29, 2000 - 04:52 am
maanta somaliland habr awal mooyaan cid kale oo wax dan ah ku qabta ma jirto nabada yar ayay dadku moodaan dowlad ahaan,ina cigaalna barbara iyo shieks oo aay laba xaba oo ciise muuse dagaan ayo gobol ka dhigay bal taa ka warama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, October 29, 2000 - 05:41 am
Nimankii Xamar tegay waxay tol bideen inay Isaaq iska horkeenaan, laakiin sheekadaasu socon mayso, ee idinka ayaa xamar danihiina u tegay sheeko kale keena. Garxajis dagaal ayaad geliseen, waadna iska yaacdeen, xitaa miyaan odhan, bal dadkii dagaalka aynu gelinay aan soo eegno. Waa la idinka ilbaxay. Idinka ayaa libaaxyo iska dhegay, Djabuutina tegay, ee awooddii aad sheegateen. Keena Kaat borhaanakum. Somaliland Habar awal, ma ah waxa ku ahaya dawladnimada. Ha khaldamina. Garxajis ayaa ugu badan, waxa dhisaya Somaliland, faa´iidana ugu jirtaa. Markaas anigu, waxaan u arkaan, anigoo ah nin ciidagale ah, waali iyo wareer inuu idin hayo. Niman daad qaaday inaad tihiin, doonayna collaad aan jirin inay abuuraan. Maanta iyo beri haddii aad habar awal= Subeer awl haysaan, na mari mayso, guusha aanu leenahayna, iyaga hana siinina, waa mid aanu wada leenahay. Waa mid aanu wadaagno, anaga iyo dhammaan reer Somaliland.
Xunka dabada idinka soo wada, ayaa ii muuqda ee habar awal ee ma muuqan karto, waa tolkey, waa garabkay, waa dal wadaagahay, waa jaarkay, waa lafta igu xigta ee haddii aan jabo la igu kabyo. Cadow kale raadso.
Waxaan qabaan, run ahaantii in aadan ahayn Somaliland, laakiin aad doonayso rabshad meeshaas ka dhacdo. Runtii haddii aan kuu sheego, way ka gudbeen meesha aad ka deydeyso.
Dagaalka ka oogan Xamar soo qabooji.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, October 29, 2000 - 07:43 am
to saciid garxejis anigu waxaan maqlay saaxiib
markii isaaqu dagaalka kula jiray dawladdii siyaad
in askartii dawladdu aad u farxi jireen marka loo
diro dhinaca garxejiska marka laga reebo kuwa
dega bari, marka loo diro dhinaca habarjeclo iyo
garxejiska barina ay oran jireen maanta waa jira-
nahay sxb sheekadan waxaan ka maqlay askartii isak
la dagaalameysay aan su,aal ku waydiiyee saaxiib
arrintaas ma jirtaa mise waa been.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garxajiis

Sunday, October 29, 2000 - 12:29 pm
This is for all Garxajiis , it,s time to stop talking ,and take action . I believe it,s not our interest supporting the Habarwal goverment who is stealing our resourcess inorder to control the masses. They have so much hate for our people ,and we must do something very soon.All I have to say to Habarcjello cousins please next time stay away from the war or I am sure you already figure out that you yourself are a victim so join us.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somalilander

Wednesday, March 28, 2001 - 03:05 am
if your somalilander.i doubt that .but here is my message som land is super power to you guys. and nothing can stop it. so instead mind your biz and build your ruined house and shout the f::::::::k
faqaash there is no room 4 u in our heart

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.