site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yaa doonaaya qaranimo Somaliyeed .

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): Yaa doonaaya qaranimo Somaliyeed .
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasin

Saturday, October 28, 2000 - 02:39 pm
Walaalayaal waxaan doonayaa in aan ogaado ninka raba Somaliya in ay soo ceshato sharafteedii qaranimo oo ay dunida ku lahayd iyo ninka ka soo hor jeeda ee doonaaya Somaliya in loo qeeybiyo Imaarado qabiil ku salaysan oo midba mida kale uu ka didaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 28, 2000 - 05:28 pm
Walaal haddii aan kuu sheego su'aashaadu waa mid aad iyo aad u adag waxaanse anigu ugu jawaabayaa

Soomaaliya ninkii doonayay qaranimadeeda waa uu aasan yahay.

Kaddib burburkii dagaaladii qabiilka hawiyuhu ku qaadeen soomaaliya dhamaan oo ey diirteen anagu ma aanu oran karno hawiyuhu waa dad doonaya qaranimo ee waxaanu oran karnaa waa dad doonaya wax walba oo dalka yaala iney diirtaan,Sidaa daraadeed anagu haddaaanu nahay dadka Daaroodka ah waxaa yaab nala ah in Hawiyihii sidii waxashnimada ´lahaa u dhaqmayay ayaa maanta doonaya in shacab dambe oo ey diirtaan doonaya ? Anagu waxaa ey nala tahay Aaminaad iney Dhimatay ( Lakum Diinakum Waliya Diin) Waa aayad qur'aan ah Soomaaliya Nin walba Gobolkiisa oo ha inaga Dhexeyso Central Goverment
oo shantii sanaba Gobol Ha noqdo madax weyne.sida
Shaati guduud iyo moorgan ey isku raaceen. Walaal ragaa ayaa doonaya Qaranimo ee ha filin laf jabtay iney sideedii noqoto adaa beeray jaceylka ....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharmaake

Saturday, October 28, 2000 - 07:17 pm
adaabeeray jacalka hadana baabinaayeey,waan ku raacsanahay walaalkeega kor ku xusan hanaga shexayso oo keliya diinta ayaan anigu oran lahaa,aniga ma doonayo inaan iraa hebel iyo reer hebel lakiin ninkii soomali meeshay taalo dhigay wuu is yaqaan,ee gobol walbaaba ha isku tashto wixii isla noolaankarana ha isla noolaadeen lakiin somaalidii aan qabiilka lahayn ee dariska wada ahaan jirtay way dhamaatay aniga kula hadlaaya xamar ayaan ku dhashay inaan mardanbe arki doonana u maleenmayo,ninkii reerkayaga ah oo xamar tagana aniga qaniis wax iima dhaamo,kii lagu dilana u maleeyn maayo inaan ka naxayo sababtoo ah dadka degan wuu yaqaan iyo wax sameeyaan marka soomalinimo way dhamaatay ee dadka been ha u sheegina,adaabeeray jacalka hadana baabinaayeey,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasin

Sunday, October 29, 2000 - 04:16 am
walaalayaal su'aashayda aad baad ugu talax tagteen bal intaanan wax ka oran jawaabtii aad ka bixiseen su'aashayda aan idiin sheego horta cida aan ahay anigu hawiye ma ihi daroodna ma ihi ee waxaan ahay nin deegaankiisu uu xamar yahay ama reer xamar asal ahaan waxaan ka soo jeeda xadramuut waxaan ahay nin isha ku haaya caalamka islaamka gaar ahaan somaaliya oo markasta jecel in wanaag la gaaro. Aan u soo laabto jawaabtii aad bixiseen marka ugu horeeysa Illahay qur'aankiisa kariimka wuxuu ku yiri (RAXMADAYDA HA KA QUUSANINA) run ahaantii dhib wuu dhacay iyo burbur haddii la sii raacraacana waa uun waqti dhumis, reer waqooyigu waxay yiraahdaan dawladii hore ayaa na burburisay sidaas awgeed waan goosanaynaa Darood wuxuu yiri hawiye ayaa dalkii burburiyay hawiyihii wuxuu yiri dawladdii Maxamed Siyaad Bare ayaa dhib noo geeysatay oo xumaan qabiil nagu beertay markaa waxaasi waa mindi mindi ku taag waqtiga iyo maslaxada guud yeey ku lumin. yaan la moodin imaarad imaarad in loo kala go'o in ay maslaxad ku jurto no absolutely haddii ay taa dhacdo waxaan shaki ku jirin in wadamo shisheeye ay kacanta ku dhigi doonaan qabaa'ilkaas iyo dhulkooda aduunyadana wax aqoonsan doono kala go'go somali majiri doono adinkana iska illaawa dalkiin in aad si xor ah ugu noolaataan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.